Marcello Lippi ayaa sida cad door aktarnimo ka cayaaray koobkii aduunka ee 2006-dii laakiin 4 sanadood kadib wuxuu noqday kan la oran karo waa laadarka dalkiisa u qoonsaday inay ugu yaraan usoo gudbaan wareega 2-aad maxay tahay sababtu?
Maalin kasta ciid maaha wayse adkeyd in taa lagu qanciyo Marcello Lippi oo iska caleemo saartay waaweynka uu gabalkoodu dhacay ee koobka qaaday 2006-dii, sidoo kale inuu dhameeystiro howl markii horaba qabyo loo qoray ayaa waxay xitaa dadka ilowsiisey wixii uu horay u qabtay isla markaana waxay gaabis gelineysaa inuu Talyaanigu kasoo kabto xumeyda ku dhacday waqti xaadirkan.
Dadka qaar baa eeda saari kara goolkii dhinac baxa (offside) ahaa ee ay New Zealand kula soo asbaxday Talyaaniga ama calankii iska taagnaa mar kasta oo uu weerar yahay Fabio Quagliarella uu kubada ula dhowaado shabaqa Slovakia inay yihiin duruufaha diley dalkii koobka difaacan lahaa waayo go’aanadaas oo dhami waxay dhan ka ahaayeen Talyaaniga laakiin 15 daqiiqo oo aad indha geeriyaad leedahay oo aad kubad wanaagsan ciyaartaa ma dabooli karto bandhig xumadii timid 4-tii saacadood ee aad horay usoo ciyaartay.
Had iyo jeer ma sahlana in la difaacdo koobka aduunka, waxaana xaqiiqa in labadii sano ee uu xulku hoos imanayay taliskii Roberto Donadoni inuu uga daray waxaase ka daroo dibi dhal noqotay Marcello Lippi oo aan wax isbedel ah ku sameeynin awoowayaashii koobka u qaaday Talyaaniga 2006-dii waloow uu rag yar yar xulka kusoo darayna waxaa mar kasta lunsanaa miisaanka kooxda (team equilibrium) oo u muuqdey mid weerarka ka guban, wuxuuna iska sugey ilaa ay wax kastaahi si dabiici ah iskaga dhamaadaan maadaama uu xulka Azzuri saaray dayuurad ay dabeyli wado.
Waxa wax laga caroodo ahayd Talyaaniga oo baqti nooleynayay weerar yahano dansan sida Alberto Gilardino iyo Vincenzo Iaquinta ilaa ay safka soo galaan Andrea Pirlo iyo Quagriarella waana mar ay xeero iyo fandhaal kala dheceen oo guuli gacantooda ka baxday goorta uu Lippi gareystay in laacibka ugu mudnaa inuu safo uu ahaa laacibka Napoli oo labadii gool ee tacsida mid ku lahaa waase mar ay Talyaani xirteen billadii ceebta.
Run ahaan xitaa Hadii ay talyaanigu soo bixi lahaayeen makala cadeeyn sida ay ula macaamili lahaayeen muruqya weynta ay wajihi lahaayeen maadaama uu Lippi u muuqdey nin ku yabaaley qorsheynta qaabka loo kala safayo laacibiinta ay ka qasneyd ee uu watey waayo tiro ka dhowr jeer ayuu muujiyay inuu ordo uun marka lagu kala boxo cadkii loo dagaalamayay oo gool lagala hormaro ama xaal xumaado, waxayna Talyaanigu u muuqdeen sidii wax kujira xiisad tababar ah (Training sesion). waxaad arkaysaa laacib kulankii hore wacdaro dhigay oo kaydka kululeynaya iyo mid aan kubadba laadi karin oo maalin kasta safka 1-aad kujira taasoo ay dheereyd Lippi oo qaranka u ekeysiiyey wax ay saxaafaddu ku naaneystay “Little Juventus“ iyadoo la wada ogyahay calwasaadkii sanadkan Juve ka qabsaday gudaha iyo dibadda Talyaaniga.
Dhaawacyada gaarey laacibiinta Gianluigi Buffon iyo Andrea Pirlo ayaan sidoo kale caawinin qadiyada lagu khasaaray ee Lippi laakiin xitaa hadii ay joogi lahaayeen wax badan kameey bedeleen in Talyaanigu noqdo dalka ugu hooseeya guruub ka kooban Paraguay, Slovakia iyo New Zealand oo markii kor laga eego u muuqdey mid u fudud Talyaaniga oo u qalma in lagu tuuryeeyo yaanyadii aabayaashood lala dhacay markii ay sidan oo kale uga soo hareen koobkii aduunka 1966-dii.
Tababarihii hore ee kooxda Fiorentina Cesare Prandelli ayaa sida muuqata Lippi ka dhaxli doona xul dhaawacan oo kala dhantaalan laakiin maaha xul aan lagu sameeyn karin dib u dhis dhameystiran marka aad hoos u dhugato laacibiinta dhalinta yar ee uu iska indha tiray dhegahana ka fureystay Marcello Lippi oo uun muraayadihiisa araga tirtiray mar garoonka lagu kala baxay oo ay xaajo barraahdey.
Marka ay kabohooda waraan senatarrada iminka soo quustay oo ay ugu horreeyaan Cannavaro, Gattuso iyo Zamprotta ayaa waxaa Prandelli looga fadhiyaa inuu soo saaro raga yar yar oo fursad la siiyo taasoo ah istaraatijiyad uu aad ugu wanaagsan yahay Prandelli oo lagu naaneyso Arsenne Venger-ka Talyaaniga, markaasoo sida cad uu Talyaanigu mar kale soo laaban doono.
Talyaaniga ayaa sidan ku noqday xulkii 4-aad ee abid isagoo wata koobka aduunka guruubka soo dhaafi waaya waxaana calafka talyaanigu uu sidan oo kale noqday sanadii 1950-kii waloow markaas eeda la saarayay Talyaaniga oo uu wax badan u dhimay dagaalkii 2-aad ee aduunka, labada dal ee kale ayaa kala ah Brazil 1966-kii iyo Faransiiska 2002-dii guul uu dhaliyaba ha joogtee aan goolna ka dhalinin koobka aduunka.
Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji Xuseen Raage
Boosto Koronto;- maxaaji@hotmail.com
Gothenburg, Sweden