Addis Ababa (Alshahid)-Waxaa shalay lagu soo gaba gabeeyay caasimada Addis Ababa kullan 2 maalmood ahaa oo sida deg deg ah ay isugu yimaadeen madaxda 6 wadan ee hada kujirta urur goboleedka IGAD.
Kullankan oo ahaa kii 15aad ee si aan caadi ahayn isugu yimaadaan madaxda IGAD ayaa waxaa looga hadlayay xaaladda khatarta ah ee ay Soomaaliya ku jirto halkaasi oo ay dowladda KMG ee ay taageeraan IGAD iyo beesha caalamka ay qarka u saarantahay in ay gacanta u gasho kooxo mucaarad ku ah.
Gaba gabadii kullanka ayaa waxaa lasoo saaray war murtiyeed kaasi oo looga hadlay arrimo dhowr ah.
War murtiyeed kasoo baxay kullanka oo uu saxaafada u aqriyay wasiirka arrimaha dibada ee Ethiopia ahna gudoomiyaha shirka wasiirada IGAD; Seyoum Mesfin, ayaa waxaa looga codsaday Qaramada Midobay in ay ciidamada AMISOM ka dhigto kuwo iyada hoos taga howshaasina lagu fuliyo si dhaqso leh, in la buuxiyo tiradadii ciidan ee loo balan qaaday Soomaaliya laguna darro 2,000 ee ka dhiman iyo in wadamada Afrikan ah ay iska kaashadaan kharashaadka ku baxaya daabulida ciidamada cusub.
Sidoo kale guddiga fulinta ee IGAD ayaa loogu baaqay mudo 15 cisho gudaheeda ah ay ku dar dar galiyaan howlaha xafiiska IGAD ee Muqdisho si ay ugu suurta gasho isku duba ridka howlaha lagu taageerayo dowladda KMG ee Soomaaliya.
Wadamada kullanka kasoo qayb galay ayaa isku raacay in beesha caalamka lagu cadaadiyo in ay dhisto ciidamo nabad ilaalin ah oo Soomaaliya ka howl gala tiradooduna ay gaarayso 20,000 oo askari.
Sidoo kale waxaa la isla meel dhigay in la tayeeyo ciidamada ay leedahay dowladda KMG oo la siiyo tababar iyo saanad military oo ku filan.
Madaxdii kullanka ka hadashay ayaa ugu baaqday dowladda KMG in ay muujiso midnimo iyo isku duubnaan si ay uga gudubto xiliga adage e ay ku jirto.
Madaxweynaha Kenya; Mwai Kibaki oo kullanka ka hadlay ayaa sheegay in loo baahanyahay in arrinta Soomaaliya uu caalamka iska kaashado maadaama dhibka dalka Soomaaliya ka jira uu saameyn dhinac waliba ah uu ku leeyahay caalamka.
Kullanka ayaa waxaa shir gudoominayay Raiisal wasaaraha Ethiopia; Meles Zanawi waxaana kasoo qayb galay, Madaxweynaha dowladda KMG; Sheekh Sharif Sheekh Axmed, Madaxweynaha Jabuuti; Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Sudan; Cumar Xassan Al-bashir , Madaxweynaha Kenya; Mwai Kibaki iyo Yuweri Kaguto Museveni oo ah Madaxweynaha Uganda.