Xiriirka caalamiga ah ee maamula kubada cagta FIFA ayaa qiratay walaaca ay ka qabto kubadda Jabulani oo aad looga sheegtay laakiin waxay sheegeen in aan iminka arintaasi laga wada hadli doonin balse la iskaga soo geed fariisan doono wixii ka dambeeya dhamaadka koobka aduunka.
Laacibiinta kooxaha ka qaygalay koobka aduunka ayaa si wayn u dhaliilay kubadda Jabulani kuwaas oo ay ka mid ahaayeen goolwalayaasha Brazil iyo Talyaaniga Gigi Buffon iyo Julio Cesar sida ay u kala horeeyaan, sidoo kale weeraryahanka Talyaaniga ee Gianpaolo Pazzini ayaa ku tilmaamay “Musiibo“.
Balse dhawaqyadaas ayaa u muuqda kuwa aan ku dhicin dhego oowdan maadaama uu xoghayaha guud ee FIFA Jerome Valcke uu ka dhawaajiyay in cabashooyinkaasi ay raad ku reebeen oo ay iminka ka baaraan degayaan wixii laga yeeli lahaa waloow aanay taasi imanin waqtigii ku haboonaa.
“Ma ihin dhagoollo. FIFA-na maaha dad aan ka jawaabeynin wixii kubadan laga yiri“ ayuu yiri Valcke oo ku daray “Waxaa jira xeerar u degsan xajmiga kubadda….waxaana muhim ah inay tahay mid qaab ahaan sax ah“.
FIFA ayaa qorsheyneysa inay xaaladda kubadda Jabulani ay kala munaaqishooto Tababarayaasha iyo kooxaha ka qaygalay kadib marka lasoo afmeero koobka aduunka.
Sharikadda Adidas oo farsameysa qalabka ciyaaraha isla markaana laga leeyahay dalka Jarmanka ayaa qandaraas kula jirtey FIFA si ay u sameeyso qalabka iyo kubadaha ay FIFA wax ku qabato tan iyo sanadii 1970-kii iyadoo uu qandaraaskaasi taxnaan doono ilaa 2014-ka.
Kubadda Jabulani ayaa qaab tijaabo ahaan ah mudo 6 bilood ah loogu ciyaarayay horyaalka Bundesliga-ha Jarmanka taasoo laga yaabo inay xulka Jarmanka ee Die deutsche ay ka saacido inuu xulalka kale uga dheereeyo xakameynta kubadan la xukumi la’yahay.
W: D: Maxamed Xaaji Xuseen Raage
B. Koronto:-maxaaji@hotmail.com
Gothenburg, Sweden