Maansada Daleel. Deelleeyda kama harin Dabuubteeda maan dhigin Dacalkaan hayaa wali Dibnahaa ku daakira Diiwaanka qoraniyo Iyo doodda furanbaan Wali sii durkinayaa Dusha sare u rarayaa I daymiya dhagaha’oo Dareenkana isiiyoo I dul qaata gacalkoow. Dadku waxuu xasuustaa Damiirkuna ka giigaa Diirkuna ku ololaa Dulmigii Shaamoow Duhurkii la weeraray Ardadii la duubee Darajada [...]
Waxaan u doortay maansadan DAWO, in aan ku biiriyo Hal-abuurka Deelleyda Qarnigan 21, loogu magacdaray, anoo run ahaantii si gaar ah uga mahadcelinaya dhalintii bilaawday, iyo aragtiyahooda ay ku soo bandhigeen Suugaantooda qaaliga ah, tanoo ka mid noqondoonta sidaan filayo baraarujinta dadka Soomaaliyeed lagu kobcinayo garaadkooda, qiimaynteeda iyo halka ay taariikhda ka galeysana ku xiran [...]
Continue reading …Marka hore waxaan tacsi u dirayaa dhamaan eheladii iyo muslimiinta Soomaliya ee laga gumaaday mas’uuliyiintoodii iyo caruurtoodii, aqoonyahankoodii iyo waalidiintoodii Waxaan leeyahay dilka la dilay aqoonyahanadaas waxaa la aasay maskaxdii iyo caqligii loo barbaarinayay mustaqbalka dalka, iyo aabayaashii wax barayay, runtii aad ayaan uga niyad jabay, arinkaas oo xataa wax ka badalay aragtidayda ku saabsan [...]
Continue reading …“Muqdishaannu doodnoo, madhax reeba bay tiri…anna mooyi baan iri, mawlaha dugsaan iri, midigtay go’day tiri, oohin baan la miirsaday,” Maansadan waxan curiyey ka dib qaraxyadii dhowaan ka dhacay Muqdisho mar aan indhaha ku dhuftay fiidyow naxdin iyo argagax igu reebay. Iyadoo dhibaatadu in badan soo jiitamaysay, ayaa haddana xaaladda imminka Muqdisho ka taagan u muuqataa [...]
Continue reading …Waxa uu gabaygani soo baxay bishan December 04, 2009. Taas oo ah maalin ka dib markii qof ismiidaamiyay uu isku qarxiyay Huteelka Shaamow ee magaalada Muqdisho oo xaflad loogu qabtay arday ka qalin jebisay Jaamacadda Banaadir. Waxa wax arrin aad looga naxo iyo mid laga muruggoodaba ah dadka beegsaday dhallintaas maanta iyaga oo duruufaha aynu [...]
Continue reading …Maansadaan waxaan jeclaystay inaan uga qayb qaato maanso ay horay isu waydaarsadeen labada hal-abuur ee kala ah: Xasan Maxamed iyo Cabdiraxiin Hilowle Galayr, oo ku caynsaneyd: Muqaawamadu waa tee?. Run ahaantii ahayd laba farriin oo aad u qiima sarreeya, waxaanse maansadaan ku muujinayaa qaabkii ay uga hadleen qaab ka duwan, si aan ugu bixiyo weji [...]
Continue reading …Marka hore Xasanoow waxaan kaaga mahad naqayaa su’aasha aad i soo weydiisay taas oo ah wax meesha ku jira, iyo silsiladda miinlayda ah ee aad noo bilawday, taas oo aan rajaynayo in ay asxaab fara badan nagala qayb qaadan doonaan. Kolay anigi su’aashaas jawaabteedii iyo sida aan wax u arko waa iga tan :. [...]
Continue reading …Maansadaan waxaan ugu magac daray muqaawamo waa tee? waana silsilad u bannaan dhammaan abwaannada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda da’da yar ee daneeya xaaladda dalkooda iyo ciddii kale ee wax ka oran kartaba in ay ka qayb qaadato silsiladan, taas oo jawaab u doonaysa erayga muqaawamo, kaas oo ay cid walba boorkiisa dhegsatay. Waxaan si [...]
Continue reading …Maanso: Waxaa tiriyay Abwaan Maxamed Cabdiqaadir Daa’uud (Stanza) Taariikhda uu tiriyay: 28/8/2007 Soomaalinnimadaay Siifkaan hiraadaay Sinjigaan ku faanaay Ceeb kala sariigtaay Saxar kala xishoodaay Saacaan ku naaxaay Subaggaan ku dhaashtaay Gogoshaan ku seexdaay Naftu kaama soontoo Ku saluugi maayee Salaan-sharaf guddoonoo Ha saboolin waligaa. Soomaalinnimadaay Saantiyo so’deeydaay Sabadaan ku dhaartaay [...]
Continue reading …Qore: Maxamed Hirad Gabaygan Duco iyo Ammaan waxa uu soo baxay bishan July 2 deedii 2009. Waxa uu marka hore tilmaamayaa sida wacan ee loo dhammaystiray colaad iyo dagaallo dhowrkii bilood ee inna soo dhaafay ku dhexmarayay Hawd, gaar ahaan degaanka Doollo labada beelood ee walaalaha ah ee Reer Sh. Abba Yoonis (Geri Koombo) iyo [...]
Continue reading …