Shabakada Alshahid » Muuji

Dagaal xalay ka dhacay degmooyin ka tirsan Muqdisho
Muqdisho (Alshahid)-Ugu yaraan 5 ruux oo u badan dhinacyadii dagaalamay ayaa ku dhintay dagaal xalay ku dhex maray qeybo ka tirsan Muqdisho Xoogaga Alshabab iyo ciidamada dowladda KMG ah oo kaashanaya kuwa AMISOM.

Dagaalka ayaa xoogiisa ka dhacay degmooyinka Huriwaa iyo Kaaraan, waxaana jirtay madaafiic ku dhacday degmooyin ay ka mid yihiin Yaaqshiid iyo Shibis.

Dagaalka ayaa bilowday kaddib markii xoogaga Alshabab ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen fariisimo ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin degmooyinkaas.

Alshabab ayaa qeybo kaga sugan degmooyinka Kaaraan iyo Huriwaa, wallow laga saaray inta badan caasimada Muqdisho.

Ma jirto cid ka tirsan labada dhinac oo ka hadashay dagaalka xalay.

Taliyaha guudatada koowaad ee ciidamada xooga dalka Soomaaliya Col Cabdullahi Cali Caanood ayaa sheegay in dhowaan ay caasimada ka saari doonaan waxa uu ugu yeeray haraadiga Alshabab, balse ma uusan sheegin xilli cayiman.

Xogta: ALSHAHID

Ciidamada Kenya oo sheegay inay Kismaayo qabsanayaan
Nairobi (Alshahid)-Ciidamada dowladda Kenya ee dagaalka kawada gudaha Soomaaliya ayaa sheegay inay dhawaan ku beegan yihiin magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

War uu soo saaray afhayeenka ciidamada Kenya u qaabilsan dagaalka Soomaaliya Major Emmanuel Chirchir ayaa lagu sheegay in Alshabab ay sii tabar dhigayaan.

“Alshabab waxay wadaan dagaallo ay ku doonayaan inay dib ugu qabsadaan deegaannadii laga qabsaday, balse indhaheennu waxay ku jeedaan Kismaayo, halkasoo ay kaga go’an tahay inaan qabsanno,”ayuu yiri Chirchir.

Xarakada Alshabab ayaa ciidamadeeda kala baxday maalin ka hor Jasiirada Kudhaa oo qiyaastii 70 KM dhanka Koonfureed ka xigta Kismaayo, waxaana ay sheegeen inay xeelad dagaal awgeed uga baxeen jasiirada.

“Kudhaa waxay ahayd saldhig ay dagaalyahannada ajnabiga ah ay tababarto ku siiyaan xoogagga Alshabab. Waa halkii lagu dilay Abuu Cuteyba oo ka mid ahaa saraakiisha Alshabab iyo Abuu Yaxye Al-Liibi, kuwaasoo ay dileen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn,” ayuu yiri afhayeenka milateriga Kenya.

Ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda KMG ah ayaa toddobaadkii tagay qabsaday degmada Badhaadhe ee isla gobolka Jubbada Hoose.

Maj. Chirchir wuxuu sheegay in ciidamdoodu ay ku dileen deegaan Dalaayad lagu magacaabo oo ku dhow degmada Badhaadhe 100 dagaalyahannada Alshabab ka tisran, isagoo sheegay in halkaas uu ka socday abaabul dagaal, ayna sidoo kale ku gubeen gaadiid tiknimo ah oo gaaraya labaatameeyo.

Xogta: ALSHAHID

Xoogaga Alshabab oo xalay weerarray degmada Luuq
Balad Xaawo (Alshahid)-Wararka ka imanaya degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay dagaal culus uu ka dhacay duleedka degmada, waxaana uu dagaalka dhaliyay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay.

Dagaalka oo fiidkii hore bilowday ayaa waxaa uu ka bilowday weerar ay Xoogaga Alshabab kusoo  qaadeen xero  ciidan oo ay dowladda KMG ah iyo ciidamada Itoobiya ku leeyihiin duleedka degmada.

Dadka ku dhaqan degmada Luuq aya sheegay in dagaalka uu mar usoo dhowaaday gudaha magaalada balse aan lagu dhex dagaalamin.

Xarakada Alshabab ayaa sheegtay in dagaalka ay ku dishay 5 ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah iyo 13 Itoobiyaan ah.

Saraakiil u hadashay ciidamada dowladda KMG ah ayaa beeniyay sheegashada Alshabab, waxaana ay carabka ku dhufteen in dagaalkaas ku dileen 7 ka tirsan Alshabab qaar kalana ay dhaawac ku qabteen.

Dhanka kale, waxaa ka socda degmada Garba haareey ee xarunta gobolka Gedo, kulan wadahadal ah oo u dhexeeya saraakiisha ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolka kawada arrimiya.

Kulanka ayaa kusoo beegmaya xilli ay soo baxayaan  warar sheegaya in khilaaf ku aadan qaabka dagaalka Alshabab uu ka dhex jiro ciidamada huwanta ah.

Ciidamada dowladda KMG ah ayaa ku talinaya in lagu duulo goboladda Bay iyo Bakool halka kuwa Ahlu Sunna ay qabaan in degmooyinka Alshabab kaga sugan tahay gobolka Gedo duulaan lagu qaado.

Xogta: ALSHAHID

Ciidamada Kenya oo sheegay inay duqeeyeen goob Alshabab isku aruursanaysay
Nairobi (Alshahid)-Ciidamada Kenya ee gudaha Soomaaliya kula dagaalamaya Xarakada Alshabab ayaa shaaciyay inay ka hortageen weerar kaga imaan lahaa dagaalyahanada Alshabab kaddib markii ay duqeeyeen goob ay isku aruursanayeen.

Afhayeenka ciidamada Kenya Col Cyrus Oguna ayaa sheegay in labo kamid ah diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Kenya ay duqeeyeen deegaanka Dalayad ee ka tirsan degmada Badhaadhe, ayna Alshabab ka gubeen ilaa 18 gaadiidka dagaalka.

“Weerarkaas wuxuu ahaa mid aad u wanaagsan, waayo waxaan ku helnay ayaga oo gaadiidkooda saaran, waxaana ka dilnay tiro badan.”ayuu yiri Oguna.

Oguna ayaa intaa ku daray in weerarka ay qaadeen kaddib markii ay heleen xog ku saabsan abaabulka Alshabab ee deegaankaas.

Afhayeenka Kenya u qaabilsan howlgalka Soomaaliya Emmanuel Chirchir ayaa qiyaasay in ilaa 100 Alshabab ah lagu dilay weerarkaas oo dhacay galabnimadii Jimcaha.

Ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda KMG ah ayaa toddobaadkii tagay la wareegay gacan ku haynta deegaanka Hoosingow iyo degmada Badhaadhe kaddib markii Alshabab isaga baxeen.

Xarakada Alshabab ayaa beenisay sheegashada ciidamada Kenya, waxaana fariin ay Alshabab ku faafisay bogga Twitter ay ku leedahay lagu sheegay inaysan jirin wax weerar ah oo ka dhacay deegaanka Dalayad.

Xogta: ALSHAHID

Iran oo lagu ammaanay gar gaarka banii’aadannimo ee Soomaaliya ay u fidisay
Muqdisho (Alshahid)-Ururka Bisha Cas ee Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Iran gar gaarka banii’aadannimo ee ay u fidiyeen dadka Soomaaliyeed tan iyo markii ay ku dhufatay abaartii sannadkii lasoo dhaafay

Guddoomiyaha Bisha Cas ee Soomaaliya, Axmed Maxamed Xasan oo booqasho ku joogo dalka Iran ayaa sheegay in Ururka Bisha Cas ee Iran uu ka qabtay Soomaaliya howl muhiim ah, waxaana uu ugu baaqay inay sii wadaan taakulayntaas.

Ururka Bisha Cas ee Iran ayaa Muqdisho ku leh xarun caafimaad oo joogta ah, waxaana sidoo kale ay si kumeel gaar ah dadka ugu daweeyaan 5 goobood oo ku yaala Muqdisho.

Hay’adda Bisha Cas ee Iran ayaa ayaa ka dhawaajisay inay qorshe cusub ka hirgalinayso Muqdisho, maadaama hadda ay dhamaatay macluushii dadka haysay, waxaana qorshahaas lagu sheegay in wanaajinaya noolasha dadka abaartu ku dhufatay.

Dowladda Iran ayaa waxay ka mid tahay dowladihii ugu horreeyay oo u soo gurmada shacabka Soomaaliyeed markii lagu dhawaaqay bartamihii sannadkii hore inay macluuli ka dilaacday qeybo ka tirsan Soomaaliya oo ay abaaruhu saameynta xun ku yeesheen.

Xogta: ALSHAHID

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo soo gaaray Djibouti
Jabuuti (Alshahid)-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiwali Maxamed Cali ayaa Sabtidii 4-ta February soo gaaray Djibouti si uu uga qeybgalo shirka Kooxda Xiriirka Caalamiga (ICG).

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lgu wadaa inuu shir-guddoomin doono shirka IC, khudbadna ka jeedin doono furitaanka shirka oo socon doona labo maalmood 5-ta iyo 6-da February.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha Djibouti Ismail Omar Gelle uu isna halkaas qudbad ka jeedin doono furitaanka shirka.

Shirkan ICG ayaa ku soo toosaya waqti xasaasi ah oo dowladda Soomaaliyeed ay ku howlan tahay dhaqangelinta Roadmap ka iyo sidii loo soo afjari lahaa xilliga kala guurka ah oo ku eg 21ka August 2012.

Sidoo kale dowladdu waxey ku howlantahay dib-u-habeynta baarlamaanka iyo dhameystirka dastuurka. Shirkan ayaa looga hadli doonaa arrimaah Roadmapka iyo shirka London lagu qaban doono 23 February.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa Jimcihii kula kulmay Nairobi Wasiirka Arrimaha Dibadda ee UK Willaim Hague oo ay ka wada hadleen shirka London iyo sidii labada dowladood ay isaga kaashan lahaayeen in shirku uu noqdo mid najaxa.

Ra’iisul wasaare Cabdiwali ayaa u sheegay William Hague in shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan shirka London inuu xal u helo sidii xal loogu heli lahaa Soomaaliya, isla markaana uu shirka London u sii cayilin lahaa horumarka laga sameeyey Roadmap ka iyo Garowe Principles.

Xogta: ALSHAHID

Madaxweyne Shariif kormeeray Dhismayaal ay Dowladdu lahayd oo laga saaray dadkii deggenaa
Muqdisho (Alshahid)-Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kormeeray dhismayaal dowladdu leedahay oo laga saaray dadkii rayidka ahaa ee deggenaa, isagoo sheegay in qorshaha dadka looga saarayo goobahaas ay tahay sidii ay hay’adaha dowladdu ugu shaqeyn lahaayeen.

Sheekh Shariif, oo booqday guriga hooyooyinka oo laga saaray qoysaskii muddada dheer deggenaa, wuxuuna sheegay in goobtaas ay ku shaqeyn doonto wasaaradda haweenka iyo arrimaha qoyska DKMG ah.

“Waa Alle mahaddii in dadka Soomaaliyeed in badan oo ka mid ah ay garteen qiimaha ay leedahay dowladnimada iyo in lasoo celiyo xarumihii adeegga bulshada, sababta ugu weyn ee dhismayaasha dowladda dadka looga saaranaya waa in dib u dhis lagu sameeyo,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxweynuhu wuxuu in xarumaha dowladda loo hayo mashaariic dib loogu dhisayo, taasna ay abuurayso fursado shaqo iyo in hay’adihii howlgabka noqday inay dib u soo laabtaan, waana billow aad u wanaagsan. Isagoo u mahadceliyay dadkii goobahaas ka baxay.

“Mar kale ayaan ku celinayaa waa in laga baxo guryaha dowladdu leedahay, waayo qof markuu ku fikiro inuu ku noolaado hanti guud horumar ma gaarayo caruurtiisa iyo noloshiisana dhibaato ayaa uga imaanaysa,” ayuu yiri Sheekh Shariif. “Magaaladan kun sano ayay jirtaa waxaana doonaynaa inay u ekaato magaalo kun sano jirta, taasna waxay ku imaanaysaa in lasoo celiyo dhismayaasheedii iyo nadaafaddeedii.”

Madaxweynaha goobaha uu booqday waxaa ka mid ahaa: guriga hooyooyinka, xarunta dad dhigista dowladda hoose, dugsiga hoose, dhexe qasabka ee degmada Shingaani iyo hoteel Shabeelle oo dhammaantood qoysaskii deggenaa laga saaray.

Qoysaskii goobahaas laga saaray oo qaarkood uu madaxweynuhu la kulmay ayaa sheegay inaysan haysan goob ay dagaan, ayna ka codsanayaan dowladda in la siiyo goobo kale oo ay daganaa, iyadoo madaxweynuhu uu sheegay in arrintooda wax laga qaban doono.

Booqashada Madaxweynaha ayaa waxay imaanaysaa iyadoo maanta ay ku ekedy 12-casho oo loo qabtay dadka daggan dhismayaasha dowladda, waxaa wehliyay booqashada xubno ay ka mid yihiin: wasiirka gaashaandhigga, wasiirka garsoorka, wasiirka maaliyadda, wasiirka warfaafinta, wasiiradda arrimaha haweenka iyo qoyska iyo taliyaha ciidanka booliiska.

Xogta: ALSHAHID

Dood-cilmiyeed looga hadlayay xiriirka ka dhaxeeya, Macalinka, Waalidiinta iyo Ardayda oo Muqdisho lagu qabtay
Muqdisho (Alshahid)-Dood-cilmiyeed looga hadlayay sida ugu haboon ee ardayda looga badbaadin karo colaadaha jira oo ay ka qeyb galeen macalimiinta dugsiyada Qur’aanka iyo culumaa’udiin ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Doodda oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda wadahadalka bulshada (CCD) ayaa waxaa xubnihii ka qaybgalay ay ku dheeraadaan sidii la isugu xiri lahaa macalimiinta dugsiyada Qur’aanka, ardayda ay wax baraan iyo waalidiinta.

Ugu horreyn waxaa lagu furay doodda saliga Nebi Muxamed (CSW) kaasoo ujeedadiisu ahayd in lagu muujiyo xuska dhalashada Nebiga, iyadoo mas’uuliyiin Ahlusunna ka tirsan oo ka qaybgalya kulanka ay halkaas ka jeediyeen hadal ku saabsan fadliga ay leedahay xusuusashada dhalashada Nebigeenna Muxammed.

“Dood-cilmiyeedkan waa mid aan ku doodeyno in waalidiinta iyo macalimiinta la isku-xiro, ardaygana looga faa’ideeyo waxyaabo wanaagsan iyo in laga hortago in si khalad ah loo adeegsado. Waayo waxaa caddaatay in laga faa’iideystay isku xirnaasho la’aanta u dhexeysa waalidiinta, ardayda iyo macalimiintoodfa,” ayuu Sheekh C/qaadir Soomow ka sheegay kulanka.

Sidoo kale, waxaa dood-cilmiyeedka ka hadlay Sheekh Axmed Shuqul oo tilmaamay in waalidiinta ay hubiyaan caruurta dugsiyada dhigata, lana socdo waxyaabaha la baro, si dugsiga uu u noqdo mid kaalin muhiim ah ka qaadanaya koriinshaha cunugga iyo barbaarintiisa ah dhinaca diinta Islaamka.

“Maalin dhaweyd Shabaabku waxay macaliniinta dugsiyada Qur’aanka ugu baaqeen in jihaad ay ka qaybgalaan, waxay ka dhacday Ceelasha-biyaha iyo Afgooye, waan arrin la doonayo in dugsiyada lagu dumiyo, caruurtii iyo ardaydiinana ay marnaansho dhanka waxbarashada diinta ah ku timaado si looga dhaadhiciyo wixii la doono,” ayuu Sheekh Axmed Shuqul isaguna ka sheegay kulanka.

Macalin Axmed Macalin Maxamed oo la sheegay inuu yahay guddoomiyaha dugsiyada Qur’aanka ee Gobolka Banaadir oo isaguna hadal ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in bulshada ay diinta fududeysatay, isagoo soo qaatay dhismayaasha dugsi Qur’aanka oo ah goobo aan la iska xil saarin sidii loo qurxin lahaa iyo caruurta dhigta dugsiyada oo aan lasoo nidaamin.

“Aniga sanadkii 2010 waxaan hayay dugsi Qur’aan 280 arday dhiganaysay, haddana waxba kama hayo, marka hore dugsiyadii Qur’aanka ayaa la fududeystay iyadoo laga dhigay jiingad wasaq badan, caruurta waalidiinta soo diraya waxay soo dirayaa iyagoo indhaha fiish ku leh ama aanay nadaafaddiisu dharku wanaagsanayn, waana meeshaas halka ay dhibaatadu ka timid,” ayuu yiri Macallin Axmed.

Mallinku wuxuu sidoo kale sheegay in isaga uu dugsi Qur’aanka uga tagay mid ka mid ah ardaydiisa oo ugu habjabay inuu dilayo, isagoo xusay in magaalada Nairob uu qax uu ku tagay uu wax ku baray arday Soomaaliyeed oo dalka Kanada laga keenay.

Sheekh Axmed Siyaar oo ka mid ah culummadii doodda kasoo qaybgalay ayaa isaguna ka sheekeeyay tarbiyadda ardayga, si sheegay in ardayda marka hore la baro in wax-barashadu ay tahay mid noloshiisa wanaajinaysa, isagoo xusay inaan loo baahnayn in ardaydu uu macallinkiisa la dagaalamo ama u xanaaqo.

Waxaa kaloo hadal-qiimo badan ka jeediyay dood-cilmiyeedka Sheekh Muuse Cago-weyne oo si gaar ah uga hadlay xiriirka waalidka iyo macalimiinta ee dhinaca ardayda, wuxuuna hoosta ka xariiqay in macalimiinta qaarkood lagula xisaabtamo waxyaabaha ay barayaan ardaydooda.

Sheekh Maxamed C/raxmaan oo ugu dambeyn ka hadlay kulanka ayaa sheegay inay muhiim tahay in la weyneeyo dhalashada Nabi Muxumed (CSW), wuxuuna tilmaamay inay ku taariiqeysan tahay siirada nebiga, iyo muhiimada mowliid.

Dood-cilmiyeedkan ayaa qayb ka ah dood-cilmiyeedyo ay hay’adda CCD u qabatay bulshada qeybaheeda kala duwan, waxaana uu kusoo aadayaa iyadoo Al-Shabaab dhawaan macalimiin badan oo dugsi Qur’aanka ay ku boorriyeen inay ka qaybgalaan jihaadka, ayna ardaydooda ku baraarujiyaan.

Xogta: ALSHAHID

Qarammada Midoobay oo shaacisay inay dhamaatay Macluushii Soomaaliya
Nairobi (Alshahid)-Qarammada Midoobay ayaa maanta oo Jimco ah shaaca ka qaaday in macluushii ka taagneyd qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya ay haatan dhamaatay.

Jose Graziano da Silva, madaxa Hay’adda Qarammada Midoobay u qaabilsan Beeraha ee FAO ayaa sheegay in macluusha Soomaaliya ay haatan tahay mid meesha ka baxday, balse laga yaabo inay dib usoo laabato haddii aan lasii wadin gar gaarka banii’aadannimo ee loo fidinayo dadka Soomaaliyeed.

“Haddii aan sii wadin gar gaarka banii’aadannimo ee aan u fidinayno dadka macluusha kasoo bad baaday, waxaa dhici karta inay u dhintaan macluusha oo soo laabata.”ayuu yiri Silva.

Qarammada Midoobay ayaa bishii July ee sannadkii tagay shaacisay in laba gobol oo ka tirsan Soomaaliya ay ka dilaacday macluul.

Bishii September ee isla sannadkaas ayay Qarammada Midoobay gaarsiisay tirada gobolada macluusha ka dilaacday lix gobol.

Qarammada Midoobay ayaa haatan ku qiyaastay in 2.34 milyan oo ruux ay weli gar gaar u baahan yihiin gudaha Soomaaliya.

Sara u kac ku yimid dalaga kasoo go’a Beeraha iyo gar gaarka Caalamiga ah ayaa lagu sheegay inay meesha ka saartay macluushii jirtay.

Hay’adda FOA ayaa sheegtay in wax soo saarka beeraha Soomaaliya ee sannadkii tagay uu laba jibaar ka badnaa kii sannadkii ka horeeyay.

Xogta: ALSHAHID

Hay’adda Laanqeyrta Cas oo beenisay eedeyn kaga timid Alshabab
Nairobi (Alshahid)-Hay’adda Laanqeryta Cas ee Caalamiga ah (ICRC) ayaa beenisay eedeyn kaga timid Xarakada Alshabab ee Soomaaliya oo ahayd inay bixinaysay raashin aan ku habooneyn cunnitaanka banii’aadanka.

Daniel Duvillard, Madaxa howlgalada Hay’adda ICRC ee Bariga Afrika oo warsaxaafadeed kasoo saaray Nairobi ayaa sheegay in 1,000 tan oo digir ah ay ku halowday bakhaarada ku yaala goboladda Alshabab ka taliso, balse aan cuntadaas la qeybin.

“Ma jirto cunto aan ku habooneyn isticmaalka banii’aadanka oo la siiyay dadka gar gaarka u baahan ee ku sugan Soomaaliya.”ayuu yiri Duvillard.

Daniel Duvillard ayaa sheegay in heshiis ay la galeen Xafiiska Xarakada Alshabab u qaabilsan la socodka Hay’addaha Shisheeye, balse heshiiskaas uu hadda bur buray.

“Heshiisku wuxuu ahaa in 1.2 milyan oo ruux kuna nool Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya aan bil waliba siino raashin, inta u dhaxaysay bilihii June ilaa December ee 2011.” Ayuu yiri Duvillard.

“Cuntadaas waxay waxbadan ka tartay macluul degaannadaas ka jirtay.”ayuu hadalkiisa raaciyay.

Xarakada Alshabab ayaa Isniintii lasoo dhaafay sheegtay in ICRC ka joojisay howlihii ay ka waday goboladda Alshabab maamusho, “maadaama ay ka baxday ammaanadii ay u dhiibteen ummada Muslimka ah ee goboladdaas ku dhaqan.”

Xogta: ALSHAHID