Gool dhaliyaha xulka Argentina iyo kooxda Inter Diego Milito ayaa ka dhawaajiyay inuu aaminsan yahay in Wayne Rooney oo weerarka uga ciyaara Ingiriiska iyo Man Utd uu yahay laacibka loogu buun buuniska badan yahay kubadda casrigan. Balse uu isagu qabo inuu xitaa shaki kujiro inuu ka mid yahay 20-ka laacib ee ugu wanaagsan caalamka.
Milito ayaa u sheegay wargayska the Daily Star Sunday ee kasoo baxa dalka Ingiriiska “Markii aanu maqallo qof Ingiriis ah ama qof kastoo kale oo kujira dunida kubada cagta oo Rooney barbardhigaya Messi, waanu ku maadsanaa“ ayuu yiri Milito.
Milito ayaase dhanka kale sheegay in Rooney uu yahay laacib aad u wanaagsan oo aanu taa shaki ku jirin balse in lala meel dhigo Messi ay tahay wax aan doodi ka furreeyn ee ay tahay fikrad uun khaldan. Isagoo sheegay inuu rumeysan yahay inay adagtahay in Messi oo kale uu xitaa kasoo boxo jiilalka iminka jooga iyo kuwa jidka kusoo jira oo hadii uu fariisto xitaa uu noqon doono cabqari waa kubadda qoor qooreystay oo qayrkii wax badan dhaama.
“Sidee marka loo barbardhigi karaa laacib kasta oo maanta ciyaara..? iskaba daa nin aan weligii ku guuleysanin xidigga ugu wanaagsan aduunka..? Milito ayaa sidoo kale qanaaca la’aan ka muujiyay in xitaa Messi la barbardhigo Kaka iyo Ronaldo. “taase waan fahmi karaa“ ayuu iskugu jawaabey. Isagoo daba dhigay “laakiin Rooney, Maya, maya, maya“.
Massi ayaa ku dooday in sidii uu horayba u sheegay uu Rooney yahay laacib aad u qiime badan, lagana yaabee inuu ka mid yahay 20-ka laacib ee ugu mudan aduunka “laakiin taasi aanay ka dhigeynin Messi, xitaa umana dhoweeyneyso“ ayuu kusoo afmeeray.
Dalalka Ingiriiska iyo Argentina ayaa waxaa dhex taalla colaad siyaasadeed oo salka ku haysa dagaalkii gasaa’irka Falkland Islands ee 82-kii kuwaas oo ka tirsan Argentina balse uu sheeganayay Ingiriisku taasoo isu bedeshey cillad isboorti oo labada dal dhex taalla waxaana afkiisa ku cadeeyey mucjizadii kubada cagta Diego Armanda Maradona oo koobkii aduunka ee 86-dii Mexico marti gelisey uu dalka Ingiriiska ka dhaliyay laba gool oo cajiib ahaa, mid wuu u wada gooyey midna kubadii ayuu gacan uga dhaliyay goolwale Peter Shilton isagoo sheegay inuu taa ugu aargudayay dadkii reer Argentine ee sida uu yiri uu Ingiriisku sidii ayixii ugu laayay dagaalkii Falkland Islands ee afar sanadood kahor markaa idlaaday.
W: D: Maxamed Xaaji Xuseen Raage
B. Koronto:-maxaaji@hotmail.com
Gothenburg, Sweden
Marka hore waa idin salaamayaa salaan kadib.
Warkaan ayaa ila noqday mid cajiib ah oo aan ka aqristay boga http://www.waayaha.net
ee walaalayal boga saara si dadka idinku taxan u sii aqristaan.
mahadsanidiin.
Muqdisho,(WNT):-Runtii Qormadaan ayaa jecleystay in aan u soo gudbiyo bulshada Soomaaliyeed ee sida aadka ah u aqrisata Webkaan.
Ugu Horeyn shaki kuma jiro in Ciidamada dowlada iyo Kuwa AMISOM isku garab siiyaan la dagaalanka xoogaga ka soo horjeeda ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.
Balse waxaa jira xiriiro aan wanaagsaneyn ee ka dhaxeeya ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM.
Tusaale marka uu dagaal ka dhaco deegaanada ciidamada dowlada ku sugan yihiin oo ay soo galaan kuwa AMISOM ma jiraan xiriir labadaasi ciidan ka dhaxeeya oo aan aheyn in xabada hal meel iskula ridaan.
Xitaa mararka qaar ayaa dhacda in marka dagaal dhaco oo goobtaasi soo galaan ciidamada AMISOM gabi ahaanba iska bixiyaan ciidamada dowlada.
Mid ka mid ah dadka ku dhaqan agagaarka degmada boondheere ayaa iiga shegeeysay arin aan aad ula yaabay isla markaana igu kaliftay in warbixintaan bulshada u soo gudbiyo.
“markii degmada boondheere weerar ku soo qaadeen ciidamada Xarakada Al-shabaab halkaasi waxaa ku sugnaa kuwa dowlada marnaba kuwa AMISOM ma aysan sameyn caawin ay galabtaasi siinayeen kuwa dowlada balse maalintii xigtay oo ay xooga ku dhawaadeen Madaxtooyada ayay soo baxeen kuwa AMISOM iyaga oo kuwa dowlada ku amray in aaga dib uga soo baxaan oo ay madaxtooyada iyo xaafadaha ka agdhaw ku laabtaan ayuu yiri.
Waxaa uu intaasi ku daray in Maalin kadib agagaarka degmada soo gaareen ciidamo dowlada ka tirsan oo lagu sheegay in tababar xoogan haystaan isla markaana la dagaal galeen kuwa AMISOM oo xiligaas aagaga kaga geeriyooday askari kana dhacay gaarigii uu saarnaa.
Ciidamada AMISOM ayay markaas u suurta gali wayday in ay soo qaataan askarigaasi iyaga oo maciin biday ciidamadii iska eryeen in meydka u soo qaadeen.
Markii ciidamada dowlada Askarigi dhintay u soo qaadeen ayay abaalmarin uga dhigeen rasaas badan taasina keentay in ciidamada dowlada durba suuqa gaystaan.
Dhacdooyinka dhanka dagaal galka ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa ah kuwo aad u farabadan.
“maalin maalmaha ka mid ah ciidamada dowlada oo ku sugan agagaarka degmada boondheere ayay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen xoogaga mucaaradka taasina keentay in ciidamo badan halkaasi dowlada looga dilo halka qaar kalena lagu dhaawaco iyada oo dhibkaasi qabsaday ciidamada dowlada ayaa hadana kuwa AMISOM oo ku sugnaa buurka boondheere waxaa ay soo rideen rasaas aan kala sooc laheyn oo ay ku ridayeen halkii dagaalku ku dhex marayay kuwa dowlada iyo xoogaga weerarka ku soo qaaday markaasi kadibna waxaa ay waxyeelo dhimasho iyo dhaawac ah ka soo gaartay ciidamadii dowlada”ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka.
Runtii ciidamada dowlada ayaa la sheegay in arintaasi si aad ah uga caroodeen balse aysan haysan awood ayay kaga jawaabi karaan maadaama awooda dowlada ku tiirsan tahay ay tahay ciidamada AMISOM.
Aqristayaal mar dhaw waxaan sidoo kale idiin soo gudbin doonaa waxyaabaha qarsoon oo ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada sameynayaan xiliyada ay dagaalka ku wada jiraan.
Xafiiska Wararka Waayaha.net,Muqdisho.