Sida uu ka dhawaajiyay xoghayaha guud ee gudiga abaabulka koobka aduunka Dany Joordaan waxaa laga yaabaa in gebi ahaanba laga hor istaago garoomada dalka Koonfurta Afrika hadii cabashooyinku u muuqan waayaan kuwo meesha ka baxaya.
Laacibiinta, dadka jooga garoomada iyo kuwa ka daawanaya TV-yada ayaa horraanba ka sheegtay jabaqda ay sameeyaan buunka Vuvuzelaha oo ay ku tilmaameen mid uu sawaxankiisu nolosha ku adkeeyey oo u diidey inay si saaxi ah ugu raaxaystaan ciyaarista ama daawashada koobka aduunka.
Qayla dhaanta ay dadku ka muujinayaan Vuvuzelaha ayaa bilaabatay bartamihii sanadkii hore oo koobkii qaaradaha lagu dhigayay dalka Koonfurta Afrika markaas oo dad badan oo dalkaasi u dhashay ay warka u dhigeen sidii tiiyoo dood laga keenayo habkooda dhaqan dhaqaale maadaama buunkani caan ka yahay ciyaaraha maxalliga ah ee Koonfurta Afrika.
“Laga yaabee inaysan wanaagsaneyn inay sidan u ekaato, laakiin garoon kubadeed waa sidii suuq ay dad ka buuxaan oo kale kuwaasoo bixinaya awaamiir muhim ah taasoo ay wehliso dabcan firimbiga iyo hoobeyda taageerayaashu“ayuu yiri weeraryahanka xulka Talyaaniga Giampaolo Pazzini oo uu sheegay inuusan la dhicin vuvuzelaha.
Iminka ayay u muuqataa in gudiga abaabulka iyo xiriirka FIFA uu midkoodba waagu ku baryay taasoo khasab kaga dhigaysa inay joojiyaan vuvuzelaha si ay u ilaaliyaan danahooda ganacsi maadaama ay dadkii ka daawan lahaa TV-yada oo ah ganacsi balaayiin doolar u dhiiqa ay kasoo istaageen vuvuzelaha.
“Hadii ay yimaadaan sababo loo hakiyo waan mamnuucaynaa“ ayuu yiri Dany Joordaan oo ay warbaahintu hordhigtay su’aal ku saabsanayd waxa laga yeelayo buunka laga sheegtay, isagoo tiraabay in ay suura geliyeen in ugu yaraan la joojiyo waqtiyada astaanta qaranka iyo ogeysiisyada muhimka ah hadii loo baahdana ay joojin doonaan.
Joordaan ayaa intaa raaciyay inay adagtahay in arintan la wajaho oo laga jiba keeno laakiin ay dadaali doonaan maadaama ay iminka su’aashu isu bedeshey mid ganacsi oo TV-yadii ciyaaraha aduunka u duwayay caalamka intiisa kale ay doodi uga timi macaamiishooda.
W;D: Maxamed Xaaji Xuseen Raage
E-mail:-maxaaji@hotmail.com
Gothenburg, Sweden