Ka qaybgalayaasha Serie A-da Talyaaniga oo halkii ugu sareeysey gaarey mudo 17 sano ah..!

Dadka xaadira garoomada Talyaaniga ee sida rasmiga ah u daawada ciyaaraha heerka 1-aad ee Talyaaniga ayaa recod-ka jebiyay xilli-ciyaareedkan markii ugu horeeysey mudo 17 sanadood ah, iyadoo ay Inter Milan noqotay kooxda ugu shacbiyadda badan.

Lega Calcio ayaa maanta soo saartay tirakoobyadii la sameeyey intii uu socday horyaalka iminka hamaansadey ee Talyaaniga oo ay kordheen dadka ka qaybgalay, iyadoo laga garan karo tigidhada la goostay oo gaarey 9,642,640  (sagaal milyan, lix boqol afartan iyo laba kun, iyo lix boqol iyo afartan qof), taasoo ka dhigan tiradii ugu badneyd ee abid la iibiyo marka laga soo tago xilli-ciyaareedkii 1992-93 oo ay tigidhada la iibiyay cagacageeyeen 9,977,878 tigidh.

Haddaba marka celcelis lagu sameeyo oo la isku shaandheeyo inta qof ee kasoo xaadirtay halkii kulanba waxay noqonaysaa 25,375 (shan iyo labaatan kun, sedex boqol todobaatan iyo shan) qofood garoonkiiba.

Kooxda Nerazzuri ayaana ah kooxda ay daawanayeen taageerayaasha ugu badan marka la celceliyo iyagoo gaaraya 55,597, halkii kulanba, iyadoo ay soo raacdo kooxda Napoli oo ay u sacbinayeen 47,049, iyadoo ay AC Milan kaalinta 3-aad gashay iyadoo ay u sabreen  42,809,  AS Roma 40,925 iyo SS Lazio 36,515. Waxaase xusid mudan in sanadkan taageerayaal badan oo ku dhaarta kooxaha Juventus iyo AC Milan aanay garoomada Imanin iyagoo aan la dhicin bandhiga iyo maareynta maamul ee kooxohooda.

Si kastabase tiiyoo ay kordheen tigidhada la iibiyay ayaan misna taa loo tarjumi karaynin inuu kordhay kaashkii kooxaha Talyaanigu maadaama ay garoomada Talyaaniga oo dhan iska leeyihiin maamulka dowladda hoose oo boqolleey xoogan ku leh lacagta kasoo xarootta garoomada.

“waa aasaasi in naadiyadu yeeshaan garoomo ay maamulaan min biloow ilaa dhamaad, waxaana riixi doonaa in wax laga bedelo sharciyada lagu dhaqo ciyaaraha kubadda Cagta talyaaniga“ ayuu balanqaaday Maurizio Beretta oo ah gudoonka Lega Calcio Italiana oo ah waaxda maamusha horyaalka Talyaaniga.

Kooxda Juventus ayaa noqon doonta kooxdii ugu horeeysey ee Talyaani ah ee ku ciyaarta garoon ay leedahay iyadoo iminka la burburiyay baloogyo badan oo ka tirsan gegada Delle Alpi oo la casriyayn doono iyadoo loo bedeli doono sidii carwo (Circus)  shidan 7-da maalmood ee ee usbuuca kaasoo qaadi doona ilaa 40 kun oo taageere.

Halkan ka daawo naqshada cusub ee Garoonka Juve
http://www.youtube.com/watch?v=5_NRPJnn-NI&feature=player_embedded#!

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji Xuseen Raage

E-mail:- maxaaji@hotmail.com

Gothenburg, Sweden

Xogta: ALSHAHID

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>