Shabakada Alshahid » Islaamka

Sahara Obama “Waxaan Allah ka baryay in Madaxweyne Obama uu soo Muslimo”
Nairobi (Alshahid)-Sahara Obama, Madaxweyne Barrack Obama ayeydiis ayaa sheegtay inay ugu ducaysay Madaxweynaha Maraykanka inuu soo galo Diinta Islaamka.

Sahara Obama ayaa sanadkan kamid ahayd xujayda gudatay xajka, waxaana ay waraysi sii say wargeys kasoo baxa dalka Sucuudiga oo lagu magacaabo Al-Watan Saudi daily.

“Waxaan ku ducaystay in wiilka aan ayeyda u ah ee Barrack Obama uu soo Muslimo” ayey ku tiro waraysiga ay sii siisay wargeyska.

Mama Obama ayaa waxaa sanadkan xajdka ku weliyay wiilkeeda Saciid Xuseen Obama iyo afar caruur ah oo ay ayeey u tahay.

Saciid ayaa uga mahad celiyay boqorka Sucuudi Carabiya, Boqor Cabdalla marti qaadkii uu u fidiyay Mama Sahara Obama iyo qoyskeeda.

Ra’iyiga dadweynaha Maraykanka ayaa bishii hore lagu sheegay in mid kamid ah shantii ruux ee Maraykan ahba uu aamisan yahay in Madaxweyne Barrack Obama uu yahay Muslim arrintaas oo uu aqalka cad ee Maraykanka looga taliyo si aad ah u diiday.

Barrack Obama ayaa yaraantiisa kusoo koray dalka Indonesia halkaas oo uu la noolaa ninka hooyadii qabay oo ah Muslim.

Xogta: ALSHAHID

Wargeys kasoo baxa Koonfur Afrika oo sawir gacmeed Nabi Maxamed NNKH daabacay
Johannesburg (Alshahid)-Wargays todobaadle ah oo kasoo baxo dalka Koonfur Afrika ayaa Jimcihii shalay soo daabacay sawir gacmeed (Cartoon) ay ku sheegeen inuu yahay Nabi Maxamed naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee sawirkaasi oo aad uga caraysiiyay Muslimiinta ku dhaqan Koonfur Afrika.

Wargayska oo lagu magacaabo Mail & Guardian ayaa sawiray muqaal ay ku sheegeen Subannaha NNKH oo ku jiifa sariirta la seexiyo dadka waalan kuna cabanaya “Nabiyadii kale waxaa ay leeyihiin dad raacsan oo leh dareen kaftan ama shactiro.”

Urur udooda Muslimiinta Koonfur Afrika ayaa maxkamad la fuulay wargayska kahor inta aysan daabacin sawir kacmeedka balse maxkamadii ayaa diiday dacwada Muslimiinta.

Ihsaan Hendricks; Madaxweynaha golaha sharciga ee Muslimiinta Koonfur Afrika ayaa yiri “Sawir gacmeedkan waxa uu u muuqdaa mid Muslimiinta lagu dandaansanayo xili ay bilaaban rabaan ciyaaraha koobka aduunka waqtigaas oo loo baahanyahay in si nabad ah loo wada noolaado.”

Sawir gacmeedkan oo ah kii ugu horeyay ee Islamka lagu af lagaadeynayo oo wadan Afrikan ah lagu sameeyo ayaa waxa uu dhaliyay caro badan oo katimid Muslimiinta gaar ahaan kuwa Koonfur Afrika waxaana uu qiray Nic Dawes oo ah tafatiraha guud ee wargayskaas in ay helayaan hanjabaadyo oo xitaa loo soo diray telefoon lagu leeyahay “Dhabarkaaga ilaalso tani waxa ay sababaysaa dhimashadaada.”

Waxa ay ahayd Talaadadii tagtay markii ay warbaahinta caalamka wax ka qortay nin Ciraaqi ah oo sheegay in isaga iyo saaxiibadiis ay qorsheynayaan sidii lagu weerari lahaa kooxaha qaramada Holland iyo Denmark marka ay imaadaan Koonfur Afrika.

Xogta: ALSHAHID

Rajminta Al-shabaab, xisbul Islaam Iyo Shareeecadda Islaamka
Wararkii Soomaalidda ee usbuucyadii ina dhaafay waxa ka mid ahaa war sheegayay xukum rajmina oo ay fuliyeen kooxda Xisbul Islaam ee ka talisa magaalada Afgooye. Soomaliddu fasiraada dhacddadan iyo kuwii la midka ahaa ee ka horeeyay waa ay isku khilaafeen. Qolo  waxa ay ku doodeen in rajmintani ay tahay mid loogu gargaarayo shareecadda Islaamka. Qole kale waxa ay falkan u arkaan fal arxan dara ah oo waliba dulmi ku ah kuwii lagu fuliyay xukumkaas, qolooyinkan qaarkood  waxa ayaba  aaminsan yihiin in xukumka rajmintu aanu ku soo aroorin shareeceada Islaamka ee uu yahay mid laga soo guuriyay kutubtii umadihii hore. Qolo sadexaad, iyagu may diidin in rajmigu uu yahay xukum ka mida axkaamta shareecada Islaamka laakiin waxa ay shaki wayn galiyeen daacaddnimada kooxaha fulinaya xukmka ee Al-shabaab iyo Xisbul Islaam. Qoladani waxa ay ku doodayaan  in hirgalinta xudduudu ay u baahantahay dawlad ee aanay koox yari kaligeed hir galin karin, sidaas oo kale waxa ay ku doodayaan in aanay kooxahani u marin fulinta  xadkan wadadadii ay shareecadu u dajisay. Hadaba yaa saxsan? Yaa qaldan? Maxay shareecadu ka qabtaa rajminta? Waddadee ayaase loo maryaa hirgalinta xaddkan? Su’aalahaasi waxa ay ka mid yihiin su’aalo ay dad badani is waydiinayaan, waana su’aalaha aan jawaabtooda ku eegi doono qormadan.

Shareecaddu ka balaadhan xuduud

Xuduuddu waa qayb yar oo ka mida axkaamta diinta Islaamka. Axkaamta diinta Islaamka waxa uu Ilaahay u soo dajiyay in ay bani’aadmiga u horseedaan nolol fiican. Waxyaabaha uu Islaamku aadka ula dagaalamay ee mujtamacyada burburiya waxa ka mida sinada (galmada aan xalaasha ahayn). Qof kasta oo caqli leh  kama qarsoona caaqibo xumada ay sinadu u leedahay qofka iyo mujtamaca xumaantaas banaysta. Raad xuma wayn ayuu ficilkani ku yeeshaa mujtamaca khaasatan hadii qofka ficilkan samaynayaa uu yahay qof xaas ah amaba hore u soo guursaday. Diinta Islaamku dhaqan xumaddan iyo inta samaynaysaba  dagaal wayn ayay ku qaaday,  waxaana ay u samaysay axkaam khaas ah oo ay kaga hortagyso in ay dhaqan xumadani ku faafto mujtamaca dhexdiisa.

Kala duwanaanta qawaaniinta

Inta aanaynu axkaamtaas ka hadal waxa muhiim ah in la isla fahmo in umaduhu ay ku kala duwan yihiin qaab ciqaabeedka ay ku abaal mariyaan danbiilayaasha sharciga jabiya. Sharci (qaanuun) dad ula eeg in uu adagyahay ayaa dad kale ula eeg in uu munaasib yahay. Tusaale ahaan, ciqaabta “Dilka”  wadamada Yurub iyo Kanada waxa ay u arkaan mid qaladan, adag oo xuquuqda qofka ka hor imanaysa, wadanka Maraykanka iyo wadamo badan oo kale se waxa loo arkaa  in ay tahay ciqaab sax ah, miisaaman, oo lagu abaal marinayo danbiilayaasha qaarkood. Dadka ciqaabta shareecada Islaamka u arka in ay tahay mid aan naxariis lahayn waa dad jaahil ka ah nidaamka uu Islaamku ula dagaalamo danbiilayaasha iyo danbiyadaba. Waxaan ku doodaynaa in aanay qawaaniinta Islaamku adkayn isla markaana uu wanaaga mujtamacu ku jiro ku dhaqankooda, waase hadii loo hirgaliyo sidii/waqtigii ay diintu jidaysay.

Rajminta iyo diinta Islaamka

Axaadiis saxiixa oo ku sugan kitaabka Bukhaariga iyo Muslimkuba waxa ay sugayaan in rajmigu yahay mid uu nabigu(csw) ficil ahaan uu sameeyay isla markaana uu asxaabtiisa faray in ay sameeyaan. Afarta mad-hab na waa ay isku waafaqeen sharcinimada arinkan. Waxaba uu soo wariyay Iimaamka la yidhaa Ibnu Qudaamah in culimada Islaamka ee lagu kalsoonyahay ay dhamaantood isku waafaqeen sharcinimada arinkan. Sidaa si le’eg ayuu Sheekha Shawkaani la yidhaa soo wariyay. Waan arkay dad diidan jiritaanka ciqaabtan lakiin taageero badan oo daliil ku dhisan ma haysataan. Waa laga doodi karaa qaabka/waqtiga loo dabaqayo xukumkan laakiin in laga doodo jiritaankeedu waa waqti lumis.

Si kooban sharcigan waxa lagu fulinayaa qofkasta oo sinaysata oo xaas ah amaba guur hore u soo maray. Ciqaabtan si loo hirgaliyose shareecadu waxa ay u dajisay shuruudo iyo jaranjarooyin loo maro fulinteeda. Si ciqaabtan loo hirgaliyo waa in marka hore la sugaa in falkani dhacay. Shareecadu waa ay adkaysay sida lagu sugayo falkan, waayo ujeeddada ka danbaysay hirgalinta xukumkani waa in ay dadka cabsi galiso si aanay dhaqan dhaqankani u noqon mid mujtamaca ku dhex faafa.  Aynu bal hadaba isla eegno qaabka ay shereecadu u sugayso falkan:

Qirasho: Waa in uu qofku qirto in uu sinaystay isla markaana uu rabo in lagu fuliyo sharcigan. Si qirashada qofkaas loo aqabalo waa in uu qaadigu hubiyaa in qofkani waxa uu qiranayaa ay run tahay. Waa in uu sidoo kale hubiyaa in caqligiisu fayowyahay isla markaana aanay jirin cid qofkan ku qasbaysa qirashada arinkan. Waxa la soo wariyaa in nin uu nabiga u yimid oo uu u qirtay in uu sinaystay isagoo xaas ah. Nabigu(csw) waxa uu waydiiyay dadkii- ay ninkaas tolka ahaayeen- in caqligiisu uu dhan yahay iyo in kale. Waxa ay tolkiis u sheegen nabiga in aanay  waali ku ogayn ninkaas. Intaas kadib nabigu (csw) ninkii ayuu waraystay si uu bal u hubiyo waxa uu ninkani sheegayaa in ay sax tahay iyo in kale. Su’aalo badan ayuu waydiiyay oo aad dareemayso in uu nabigu rabo in uu qiil u raadiyo ninkaas. Markii uu qofkaasi si cad u qirtay in uu ficilkaas sameeyay isla markaana uu nabigu hubiyay in maskaxdiisu ay dhantahay ayuu amray in la rajmiyo. Hadii uu qofku qirto sinada oo uu dabadeed ka noqdo qirashadaas maxaa la yeelayaa? Waa in la aqbalo ka noqoshadiisaa, waa hadii aanay jirin daliil kale oo aan ahayn qirashadiisaas oo qofka lagu hayo. Sidaas ayay culimo badani qabaan. Mida kale waa in uu afar jeer oo kala duwan uu qaadiga hortiisa ka qirtaa in uu ficilkan sameeyay.

Markhaatiyo : Mida labaad ee ay ku sugmaysaa waa in la helo 4 markhaati oo aan been iyo xumaan lagu ogayn oo qiraya in ay arkeen qofkaas oo xumaantaas samaynaya. Qaadigu waa in uu hubiyaa in markaatiyadani waxa ay sheegayaan ay hubaan. Waa in uu waydiiyaa waqtiga , meesha iyo waxa ay arkeen in uu qofkaasi samaynayay. Waa in baadhitaan xoogan uu qaadigu ku sameeyaa markhaatiyadaas waayo markhaati furkoodu waxa uu sabab u noqon karaa in qofkaasiuu naftiisa waayo.

Uur: Culimada qaar ayaa qaba in hadii gabadhu ayna xaas lahayn, isla markaana ay uur yeelato in xadka lagu qaado. Laakiin inta badan culimad muslimiintu waxa shardi ka dhigayaan in ay gabadhu ay qirato in ay si xor ay iyadu sinada u samaysay.. Waana sida saxa ah, hadii kale waxa dhici karta in gabadh la kufsaday waliba oo iyadu dulman in  xad lagu oogo.

Arimahaas oo dhan hadaad si xeel dheer ugu fiirsato waxa kuu soo baxaya in Islaamku uu xadkan ku oogayo laba qolo oo kaliya. Qolo waa qolo uu damiirkoodu u saamixi waayay in xumaan ay sameeyeen ay aakhiro Ilaahay la hor tagaan. Inkasta oo ay ka toobad kani kareen, hadana damiirkooda ayaa siin waayay in ay qarsadaan ficilkaas.Sida caadiga ah waa ay adagtahay in danbiilayaashu ay danbigooda qirtaaan. Taariikhduna ma sheegin dad badan oo ficilkan qirta. Qoloda kale waa qolo xumaanta suuqyada la yimid, oo dhaqan xumadooda la yimid meel cid kastaba arkayso. Way adagtahay ayaan is leeyahay in la helo afar markhaatiya oo markhaati ka noqda in ay arkeen dad xumaantan faraha kula jira, waa hadii aanay dadkaasi ahayn dad dhaqan xumadoda meel kasta la taagan.! Sheekha la yidhaa Dr.Yusuf Al-qaradawi waxa uu ku fatwooday xitaa hadii Kamarad la qariyo oo qofkaas xumaanta uu samaynayo laga duubo isaga oon ogayn in aan xadka lagu oogayn,  waayo  waxa loo baahan yahay ayuu yidhi in la helo afar qof oo iyagu ficilkaas arkayay.

Xuduudda Xisbul Islaam iyo Al- Shabaab

Intaas ka dib, waxa aan ku doodaynaa in aanay kooxahan Soomaalidu ee leh xad baan oogaynaa aanay la imanin dhamaanba arimhii looga baahnaa hirgalinta xuduuda Islaamka. Culimo badan oo leh kuwa hore iyo kuwa iminka joogaba waxa ay sheegeen in xuduudda  hirgalinteedu ay u baahantahay nidaam dawladeed ee aanay koox amaba shakhsiyo hirgalin karin. Waxa ay u baahantahay qaadiyo faham fiican u leh nidaamka ciqaabta ee ay shareecada Islaamku doonayso. Waxa ay baahantahay nidaam maxkamadeed kala sareeya oo suga danibiga danbiilaha lagu soo oogayo. Waxa ay baahantahay in la hubiyo caqliga qofkan lagu qaadayo xukumka. Ma aha arin fudud in qof naftiisa la qaado ama xubin muhiim ah oo jidhkiisa ka mida la gooyo, sidaa daraadeed waxa ay u baahan tahay degenaanshiiyo iyo hubsiimo badan. Si axkaamta Islaamku u hirgasho waa in la helaa nidaam garsoor oo ay dadku kalsooni ku qabaan. Waa doodayda in aan shuruudahaas wali la hayn.

Hadii afartii wadaad ee magaalo joogaaba inta ay qof danbi ku soo oogaan, sawiro ka qaadaan, dabadeedna ay yidhaahdaan shareecad baan dabaqaynaa ee na daawada, taasi dabaqaad shareeco noqon mayso ee waxa ay u eekaanaysa ku ciyaarid shareeco. Waxaana laga yaabaa hadii sidaas wax ku sii wadaan in waqtiga aan fogayn ay ay dad badan diintooda ka fidneeyaan.

Khaladka Saxaafadda

Ugu danbayn, qolooyinka warfaafinta-ee sawirada ciqaabaha soo tabiyaa-waa in ay iyaguna hab dhaqankooda saxaafadeed dib u eegaan. Wadamad xuduudda ooga sida Sucuudiga oo kale wali ma arag meel inta wariyayaasha loo yeedho la yidhaa kaalaya qofka la dilayo sawira, ka dibna sawiradii la soo galiyo internedka iyo you tubeka oo ciyaal iyo ciroolaba daawanayaan. Taasi dhaqan saxaafadeed ma aha ee waa in ay qolooyinkaai dib isugu noqdaan oo ay ka fiirsadaan sawirada ay soo gudbinyaan,.Dadka ay soo sawirayaan xurmo ayay leeyihiin xitaa hadii ay danbiilayaal yihiin…

Xogta: ALSHAHID

Soomaalidda qurbaha iyo xidhiidhka Al-shabaab
Duruufaha  dhaqaale iyo siyaasaddeed ee ka jira dhulalka ay Soomaaliddu degaan waxa  ay sabbab u noqdeen in dad badan oo Soomaaliyeed ay hoy ka dhigtaan  qurbaha- khaastana wadamada galbeedka. Dhibaatooyinka caruurta,  khilaafaadka qoysaska, dhaqaalo yirida iyo la qabsi la’aanta nolasha  wadammada loo soo qaxay waxa ay ka mid yihiin dhibaatooyinka ay  Soomaalidu kala kulmeen hoygoodda cusub. Dhalliinyaro Soomaaliyeed oo ku  barbaaray wadamada galbeedka oo mudooyinkan danbe la sheegay in ay  tageen Soomaaliya si ay ugu biiraan ururka Al-shabaab ayaa iyadu noqtay  dhibaatooyinkii ugu danbeeya ee soo waajaha Soomaalidda qurbaha.  Maqaalkan waxa aan ku eegi doonaa saamaynta uu jaaliyaddaha qurbaha ku  yeellan karo xidhiidh dhex mara dhalliinyarada Soomaalida ee qurbaha  degan (qaarkood) iyo ururka Al-shabaab. Sidaas oo kale waxa aan ku eegi  doonaa waajibka arinkan ka saraan waalidka iyo, culimadda jaaliyaddaha  Soomaaliyeed ee galbeedka degan.

Saamayanta xidhiidhka Al-shabaab

Sida ay qirayaan  madaxdiisa Soomaalidda ahi, ururka Al-shabaab waa urur ka tirsan ururka  Al-qaacida. Al-qaacidana sida la ogyahay waa urur dagaal kula jira  caalamka oo dhan, waa urur ay waddamo badani u arkaan in uu khatar ku  yahay amnigoooda. Sidaa daraadeed ku biirida iyo taageerida Al-qaacida  iyo ururada kale ee ay fikirka wadaagaanaba waxa ay waddamo badan ka  yihiin danbi qofkii sameeya lagu ciqaabayo.

Dhalliinyarada  Soomaliyeed ee la sheegay in ay ku noqdeen Somaaliya, waddamadii ay ka  tageen waxa looga arkaa dad ku dhacay fal danbi oo hadii/markii ay soo  noqdaan khatar ku noqon kara amniga waddamadaas. Saamaynta tagitaanka  dhaliinyaradani kuma koobna oo kaliya nolosha dhaliinyaradaas ee waxa uu  saameeyay waaliidkii, saaxiibbadii, masaajiddadii (ay dhaliinyradani  kuxidhnaayeen) iyo dhamaan cid kasta oo ay dhaliinyaradani xidhiidh la  lahaayen. Masaajiddkii ay maalmo galeen wuxuu noqday mid farta lagu  fiiqo, sheekh kasta oo ay maalmo la fadhiisteen waa in la baadho in uu  isagu ka danbeeyay noqoshadooda iyo inkale, qof kasta oo ay la  saaxiibeen waa in la hubiyo in uu Al-shabaab xidhiidh la leeyahay iyo in  kale. Si guud, tagitaankooddu waxa uu saamayn aan yaryn ku yeeshay  jaaliyadaha Soomaaliyeed ee degan meelihii ay dhalinyaradani ka tageen.

Masuuliyadda  waalidaka

Waaqican cusubi waxa uu waalidka  Soomaaliyeed ee galbeedka ku nool hordhigayaa masuuliyad cusub oo waliba  culus. In waalidku uu caruurtiisa tarbiyadeeyo kana badbaadiyo  dhaqannada xun xun iyo in markii ay caruurtaasi toosaan laga badbaadiyo  in ay ku dhacaan dabinka Al-shabaab iyo ururada la fikirka ahi ma aha  shaqo fudud. Wadamada galbeedka marka uu qofku gaadho 18 sano jir waxa  loo arkaa qof wayn, waxa go aya xidhiidhkii sharci ee u dhexeeyay  qofkaas iyo waalidkii dhalay. Marka uu qofku da’daas gaadho waxa uu xaq u  leeyahay in uu baasaboor qaato, lacag amaahdo, tigidh iibasado iyo in  uu meeshii uu doono maro. Tani waxa ay cuslaysay masuuliyadii waalidka.  Waxa sidaas oo kale masuuliyada waalidka sii cusleeyay tiknoolajiyada  casriga ah ee fududaysay in qof degan galbeedku uu xidhiidh adag la  yeesho qof ku nool beriga oo aanu waligii arag. Arimahaas oo jira hadana  waqtigan xaadirka ah waxa muhiim ah in uu waalidku la socdo isbadalada  ku dhacaya nolosha ubadkiisa. Waa in uu waalidku ka war hayaa cida ay  caruurtoodu la saaxibbayaan, waxa ay dhagaysanayaan iyo meelaha ay u  dhoofayaannba. Si uu waalidku u guto masuuliyadda saarana waxa khasab  noqonaysan marxaladdan lagu jiro in uu waalidku kordhiyo cilmiga uu u  leeyahay diinta Islaamka iyo waliba aragtiyaha dhaqdhaqaayda (ururada)  Islaamiyiinta.

In ubadka laga badbaadiyo  daroogada, jeel iyo dhaqan xumadu waxa ay waalidka Soomaaliyeed ee  qurbaha ku nool ku ahayd culays. In caruurtii cuduradaas ka badbaaday  laga badbaadiyo darafka kale ee ay matalyaan ururada fogaaday sida  Al-shabaab iyo Al-qaacida waa culays kale oo ku soo biiray culyskii hore  ee waalidka Soomaaliyeed. Waase culays ay waajib tahay in isna la  waajaho.

Masuuliyada Culimada

Lama dafiri  karo doorka ay culimada Soomaaliyeed ee qurbuhu ku leeyihiin ilaalinta  shaksiyadda qofka Soomaaliyeed ee qurbaawiga ah. Dhisidda masaajiddo ay  jaaliyadu ku cibaadaysato, barida Quraanka ee ubadka soo koraya,  faafinta duruusta diiniga ah ee jaaliyadda lagu wacyi galinayo, ka  jawaabida su’aalaha diinta ee ay jaaliyadu u baahantahay iyo qabashada  shirar diiniya oo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee qurbaha deggani ku kulmaan  waxa ay ka mid yihiin shaqooyinka ay culimada Soomaaliyeed ee qurbaha  daggani u hayaan jaaliyadooda. Waxaanse shaki ku jirin iyana in  xidhiidhka ka dhaxeeya dhaliinyarda iyo culimada Soomaalida ee qurbuhu  aanu adkayn, marar badana aabanu jirin. Xidhiidh la’aantaasi waxa ay  fududaysay in mararka qaarkood ay dhaliinyarada qaarkood xidhiidho la  samaystaan ururo uu fahankooda diintu xag jiro laakiinse ku hadlaya  luqad ay dhaliinyaradaasii fahmi karaan. Sidaa daraadeed waa in  masaajidada Soomaalida iyo culimadooduba ay adkeeyaan xidhiidhka ay la  leeyihiin dhalinyarada. Waa in la soo saaro culimo dhalinyaro ah faham  fiican u leh diinta Islaamka iyo waaqic nololeedka dhaliinyarada qurbaha  ku nool. Ugu danbeyntii waa in ay culimadu ay si cad uga digaan fitnada  iyo dhibaatooyinka ka iman kara qaadashada fikirka ay xambaarsan yihiin  ururada sida Al-shabaabka oo kale ah.

Xogta: ALSHAHID

Tobanka danbe ee Ramadaan : Fursad aan soo noqon doonin
Asxaabi la odhan jiray Abu-Hurayra ayaa maaalin isaga oo suuqa jooga waxa uu dadkii uu la kulmay ee aduunka ku mashquulsanaa u sheegay in dhaxalkiii nabiga (CSW) dadka muslimiinta ah loogu qaybinayo Masaajidka Nabiga (CSW). Qaar badan oo ka mida dadkii maqlayay hadalkani waxa ay markiiba u carareen xagii Masaajidka iyaga oo is leh ka gaadha dhaxalkaas la qaybinayo. Markiise ay gaadheen halkaas kuma aysan arag dhaxalkii la qaybinayay ee  uu Abu-Hurayra u soo sheegay. Iyaga oo yaaban ayay ku soo noqdeen Abu Hurayra waxayna waydiiyeen waxa ku dhacay dhaxalkii Nabiga (CSW) ee uu u sheegay in Masaajidka lagu qaybinayo. Abu Hurayra waxa uu waydiiyay waxa ay soo arkeen. Waxay ay u shegeen in ay soo arkeen oo kaliya dad diin baranaya iyo qaar kale oo cibaadaysanaya.  Isaga oo hadaba raba in uu cashar muhiim ah baro dadkaas ayaa waxa uu ku yidhi “ miyayadaan ogayn in Nabiyada laga dhaxo oo kaliya diin iyo celmi ee aanay ka tagin maal aduunyo oo laga dhaxlo. Dhacdadani waxa ay markhaati u tahay sida qofka bani’aadmiga ahi uu markasta ugu da-daalo arinkii uu ogyahay in uu nafci aduun ugu jiro. Ceebi kuma jirto in qofku uu ku dadaalo raadsiga aduunka laakiin waa in aanu aduunku noqon waxa kaliya ee uu qofku u noolyahay. Waa in la ogaadaa in ay jirto nolol kale oo tan aduunka ka danbayasa taas oo aan iyadu waligeed dhamaanayan. Hadaba nolashaas danbe iyadana waa in loogu dadaalaa si la mida ama ka badan sida loogu dadaalayo tan aduunka.

Kalimadahan kore waxa ay horudhac u yihiin ujeedada maqaalkan oo ah baraarujin aan rabno in aanu akhristayaasha maqaalkan ku baraarujino fursad qaaliya oo hadii laga faa’idaysto qofka ilaahay ku dhawaynaysa. Fursadaasi waa tobanka habayn ee ugu danbeeya bishan barakaysan ee Ramadaanta. Hadaba qiimo intee le’eg ayay leeyihiin tobankan habayn ? sidee baynuse uga faa’idaysan karnaa?

Toban Habyn oo khyr iyo barako leh

Tobankan habayn waxa qiimo ugu filan in uu ku jiro habankii uu bilaabmay soo degitaanka Quraanku. Habaynkaasi waa habaynka LAYLATUL-Qadriga. Waa habayn barakaysn oo ka khayrb badan kun bilood (83 sano). Waa habayn dad badan laga xoreeyo ciqaabta iyo cadaabta Alle. Waa habayn qofkii Alle dartii iyo ajar doon u istaaga uu Ilaahay danbigiisii hore dhaafo. Qiimaha ay hadaba habayandani  leeyihiin dartood ayuu Nabi Maxamed (csw) uu dadaalkiisa habaynadan u laban laabi jiray. Waxa uu la iman jiray cibaadooyin iyo acmaal ka badan kuwa uu la iman jiray habaynadii ka horeeyay tobankan.

Fursadan sidee looga faa’idasytaa

Fursadan waxa looga faa’idaysan karaa in la sameeyo arimahan

Habaynkii oo cibaado lagu nooleeyo. Nabigu (csw) habaynadan waa uu noolayn jiray. Waxa uu ku noolayn jiray Quraan akhris badan, dikriga Alle, Salaad, duco iwm.

In reeraha la kiciyo si  ay khayrkan uga qayb galaan. Nabigu (csw)  habaynadan reekiisa waa uu toosin jiray si ay fursadan uga faa’idaystaan. Waxa aan is leeyahay dhaqankani waa dhaqan hadii la samayn lahaa uu Alle dhibaatooyin badan gudo iyo dibadba dadka Soomaalida uga faydi lahaa.

In qofkii awoodaa uu tobankan cisho masaajidka fadhiisto (ictikaafo). Sida ay Caa’isha soo warisay nabigu(csw) tobanka cisho ee Ramadaan ugu danbeeya waxa uu ku ictikaafi jiray Masaajidka. Dhaqankan kama tagin nabigu (csw) ilaa uu ka dhimanayay.

In lagu dadaalo raadinta habaynka Layltul-Qadriga. Laylatul Qadrigu waa habayn ka mida habaynadan tobanka ah. Habaynka uu yahay la iskuma raacsana ka uu yahay laakiin waxa ay u badan tahay in uu ku jiro habaynada kisiga ah ee tobankan habayn ka mid ah. Waxa ayna ugu sii badan tahay in uu yahay habaynka 27 aad. Fadliga habaynkan kor ayaan ku soo sheegnay. Sidaa darteed waa in aad loogu dadaalaa sidii loola kulmi lahaa.

In khilaafka iyo doodaha aan khayrka lahayn laga fogaado, isla markaasna hadii ay jiraan cidii uu khilaaf idinka dhaxeeyo waa in aad la heshiiso. Waxa la soo wariyaa in cibaadooyinka dadka is khilaafsan aan kor loo qaadin ilaa ay ka heshiinayaan, Sidaa darteed hadii ay jiraan dad uu khilaaf idinka dhaxeeyo ku dadaal in aad la heshiiso.

In sadaqada la badsado. Khaastana in la bixiyo Sakooyinka fidriga iyo ta maaalkaba. Xusuuso in ay jiraan dad sida aad u soontay u sooma laakiin aan malaainta ciida hasyan wax ay ku ciidaan. Isku day maalmahan in dadkaa aad caawiso.

Gabagabo

Gabgabdii habaynadani waa habayno barako iyo khayr. Hadii uu sanadkan Alle fursadan ku gaadhsiiyo ma hubtid in ay mar kale ku soo mari doonto fursadni ee ka faa’idayso. Walaalo badan oo sanadkii hore waqtigan oo kale inala joogay, sanadkan inalama joogaan oo aakhiro ayay u socdaaleen. Inagana waxa laga yaabaa in aynaan sanadka soo socda  Ramadanteeda tobanka ugu danbeeya aynu gaadhi wayno ee daqiiqad kasta oo daqiiqadaha tobanka cisho ah aynu ka wada faa’idaysano faa’idaysano.

Xogta: ALSHAHID

Muslimiinta Shiinaha (23 Milyan oo qof, 34 kun oo Masaajid iyo 21 Jaamacado iyo machadyo)
muslimiinta Shiinaha

Sannadkii 651 ayay ahayd markii ugu horreysay ee uu islaamku gaaro dalka Shiinaha, xilligaas oo uu Khaliif 3-aad ee islaamka Cusmaan Binu Cafaan uu ergay u diray caasimadii Shiinaha ee xilligaas oo lagu magacaabi jiray  Tashangai.

Ergaygaas wuxuu la kulmay boqorkii Shiinaha, wuxuuna uga sheekeeyay xaaladda dowladda Islaamka iyo dhaqamada dadka muslimiinta ah.

Halkan ayay taariikhyahannadu ku sheegaan inay tahay bilowgii islaamka ee Shiinaha.

Wixii xilligaas ka dambeeyay waxaa dalka Shiinaha tagay muslimiin badan oo ka kala tagay waddamada Faaris, Carabta iyo dowlado kaleba, kuwaas oo isugu jiray ganacsato, siyaasiyiin iyo ciidanba, waxayna degeen goobo kala duwan oo dalkaas ah, waxaana lagu magacabay dadkaas “Kuwii soo degay Tang”.

Sannado kaddib waxay ku milmeen dadkii Shiinaha oo ay ka guursadeen, waxaana markii dambe loo bixiyay “Martidii ajaanibta ahayd” kuwaasoo ah halka uu ka soo jeedo faraca muslimiinta Shiinaha ee maanta.

Xilligii ay dalka Shiinaha xukumayeen reerkii la oran jiray Yuwan oo ku beegnayd sannadihii 1206 – 1368, oo uu aasaasay ninkii la oran jiray Qublaan Khaan oo ahaa awoowihii Jenkez Khaan, ayaa tirada dadka Muslimiintu ay aad kor ugu kacday, maanta la joogana muslimiintu muuqaal fiican ayay ku leeyihiin dhinaca bulshada, waxayna sameeyeen horumar degdeg ah.

Sanadihii 1368 ilaa 1644 oo ay dalka Shiinaha xukumayeen qoyskii Miinig, sidoo kale muslimiintii Shiinaha waxay ku tilaabsadeen horumar lixaad leh, waxaana Shiinaha u soo baxay nin lagu magacaabi jiray Shang Khi oo ahaa bad mareen iyo siyaasi muslim ah, kaasoo safar dheer oo 28 sano qaatay ku soo maray badaha galbeedka ka xiga Shiinaha sanadihii 1405 – 1433, waxaana xilligaa loo aqoonsaday hoggamiyiihi ugu weynaa adduunka ee ebed hoggaamiya maraakiibtii ugu tirada badnayd.

Sanadkii 1433 Shang Khi wuxuu soo gaaray dekadda magaaladda Jiddah ee dalka Sacuudida, halkaasoo ay uga sii gudbeen magaalada Makka si ay u soo xajiyaan, wuxuuna sawir ka qaaday Kacbada oo uu geeyay dalka Shiinaha.

Muslimiinta dalka Shiinaha ayaa maanta lagu qiyaasaa inay gaarayaan ilaa 23 Milyan oo qof, waxayna leeyihiin masaajiddo gaaraya ilaa 34 kun oo masjid, taas oo machaneedu yahay in 500 oo qof ay leeyihiin masjid ay ku dukadaan, halka imaamyada masaajiddana ay kor u dhaafayaan  ilaa 45 kun oo imaam.

Sida laga soo xigtay safaaradda Shiinaha ee Sacuudiga, xiriirka diblomaasi ee u dhexeeya Shiinaha iyo Sucuudiga wuxuu fursad fiican siiyay muslimiita Shiinaha oo sanadkiiba ay ka soo xajiyaan ilaa 70 kun oo qof.

Heerka waxbarshada dadka muslimiinta Shiinaha ayaa kor u kacay, magaalada Shiengiyang  oo keliya waxaa ku yaal jaamacado iyo macaahid gaaraya 21 oo ay wax ka bartaa arday gaaraysa ilaa 30 kun oo arday, waxaana si fiican u kordhay dadka ku takhasusaya culuunta islaamka, sidoo kale jaamacadaha iyo machadyada kale ee ku yaal gobollada muslimiinta waxay leeyihiin kulliyado iyo faracyo islaamka lagu barto.

Sida ay xustay safaaradda Shiinaha ee Sacuudiga waxaa jira xiriir wada shaqayn iyo wax is dhaafsi oo ka dhexeeya  Jamciyadda Islaamka ee Shiinaha  iyo ururada islaamiga ah ee ay ka mid yihiin ururuka Raabida Islaamka, jamciyadda Aldacwa ee Liibiya, jamciyadda islaamiga ee gargaarka ee ka dhisan Malaysia, jamciyadda Maxamed Dhiyaa’ ee dalka Indonesia  iyo kuwo kale.

Muslimiinta Shiinaha waxay si aad ah ugu milmeeen dhaqamada dalka shiinaha marka laga hadlayo dhinacya dhismaha guryaha, xafladaha iyo dhaqamada diiniga ah, inkastoo uu saamayn xoog leh ku yeeshay dhaqamada Shiinaha haddana muslimiinta Shiinaha dhanna ugama leexan culuunta islaamka, waxna kama aysan bedelin tiirarka lixda ah ee iimaanka iyo salaadaha shanta ah. Qowmiyadaha Muslimiinta shiinaha waxaa lagu sheegaa ilaa 10 qowmiyadood waxaana la kala yiraahdaa Wigoor, Qaasaaq, Gargiiz, Ozbik, Dhajik, Tataar, Huy, Salaar, Dongshiaang, iyo Baawaan,

Sanadkii 1911 Shiinuhu wuxuu isu rogay jamhuuriyad, waxaana ka dhacay iska hor imaadyo gudaha ah iyo dagaalo dibadda ugaga yimid, waxaana soo baxay hoggaamiyeyaal muslimiin ah oo ku baaqayay in jacaylka dalka iyo difaaciisuba yahay waajib saaran qof kasta oo Shiinees ah , waxayna si cad u tilmaameen inay lagamamaarmaan ay tahay xoojinta iskaashiga qowmiyadaha kala duwan ee Shiinaha, waxayna ugu yeereen muslimiinta ee ka soo kala jeeda qowmiyadaha kala duwan inay ku biiraan dhaqdhaqaaqa ka  badbaadinta dowladda xadgudubyada dibadda ee kaashanaya dhallinyarada Shiinaha ee aan muslimiinta ahayn.

1949 markii dhidibada loo aasaasay dowladda Shiinaha, waxay dowladdu la timid siyaasad ilaalinaysa sinnaanta qowmiyadaha kala duwan  iyo in qof kastaa uu xor u yahay inuu qaato caqiidada uu rabo, taasina waxay keentay in muslimiinta Shiinaha ay ku noolaadaan nolol wanaagsan, kuna naaloodaan xorriyad iyo sinnaan dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha ah.

Waxay dowladdu bilowday inay ilaalin gaar siiso ilaalinta masaajiddada iyo goobaha diinta ee ay leeyihiin muslimiinta, sidaa si la mid ahna ixtiraam la siiyo dhaqamada iyo caadooyinka dadka Muslimiinta ah, iyadoo la eegayo dhaqanka islaamkana waxaa muslimiinta Shiinaha loo sameeyay fasaxyo ku aaddan ciidaha islaamka ee ciidul Fidri iyo ciidul Adxaa.

Waxay sidoo kale dowladdu ogolaatay in gobollada muslimiinta ay yeeshaan is maamul u gooni, waxayna maamulladaasi soo bilowdeen sanadkii 1955.

Shirkii ugu horreeyay ee muslimiinta shiinaha waxaa la qabatay 11 May 1953, waxaana kulkaa lagu sameeyay Jamciyadda Islaamka ee Shiinaha.

Wixii ka dambeeyay sanadkii 1978 oo ay dowladda Shiinaha qaadatay siyaasadda furfurnaata, wuxuu dalka Shiinuhu ku tilaabsaday horumar degdeg ah, muslimiinta Shiinaha fursaddaas waxay siisay inay horumar ka gaaraan dhinacyo badan gaar ahaan dhinaca siyaasadda, waxaana jira tiro aan yarayn oo siyaasiyiin ah oo ku jira arrimaha siyaasadda Shiinaha.

Dhinaca dhaqaalaha muslimiinta Shiinaha qayb lixaad leh ayay uga jiraan dalka, waxayna horumar ka sameeyeen soo saaridda dharka iyo toliinka, cuntada, dhaqidda xoolaha, gaadiidka, qalabka electronikada ah, waxayna faa’iido badan ka helaan suuqyada dalkooda, dibaddana wax bay u dhoofiyaan.

Asharqal awsat

Xogta: ALSHAHID

Afka Jannada ma lagu doorsan karaa Soomaali?
Qore: Saciid A. Ismaaciil

Madaxweynaha maamul goboleedka Buntilaan mudane C/Ramxaan Maxamed Maxamuud “Faroole”, wuxuu wadaaddada ka khudbeeya masaajidda ku yaal deegaannada maamul-goboleedka kula taliyey inay khudbada salaadda jamcada ku jeediyaan afsoomaali. Run ahaantiina, mowqifka mudane Faroole waa mid mudan bogaadin iyo dhiirrigelin. Laakiin sida la wada garan karo arrinkaan iyo kuwa la mid ka ahi ma aha kuwo lagu xalliyo wareegto ka soo baxda xafiis dowladeed, balse waxaa lamahuraan ah inay ku yimaadaan wacyiga iyo bisaylka bulshada.

Dhallinyaro-nimadaydii waxaan aad u akhrin jirey qoraallada afcarabiga ku qoran ee ka hadla duullaanka xagga maskaxda ah [= Al-Gaswi Al-Fikrii] ee reer Galbeedku ku hayaan carabta iyo muslimiinta, laakiin maanta waxaan rumaysnahay in duullaanka maskaxda ee carabtu u geysteen muslimiinta kale uu ka ballaaran yahay, kana qotodheer yahay kan reer-galbeedku u geysteen, sababtuna waxay tahay muslimiintu duullaanka saancaddaha waa ka digtoonaayeen, wax walba oo xaggiisa uga yimaadana waxay ku eegi jireen shaki iyo ilxun, laakiin si taa ka duwan muslimiintu marna iskama jirin duullaanka carabta,  wuxuuna ku galay si sahlan oo doqon ma garato ah, waayo wuxuu ugu soo dugaalay diin.  Soomaaliduna waa tii horay u tiri: “Dhurwaaga kan qayliya iyo kan aammusan keebaa la qaataa”, jawaabtii ay bixiyeenna waxay ahayd: kan qayliya, saa yur baad iska tiraahdaaye!, sida la ogyahayna abeesadu dhul u ekaan bay kugu dishaa!

Carabtu magcaanta shanta maalmood ee ugu horreeya maalmaha isbuuca waxay ka qaateen tirada xisaabta, oo Axad, Isniin, Talaado, Arbaco iyo Khamiis waxaa laga keenay waaxid, itniin, talaata, arbaca iyo khamsa, oo u dhigma kow, labo saddex, afar iyo shan. Magaca maalinta lixaad ee jimcaha oo macnihiisu la mid yahay “Kulan ama kulmiye”, isagana waxay ka soo qaateen dhaqan ay lahayd Qureeshtii Maka oo ahaa in maalinta lixaad ee isbuuca ay ku kulmaan guri la oran jirey “Daar An-Nadwa”, si ay ugu shiraan, arrimahoodana ugu lafo guraan. Erayga sabtina waxaa la malaynayaa in laga soo qaatay erayga cibriga ah ee “shabaat” oo macnihiisu yahay maalin nasasho. Kutubta Towreedka midkoodna wuxuu leeyahay: “Lix maalmood waxaad qabanaysaa shaqadaada, maalinta toddobaadna waad nasanaysaa, si ay u nastaan dibigaaga iyo dameerkaagu,…”. Quraanka kariimkuna Yahuudda wuxuu ugu yeeray magaca “sabtilayaal /Asxaab Asabti”.

Qoraallada taariikhduna waxay sheegaan in carabtu waagii hore maalinta jimcada u taqiin maalinta carabta [= yoom al-curuuba], ruuxii ugu horreeyey ee maalinta jamcada jamce ugu yeerana uu ahaa nin la oran jirey Kacab bin Lu’ey oo la qiyaasayo inuu ahaa nebiga awowgiis 7-aad. Markii islaamku yimidna muslimiintii magaalada Yatrib – oo mar danbe loo bixiyey Madiino- waxay qaateen dhaqankii carabta ee ahaa in la isu soo ururo maalinta jimcada, sababta oo ah waxay u baahnaayeen inay helaan maalin ay maamuusaan oo ka duwan sabtida Yahuudda iyo axadda kiristaanka.

Waxaana la wariyey in qofkii ugu horreeyey ee Madiino muslimiin ku kulmiyaa uu ahaa saxaabi la oran jirey Ascad bin Saraara (RC) ama saxaabi kale oo la oran jirey Muscab bin Cumayr (RC).

Kolkii nebigu (SCW) madiino u soo qaxayna [= hijroodey] jamcadii ugu horraysey waxay qabatay isaga oo ku sugan tog ay degi jirtey qabiilo la yiraahdo banii Saalim banii Coof, nebiguna meel ay ku tukan jireen ayuu ugu khudbeeyey. Khudbadaasina waxay ahayd tii ugu horraysey ee nebigu Madiino ka jeediyo. Dabadeedna waxaa soo degtay aayadda oranaysa: ” Kuwa xaqa rumeeyow marka la isugu yeero salaadda maalinta jimcaha ah aada xusidda Eebbe, wax gadashadana ka taga, sidaasaa idiin khayr roon haddaad tihiin kuwo wax og.” [Al-Jumucah:9]. Waxaana xusid mudan in quraanku uusan sheegin in jamcadu tahay maalin fasax iyo nasasho, sidaas oo ay tahayse, muslimiintu waxay caado ka dhigteen in jamcadu tahay maalin nasasho.

Yeelkadeede, su ‘aasha meesha taal ee jawaabta u baahani waxay tahay: ma bannaan tahay in khudbadda jamcada lagu jeediyo af aan Carabi ahayn?

Fuqahada islaamku masaladaan waa isku khilaafeen, guud ahaanna afkaartooda waxaa loo qaybin karaa saddex qaybood oo kala ah:

Kow: fuqahada mad-habta Maalikiyada iyo qaar ka mid ah Xanaabiladu waxay qabaan in haddii la helayo khadiib afcarabi yaqaan ay waajib tahay in carabi lagu khudbeeyo xataa haddii dhegeystayaashu aysan carabi aqoon. Haddii la wayo ruux carabi yaqaanna dadkaas salaad jimce ku waajibi mayso, ee waxay tukanayaan salaad duhur.

Labo: fuqahada mad-habta Shaaficiyada iyo qaar ka mid ah Xanaabiladuna waxay ku tageen in loo baahan yahay in carabi lagu khudbeeyo, laakiin haddii dhegaystayaasha dhammaantood aysan carabiga aqoon waxaa bannaan in loogu khudbeeyo afka ay garanayaan.

Saddex: fuqahada mad-habta Xanafiga iyo qaar ka mid ah Shaaficiyaduna waxay yiraahdeen: waxaa habboon in lagu khudbeeyo afcarabi, laakiin khasab ma aha, oo khaddiibku wuxuu ku khudbayn karaa afkii la doono ee dhegaystayaashu ay fahmayaan.

Fuqahada kuwa u arka inay waajib tahay in khudbada jimcada lagu jeediyo carabiguna waxay daliishadeen in nebi Muxamed (SCW) uusan weligi jeedin khudbo aan afcarabi ahayn iyo inuu dhanbaallada uu boqorrada u diro carabi ku qori jirey? Laakiin dhab ahaantii, daliilkaasi waa mid aad u liita, waayo nebi Maxamed ma aqoon af aan carabi ahayn, isla markaana uma baahnayn inuu ku khudbeeyo af aan carabi ahayn, waayo dadka uu u khudbayn jirey waxay ahaayeen Carab ay isku af yihiin. Dhanka kalena, nebigu wuxuu ogaa in warqadaha uu carabiga ku qorayo marka ay u tagaan boqorrada ay ku socdaan in loogu tarjumayo afafkooda.

Waxaana xusid mudan in Maalik, Shaafici iyo Axmed bin Xanbal ay carab ahaayeen, laakiin Abuu Xaniifa uusan carab ahayn. Malaha taasina qayb bay ka qaadatay kala duwanaanshaha xagga fikirka ah ee u dhaxeeya fuqahada, waayo Abuu Xaniifa oo ay dhici karto inuu aqoon u lahaa afaf aan carabi ahayn (sida afka Faarisiga), waxaa u sahlanaa inuu fahmo in afafku yihiin aalad farriimaha la isugu gudbiyo, aysanna kala fadli badnayn, inkasta oo ay dhici karto inay kala horumarsan yihiin.

Si kastaba ha ahaatee, maanta culumada islaamka iyo hey’adaha fatwada badankoodu waxay qabaan in aysan khasab ahayn in khudbadda jimcaha lagu jeediya afcarabi, balse loo baahan yahay in lagu khudbeeyo afka ay fahmayaan dadka khudbada dhegaysanayaa. Waayo, danta laga leeyahay khudbadu waa in dadka lagu wacdiyo, oo wanaagga lagu faro xumaantana looga reebo, taasina waxay suuroobaysaa haddii dadka wax loogu sheego af ay garanayaan.

Taasoo jirta, haddana runta kharaar ee na hortaallaa waxay tahay in ka dhabaynta arrinkaasi aysan ahayn hawl fudud, waayo wadaaddadu waxay xiriir toos ah dhexdhigaan islaamnimada iyo carabiga, oo waxay la tahay in carabigu afafka kale ka fadli badan yahay, iyo in ku hadalkiisa Alle loogu dhawaanayo. Qof ahaan, in badan baa Soomaali – wadaaddo u badani- waxay I weydiiyeen su’aasha ah: sidee baa dammiirkaagu kuu siiyey inaad Soomaali wax ku qorto adiga oo fursad u helay inaad Carabi barato? Ma Carabi iyo Soomaali baa ah labo laysku doorsado?

Carabtu islaamka ka hor waxay ahayd ummad xoolo dhaqato ah, aqoonta ugu mudan ee ay ku dhaadataana waxay ahayd gabayga iyo abtirsiga, laga bilaabo xilligii dowladdii Ummawiyiintana islaamka waxay ka dhigteen diin carbeed oo u yimid si carabta looga sarraysiiyo ummadaha kale. Nebi Maxamedna (SCW) waxay u arkeen inuu ahaa halyey u soo baxay qowmiyadda carbeed oo u dhigma Jenkiis Khaankii Mogoolka. Arrimahaasina carabta waxay dhaxalsiiyeen in meel kasta oo cagtooda ama carrabkoodu gaaraan ay ku faafiyaan fikrad ah in carabta iyo afkooduba barakaysan yihiin, dadka iyo afafka kalena ka fadli badan yihiin. Si dooddaas loogu qancana waxay falkiyeen axaadiis badan oo ay nebiga carrabka ugu tireen, waxaana ka mid ah: ” Jacaylka carabtu waa iimaan, nacaybkooduna waa nifaaq/gaalnimo”, “Ruuxii carab khayaanaa shafaacadayda ma helo”, ” Ruuxii carab khayaanaa jannada ma galo”, “Haddii carab dullowdo, islaamkuna waa dulloobaa”, “Saddex arrimood dartood carab u jeclaada: anigu carab baan ahay, quraankuna waa carabi, afka ehlu-jannaduna waa carabi”, “Afka ehlu-jannadu waa carabi, kan ehlu-naarkuna waa faarisi “. dooddaasna dad badan baa inta u qaatay xaqiiqo diini ah, si sahlan ku rumaystay, afkaartii carabtana ku xanbaartay [waxaa jiraa buug laga qoray fadliga afcarabiga iyo in Carabtu ka sarrayso cajamta (= ummadaha kale) gaalo iyo muslimba]

Sidaa darteedna, Muslimiintu waxay u qaateen in afka carabigu barakaysan yahay, dunida islaamkana kama jirin af la barto oo aan ka ahayn carabiga [marka laga reebo faarisiga iyo turkiga oo ay caadi ahaan baran jireen dadka u dhashay labadaas qowmiyadood]. Waxaana faaftay fikradda ah in barashada afafka gaaladu ay la imaanayaan gaalnimo iyo gaalo jacayl. Arrinkaasina wuxuu dhaliyey in muslimiintu si qumman uga faa’iidaysan waayeen aqoontii ummadihii kale [waaba gaale muxuu sheegi]. Qoraallada taariikhduna waxay noo sheegayaan in dunida islaamka wixii ka horreeyey qarnigi 19-aad, hawsha tarjamada ay qaban jireen dad aan muslimiin ahayn sida: yahuud, kiristaan,… ama ugu yaraan muslimiin aan diinta ku dhalan balse soo muslimay.

Run ahaantii, carabtu waxay si weyn ugu guulaysteen inay dhaqankoodii ku barxaan diinta islaamka, ummadaha kalena uga iibiyaan sidii inuu diin yahay. Tusaale ahaan, cimaamaddu waa dhar carbeed ee ma aha astaan islaamku leeyahay. Carabtana xirashada cimaamadda waxaa baray kulaylka iyo dabaylaha ka jira saxaraha carabtu degto, laakiin carabtu waxay allifeen axaadiis ka hadlaysa fadliga cimaamadda. Axaadiistaas midkoodna wuxuu leeyahay: “Ogaada cimaamadaha waayo waa astaanta malaa’igta, dhabarkana ka raariciya”. Sidaa darteedna, muslimiintu meel ay joogaanba waxay u qaateen in cimaamaddu tahay summad islaamka lagu garto. Sida la ogyahayna, sanooyinkaan danbe cimaamadda casi waxay suuqa ka saartay tii caddayd ee waayadii hore ay muslimiintu aadka u xiran jireen. Carabta qaarkood oo malaha ka carooday sida cajamtu isugu jafayaan cimaamaduhuna waxay ku heeseen: “Cimaamadda casi waa astaan carbeed” [cimaamatu xamraa ramsu curuubah].

Sidoo kale, carabtu islaamka ka hor waxay ku noolaayeen nolol qallafsan, oo ilbaxnimada maaddiga ahi ay ku yar tahay, caadi ahaanna ma heli karin waxyaabaha lagu raaxaysto ama dadka nolosha u fududeeya. Tusaale ahaan, carabtu ma aqoon in cunidda raashinka loo adeegsado qaaddo, middi, fargeeto, miis, ..iwm. waxayna caado u lahaayeen in weel keliya raashinka lagu cuno iyo in faraha la leefo raashinka ka dib. Islaamka ka dibna, ummadihii ku noolaa dhulalkii ay furteen waxay ku dhex faafiyeen in arrimahaasi yihiin dhaqan islaamku la yimid oo loo baahan yahay in la fuliyo. Waxayna wariyeen axaadiis dhaqamadaas faraya, oo tusaale ahaan waxaa la wariyey xadiis oranaya: ” Hilibka middi ha ku jarannina waayo cajamtaa sidaa yeesha, ee ilkaha ku goosta maxaa yeelay taasaa dhereg iyo macaan badan”. Meel walba iyo waqti kasta oo la joogana waa in raashinka shanta lala galo, marka laga dhergana waa in faraha middiiba saddex jeer la leefo. Haddii aan sidaas la yeellinna waa in la ogaadaa in diinta meel looga dhacay, aakhirana la is-xisaabin doono!

Dhanka kale, islaamka ka hor dhaqaalaha Jasiiradda Carabtu wuxuu ku dhisnaa dhaqashada xoolaha, siiba geela. Geelu waa noole adkaysi badan, oo baadka iyo biyaha muddo dheer moogaan kara, isla markaana cagaftiisu ku habboon tahay ku socodka dhulka jasiiradda oo bacaad iyo buuro u badan. Arrimahaas iyo kuwo kale oo isbiirsadyna geela waxay ka dhigeen duunyada la dhaqdo kan carabtu ugu jeceshahay. Jacaylkii ay u qabeenna wuxuu ku xanbaaray inay u bixiyaan magcaan qaali ah, sida “Deeq Alle/ Caddaa’ul-laah”,iyo weliba inay caabudeen, isla markaana curiyaan sheeko-xariirro badan oo ku saabsan geela. Tusaale ahaan, waxay ku been-hawaaseen in geelu yahay wixii ugu horreeyey ee Eebbe uumay, kana uumay daruur, sidaa darteedna taniyo maanta daruuraha waxaa lagu arkaa awr iyo qaalmo geel. Sidoo kale, waxay ku andacoodeen in geelu dhiig la wadaago shayddaanka, taana waxaa marag u ah kibirka iyo tookha geelleyda.

Waxay kaloo ku doodeen in geelu markiisii hore ahaa duunyo Yahuudda u gaar ah, oo dunida kama jirin ummad kale oo geel dhaqataa. Laakiin seben sebennada ka mid ah ayaa carabi ku duushay yahuuddii oo geelii ka soo mooradduugtay, taniyo waagaasna geelu wuxuu noqday duunyo carabi leedahay, yahuudna waxay ku kaaftoomeen dhaqashada lo’da iyo ariga, sababta oo ah yahuud nacalad qabtaa ma istaahisho in geel lagu sharfo. Waxaana habboon in la xasuusnaado in Yahuuddu xarrimaan cunidda hilibka geela.

Teed kale, geelu carabta wuxuu ugu jirey booska lacagta, oo waxay u adeegsan jireen wax isdhaafsiga. Tusaale ahaanna, meherka, magta ..iwm., waxay ku bixin jireen tiro geel ah. Waxaana la wariyey in Cabdi-Muddalib oo nebiga (SCW) awoow u ahaa, uu yahay ruuxii ugu horreeyey oo gooya in magta ruuxa la dilo laga dhigo bogol neef oo geel ah, caadadaasna kolkii danbe islaamku carabtuu ka qaatay –(Akhristow culumada islaamka badankoodu waxay qabaan in magta dumarku ay le’eg tahay kalabar magta ragga, oo haddii magta ninku ay tahay 100 halaad, tan haweenaydu waxay noqonaysaa 50 halaad, laakiin marka ruuxu dhab u baaro diinta islaamka wuxuu ogaanayaa in arrinkaas aan waxba ka jirin, magta ragga iyo dumarkuna ay isle’eg-tahay, oo islaamku ma qabo wax la yiraahdo boqollow)-   Intaa waxaa dheer,  kaadida geelu carabta waxay ugu jirtey kaalinka biyaha iyo walxaha kale ee la isku nadiifiyo, sidaa darteedna waxay ugu qubeyn jireen carruurta, dumarkuna waxay ku mayran jireen timaha si ay uga ilaaliyaan in dulin ku dhasho. Sidoo kalena, kaadida geelu waxay qayb ka ahayd caafimaadka carabta.

Markii islaamku yimidna carabtu waxay allifeen suugaan diineed badan oo ku saabsan geela. Tusaale ahaan, waxay wariyeen xaddiis sheegaya in nebigu yiri: ” Geela ha caayina ..” iyo xaddiis kale oo oranaya: “Geela waxaa laga uumay jin, rati walbana waxaa kuriskiisa saaran sheydaan”. Muslimiintana waxaa la faray inay ka weesaystaan hilibka geela, oo xadiis baa wuxuu oranayaa: ” Ka weesaysta hilibka geela, laakiin ha ka weesaysannina hilibka ariga”. Sababta loo amray in hilibka geela laga weesaystana waxaa lagu macneeyey inuu shaydaanka cad la wadaago iyo inuu yahay daabad sheydaanku fuulo, sheydaankana dab baa laga uumay, dabkana biyahaa bakhtiiya. Waxaa intaa dheer, in kaadida geelu qayb weyn ka tahay cilmiga daawooyinka islaamka, oo waxay daawo u tahay cudurro badan sida kansarka, kolostaroolka, sonkorta, cudurrada beerka, iyo kuwo kale oo badan. Waxaana xusid mudan, in daawadaan qiimaha badani ay gaar u tahay Carabta iyo Afrikaan aan badnayn oo Soomaalidu kow ka tahay, welina aysan ogaan culumada cilmiga daawooyinka iyo sheybaarradooda casriga ahi.

Si ka duwan geela, lo’du waa noole aan muddo dheer moogaan karin baadka iyo biyaha, taa awgeedna waa ku adkayd inay ku noolaato jasiirrad Carabta oo baadka iyo biyuhu aad ugu yar yihiin.  Sidaa darteedna, carabtu wax badan kama sheegaan lo’da, markay ka hadlaanna sawir xun bay ka bixiyaan, horayna waa tii loo yiri: “qofku wuxuusan aqoon col buu la yahay”. Carabtu haddii ay isku dayeen inay iidheh u sameeyaan geela, haddana marka lo’da loo yimaado waxaan arkaynaa iyaga oo liidid iyo bahdil xun ku markanaya. Tusaale ahaanna, waxaa la wariyey xadiis aan maalin walba maqalno oo oranaya: ” Haddaad ku dhaqantaan ciinada, lo’dana saynta qabsataan, qodaalkana ku qanacdaan, jihaadkana ka tagtaan, Alle wuxuu idinku salladaa dulli aan idin dayn jeer aad diintiinna u noqotaan”. Sidoo kale waxay wariyeen xadiis oranaya: “Iska jira hilibka lo’da, waayo waa cudur.”

Dhanka kale, Carabtu -sida ummadihii dunidii hore oo dhan- waxay rumaysnaayeen jiritaanka uuman aan ishu qaban, oo saamayn weyn ku leh nolosha aadamiga. Arrimaha dabeecadda wixii ay fahmi waayaanna waxay u celin jireen uumankaas qarsoon. Uumankaas oo noocyo badan lahaana waxaa ka mid ah jin, sheydaan, guure-raac, saclaat…iwm. Tusaale ahaanna, carabtu waxay rumaysnaayeen in daacuunku [=koleeruhu] uu yahay cudur ka dhasha irbad shaydaanku qofka ku mudo. Waxaana xusid mudan, in erayada carabiga ah ee “Dhabiib” iyo “Dhib”, oo la macne ah erayada takhtar/dabiib iyo caafimaad, asal ahaan macnahoodu uu ahaa sixir iyo sixirroole, waayo carabtu waxay rumaysnaayeen in cudurku  ka dhasho ruux shar wadata oo qofka ku degta. Si bukaanka loo daaweeyana waxaa loo baahnaa in la helo cid taqaan la dhaqanka ruuxda sharka wada. Waxaana la rumaysnaa in kaahinka iyo sixirrooluhu ay leeyihiin aqoon ay ku daaweeyaan [= sixir-furaan] bukaanka, oo uga saaraan ruuxda sharaysan. Sida la ogyahayna dunidii hore shaqada takhtarnimada waxaa qaban jirey kaahinka iyo sixirroolaha oo iyaga aqoon la bidi jirey. Sidoo kale, carabtu waxay rumaysnaayeen raadka isha, xasadka iyo tufta. Tusaale ahaanna, qofka halaqu qaniino waxay u gayn jireen ruux ku tufa.

Markii islaamku yimidna carabtu khuraafaadkii ay rumaysnaayeen oo dhan waxay ku barxeen diinta. Taa awgeedna, taniyo maanta muslimiintu waa u nugul yihiin rumaynta khuraafaadka, weliba sheydaanka, jinka, xasadka iyo ilaynta ugu badan waxaa laga helaa deegaannada wadaaddadu ku badan yihiin. Tusaale ahaan, labaatankii sano ee ugu danbeeyey oo fikirka diiniga ahi uu Soomaaliya aad ugu xoogaystay, Soomaalida waxaa ku batay dadka ka sheeganaya cudurrada lagu hafro jinka iyo sheydaanka. Waxaana soo baxay wadaaddo ku andacooda inay takhasus u leeyihiin arrimaha jinka iyo xulufadiisa. Run ahaantiina, dhaqankaani wuxuu naga soo galay xagga Sacuudiga oo uu aad ugu xididaystay.

Dhaqaale-yahannadu waxay yiraahdaan: ” Lacagta xumi tan fiican bay suuqa ka saartaa.”, si taa la mid ahna waxaa la oran karaa dhakhtarka khuraafiga ahi dhakhtarka fiican buu suuqa ka saaraa, xaqiiqadaasna waxaa si fudud ku ogaan kara qof kasta oo u kuurgala rugaha ay wax ku labaan wadaaddada dhakhaatiirta u xuubsiibtay [waxaan jeclahay inaan -Alle darti- akhristaha sir culus dhegta ugu sheego, sirtaas oo ah in dhakhtarnimada ay ka xigto oo keliya inuu daalacdo buug siddeed qarni ka hor laga qoray wax loogu yeeray caafimaadka nebiga (= Addib An-Nabawi) iyo dabcan inuu leeyahay indho-adayg ku filan].

Hadal iyo dhammaantiis, khudbada jimcuhu waa munaasabad qaali ah oo bulshada  lagula socod siin karo wixii dani ugu jirto adduun iyo aakhiraba, laakiin si khudbadu uga soo dhalaasho kaalinkeeda waxaa waajib ah in looga hadlo mawduuc khuseeya bulshada loo jeedinayo iyo in loogu jeediyo af ay garanayaan. Eebbana ha u naxariisto Soomaalidii tiri: “Nebi Allaw nin waliba afki kugu ammaan!!!”

Saciid A. Ismaaciil

Sismail42@gmail.com

Xogta: ALSHAHID

Wadaaddo sumcadda Islaamka yaan god lagu ridin
Shicaarka (astaanta) mashruuca siyaasiga ah ee waddaadada Soomaaliyeed waxa uu ahaa keenista dawlad Islaamiya oo ku dhisan shareecada Islaamka; dawlad keenaysa nabad, xasilooni, walaaltinimo iyo baraawaaqo.

Shirkii Jabuuti ee Sheekh Shariif madaxwaynaha loogu doortay iyo dagaalladii ka danbeeyay ee u dhaxeeyay dawladda Shariifka iyo wadaada mucaaradka ku ahise waxa ay khayaali ka dhigeen shicaarkan wadaadada. Dagaallada -mudooyinkan danbe- Muqdisho ku soo noqnoqonayaa waxa ay burburiyeen rajadii shacabka Soomaaliyeed ee ahayd in – haddii ay taladii wadanku gacanta u gashay xoogagga Islaamiyiinta-  uu isbadal wayn oo wanaagsani noloshooda ku dhici doono. Is faham la’aanta iyo dagaalladan u dhaxeeya labadan dhinac ee Muqdisho ku dagaallamayaa waxa ay god ku rideen mashruucii siyaasadeed ee Islaamiyiinta Soomaalida. Taageerayaasha mashruucani waxa ay marar badan is waydiinayaan cidda ka mas’uulka ah in mashruucoodii xadaariga ahaa uu iminka u ekaado mid god ku sii dhacaya. Sadarrada soo socda waxaan ku eegi doonaa cida iska leh mas’uuliyadda arrinkaas iyo waxa la gudboon dhinacyadan is haya.

Sheekh Shariif

Lama inkiri karo doorkii uu Sheekh Shariif ku lahaa hogaamintii kacdoonkii maxkamadaha Islaamiga. Sidoo kale lama inkiri karo furfurnaanshaha siyaasadeed ee uu sheekhu muujiyay waqtigii dagaallada lagula jiray ciidamadii Itoobiyaanka. In uu xal siyaasadeed ku kabo kii qorigu waxa ay ahayd tallaabo geesinimo. Guushii uu ka soo hooyay shirkii Jabuuti waxa ay ahayd mid ay ku farxeen dad badan oo Soomaaliyeed oo filayay in uu Sheekhu muftaax u noqon karo xallinta mushkiladaha Siyaasadeed ee ka taagan Koonfurta Soomaaliya. Intaas oo jirta hadana wixii ka danbeeyay doorashadiisii waxa uu hoos u dhac wayni ku yimid doorkiisii hogaanimo. Waxa muuqda in hogaamintii dawladdiisu ay cid kale gacanta u gashay. Wadaadku waa uu ku guulaysan waayay qancinta amaba kala furfurka mucaaradkiisa taas oo ahayd arrinka ugu wayn ee laga filayay. Waxa ay dawladiisu ku mashquushay arrimo yar yar oo aan mudnayn in waqtigan muhiimad wayn la siiyo. Maalinba maalinta ka danbaysa siyaasadaha dawladiisu waxa ay u muuqanayaan qaar aan waxa wayn ka duwanayn siyaasadihii dawladihii ka horreeyay dawladiisa. Waxa daciifay saamayntii ay Islaamiyiintu ku lahaayeen dawladdiisa, waxaana xoogsaday saamaynta dagaal ogayaasha ee dawladiisa.

Sheekhu waa uu ka faa’idaysan kari waayay taageeradii xooganayd ee ay shacbigu(culimo iyo caamaba) u hayeen isaga iyo dawladiisa. Si kooban Sheekhu waxa uu lumiyay doorkiisii hogaanimo, taasina waxa ay ka mid tahay sababaha sii dheeraynaya khilaafaadka u dhaxeeya dawladiisa iyo mucaaradka ka soo hor jeeda, waxa kale oo ay sabab u tahay in ay yaraato kalsoonidii iyo taageeradii uu shacabku u hayay maamulka wadaadada oo ay in badani iminka u arkaan in aanu waxba ka duwanayn kii dagaal oogayaasha.

Xisbul Islaam Iyo Al Shabaab

Xisbul Islaam iyo Alshabaab waxa ay door wayn ka ciyaareen halgankii lagu saaray Itoobiyaanka. Halgankaas waa ay ku saxsanaayeen. Laakiin wixii ka danbeeyay bixitaankii Itoobiyaanka waxa ay labadan urur caqabad wayn ku noqdeen sidii xal loogu heli lahaa mushkilada siyaasadeed ee Soomaalida. Ilaa iminka ma muuqato waxa uu yahay mashruucooda siyaasiga ah ee ay rabaan in ay ku xalliyaan mushkilada siyaasadeed ee Soomaalida. Diidmada qayaxan ee ay diidayaan in ay wadahadal la galaan dawalada Sheekh Shariif waxa ay calaamad u tahay bisayl la’aanta siyaasadeed ee hogaamiyaasha ururradan. Dagaalka ay ku yaboohayaan Al Shabaab ee dhaafsiisan xuduuda Soomaalidu ma aha mid u khidmaynaya danta Soomaalida.

Waxa uu Soomaalida u samaynayaa cadaw badan oo aanay awood u lahayn in ay la dagaallamaan, sidoo kale wax uu dhulka Soomaalida ka dhigayaa meel ay ku loolamaan quwado is hirdinaya oo aan dan ka lahayn maslaxada shacabka Soomaaliyeed. Ururadani (Shabaabka iyo Xisbul Islaam) waxa ay arrimaha u kala horay siin la’ayihiin sida ay u kala horreeyaan. Waxa ay daciifiyeen doorkii Islaamiyiinta ee dawlada Sh.Shariiif. Qaacidada ah “ama Aniga ama waxba hagaagi maayaan” ee ay wadaadadani ku socdaan waa qaacido ka hor imanaysa nusuusta Islaamka iyo caqliga toosanba. Waa qaacido luminaysa kalsoonidii ay wadaadu ka heli lahaayeen shacbiga ay rabaan in ay maamulaan. Waa qaacido adkaynaysa in nidaam Islaamiya oo saxi uu ka hanaqaado dhulka ay Soomaalidu ku nooshahay. Dagaallada joogtada ah ee ay labadan urur kula jiraan dawladda sheekh Shariif – shaki la’aan- iyana waxa ay daciifinaysaa mashruucii shareecada Islaamka ee ay (wadaadadani) ku dhawaaqayaan in ay hirgalintiisa doonayaan.

Culimada Musaalaxada

Waa qaacido sharciya oo Islaamiya in hadii ay laba qolo oo Muslimiini ahi ay is laayan, heshiiskooda laga shaqeeyo. Hadii ay heshiiska qolo diidona waa in qoladaas dhinac laga wada istaago ilaa ay qoladaasi xaqa u soo noqonayso. Sidaa daraadeed waa arin wanaagsan oo loo baahnaa in culimada Musaalaxadu ay isku dayeen in ay labada kooxood ee dagaallamaya heshiisiyaan, laakiin markii ay qolo dhagaysan wayday may ahayn in ay aamusaan. Hadii ay culimadan musaalaxadu hadli lahaayeen, umada u cadayn lahaayeen cidda heshiiska diidan , isla markaana shacbiga fari lahaayeen in qoladaas dhinac laga wada istaago, hadii ay culimadu sidaas yeeli lahaayeen waxa ay u badan tahay in wax uun la badbaadin kari lahaa. Aamuska culimada Soomaalida ay intooda badani ay ka aamuseen dagaallada Muqdisho, qaarkoodna ayba u sifeeyeen FITNO ay tahay in laga dhex boxo ma caawin xal u helista mushkilada dhex taalla wadaadada dagaallamaya. Waxaanay wax u dhimaysaa uun sumacadii iyo mashruucii wadaadada Soomaalida .

Xalku waa…

Xalku waa in uu Sheekh Shariif doorkii laga rabay ciyaaro. Waa in uu saaxada ku soo noqdo hadii aanu waxba ka qaban karin dhibta jirtana waa in uu xilka uu hayo iska casilaa. Qolooyinka(Xisbul Islaam iyo Al Shabaab) waa in ay xisaabtooda dib u eegaan. Hadii ay maslaxada iyo danta Soomaaliyeed ka fakarayaan waa in ay ogolaadaan heshiis iyo wada hadal ay ka garnaqayaan culimada Muslimiintu. Culimadu waa in ay cadeeyaan xaqa, waa in aanay afka xidhan. Cidii Maslaxad diida waa in ay shacabka kor iyo hoosba ugu sheegaan isla markaana waa in ay ka qaybqaataan jabinta kuwa heshiiska diidan. Arinta maanta miiska saarani ma aha Al-shabaab, Xisbul Islaam iyo Dawlada Sh.Shariif. Waa mustaqablkii umada iyo mashruucii Islaamiga ahaa ee la doonayay in ummadda lagu badbaadiyo. Intii danaynaysa mashruucaasi waa in ay dhinac ka wada istaagaan kuwa raba in ay mashriicaas god ku ridaan.

Siciid Cali Axmed

Maqaalo.siciid.cali@gmail.com

Xogta: ALSHAHID