Qarax bam ayaa caawa laga maqlay degmada Dharkeynley, gaar ahaan xaafadda Tabakaayo Madow, halkaas oo fariisin u ah ciidamadda dowladda KMG. Qaraxaan ayaa la sheegay inuu ka dhashay bam nooca gacanta laga tuuro ah oo lala beegsaday halka ay ciidamada dowladdu degganaayeen, iyagoo dhinacoodana rasaas furay qaraxa kaddib. Khasaaro horudhac ah oo goobahaas ka soo [...]