Taageerayaal dharaya ciyaar-dhamaadka koobka Horyaallada Yurub ayaa Magaalada Milano saf uga jira iyagoo u hanqal taagaya inay wax uun ka helaan 5,000 oo tigid oo ka haray tigidhadii loogu tala galay kooxda Nerrazuri oo sanadkan dooneyso inay iska hufto habaarkii mudo ka haystey koobka Horyaallada qaaradda Yurub.
Tigidhadan haraadiga ah ee iminka safka loogu jiro ayaan la iibin doonin ilaa iyo sabtida, iyadoo ay kooxda Inter la balansantahay kooxda Bayern Munich oo ay kula ciyaari doonto gegada wayn ee Santiago Bernabeu oo ku taalla magaalada Madrid 22-ka bishan aynu kujirro ee May.
Iibka tigidhada haray ayaa ooda laga rogi doonaa Sabtidan, goorta ay saacaddu abaarayso 11:00 gelinka hore xilliga maxalliga ah ee dalka talyaaniga, sidaa darteed bay taageerayaashu teendhooyin ka dhisteen banaanka halka lagu iibiyo tigidhada si aan looga dhameeysanin.
Dadka qaar baa safka horay uga jirey goobta tigidka oo ah wadada wayn ee Via Massaua ee magaalada Milaano taasoo daruuri ka dhigtay in maamulka dowladda hoose ay goobta ka amaamudaan musqulo nooca guur guura ah isla markaana keenaan howl wadeenno ka shaqeeya caafimaadka si loo dhowro saxada iyo faya dhowrka.
5-ta kun ee tigidh ee iminka haray ayaa loo sii kala saari doonaa 4,000 oo loo reebi doono taageerayaasha horay u iibsaday tigidhada xilli-ciyaareedka oo dhan iyo 1,000 lagu samirsiin doono xubnaha kujira isbahaysiga taageerayaasha kooxda Inter, iyadoo la raaci doono xeer gunti isku giijis ah oo halkii qofba la siin doono hal tigidh oo qura, tiiyoo ay dheer tahay in tigidhada lagu iibin doono oo qura qaab kaash ah isagoo qiime ahaana u dhexeyn doona 155 ilaa 225 Euro oo ah lacagta yurub.
Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji Xuseen Raage
E-mail:-Maxaaji@hotmail.com
Gothenburg, Sweden