رتب لخدمات احصائيات و ترتيب المواقع | شبكة الشاهد الإخبارية - احصائيات و ترتيب
Home » Archives by category » Maqaallada (Page 8)

Shariifka, Xasan Daahirka Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab xagee Soomaaliya Ku wadaan?!

Qore: Shariif Macalin HALKEE SOOMAALIYA U SOCOTAA? Waxaan ku bilaabayaa magaca Allaha weyn ee naxariista, Rasuulkeena suuban SCW waa run sheegay markii uu yiri: “Waqti waliba kan ka danbeeya ayaa ka shar badan” micnaha xadiiskani si baraatiko ama camali ah ayuu inoogu dhacay, laba bilood kadib markii la riday Maxamed Siyaad Barre iyo dowladiisii ayay [...]

Duco iyo Ammaan

Qore: Maxamed Hirad Gabaygan Duco iyo Ammaan waxa uu soo baxay bishan July 2 deedii 2009. Waxa uu marka hore tilmaamayaa sida wacan ee loo dhammaystiray colaad iyo dagaallo dhowrkii bilood ee inna soo dhaafay ku dhexmarayay Hawd, gaar ahaan degaanka Doollo labada beelood ee walaalaha ah ee Reer Sh. Abba Yoonis (Geri Koombo) iyo [...]

Afka Jannada ma lagu doorsan karaa Soomaali?

Qore: Saciid A. Ismaaciil Madaxweynaha maamul goboleedka Buntilaan mudane C/Ramxaan Maxamed Maxamuud “Faroole”, wuxuu wadaaddada ka khudbeeya masaajidda ku yaal deegaannada maamul-goboleedka kula taliyey inay khudbada salaadda jamcada ku jeediyaan afsoomaali. Run ahaantiina, mowqifka mudane Faroole waa mid mudan bogaadin iyo dhiirrigelin. Laakiin sida la wada garan karo arrinkaan iyo kuwa la mid ka ahi [...]

Jeebabka Maydadka Shabaab oo Waxay u Dirirayaan laga Helay

Dagaalkii Shalay ka dhacay Muqdisho oo shabaabka iyo Xisbul islaam looga riixay goobo badan oo ay haysteen ayaa halkaasi laga helay waraaqo ku jiray jeebabka dhallinta alshabaab oo ay ku qornaayeen waxa lagu dagaal geliyey ee ay doonayaan. Waraaqahan jeebabka shabaab laga helay ayaa waxaa diyariyey nin lagu magacaabay C/llaahi Ansaari, waxaana waraaqaha ku qornaa [...]

Wadaaddo sumcadda Islaamka yaan god lagu ridin

Shicaarka (astaanta) mashruuca siyaasiga ah ee waddaadada Soomaaliyeed waxa uu ahaa keenista dawlad Islaamiya oo ku dhisan shareecada Islaamka; dawlad keenaysa nabad, xasilooni, walaaltinimo iyo baraawaaqo. Shirkii Jabuuti ee Sheekh Shariif madaxwaynaha loogu doortay iyo dagaalladii ka danbeeyay ee u dhaxeeyay dawladda Shariifka iyo wadaada mucaaradka ku ahise waxa ay khayaali ka dhigeen shicaarkan wadaadada. [...]

Codka Dulmanaha (Voice of the Dulmane)

Qore: Abdi-Noor Mohamed Waxaan ahay Somali. Waxaan ahay Dulmane. Waxaa la igu tiriyaa dadka aan tirada badneyn inkastoo aan ka tiro badanahay kuwa tirada sheegta. Deegaankeygu waa dalkoo idil, waxaanse ku xoogganahay inta u dhaxeysa labada webi. Taariikhda dalka kaalin mug leh ayaan kaga jiraa waayo waxaan hormuud u ahaa halgannadi dalka ka dhacay ee [...]

Gudcur ninkii ku orda, god ayuu ku dhacaa

Al Shabaab, Xisbul-Islaam, Dawladda iyo ummadda Soomaliyeed: khatarta soo fool leh yaa qaadaya mas’uuliyaddeeda?!! Ma jirto marxalad ka madow oo soo marta taariikhda dalka ee cabsi iyo khatar galineysa madaxbannaanida iyo jiritaanka qaranimada Soomaaliyeed oo ka daran halka ay mareyso xaalladda siyaasadeed iyo ammaan ee haatan dalka ka jirta. Tan iyo markii ee burburtay dawladdii [...]

Wajiyada Argagixisada Al-Qaacida ee Soomaaliya

Wajiyada Argagixisada Al-Qaacida ee Soomaaliya

Ismiidaamintii ka dhacday B/Weyne bishan Juun, 18keedii waxey sababtay xasuuq dad badan oo rayid ah iyo howlwadeeno sare oo ka tirsan dowladda midnimo qaran uu ka madax ka yahay Shiikh Shariif Shiikh Axmed. Masuuliyiinta sare ee dowladda ee geeriyooday waxaa ka mid ahaa Cumar Xaashi Aadan, Wasiirkii Amniga Qaranka, iyo Safiir Cabdulkariim Faarax Laqanyho (Allaha [...]

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone