Soomaaliya oo sanadkii sedexaad hogaanka u hayso wadamada guuldaraystay.

Nairobi (Alshahid)-Wadanka Soomaaliya ayaa hogaanka u haya wadamada lagu tilmaamo in ay yihiin kuwo guul daraystay sanadii sedexaad ee taxana ah sida lagu sheegay warbixin ay shalay soo daabacday jariidada amaanka iyo siyaasada dibada.

Joornaalka amaanka iyo siyaasada dibada ayaa soo saaray celmii baaris ay ku sameeyeen 177 wadan oo katirsan caalamka ayna ku ogaanayeen wadamada ugu wanaagsan. Arimaha ay eegayeen khubarada  baaritaanka samaynaysay ayaa waxaa kamid ah heerka uu gaarsanyahay dhaqaalaha wadanka, amaanka, ilaalinta xuquuqda aadamaha iyo waliba arimaha la xiriira  qaxootiga.

Soomaaliya oo aanan lahayn  dowlad dalka oo dhan wada xukunta tan iyo sanadii 1991 xiligaas oo ay jabhado hubaysay xilka ka qaadeen madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ayaa waxa ay hada ku jirtaa xaalad dagaal oo adag.

Wadanka intiisa badan waxa uu gacanta ugu jiraa xoogag ku kacsan dowladda KMG ee ay taageeraan wadamada reer galbeedka iyo ciidamada AMISOM, xoogagaasi oo wacad ku maray in ay dalka oo dhan la wareegayaan.

Dowladda KMG ma lahan ilo dhaqaalo oo saas u buuran waxaana ay danta ku kaliftaa in mushaaharaadka mas’uuliyiinteeda iyo shaqaalaheeda ay u doonato wadamada deeqda bixiya iyo hay’adaha Qaramada Midobay.

Dhinaca baddaha Soomaaliya waxaa ka dilaacay dhibaato baaxad leh oo ay geystaan rag Soomaaliyeed oo lagu tilmaamo in ay yihiin Burcad badeed balse ay cadahay in falalkooda ay ka dhasheen gaajada iyo dakhli la’aanta haysta waxa ayna afduub joogta ah u gaystaan maraakiibta xamuulka ah ee ka goosha biyaha u dhow xeebaha dalka Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa waxaa ka barakacay dad gaaraya ilaa hal iyo bar milyan oo ruux kuwaasi oo ka cararay dagaalada ka soconaya caasimada Muqdisho tan iyo horaantii 2007.

Marka la isku wada aruuriyo  intaas oo dhibaato ah ayaa Soomaaliya waxa ay noqonaysaa dalka u khatarta badan eek u yaala duniga korkeeda.

Dhinaca kale warbixinta ayaa lagu sheegay in Qaarada Afrika ay kuyaalaan 7 kamid ah 10ka wadan ee laku tilmaamay in ay yihiin kuwa guuldaraystay isla markaasna kala bar 60ka wadan ee aduunka u dhaciifsan.

3da wadan ee la isku yiraahdo Nordic nations  waa  Norway, Finland iyo Sweden ayaa qaatay 3da kaalin ee ugu horaysa laguna tilmaamay in ay yihiin wadamada aduunka u xasiloon uguna noolasha wanaagsan,

Wadamada ayaa sidatan look ala hor mariyay iyada oo loogu horeysiiyay wadanka ugu sareeya guul darada.

1. Somalia

2. Chad

3. Sudan

4. Zimbabwe

5. DR Congo

173. Ireland

174. Switzerland

175. Sweden

176. Finland

177. Norway

Xogta: ALSHAHID

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>