Shabakada Alshahid » Qoyska & Caruurta

Gabdhaheena iyo Sida ay u Fahansanyihiin Xiriirka
Xiriirka dhex mara labada jinsi ee uu ka koobanyahay bini aadamka ayaa la sheegaa inuu yahay xiriirka ugu fiican uguna dhibaatada badan waa haddii si xun loo adeegsado waana suno rabaani ah in labada jinsi xiriir qoto dheer dhexe maro sidoo kale nolosho ayaa ku dhisan sababtoo ah shey kasta waxaa laga abuuray labo jinsi si nolashu u dheeli tiranto haddaba fahamka guud ee xiriirka dhex mara laba jinsi waa lagu kala duwanyahay waxeyna ku xirantahay hadba dhaqanka bulsho kasta, sidaa darteed qoraalkan ayaan rabaa inaan ku lafa guro gabdhaheena soomaaliyeed qaabka ay u fahmaan xiriirka ama waayo aragnimadooda dhankaas laga soo bilaabo burburkii dowladii dhexe ee soomaaliya sababta aan saa u leeyahay waa iyadoo soomaaliya dhankasta ay ka burburtay waxaana shaqsiyan aaminsanahay in dhibaatooyinka Somalia la degay ay ka bilowdaan qowska.

Marka aan eegno sida culumadda nafsiga ay sheegan waxaa qof waliba muhiim u ah inuu ka tirsanaado koox oo waxa ay aaminsanyihiin inaysan shaqsi kaligii noolan Karin hadii ay taasi dhacdana qoftaas si wax ka yihiin sababtaa darteed ayay marka caruurta iskuulka bilaabayaan iskula fariisiyaan labo labo taasoo dhiiri galin u ah bilowga xiriirkooda xitaa marka homework loo dirayo ama shaqo guri waxaa la isku raaciyaa labo labo yacnii gabadh iyo wiil, Sidoo kale marka aad booqato dhaqtar nafsaani ah oo aad u sheegto dhibaatada ku heysata  su,aasha ugu horeysa oo uu ku weydiinaya waa saaxiib ma leedahay yacnii waxaad moodaa in culumada ku takhasusay nafsada ay aaminsanyihiin dhibaato waliba inay ka bilaabato kali ahaanta ama xiriir la,aanta dhinac kastaba ha noqotee saa darteed reer galbeedka aad bay u xushmeeyaan una ilaaliyaan arimaha bulshada iyo xiriirka dhex mara haweenka iyo ragga sidoo kale perception-kooda ama fahamkooda dhanka xiriirka dhex mara laba jinsi aad buu uga duwanyahay midkanaga.

Haddaba marka aan u soo degno bulshadeena soomaaliyeed oo runtii dhankasta ka burburtay waxaan dhihi karnaa burburka dhanka bulshada wuxuu qeyb weyn ka yahay ayaan darada dadkeena ku habsatay muddada rubuc qarniga ku sii dhow daraaso ay sameeysay urur bulsho oo ka howl gala gudaha soomaliya ayaa lagu cadeeyay in boqolkiiba 70% furiinka ka dhaca soomaliya ay sabab u tahay xiriir xumada dhex marta gabdhaha iyo wiilasha taasoo ay ururku sheegeen in caruur fara badan darbi jiifyo noqdeen kuwa kalena siyaabo kale loo adeegsado sida dagaalada, shaqooyinka addadag, iyadoo aysan jirin cid u dooda xuquuqdooda sidoo kale ururka ayaa sheegay inaysan jirin aqoon dhanka thaqaafada xiriirka  survey ay sameysana waxaa lagu ogaaday in gabdhaha boqolkiiba 60$ ay aaminsanyihin xiriirka inuu yahay xiriirka jinsiga ah halka ay wax ka yar boqolkiiba 20% ay aaminsanyihiin in arintu intaa ka qoto dheertahay .

Haddaba gabdhaheena ayaa ah kuwa ku liita ama aan wax badan ka fahansaneyn xiriirka dhex mara labada jinsi sababtoo ah waxa badanaa dhacda gabdho yar yar oo la guursado gabdho bilo gudahood lagu guursaday iyo waxyaabo badan oo aan mucjiso ku tilmaami karo sababtuna waxa weeye gabdhaheena oo arinta ka fiiriya dhanka dhaqaalaha iyo jinsiga arimahaas oo ah kuwa  hoose marka la dhisayo guri, muhiimada uu xiriirku leeyahayna waa in labada qof ay isku qanciyaan dhanka behaviorka ama dabeecada iyo waxyaaba ay qof waliba ka hesho yacnii labada qof inay isaka mid noqdaan ama isaka soo dhawaadan aragti ahaan masiirka noloshooda taasina waxa ay ku iman kartaa in la sameeyo xiriir qoto dheer oo arimahaa lagu lafo guraayo.

Dhanka kale gabadha waa udub dhexaadka qowska iyagaana looga baahanyahay inay xushaan ninka u qalma  fulinkarana baahida qowska taasina waxa ay ku imaan kartaa ka fiirsi dheer iyo xiriir qoto dheer oo ay la yeelato qofka ay rabto inay nolol la wadaagto maadaama ay tahay jinsiga ugu nugul uguna dhibaatada badan waa  hadii burbur dhaco

Ugu danbeyntii waxaan ku talinayaa in xooga la saaro dood cilmiyeedyo looga hadlaayo arimaha keena xiriir xumada dhex marta gabdhaheena iyo wiilasha iyo burburkan ku yimid qowsaska soomaliyeed  lana qabto orientations dhanka bulshada ah si loo yareeyo burburka ku habsaday bulshadeena sidoo kale gabdhaheena waxaa u haboonan laheyd inay si wacan u fahmaan xiriirka oo aysan fiirin waxyaabo yar sababto ah noloshu ma ahan taas oo kaliya

Xogta: ALSHAHID

Qoyska Adduunka ugu tirada badan! (Sawiro)
Meeqa wiil ama gabdhood ayaa kula dhalatay? Haddii su’aashaa lagu weydiiyo, waxaa laga yaabaa inaad ku jawaabtid, 3, ama 4, amaba 5 aad gaarsiiso.

Weligaa ma ku fekertay in qoyskaaga uu yahay kan dunida ugu tirada badan? Kollayba jawaabtaadu waa maya.

Haddaba weli ma maqashay qoyska reer Duggar? Waa qoyska ilaa iyo hadda lagu tilmaami karo inuu yahay qoyska dunida ugu tirada badan, wuxuu ka kooban yahay 18 carruur ah, aabbahood iyo iyo hooyadood.

Qoyska Duggar waa qoys jira, oo ma aha arrintooda sheeko ama qiso flim, aabbaha reerka Jim iyo maamada Michelle waxay is barteen 1980, 4 sano kaddibna way is guursadeen, wiilkooda curadka ah ayaa markiiba u dhashay, kaddib waxay go’aansadeen inay sameeyaan kala dheeraynta ilmaha (birth control),  balse nasiib wanaag haddana maamada waxay qaadday uur aysan qorshaysan, waxayna dhashay cunugoodii labaad.

Wixii markaa ka damabeeyay waxay dib u eegis ku sameeyeen qaabkii ay horey u go’aansadeen ee ahaa kala dheeraynta carruurta, waxayna markaan qaateen go’aan ah in ay Ilaah u daayaan inta carruur ah ee uu siinayo, waana midda keentay inay yeeshaan ilaa 18 carruur ah, 10 wiil iyo 8 gabdhood, welina maamada way is haysaa, waana laga yaabaa inay carruur kale dhasho.

Reer Duggar waa qoys qunyar socod ah oo isku tiirsan iskuna kalsoon, carruurtooda iyaga ayaa waxbarta, waxaa guriga u yaal telifishin iyo internet.

Kollayba inay carruurtooda si wanaagsan u korsadaan waxaa u saamaxay hantida ay haystaan, ee haddii ay aahaan lahaayeen dad aan waxba haysan, xaalku sidaan waa ka xumaan lahaa, waxaana xasuustaa in dalka Masar ay gabari mar dhashay ilaa 6 mataano ah hal mar, taasoo musiibo ay u arkeen qoyskii ay u dhalatay iyagoo ka welwelsanaa, halka ay wax ay ku quudiyaan uga keeni doonaan.

Aaabaha iyo Hooyada iyo cunuga ugu yar reerka

Guriga reerka

Kushiinka reerka

qolka dharka ee reerka.. armaajo waa laga tagay

mid ka mida qololka jiifka ee reerka

qaybta sharaabka ee kushiinka

qolka dharka lagu dhaqo

Xogta: ALSHAHID

Caruurta iyo goobaha kulanka Internedka
Dhawaan waxa aan akhriyay warbixin dheer oo joornaalka la yidhaa Newyork times uu ka qoray dhaliinyaro Soomaaliyeed oo mudooyinkii danbe ay wararku sheegayeen in ay ka guureen wadanka Maraykanka kuna noqdeen Soomaaliya si ay uga ag dagaalamaan ururka Al-Shabaab. Qayb wayn oo ka mida wararka uu joornaalkani soo bandhigay ee ku saabsan xogta dhaliinyaradan waxa uu -joornaalku- ka soo ururiyayay goobaha kulanka (Social network sites) ee ay dhaliinyaradaasi ku lahaayeen aalada internedka. Warbixinta joornaalkan waxa ku cad in shabakadahaasi ay ka mid ahaayeen shabakadaha fududeeyay xidhiidhka dhaliinyardan iyo ururka Al-shabaab. Sidoo kale waxa warbixintan ku cad in ay goobahaasi ahaayeen meelaha dhaliinyaradaas ku noqotay Soomaaliya ay kula soo xidhiidhi jireen asxaabtoodii ay kaga tageen qurbaha. Hadaba maxay yihiin goobahan kulanka internedku? Intee ayay faa’idadooda le’egtahay? Sidaas oo kale Khatartooduse intay le’egtahay?. Maqaalkan waxa aan kaga jawaabi doonaa su’aalahaas. Sidoo kale maqaalkan waxa aan ku soo gudbin doonaa talooyin muhiim ah oo ku saabsan goobahan kuwaas oo aan rajaynayno in ay waalidka Soomaaliyeed ka faa’idaysan doonaan.

Maxay yihiin goobaha Kulanka internedku

Goobaha kulanka ee internedku waa meelo ay dadku isku bartaan, ku sheekaystaan isla markaana ay macluumaadka ku saabsan noloshooda isku dhaafsadaan. Waa goobo isticmaalkoodu uu mudooyinkan danbe aad u sii badanyo. Tusaale ahaan shabakada la yidhaa Facebook waxa ka diwaan gashan in ka badan 250 million xisaabood (account). Sidoo kale shabakada la yidhaa Myspace waxa iyana ka diwaan gashan 263 million[1] xisaabood. Ubadka yaryar iyo dhaliinyarada soo koraysa ayaa ugu badan dadka isticmaala goobahan. Afti aan ka qaadanay caruur Soomaaliyeed oo da’doodu u dhaxayso 10-14 waxa ka soo baxay in 70% caruurtaasi ay isticmaalaan qaar ka mida goobahan. Facebook, Twitter, Myspace iyo Window Live ayaa ka mida goobaha kulanka ee internedka.

Faa’idooyinka Iyo Khatarta goobahan

Faa’idooyinka goobahan waxaa ka mida in ay xoojiyaan xidhiidhka uu qofku la leeyahay saaxiibadiis iyo qaraabadiisa. Sidoo kale waxa ay fududeeyeen is dhaafsiga macluumaadka. Waxa kale oo ay door ka qaataan in ay si fudud ugu xidhiidhaan dad badan oo ay hiwaayadi ka dhaxayso kuwaas oo aduunka kaga kala nool meelo kala duwan. Faa’idooyinkaas oo dhan waxa uu qofku helayaa isaga oo aan aqalkiisa dhaafin. Waxa uu qofku u baahanyahay oo kaliya waa Kombuyuutar ku xidhan aalada internedka.

Faai’idooyinkaas ka sakow waxa jirta in ay goobahani iyana khatartooda leeyihiin, khaastana ubadka soo koraya. Meelahani, waa meelo ay ka ugaadhsadaan dhamaanba inta xumaanta rabtaa. Kuwa ciyaalka faraxumeeya, kuwa daroogada iibiya, kuwa jidhkooda ka baayacmushtara, gangska iyo dhamaanba kuwa la midka ahi waa meelo ay ka ugaadhsadaan. Hadii uu qofku shabakadahan ku qoro macluumaadkiisa dhabta ah(sida magaciisa, ciwaankiisa, da’adiisa,telfoonkiisa) waxa ay mararka qaarkood sabab u noqon kartaa in tuugta interdenku ay macluumaadkaas u sticmaalaan si aan sax ahayn taas oo saamayn wayn ku yeelata nolasha qofkii macluumaadkaas iska lahaa.

Goobahani waxa kale oo ay noqdeen meelo dad badan oo aan fahan durugsan u lahayn diinta islaamku ay kula xidhiidhaan dadka aan cilmiga baalaadhan u lahayn diintooda, khaasatana da’yarta soo koraysa. Arinkani waxa ay khatrtiisu sii xoogsanaysaa waqtigan lagu jiro oo dhaliinyarada Soomaaliyeed ay hadafka u noqdeen ururadaas.

Talooyin

Khatartaas aan soo sheegay darteed waa in shabakadahan si taxader ku jiro loo isticmaalo. Waalidka Soomaaliyeed waxa aan u soo jeedinaynaa talooyinkan hoose oo hadii la qaato aan is leenahay waxa ay yaryn kartaa khatarta ka iman karta shabakadahan :

Waalidku waa in uu Kordhiyo macluumaadkiisa ku saabsan goobahan kulanka interendka. Hadii uu waalidku jaahil ka yahay khatarta ay leeyihiin goobahanina way adakaan in uu ubadkiisa uga digo dhibta uga iman karta shabakadahan.

Caruurta ay dadoodi ka yartahay 13’ka sharcigu uma ogola in ay xubin ka noqodaan goobahan. Laakiin ciyaalku da’adooda been ayay ka sheegaan taas oo keenta in aad aragto ilmo 9 sano jira oo si uu goobahan uga mid noqdo sheeganaya da aad uga wayn da’diisa. Sidaa darteed waa in uu waalidku u sheego ciyaalkiisa in aanay shabakadahan ka mid noqonin hadii aanu sharcigu u ogolayn. Marka uu sharcigu u ogolyahayna waa in aanu ilmuhu da’adiisa been ka sheegin si aanay xidhiidh ula soo samaynin dad aad uga waawayni.

Goobahani waa goobo cid kasta u furan sidaa darteed waa in waalidku uu ubadkiisa ku adkeeyaa in aanay macluumaadka khaaska ah sida ciwaankooda, iskuulkooda, tilifoonadooda iwm aanay ku soo dhajin meelahaas.

Sawirada meelahaas lagu dhajiyo waxa dhici karta in ay ku dhacaan gacan aan aamin ahayn. Sidaa darteed waalidku waa in uu caruurtiisa ku baraarujiyo in aanay shabakadahan ku dhajin sawiro hadii si xun loo isticmaalo ay hadhow iska qoomamayn doonaan. Si khaas ah waa in arinkan gabdhaha loogu baraarujiyo.

Waalidku waa in uu ubadkiisa ku baraarujiyo in aanay shabakadan kula saaxiibin cid aanay iska hubin cida ay yihiin. Internedka waxa ku badan dadka beenta naftooda ka sheega. Qof kasta oo aad kula kulanto netka lama qaato warka uu kuu sheego. Dadbadan oo aaladan lagu bartaa marar badan ma aha cida ay kuu sheegayaan in ay yihiin.

Waa in uu waalidku ka warhayaa dadka ay ubadkiisu aaladan kula saaxiibayaan.

Gabagabda maqaalkan, ma soo jeedinayno in caruurta laga mamnuuco goobahan, laakiin waxa aan soo jeedinaynaa in ubadka lala socdo qaabka ay u isticmaalayaan goloyaashan. Sidoo kale waxa aan soo jeedinaynaa in aanu waalidku marna ogolaan in caruurta ay da’doodu ka yartahay 13 ay xubno ka noqdaan golayaashan. Hadii ay hore uga noqdeena waa in uu xisaabtooda ka tirtiraa goloyaashan.

Xogta: ALSHAHID

This post was submitted by Siciid Cali Axmed.