Shabakada Alshahid » Maqaallada

Maxay Soomaalida ugu hayaan Turkiya qaddarin iyo xushmad?
Soomaaliya wexeey ka cabaneysay labaatankii sano ee lasoo dhaafay halaag iyo dhibaato iyo dhacdooyin waaweyn oo aheyd inuu baurburay nidaamkii iyo qaanuunkii, iyo dhibaatooyin isugu jira mid dabiici ah iyo mid ay sameysteen dadku oo ay ka mid yihiin qax, burcadbadeed iyo maleeshiyo hubeysan in ay burburiso qarannimadii oo ay burburiso rajadii iyo jiritaankii ummadda soomaaliyeed ayna dhaawacdo sharaftii wadaninimo.

Waxaa fashilmay dhamaan isku daygii lagu xalin lahaa soamaaliya oo ay hormuud u ahaayeen dowlado shisheeye kuwaasoo iska indha tiri jiray xaqa shacabka ay u leeyihiin xornimada iyo midnimada iyo aaya katalinta.

Sanadkii aanusoo dhaafnay arimaha faraha bay ka baxday markii wadanka ku habsatay abaaro ba,an oo aheyd tii ugu xumeyd tan iyo 60 sano oo khatar galisay 750,000 qof in ey u dhintaan gaajo darted.

Dhibaatadaa foosha xun waxay kicisay damiirka caalamka oo ay muujisay beesha caalamka sida uu isgugu gargaaro markey dhibaato meel qabsata. Waxaa kusoo qulqulay waddanka wakaalado samafal iyo hay,ado gargaar oo badankooda raacsanaa UN inkastoo ay kala kulmaayeen handadaad dhalinyarta hubeysan ee Alshabaab oo is hortaagay in mucaawinooyinka lagu qeybiyo gobolada ay heystaan.

Balse waxaa xusid mudan dhega nuglaanta Turkiya iyo dadaalka ay u gashay caawinta shacabka Soomaaliyeen oo mid loo dhigo aan laheyn, taasoo ka tarjumesay garab istaageeda bulshada soomaaliyeen waqtiyada ugu dhibka badan, iyadoo dhag jalaq u siinin warka ah in soomaaliya uu yahay waddan khatar ah oo aan la tagi Karin. Waxay Turkiya timid Soomaaliya iyadoo ku matalan ninka ugu sareeyo xukunka Rajab Dayib Ardugaan kaasoo kasoo degay Muqdisho 19- bishii august sanadkii hore isagoo ay la socdaan xaaskiisa iyo wafdi balaaran oo golihiisa wasiiro iyo xildhibaanno ka kooban si ay ugu muujiyaan garab istaagooda shacabka soomaaliyeed iyo in aysan kaligood eheeyn ee walaalo leeyihiin iyadoon wax garab qabta aysan jirin 20-kii sano ee dhibaatada ka jirtay wadanka.

Shacabka Soomaaliyeed wuu qadariyay geesinimada iyo waxqabadka walaalohood Turkiya markey waayeen wax ey ugu abaal gudaan ayay kumanaan kun caruur la dhalay waxaa loogu magacdaray Ardogan, gabdhahana Istanbuul. Waxaa kaloo ku dayday dowlado iyo shaqsiyaad caalami ah sida Amiir Waliid bin Dalaal iyo xaaskiisa iyo waziirka arimaha dibada Iiraan Cali Akbar Saalixi.

Wuxuu ahaa ra,isu wasaaraha Turkiya Rajab Dayib Ardogan ninka kaliya ee istaagay xarunta qaramada midoobay oo u sharxay beesha caalamka in soomaaliya ay u baahantahay gargaar iyo in ay iska saaraan masuuliyad sidii wax loogu qaban lahaa.

Labadaas ficil uu sameeyay ardugaan kaliya ayaa ku filan in uusan ka tirtirmid qalbiga dadweenaha Soomaaliyeed, waxayna ku tusaysaa miisaanka wadanka Turkiya ay ku leedahay waddamada Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika iyo wadamada islaamka ah.

Sidoo kale shacabka turkiya wuxuu uruuriyay lacago oo ugu gargaarayo shacabka soomaaliyeed oo ay gaareeyso 280 malyan oo doolar si ey soomaaliya uga samata baxdo dhibaatada ku habsatay.

Turkiya waxay kaloo ugu kaalmaysay soomaaliya in ay ka taakuleyso dhanka caafimaadka iyo waxbarashada iyo gaadiidka iyo mu,asasaatka dowladda ay dhisto, iyadoo taakuleynta wadamada reer galbeedka ay ku ekeed dhanka hubka iyo saanada milatari oo ay kula dagaalanto dowladda kuwa kasoo horjeedo balse taakuleynta Turkiya waxay ahayd mid kulmisay dhan walbo oo bulshada ay ku nooshahay iyo mashaariicda abuureyso shaqada iyo xasilinta caasimadda Muqdisho.

Sidoo kale waxaa booqasho ku yimid muqdisho dhawaan kuxigeenka ra’iisu wasaaraha Turkiya si uu xarigga uga jaro dib u dhiska iyo ballaarinta garoonka caalamiga ee Muqdisho (Adaan Cade) iyo mashaariic kale.

Waxaa ka mid ah mashaariicda ay ballanqaadday turkiya, kobcinta beeraha iyo xoolaha iyo qodidda ceelasha si looga hortago abaaraha  iyo in la dhiso xafiisyo doowladeed iyo barlamaankii soomaaliya si ay dowladdu lugeheeda ugu istaagto.

Sidoo kale waxaa ka mid ah isbitaal weyn oo qaado 400 sariir, iyo waddada laamiga ah ee u dhexeeyo xarunta magaalada iyo airoboorka iyo gawaarida qaada qashinka si bilicda magaalada usoo laabato.

Wuxuu Ardugaan arkay in shacabka Soomaaliyeed uu meel cidlo ku noolyahay, taasna eeysan maslaxad u noqoneynin daganaanshaha iyo nabadda, wuxuu maqaal uu ku qoray wargeys Turki ah ku sheegay in loo baahanyahay wakaaladaha UNka ee xarunta u tahay Nairobi in ay muqdisho usoo guuraan taasi oo kalsoooni gelin karta ummada Soomaaliyeed. Taasina waa wax run ah maxaa yeelay caasimaddi waa aamin maleeshiyadii Shabaabna waa ay ka bexeen taasina waxaa ku tusaaya in Turkiya ka furtay safaarad iyo in jaaliyad fara badan oo turkiyiin ka shaqeeyaan halkaa si nabad galyo leh.

Ugu danbeyntii, Turkiya waxay u qabatay soomaaliya wexeysan u qabanin dowlad kale xagga gargaarka iyo horumarinta taasi oo soomaalida ku dhalisay dareen wanaagsan iyo qaddarin gudaha wadanka iyo dibadiisaba iyo in ay ku kalsoonaadaan mustaqbalkooda iyo in ay rumeeyaan in ay ka adkaan doonaan caqabadaha soo wajahi doonto. Sidaa darteed, ayay Soomaalidu qaddarin iyo ammaan u haayaan Turkiya!

Xogta: ALSHAHID

Qeylo dhaanta Gaalkacyo iyo Xusuus Waayo Hore
Xaalad muuqaalkeeda waa kaa kaafiyaa. Waxaa hadlay magaalada Gaalkacyo waxayna tiri:

Waxaan joogay muddo dheer, waxaana goobjoog ka ahaa halgankii Soomaaliya ee lagu gaaray gobannimadii la bur buriyay. Waxaan xusuustaa Cabdullahi Ciise Maxamed oo ah Soomaaligii ugu horeeyay ee asagoo qadhiyad Soomaaliyeed xambaarsan u dhoofay dalka dibaddiisa si uu u geeyo arrinta Soomaaliya Qarramada Midoobay iyo Saaxiibkii Maxamuud Muure oo kamid ah raggii subaxaas Cabdullahi Ciise sagoontinayay. Labaduba waxay ka tirsanaayeen ururkii SYL, waxaana xusuustaa oo aan goobjoog ka ahaa wixii dhacay subaxaas, waana tan ayadoo sheeko gaaban ah:

Dowladdii gumasiga ahayd ee dalka xukumaysay (Talyaniga) ayaa waxay Cabdullahi iyo xisbigiisii SYL usheegtay inuusan Cabdullahi dhoofi karin haddaan lagu durin cirbadda talaalka ah amma uusan qaadan buugii uu ku mari lahaa health control-ka taasoo ah qaanuun Caalami ah oo aan cidna laga saamixi karin.

Hadalkan waxay u qaateen madaxdii SYL ee uu Cabdullahi ka midka ahaa arrin shirqool ah laguna dilayo Cabdullahi ayada oo uu gumaysigu rabo inuu Cabdullahi ku duro cirbad sun ah, waxaana walaac xoogan uu ku dhashay madaxdii SYL.

Kaddib maxaa dhacay?

Maxamed Muure wuxuu gaaray go’aan kaligii ah, wuxuuna Cabdullahi kala wareegay dukumintigii uu ku safri lahaa, Cabdullahi iyo Muure waxay ahaayeen labo nin oo isku da’ ah wajigana aad isaga shabaha, kaddibna Muure wuxuu galay xafiiskii lagu talaali lahaa asaga oo iska dhigaya inuu yahay Cabdullahi Ciise.

Qasadka Muure wuxuu ahaa in asaga cirbada talaalka ah ee ay u haysteen SYL inay tahay sunta lagu duro, uuna “sunteeda” u dhinta, Cabdullahina uu si nabadgalyo ah ugu safro dibadda oo uu tago meeshii uu qadhiyada Soomaaliya ugu socday.

Muure cirbadii baa lagu dhuftay asaga oo ay la tahay inuu ku dhiman doono saacad gudaheeda, kaddibna inta uu banaanka usoo baxay ayuu dukumintiigi ku wareejiyay Cabdullahi Ciise, sidaas ayuuna Cabdullahi diyaaradii ku raacay. Maxamuud Muure waxaa ay dhalinyaro ka tirsanaa SYL u kaxeeyeen sariirtiisii si uu geerida halkaas ugu sugo, balse masysan noqon inuu cirbadii u dhinto.

Labadaas nin e nafta isu bixiyay si ay Soomaaliya u gaarto gobannimadeeda, waxay ka kala dhasheen Beelaha maanta dhexdayda isaga soo horjeeda oo xudduudka i dhex dhigay anniga oo Gaalkacyo ah.

Waxaa labadayda dhinac isku haysata laba sheegata inay yihiin madaxweynayaal oo labadaas Beelood u kala dhashay ayaga oo darfahayga ula kala baxay Waqooyi iyo Koonfur ayna sheegtaan dowlad Goboleedyo, una tartama maalin waliba Addis Ababa-oo xageeda la iga xukumo- ayaga oo taas mooday sharaf.

Waxaad arkaysaan ilinta iga daadanaysa, dhaawacyada igu yaala, meydadka la iga dhex guraya iyo dhaantada qabyaaladeed ee iga dhax yeeraysa oo ay dhamaantood mas’uulka ka yihiin labada Beelood ee ay ka dhasheen Cabdullahi Ciise iyo Maxamuud Muure oo nafta isu bixiyay.

Waxaan u dacwooday Ilaahay oo aan jawaab ka sugayaa, waxaan kaloo u bandhigay taariikhdan iyo dhacdadan ubadka Soomaaliyeed ee hadda ifka jooga iyo kuwa dhalan doona. Soomaali oo dhan gurmad baan uga baahanahay.

Ilaahayow ii dhali Cabdullahi iyo Muure oo kale si ay iiga qabtaan kuwa sidaan ii galay ayna maxkamad usoo taagaan. Aamiin.

W/Q: Axmed Sheekh Cali (Buraale)

Xogta: ALSHAHID

Maalmuhu isu ekaa!!!
Garaadka, soo gocashada wixii dhaafey iyo goobeynta dhacdooyinka ayaa ah waxa looga sooco shan faroodlaha noolayaasha kale ee alle abuurey. Hadii dadka uu adeegsan waayo, hibadaa u gaarka ah, waxaa ka nolol iyo ammaan fiicnaanaya kuwa adeegsada urka iyo aragga oo kaliya.

Waxaa qofka wax garadka ah u muuqanaya marka uu dib u celiyo xasuustiisaba, dhacdooyinka hortiisa yaal sida ay ugu egyihiin kuwa kale oo horaan iasgga u soo marey.  Waxa ay ku kale duwan yihiin oo kali ah labada dhacdana ee hortiisa taalna ay tahay taariikhda iyo madashii ay ka dhacday.

Qofka garaadka fiican ama faaqidi kara oo faaleeya waxyaalaha hareerahiisa ka dhacaya waxaa uu awoodaa inta uu labo dhacdo is barbar dhigo inuu ka soo dheegto, oo uu ka soo saarto arimo dhaxal gal ah oo aayahiisa danbe u fiican isagga iyo ubadkiisa. Hadii uu hogaamiye yahayna u horseedi karta dadka uu hor kacay libin taariikhda gasha oo lama illaawaan ah.

Maanta waxaa meel dheer ka bidhaamaya ama muuqda, hadii caqli cudur aan laheyn la adeegsadaa, shirkii dib u hishiisiinta Soomaaliyeed ee socday 2 Sanno maalitii uu ka bilaabanayey Eldorate, markii la askumayey ee la abaabulayey ka qayb galayaashiisa. Maalinkaa waxaa ka maagey diidmana ka horkeenay sabab kasta ha ahaatee Dawladii ku meel gaarka aheyd ee xilligaa jirtey iyo hogaankeedii sare, ka dib markii lagu yiri ku imaada garba siman adinka iyo Dagaal oogayaashii jirey.

Suubaan salaax iyo cadaadis laysku darey ayaa lagu qanciyey markii danbe inay garbo siman uga qayb galaan wafdigii dawladda iyo Dagaal oogayaashii, dabadeed waxaa ay dhashay in dadkii ay soo dirsatey Dawlada ay noqdaan matalayaal qabiil maalmo gaaban gudaheed.

Waxaa su’aal mudan shir qalqaaliyayaasha horta miyey aqoonsan yihiin Dawlada ku meel gaar ah ee mar kasta jirta? Hadii ay jawaabtu noqoto haa, maxaa mar walba Dawlada loo gacan dhaafaa oo ka dhigay dibad joog aan ogeyn meesha lagu diyaariyey doodaha shirarka arimaha Soomaliya lagu falanqeeyo?

Waxaa ka muuqda hab dhaqanka shir qalqaaliyayaasha inaysan aqoonsanyn Dawlada ku meel gaar ah oo ay isku si u arkaan, iyada iyo maalmulada ka jirah, garbo siman. Sidaa daraadeed ay mudnayn in si gaar ah ay dawr ugu yeelato Dawlada qaban qaabada iyo diyaarinta qodobada shirka looga doodayo.

Shirkii Eldorate-embagathi, ee lagu abuuray Dawladaan hada jirta, waxaa ka qayb galayey Dawlad ku meel gaar ah iyo Dagaal oogayaal oo markii danbe u xuubsiibtey dad isku hayo dalka oo wada hogaan doon ah. Doodana waxaa sal looga dhigay qabiil iyo qaybsigii habar dugaag, qayb libaax leyda iyo inta  kale (4.5),  ka dibna doorashadii madaxda sare.

Shirka maanta waxaa ka qayb qaadanaya Dawlada ku meel gaarka ah iyo maamulada ka jira Soomaaliya. Waxana ka soo if bixi doono xarig jiidad aan dhammaad laheyn, garbo siman iyo qaysigii habar dugaag. Marka waxa is bedelay waa Dagaal ooge oo lagu bedelay maamulada ka jira soomaliaya oo sidii Dagaal oogayaasha ku saleysan reer iyo is gaashaan buursi oo dhinac ah iyo Dawlad ku meel gaar ah.

Dawladii ku meel gaarka aheyd maalintii hore ee Eldorate lagu casuumeyna ma ay ogeyn waxa gunta u ah madasha ay tagayso, maantana ma oga meesha xaalku u socdo mida hadda jirta shirka laoo yeeray ee Nairobi, marka Dawlada ku meel gaar ah iyada waa maqaar saar labada marba, kuwa kalana waa ka sii xag jiraan.

Waxaa ay dadku is weydiinayaan goorma ayey dadka hor kacaya maamulada iyo Dawladaha ku meel gaarka ah horseed u noqon doonaan himmillooyinka dadkooda? Mise sidaan ayuu dalkii ku abaadi doonaa oo waxaa jiilalka danbe loo akhrini inay jireen ummad barigga Afrika degi jirtey oo ebbed u tirtirantay ayaa jirta?

Wallee xaalku waxaa uu marayaa dalkii iyo dadkii Soomaliyey in lagu baryootamo illaahow ur u bixi. Urkaas oo ah kan hogaamiya noolayaasha aan garaadka laheyn, sida shinida, si ay uga badbaadaan dhibta ama ay uga habaabin hilinkii ay higsanayeyeen.

Xogta: ALSHAHID

Maqaal uu qoray Ra’isul wasare Farmaajo
Boqol maalmood ayaa ka soo wareegatay markii aan qabtay xilka Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya, munaasabaddana waxay fursad wanaagsan noo siineysaa inaan dib u eegno wixii noo qabsoomay dal ahaan.

Ka-shaqeynta badbaadinta shacabka waa howsha ugu muhiimsan ee xukuumadda, xilligan aan joogno waxaa socda weerarkii heerka qaran ee ka dhanka ahaa kooxda xagjirka ah ee dhibaatooyinka ka geysanaya dalkeena, iyadoo weerarradaasi ay hoggaaminayaan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, ayna taageerayaan Nabad-ilaaliyeyaasha Midowga Afrika.

Weerarrada kahor, Xukuumaddu waxay gacanta ku haysay 60% magaalada Muqdisho, halkaasoo ay ku nool yihiin 80% shacabka Muqdisho ku dhaqan, iyagoo badbaado iyo adeegyo aasaasi ah ku haysta.

Weerarrada la qaaday waxay ballaariyeen aagga, mahadi ha ka gaarto dhiirranaanta, xirfadda, iyo naf-hurista ciidamada qalabka sida iyo kuwa AMISOM. Xukuumaddeydu waxay qabanqaabisay laba howlgal oo dib-u-heshiisiin ah oo laga dhex sameeyay kooxo ku dagaallamay gobollada dhexe, tan koowaad waxaa lagu joojiyay qalalaase ka taagnaa Galmudug iyo Puntland, iyadoo kan labaad uu xoogga saaray khilaaf ka taagnaa Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb. Iyadoo Xukuumaddu ay sii wadi doonto howlaha xal loogu helayo dhibaatada Soomaaliya.Markii aan xilka qabanay waxaan is-beddelo ku sameynay qaab-dhismeedka xukuumadda, si ay u gudato waajibkeeda.

Kaddib markii aan helnay oggolaanshaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha, waxaana magacaawnay Golaha Wasiirro cusub oo ka kooban 18 farsamo-yaqaano, iyadoo markii hore wasiirradu ahaayeen 39.

Dhinaca kale waxaa muhiimad siinay in la dhowro hantida dalka, lana dhaqangeliyo dhaqanka isla-xisaabtanka iyo hufnaanta. Xukuumaddeydu tallaabooyin waaweyn laga qaadday arrintaas, waxaana markii koowaad muddo 20 sano ah la sameeyay miisaaniyad qaran oo hageysa kharashka dowladda. Waxaa dib loo furay bankigii dhexe, waxaana la dhisay guddi la dagaallama musuq maasuqa, iyadoo la habeeyay nidaam isla-xisaabtan iyo hanti-dhowr ah.Dakhligii naga soo galayay Dekedda wuu laba-jibbaarmay iyadoo kan naga soo galay Garoonkana uu afar-jibbaarmay, dakhligaasoo hadda loo istcimaalo sidii Ummadda loogu adeegi lahaa.

Dhinaca kale waxaa Muqdisho ka socda olole nadaafadeed, dayactirka waddooyinka, isbitaallada iyo dugsiyada, iyadoo jidadka lagu dhajiyey nalal si loo soo celiyo bilicdii magaalada, waxaana Garoonka diyaradaha lagu sameeyay dib-u-habeyn, iyadoo la keenay qalabka lagu baaro alaabta, isagoo ku howlgalaya farsamada casriga ee garoomada caalamka.Dhinaca kale la wadaa howl farsamo oo casri ah oo lagu diiwaangelinayo ciidanka, iyadoo ciidanka haatan si joogto ah u helaan gunnooyinkooda, iyadoo ay u dheer yihiin raashin iyo daryeel caafimaad kan dhaawacma ama jirada.Sidoo kale waxaan soo saaray wargeys toddobaadle ah oo lagu magacaabo Dalka, kaasoo shacabka Soomaaliyeed dalka gudahiisa iyo dibeddiisa jooga ay si joogta ah uga helaan macluumaad, iyadoo Taleefishinka Qaranka uu hawada soo galay.Waxaa la howlgeliyay astaanta internet-ka Soomaaliya ee .SO si ay u isticmaalaan dowladda iyo shacabkaba, waxaana la billaabay wada-xaajoodyo ku aaddan sidii fiilada internet-ka ee (Fiber optic) ee badda soo hoosteeda marta loo keeni lahaa dalka.

Haddii la eego mustaqbalka, Soomaaliya waxaa hortagan caqabado badan, tan ugu horreysa, waa sidii loo jabin lahaa mucaaradka xagjirka ah oo doonayo inay siyaasad khaldan ku soo rogaan dadkeenna, waxaana loo baahan yahay sidii dalka loo xasilin lahaa ciidan badan oo ka socda caalamka, tan labaadna waa abaarta ba’an ee ka jorta meelo badan oo ka mid ah dalka, taasoo ka dambeysa roob la’aan iyo jiilaalka oo dheeraaday, caqabadda saddexaadna waa sidii loo fulin lahaa mashruuc hub-ka-dhigis iyo dhaqan-celin ah. Dhallinyaro badan ayaan weligood arkin waxa ay nabad tahay muddo 20 sano ah, kuwaasoo u baahan in bulshada dib loogu celiyo taasoo ah mustaqbalka fog oo ay tahay in hadda la sii billaabo.Saddexdii bilood ee la soo dhaafay waxaan horumar weyn ka sameynay sidii loo gaari lahaa mustaqbal nabad leh, bilaha soo socda waxaanu ku dadaali doonnaa sidii caqabadahaas looga gudbi lahaa, hase yeeshee arrimahaasi, Soomaaliya oo kaligeed ma sameyn karto, waxaan u baahanay talooyin, dhaqaale iyo garabsiin adduunka intiisa kale, qof kastana kaalinta uu ku leeyahay ka qaato dib-u-muuqashada Soomaaliya iyo siday u guuleysan lahayd.

Xukuumaddeydu waxay muujisay isbeddel lataaban karo, waxaana ugu baaqayaa dhammaan dadka niyada-wanaagga leh inay nagala qeybqaataan sidii loo abuuri lahaa mustaqbal nabadeed, xasillooni iyo barwaaqo ay gaaraan shacabka Soomaaliyeed.

W/Q: Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Xogta: ALSHAHID

Howlihii gubashadu wey hurayaan walina la iskuma howlin!!
Maalmihii aynu kasoo gudubnay Waxaa gudaha Magaalada Hargeysa ka soo ifbaxay Arrin anfariir ku riday ummadda halkan ku dhaqan, marka aan sidaa leeyahay sababtu waxay tahay amaba aan dhihi karaa waa arrin ku cusub hargeysa oo aan horey loo arag.

Noole walba oo ku nool halkan haddii aad weydiisana uusan si sax ah kuugu jawaabi Karin Maxay tahay arrintu? Waxa ay arrintu tahay amaba ay salka ku haysaa gubasho, wax cusubna maahan gubashadu oo horay ayaa loo arkay guryo gubanaya balse arrinta yaabka leh ee la garan la’yahay ayaa ah qaabka ay u gubanayaan guryuhu.

Bal ka waran adiga oo ku sugan gurigaada daaradiisa amaba banaanka hore ee gurigaada haddii aad aragto gurigaagii oo saqafka kore olol ka bixinaya oo gubanaya, isla markiiba su’aasha kugu soo maaxanaysa ee aad isweydiineysaa waxa ay tahay, Tolow maxaa guriga gubay? Isala markiina jawabaata ugu fudud ee niyadaadu ku siineysaa waxa ay tahay “koley korontaa ka kacday oo gubtay”, hase yeeshee howshu sidaa ka badalan.

Gudaha Magaalada Hargeysa waxaa lagu arkay tiro guryo ah oo gubanaya, gubashadaasna Bulshadu waxay ku sifeysay dhowr arrimood arrimood oo kala ah:-

In guriga la doonayo in la gubo la yimaado xiliga uu qobowgu jiro ee habeenkii deetana lacalaamadeeyo, oo wax midab leh la mariyo, dabadeedna marka Maalintii qoraxdu soo kululaato oo qoraxdu qabato midabkii guriga la mariyey uu gurigu iskii isaga gubto.

In guriga la doonayo in la gubo, marka la calaamadeeyo kaddib Marka la gaaro barqadii lagu soo tuuro, shey aad u yar oo Gumaca rasaasta oo kale ah, deetana uu gurigu sidaa ku gubto.

Qaar kale oo bulshada ka mid ahina waxa ay qabaan amaba ay aaminsan yihiin in arrintani ay tahay, in marka hore guriga la calaamadeeyo kaddibana Aalad hub oo meel dheer laga soo riday lagu gubo guryaha.

Marka loo fiirsado qaabka ay u gubanayaan guryuhu ugu horeyn waxaa kuu soo baxaysa in gubashadaas ay qeyb libaax leh ku leedahay qoraxda, waayo wali lama arag xilli qabow jiro amaba ay tahay habeen guriyo gubanaya.

Balse arrintaa waxa ka sii darani waxa ay tahay gobasho horay waa loo arkay oo waxaa guban jiray guryo ka sameysan cooshado, jiingado iyo IWM, balse hadda waxa gubana waxaa ugu badan guryo u badan Filooyin ama sar!!.

Howlaha gubashada ee hargeysa kuma koobna kaliya xaafad si gooni ah loo bartilmaameedsanayo ee maalin waliba ama laba maalin  kaddiba waxa ay ka oogan tahay xaafad cusub.

Xaafadaha ka tirsan Magaalada Hargeysa ee guryaha badan ay ku gubteen waxaa ka mid ah Xaafadda New Hargeysa, October, Axmed Gurey, Cabaaye iyo kuwo kale, guryaha ku gubtay halkaasna waxaa lagu qiyaasay in ka badan 27 guri.

Howshii gubashada Marka ay bilaabatay Maalmo kaddib waxaa gudaha Magaalada ka dhacay Dibad bax looga soo horjeedo arrintaasi, waxa ayna dadkaasi ku dhawaaqayeen erayo ay ka mid ahaayeen hanalaka badalo Taliyaha Ciidanka maadaama uu ku guul dareystay inuu wax ka qabto arrintan, iyo in Dowladdu magdhaw siiso dadkii ku guryo beelay dabkaasi, iyadoo dibaxaasina uu ka dhacay Xaafadda New Hargeysa oo ahayd halka arrinta gubashadu ka bilaabatay.

Marka ay soo ifbaxday arrintani ayaa waxaa ka halday Masuuliyiin aad u fara badan oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland, Dadkii ka hadlay waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Taliyaha guud ee ciidanka police-ka Somaliland Gen. Cilmi Rooble Fure Cilmi Kabaal, Suldaan Yuusuf Maxamed Xiirey  iyo Masuuliyiin kale kuwaa dhamaantood sheegay in howshani wax laga qaban doono oo ay socdaan baaritaanno ku aadan arrintani.

Guryahaasi marka ay gubteen kaddib dadka ku dhaqan Magaalada waxaa la soo daristay cabsi ku wajahan in guryohooda la gubo, subax walibana aroorta hore waxa uu shaqsi waliba ku kallahaa in uu gurigiisa ka eego calaamado, waxaadna subaxa hore aad ku arkeysaa dad saran saqafka sare ee guriyaha kana fiirinaya waxyaabo sababi kara gubasho ku timaada guryaha.

Arrintu intaa kuma ekaane howshii gubidda guryuhu waa ay sii socotay gurigii ugu dambeeyey waxaa Maalintii shalay oo ay taariikhdu ku beegneed isniin February 28 2011 uu ku gubtay xaafadda October ee degmada  Axmed dhagax, kaa oo ka dhigaya tirade guryaha gubtay 28-guri.

Hadaba guraha gubtay, waxaa lagayaa in ay ku hani beeleen oo ay halkaasi ku waayeen guri iyo Allaabo badan dad markaasi aan awoodin in ay Allaabo kale iibsadaan amaba ay gurigoodii dib u dhistaan, haddaba dadkaa yaa wax u qabtay?.

Tan iyo markii ay soo bilaabatay arrintani ayaa Maamulka Somaliland waxa uu xabsiga u taxaabay dad lagu tuhmayo in ay lug ku leeyihiin Falalkani oo u badan dhallinyaro kasoo jeeda Koofurta Soomaaliya.

Su’aalaha la is weydiinayaa waxa ay tahay arritan cusub Maxaa la iskugu howli waayey oo wax looga qaban waayey?

Marka laga soo tago hadalada ay masuuliyiinta Dowladda oo sheegay in ay wax ka qabanayaan arrintani islamarkaan xabsiga dhigay dad laga shakisan yahay ayaan waxaan jirin talaabo kale oo ay qaaday xukuumaddu, sidoo kale arrintan ayaa wax ka qabashadeeda aysan ka qeyb qaadan Warbaahintu Marka laga reebo buun buunin ay arintaasi ku sameysay.

Waxaan isweydiinayaa Ma la waayey Wariyeyaal arintaan u dhaba gala oo warbixin dhab ah ka keena?

Waxaan kaloo aaminsanahay in arrintan ay sii socodoonto haddii aan wax laga qaban!,

Haddaba Ugu dambeyn waxaan leeyahay Aqriste yaa looga fadhiyaa in arrintan ay wax ka qabato??

Haaruun Yuusuf Khasaaro

Hargeysa-Somaliland

Xogta: ALSHAHID

26-Jir Soomaali ah Oo Isku Soo Sharxay Jagada Madaxweynanimada Ee Somalia
CAJAA’IB – Waxaa markii ugu horeysay Jagada Madaxweynanimada Somalia ee Jahwareerka badan isku soo sharxay mid ka mid ah Dhallinyarada Soomaaliyeed oo ku nool dalka dibadiisa.

Mustafa C/raxmaan Sheekh oo ku magac dheer *Mustaf Ajakis*, ayaa sheegay in ka dib markii uu arkay inuu dayacan yahay dalka Somalia, isqabqabsiga siyaasadeedna uu madax-maray kuwa xilalka Dowladnimo haya iminka ee aan u turaynin Umadda Soomaaliyeed, ayna taasi dhibaatooyin baaxad leh usii horseedayso shacabka tabaalaysan uu go’aansaday inuu Mas’uul ka noqdo dalka si uu uga shaqeeyo inay shacabka gacmaha is qabsadaan oo ay meel qura kasoo wada jeestaan.

Mustaf Ajakis oo 26-jir ah, ayaa mar uu ka hadlayey goorta ay ku dhalatay inuu xil ka qabto Somalia, ayaa ii sheegay in uu ku taamayey in badan inuu mansiirka talada u qabto Umadda Soomaaliyeed, maadaama buu yiri ay kuwa iminka joogo ka badin la’yihiin “Ijiid-aan ku jiido” oo uu ula jeeday is qabqabsi iyaga dhaxdooda ah ee aan loogu diir-naxaynin Shacabka ay matalaan, marka laga reebo inay maalka ay ku helaan magaca Shacabka Soomaaliyeed ay farqaha ku shubtaan.

Waxa uu ugu baaqay Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed, inuu jagada isaga dago maadaama uu kazoo bixi waayey mas’uuliyadii shacabka soomaaliyeed ka saarneyd, isalamarkaana uu xilkiisa dhamaaday, waxaana uu sheegay inuu wax badan ka bali doono xaaladda iminka murugsan haddii isaga la doonto bisha Augost ee soo socota, xilligaasi oo uu ku eg yahay waqtiga Dowladda.

“Bal eega Soomaaliyeey raggii Siyaasiyiinta Soomaaliyeed meesha ay iminka na dhigeen, maxaa noo diidan inaan dhallinyaradeena la marin habaabiyey isku soo ururino oo aan hal far noqono, islamarkaana aan ku shaqayno baraarujin iyo isku duubnaan nabadeed, sidii ururkii Dhaliyarada Soomaaliyeed (SYL) ee xurnimada u horseeday dalkeena hooyo, manta waxaa la joogaa xilligii aan kici laheyn oo aan kacdoon sameyn laheyn, sida shacabka Masar, waaba dhimanee si karti leh nafta hanooga baxdo walaalayaal” ayuu yiri Mustaf.

“Ma ahi Siyaasi, mana ahi Hantiile, laakiin waxaan ahay shaqsi u danqaday dalkiisa iyo dadkiisa abaaraha iyo colaadaha ay halakeeyeen, doonayana inuu ka wax wayn u qabto” ayuu hadalkiisa kusii daray.

Musharaxan da’da yar, ayaa sheegay inuu ku dhashay Magaalada Muqdisho sanadka markuu ahaa 1985-tii, islamarkaana uu kusoo barbaaray isla Caasimadda, waxaana uu sheegay inuu ka xun yahay in isagoo 6-jir ah ay burburtay Xukuumaddii dhexe ee uu madaxda ka ahaa Marxuum Janaraal Maxamed Siyaad Barre.

Mustafa C/raxmaan Sheekh oo ku magac dheer *Mustaf Ajakis*, ayaa waxaa aad loogu yaqaanaa in goobta uu soo istaago ay dhegta uwa raariciyaan dadka goobta jooga, waana shaqsi boqolaal ruux wax fahamsiin kara oo af-maal ah.

C/risaaq C/laahi Maxamed (Indha-Jaceyl)

indhojaceel2003@hotmail.com

Xogta: ALSHAHID

Sahara Obama “Waxaan Allah ka baryay in Madaxweyne Obama uu soo Muslimo”
Nairobi (Alshahid)-Sahara Obama, Madaxweyne Barrack Obama ayeydiis ayaa sheegtay inay ugu ducaysay Madaxweynaha Maraykanka inuu soo galo Diinta Islaamka.

Sahara Obama ayaa sanadkan kamid ahayd xujayda gudatay xajka, waxaana ay waraysi sii say wargeys kasoo baxa dalka Sucuudiga oo lagu magacaabo Al-Watan Saudi daily.

“Waxaan ku ducaystay in wiilka aan ayeyda u ah ee Barrack Obama uu soo Muslimo” ayey ku tiro waraysiga ay sii siisay wargeyska.

Mama Obama ayaa waxaa sanadkan xajdka ku weliyay wiilkeeda Saciid Xuseen Obama iyo afar caruur ah oo ay ayeey u tahay.

Saciid ayaa uga mahad celiyay boqorka Sucuudi Carabiya, Boqor Cabdalla marti qaadkii uu u fidiyay Mama Sahara Obama iyo qoyskeeda.

Ra’iyiga dadweynaha Maraykanka ayaa bishii hore lagu sheegay in mid kamid ah shantii ruux ee Maraykan ahba uu aamisan yahay in Madaxweyne Barrack Obama uu yahay Muslim arrintaas oo uu aqalka cad ee Maraykanka looga taliyo si aad ah u diiday.

Barrack Obama ayaa yaraantiisa kusoo koray dalka Indonesia halkaas oo uu la noolaa ninka hooyadii qabay oo ah Muslim.

Xogta: ALSHAHID

Fartiin ku socota mas’uuliyiinta Soomaaliyeed (warqad Furan)
Dadkii ku haboonaa in ay wax xumumaan amaba mansab loo dhiibo waxaa ka soo haray shib-cabsi-xishood-yax-yax – yaan laguugu yaabin. Kuwa kaloo aan kala jecleen balse afku intaa la egyahay ayaa meel kasta ka soo xusul duubaya. Waan baxayaa oo Soomaaliyaa u socdaa ayuu ahaa hadal dhahayga ku soo dhacayey mar aan maqaayad habeen habeenada ka mid ah aan ku shaahayey. Maxaad ka dooni waddankaas waxaa ka jira khatar dagaaleed oo naftaada maad u baqdid ayuu kula taliyey kii saaxiibkii ahaa ee warkaas dhageysanyey.

Wuxuu ku jawaabay war waa jaanis oo waxaan la hadlay ugaasyada cidda hebel iyo hebel waana ka dhameestay.

Ninka sidaa u xusul duubayaa mansabkana raadsanaya waa ruux aan wallaahi lagu aamini karin carruurtiisa, walibana ku fashilmay koritaankii ilmahiisa.Ninka sidaas u xusul duubayaa waa nin Soomaalida la deggan ay ka cowdubileestaan xumaanta ka muuqaneysa wajigiisa iyo waxyaabaha afkiisa ka soo baxaya mararka la fadhiyo goobaha la isugu yimaado.

Ninka sidaas u xusul duubaya waa in aan haba yaraatee aan ka muuqan raad islaanimo- raad soomaalinimo-raad naxariis iyo wanaag.Marar waxaan is dhahaa ma sidanbaa dhamaan inta doonatay xilalka ee loo dhiibay amaba loo dhiibi doono.Sow suurta gal maaha in xumaanta waddankii ka bixi weysan-yahay in la dhihi karo kuwa xilalka qabtay ayaa ahaa sida kan hadda waddankii u doontay xil in loo dhiibo.

Markaan wax yar fikiro indhahana isku qabto waxaa ii soo baxaya aaway dadkii wanwanaagsanaa maxayse u soo doonan kari weysanyihiin jagooyinka loo baahan-yahay in dalka laga qabto. Isla anigaa jawaabta isla markiiba hela, taasoo ah jago doonasho noocaan ah waa xil iyo mas’uuliyad ballaaran,mis kastana wuxuu isleeyahay armaad ka soo bixi weysaa, armaa lagu dhaliilaa,armaa dad xun oo wax ma garato ah ay dacaayad kugu sameeyaan. Balse kuwan leh ha la i doorto, ha lii qalqaaliyo meeshaas iyo wax la mid ah ayaa dadkii ka soo horeeye oo meel kasta isasoo mutuxaya.

Waxaan soo jeedin lahaa in Back ground check up lagu sameeyo ( Ama dalkii ay ka yimaadeen amaba meesha ay ku sugan yihiin ). ha laga fiirsado xilalka la bixinayo dad aam u qalmin in gacanta loo geliyo. waxaa kaloo ii soo baxaya maadaama aanan si wanaagsan u aqoon mas’uuliyiinta kale ee ku jira leenka xil doonashada,waxaa ii soo bixi doona quus iyo walaac haddii kan aan si fiican u aqaan lagu daro xilalka la qaybin doono,waliba uu ka midka ahaa dadkii soomaalida necbaa ee ku soo hogaamin jiray cadowgii Ethopia. fadlan ka fiirsada oo si fiican u baara dadka safka ku wada jira.

Xoogga hala saaro kuwa iska aamusan ee aan waligoodba ku fekerin xil sababtoo ah waa mas’uuliyad ka carar oo waxay ogyihiin in mas’uuliyadda ay tahay mid qatar ah,waana kuwaas kuwa ku haboon. u fiirsada haddaan soomaali nahay waligeenba kan hadla oo qaylya ayaa gacanta soo qabanaa, waa inaan indhaha aad u furnaa oo kan aamusan ee waligiisba xil raadis noqon balse ay dadku qiraan inuu yahay daacad u qalma waa kaas kan loo baahan yahay.

Xajji Maxamed (New England, USA)

Xogta: ALSHAHID

Burcad badeednimada oo ka gudubtay koox una dalacday Shirkado Ganacsi
Burburkii ku yimid Dowladdii dhexe ee Soomaaliya kadib waxaa soo if baxay waxyaabo badan oo ku cusub dadka Soomaaliyeed oo aysan caado iyo dhaqan toona u laheyn, xiligaan hadda la joogo waxaa si weyn looga xusi karaa xaajooyinka ugub ee Soomaaliya midda dhanka Burcad badeednimada ah, sida ay ku bilaabatay in badda laga qawleyso haddii la  yiraahdo ha laga hadlo waxay u baahan tahay qoraal dheer oo ku qotoma warbxino sal leh  laakiin dadka wax ka qoray arrinta burcad badeednimada waxay sheegeen in Burcad badeednimada soomaalidu ka soo jeedo intooda badan Kalluumeysato ka gadooday dhibaatada baahsan ee aan indhaha laga daboolan Karin ee ay Maraakiibta shisheeye ku hayaan Xeebaha Soomaaliya, hadda hawlaha Burcad badeenimada ee  Soomaaliya waxay marayaan heer caalami oo waxay ku dhiiradeen in ay masaafo dheer u galaan soo afduubashada maraakiibta iyagoo helay qalab casri  ah sidoo kale baaritaan uu sameeyey Ururka Uruurinta Warbixinada Burcad Badeeda Soomaaliyeed oo marka la soo gaabsho loo yaqaan  (SODIPO) ayaa lagu ogaaday in Burcad badeeda Soomaalidu wax ka bedeleen qaabkii hore iyagoo la soo baxay xirfado cusub  oo dhanka Burcad badeednimada ah taas oo suuragelisay in ay afduubtaan markiib aad u fara badan mudooyinkii ugu dambeeyey.

Ururka (SODIPO) oo fadhigiisu yahay dalka Yemen oo warbixin dheer ka dayaariyey Burcad Badeeda Soomaalida ayaa sheegay in hawsha burcad badeednimadu sii laba lixaadsatay iyadoo saddexdii bilood ee ugu dambeysay tiro koob la sameeyey ay kooxaha burcad badeeda Soomaalida qaadeen ilaa iyo 60 weerar iyagoo ku guuleystay 25 ka mid ah isla markaana gacanta ku soo dhigay Maraakiib sodomeeyo kor u dhaafeysa oo uu ugu dambeeyey Markab ay ka soo qabsadeen Xeebaha Tanzania  oo ay saarnaayeen 15 shaqaale u dhashay dalka Hindiya. Burcad badeeda ayaa  la sheegay in ay ilaa iyo 6 markab sii daayeen saddexdii bilood ee ugu dambeysay kuwaas oo ay ka qaateen lacago madax furasho ah oo lagu qiyaasay 5 milyan oo Doolar. Warbixinta ayaa dhanka kale saadaalin ka bixisay in Burcad badeeda Soomaalida kororkoodu sii siyaadayo isla markaana bilaha soo socda laga fili karo weeraro ka badan intaan soo sheegnay mar haddii bad furankii la galay, waxayna dadka u dhuun daloola arrimaha burcad badeedda Soomaaliya sheegeen in markaan xitaa la fili karo qidado cusub oo ay la soo baxaan Burcad Badeeda Soomaalida, deegaanada ku dhow dhow Xeebaha koofurta Soomaaliya waxaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyo xoogan oo ay wadaan kooxaha Burcadeeda Soomaalida iyagoo mashaariic dhismo ka fulinaya deegaano horey aan aad mashquul u aheyn balse hadda aad moodo in ay si aad ah u soo camirmeen, sidoo kale Burcad badeeda ayaa ka gudbay Koox is uruursatay oo hadafkoodu yahay in ay mar un Markab helaan oo ay lacag ka qaataan waxayna u dalaceen shirkad dhan oo hadafkeedu yahay in ay u shaqo tagto burcad badeednimo, waxaana hadda furmay shirkado badan oo ay leeyihiin burcad badeed oo shaqaaleysiisa cid kasta oo diyaar u ah in ay badda gasho, Halhayska Koonfurta Soomaaliya ayaa hadda noqday ( Badda lugaha geli aad baramoostidee), waxaadna arkeysaa Gawaari dhaadheer oo ah kuwa xamuulka qaada oo ay gadaal uga qoran tahay (Badda lugaha geli), waxaa la yaab leh in magaca Burcad Badeednimo uu hadda yahay mid lagu faano koofurta Soomaaliya inkastoo loo qurxiyey magaca oo loogu yeero “Ragga Badda”, waxba waxaa ka daran waxaa hadda jirta in Haween loo diyaarinayo burcad badeednimo kadib markii ay si aad ah uga maseereen ragga burcad badeeda ah.

Koox ka tirsan Ragga Badda ayaan la kulmay waxaan hor dhigay waxa ku qasbay in ay Burcad badeed noqdaan, kooxdaas oo dhamaantood wada doonayey in ay ka jawaabaan su’aashaas madaama ay gacanta wada taageen waxay si isku dhow u yiraahdeen “Dalkeena dowlad ma leh, dhibaatada dowladda la’aantu keentay keliya ma ahan in dadka ay saameysay ee waxay kaloo saameysay dalkeena iyo badaheena, mar haddii wixii la doonayo laga sameysanayo, waad la socotaa in baddeenii aan xor ku noqon weynay oo shisheeye uu nala isticmaalayo, haddaan nahay soomaali baddeenu way nagu filnaan lahayd laakiin nalooma daynin ee waxaa xitaa naloogu daray in nalagu gumeysto, waxaan xasuusanaa in anaga oo koox kalluumeysato ah safar u baxnay anaga oo raadineyna dhegaha libaaxa, mudo markii aan badda ku jirnay oo aan soo helnay dhowr kilo oo dhego libaax ah ayaan ku nimid shamaag uu tuurtay markab shisheeye waxaana noqonay sidii malaay la dabayo, waxaana halkaasi ku gandontay mid ka mid ah doomihii aan wadanay, waan ka wada boodnay waxaana isugu tagnay doontii kale, halkaas waxaa nooga khasaaray dhego libaax oo ku fadhiya lacag badan, intaas nalooguma ekeynin balse waxa uu markabkaasi noogu daray rasaas ay waxyeelo ka soo gaartay rag ka mid ah asxaabteena, intaas waxaa noo dheeraa in baddeena wixii la doono lagu shubi jiray welina lagu shubo, suntan badda lagu daadiyo waxay waxyeelo weyn gaarsiisay kheyraadkii badda iyo waliba deegaanka, intaas oo dhan oo is biirsaday waxay nagu qasbeen in aan jawaab ka bixino dhibka nagula hayo”, kooxdii ayaan mar kale hor dhigay in ay la quman tahay in ay dhib dhib ku xaliyaan isla markaana xaqa ka maqan ee ay sheegayaan ay la haboonaatay in ay sidaan ku raadiyaan, ninbaa farta taagay oo yiri “Adigaan ku weydiinayaa ee hadda meel ma ku og tahay cid xaqeena noo dhicineysa, sidaad inadhaha u taageysaa ka gartaye waxba ma haysid, sidaas darteed maxay tahay wadada kale ee noo furan, haddii aan nahay dhallinyarada soomaaliyeed ee badda ka hawlgasha waxaan u aragnaa in sidaan aan xaqeena ku dhacsan karno”.

Burcad badeeda Soomaalida ayaa aasaaskoodii hore lagu sheegay in ay ka dambeysay dhibaatada ay Maraakiibta shisheeye ku hayaan Soomaaliya, warbixinta uu saaray ururka SODIPO ayaa sidoo kale waxaa ku jirtay in dhawaan dalka Yemen lagu qabtay Markab weyn oo sida haamo sun ah kaas oo doonayey in uu Xeebaha Soomaaliya ku daadiyo suntaas inkastoo ay Dowladda Yemen sheegtay in xeebaheeda uu qayb suntaa ka mid ah ku daadiyey, tan ayaa qayb ka ah dhibaatada baahsan ee ka jirta dalka Soomaaliya taas oo looga faa’iideystay duruufaha la soo gudboonaaday Soomaaliya wixii ka dambeeyey burburkii Dowladdii dhexe, waxaaana hadda hadal haynta ugu badan ee Soomaaliya noqotay Burcad badeednimada oo sidaan horey u sheegay u xuub siibatay in ay soo baxaan Shirkado maalgashi ku sameysta Burcad Badeednimad.

Cabdiraxmaan Max’ed Adan (Dirham)

Cabdiraxmaandirham@hotmail.com

Xogta: ALSHAHID

Ra’’isal wasaare Maxamed Cabdullahi Maxamed:Taariikh Nololeedkeyga
By: Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo

Ra’iisul Wasaarha Cusub ee Dowladda Federaalka

Magacayga waxaa la yiraahdaa Maxamed Cabdulaahi Maxamed faramaajo. Waxaan ku dhashay magaalada Muqdisho, sanadku markuu ahaa 1962. Waxaan dugsi dhexe uga baxay Foorta-Sheekh ama 1da Luuliyo. Dugsigayga dhexe waxaa ku dhameeyestay iskoolkii loo yaqaanay Maxamuud Xarbi, Kan sarena Waxaan uga baxay Farsamada Gacanta ee Lafoole.

Waxaan shaqa ka bilaabay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dabaayaqadii sanadkii 1982, waxaan ka howl galay Arkiiviyo (central archive), muddo yar ka dibna waxaan ku wareegay Xafiiska maamulka lacagta , Halkaas oo aan ka ahaa Xisaabiye (auditor).

Horaantii sanadkii 1985, waxaa la ii bedelay Safaarada Soomaliya  ee magaalada Washington,D.C, ee dalka maraykanka. Halkaas Waxa aan mas’uul ka ahaa arrimaha maamulka lacagta ee safaarada. Sanadku markuu ahaa 1988, waxaa la’igu aray inaan iska xaadiriyo xarunta wasaarada ee Xamar, waxaanse go’aan ku gaaray in waxbarashadayda dhamaysto, dalka maraykanka waydiisto magangalyo siyaasadeed, arrimo siyaasad darteed.

Tacliin sare ama heerka jaamacadda waxaan ka dhamaystay jaamacadda ku taala magaaaladaa Buffalo eee gobolka New Yourk (State University of New Yourk at Buffalo). Isla jaamacaddan ayaan ka qaatay shahaadada takhasusuka ah oo loo yaqaano Master’s Degree Takhasuskaygu waxaa ka mid ah: Cilmiga Siyaasada , Xiriirka Aduunka, Xuquuqda aadamiga , Cilmiga baadi Gobooka Nabada, Horumarinta dadwaynaha iyo shacabka , iyo Xirfadda Hogaamiyaha laga rabo (leadership).

Waxaan kaloo jagooyin sare kasoo qabtay Dowladda hoose ee magaalada Buffalo ee gobolka New York iyo Degmada loo yaqaano Erie Country oo iyaduna ka tirsan gobolkan. Jagooyikaasi waxaan ku xusayaa halkan: Sanadka markuu ahaa 1994 waxaa la ii doortay Buffalo housing Commissioner, ama kumasaariyaha waaxda guyaha ee magaalada Buffalo. Waxaan halkaas ka noqday Guddonka arrimaha shaqaalaha , oo shaqadeedu ahayd horumarinta iyo daryeelka shaqaalaha. Hay’adda waxaa ka shaqeynayay dad ka badan 500 oo qof. Shaqaalahaas oo isugu jira inta u dhaxaysa Karaani ilaa Agaasime. Isla muddadaas waxaa Mayor-ka  ama Duqa magaaladaa igu magacaabay  Project manager, waaxda dib usoo nooleynta magaalada (Buffalo renewal Agency).

Sandka 2000-2002, waxaa guddoomiyaha Degmada Erie(Erie Country Executive) uu igu magacaabay is ku xiraha xafiiska ganacsatada dadka laga tirda badanyahay (minority) eek u nool degmada Erie (Erie County Minority Business Enterprises Coordinator)ee Gobolka New York. Halakaas waxaa ka caawiyay ganacsato aad u fara badan, una fududeeyey sidii ay uga heli lahaayeen qandaraasyo iyo mashaariic degmadaas.

Waxaan maamulayay dhaqaalo ka badan 100 $ million oo loogu tala galay in lagau hormariyo dadka laga tira badanyahay.

Sanadka 2002-present, Waxaa Governor-kii hore ee la oran jiray George Pataki iigu magacaabay in aan maamule u noqdo Xafiiska Xuquuqda insaanka ee wasaaradda Gaadiidka ee gobolka New York (Regional civil rghtss manager of NY Satete Department of Transportation), howshayduna waxay tahay in aan ilaaliyo xad gudubka lagu sameeyn karo dadka laga tirade badanyahay (Loona yaqaano Minority) .

Waxaa regionka loo qoondeeyey sanad walba 400$ million oo ah hormarinata degmada ah. Hadaba waxaan mas’uul ka ahay oo aan maamulaa dhaqaale dhan 80$ million oo loogu tala galay in la gaarsiiyo dadkaas laga badanyahay (Affirmative Action).

Waxaa intaas dheer Prof. ka ahay  jaamacdda la yiraahdo State University of New York at Erie Community College. Waxan ka dhigaa cilmiyo kala duwan oo ku taxaluqa Horumarinta bini-aadamka. Waxaana ka mid ah maadooyinka aan baxsho: Leader ship Skills, Project Management,Art of thinking, and negotiation and Conflict of Resolution.

Waxaan kale oo aanxubin muuqata uga jiraa dhanka siyaasdda dalkan oo aan si toos ah iyo si dadban u wada shaqaynaa U.S Senators, U.S Representatives farom New York State, iyo siyaasiyiin kala duwan oo ku xiran gobolkan oo aan oran karo waa wax ku ool ah marka loo baahdo.

Xaalada Soomaliya waa xaalad aad u adag una baahan khibrado kala duwan xirfado ku taxaluqa gudaha iyo debadda.

Haddaba waxaa loo baahanyahay in PM-ka aan lagu soo xulan qabiil kaliya ee loo fiiriyo aqoon, xirfad ayo shaqa wanaag si xaaladda hadda jirta wax looga baddalo.

Xogta: ALSHAHID