Brazil oo ka daba tagtay Talyaaniga, France iyo Britain.

Nairobi (Alshahid)-Kooxda kubada Cagta ee Brazil ayaa galabta ka daba tagtay kooxaha aanan nasiibka u yeelan iin ay gaaraan finalka koobka kubada cagta ee aduunka kaasi oo ka socda dalka Koonfur Afrika.

Brazil oo la islahaa maanta way soo bixi ayaa waxaa 2-1 afka ciida u daray xilka dalka Holland sidaasna waxaa ku soo dhamaaday rajadii laga qabay in Brazil ay sabadkaani koobka ku tagto.

Goolka koobaad ayaa waxaa Brazil daqiiqadii 10aad u dhaliyay ciyaariyahanka Robinho kaasi oo shabaqa ku hubsaday baas dheer oo uu usoo dhigay Luis Fabiano.

Xulka Holland ma aysna mural dilaacin oo waxa ay kordhiyeen cadaadiska ay ku hayaan goolka Brazil, waxaana qaybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay 1-0.

Qaybtii labaad markii la isugu soo laabtay ayaa waxaa sii kordhay weerarkii ku socday goolka Brazil waxaana daqiiqadii 53aad ayaa banooni meel dheer uu kasoo tuuray Wesley Sneijder uu si khalad goolka Brazil ugu aadiyay Felipe Melo.

Holland ayaa u muuqatay in ay niyada ku haayeen guul ay ka gaaraan ciyaarta waxaana daqiiqadii 68aad uu gool madaxa lagu dhaliyay Holland u saxiixay isla Wesley Sneijder, taasina waxa ay waa baryay ku noqotay kooxda Brazil oo ciyaar ahaan laga awood roobaa.

Xaalka ayaa faraha ka baxay kadib markii Felipe Melo, karaka cas loo taagay taasi oo ka dhalatay khalad fool xun oo uu kula kacay ciyaariyahan reer Holland ah.

Ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-1, waxaana halkaasi ku haray Brazil oo ka daba tagtay saaxiibadeed, France, Italy, Britain iyo Portugal .

Xogta: ALSHAHID

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>