Madaxweyne Shariif oo Burundi ku sugan
Bujambura (Alshahid)- Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa wuxuu ku suganyahay dalka Burundi halkaas oo uu waqti dambe oo Shalay ah gaaray. Safarka madaxweynaha oo xubno kale ay ku wehliyaan oo Wasiirrana ka midyihiin ayaa wuxuu kasoo tagay dalka Mareykanka oo uu horay ugu sugnaa. Wuxuuna magalada Bujumbura ee dalkaasi Burundi ku [...]
Alshabab oo gurmad dheeraad ah ka doonaya Beelaha Soomaalida
Afgooye (Alshahid)- Kooxda Alshabab ee dagaalka Diinta lagu saleeyay ka wada gudaha Soomaaliya ayaa waxay mar kale ku celisay baaq ay u jeedinayso Qabiilada Soomaalida oo ay ka dalbanayso inay garab siiyaan. Baaqan waxaa si gaar ah u jeediyay gudoomiyaha Kooxda Alshabab ee gobalka Sh/hoose xilli uu la hadlayay Odayaal ka socda Beelaha Soomaaliyeed gaar [...]
Ninkii SKA lacagta kala goostay oo la qabtay.
Nairobi(Alshahid)- Wararka naga soo gaaraya magalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in halkaasi lagu qabtay nin kasoo baxsaday magalada Muqdisho kaasi oo la fakanayay lacag fara badan. Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Majdi ahna Masri (Egyptian) heysta dhalashada Mareeykanka ayaa ka tirsanaa Shaqaalaha Shirikad lagu magacaabo SKA oo gacanta ku heysa maamulka garoonka diyaaradaha [...]
Saxiixayaashii Road-Mapka oo billaabay inay Itoobiya u dhoofaan
Gaalkacyo (Alshahid)- Waxaa soo ifbaxaya warar sheegaya in waqtiyada dhaw ee soo socda dalka Itoobiya laga furayo kullan ay isugu imaanayaan Saxiixayaashii Road-Mapka ee Soomaaliya kuwaas oo Shirkoodu uu ku saabsanyahay ka hadalka wixii kusoo kordhay heshiiskaasi. Dowladda KMG ee Soomaaliya iyo Maamulada Puntiland, Galmudug, Ehlu Sunna iyo dhinacyo kale oo dhamaantood ahaa Saxiixayaashii heshiiska [...]
Shariif Xassan oo booqday askar ay Itoobiyaanku tababarayaan
Baydhabo (Alshahid)- Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Shariif Xassan Sheikh Aadan ayaa maanta booqday askar Soomaaliyeed oo tababar ay siinayaan Ciidamada Itoobiyaanka ee dalka ku sugan. Askartan la tababarayo oo tiradoodu ay gaarayso 1000 (Kun) askari ayaa waxay ku suganyihiin Xero Ciidan oo ku taala duleedka magalada Baydhabo halkaas oo muddo bil ku dhaw tababar loogu wado. [...]
Duqa Beledweyne “Siyaasiyiinta Reer Hiiraan haka gudbaan qabiilka oo ha is raacaan”
Beled-Weyne (Alshahid)- Iyadoo gobalka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ay maalmihii lasoo dhaafay ka jirtay xiisad u dhexeysa mas’uuliyiinta maamulka gobalkaasi ay dhawaan u dhistay dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa waxaa soo baxaya baaqyo arimahaas ku wajahan. Duqa magalada Beled-weyne mudane Maxamed Xassan Nuuriye ayaa ugu baaqay dhinacyada ka wada tirsan maamulka gobalka ee is heysta [...]
Mid ka mida Salaadiinta ugu caansan Puntiland oo Xamar lagu soo dhaweeyay (SAWIRRO)
Mogadishu (Alshahid)- Waxaa goor dhawayd oo maanta ah magalada Muqdisho soo gaaray mid ka mida Salaadiinta dhaqanka ee kasoo jeeda deegaanka Puntiland. Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax oo si wayn looga yaqaano dhaqanka Puntiland iyo kan Soomaaliyeedba guud ahaan ayaa wuxuu kasoo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho isagoo lagu wado inuu waqti [...]
Madaxweynaha Somaliland oo iminka boqolaal dadweyne ah ugu khudbeynaya Hargeysa
Hargeysa (Alshahid)- Madaxweynaha maamulka Soomaaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa haatan khudbad xasaasi ah u jeedinaya boqolaal ka mida Shacabka Soomaaliland oo ku sugan Hargeysa. Munaasabad si heer sare ah loo agaasimay oo loogu dabaal-degayo maalinta gooni-isu-taagga Soomaaliland ee ku began 18-May ayaa waxay iminka ka soconaysaa Beerta Xoriyadda ee Hargeysa. Halkaasina waxaa ku [...]
Xiisad ka taagan Jubbooyinka.
Kismaayo (Alshahid)- Xiisado dagaal oo saamayn adag ku yeeshay dadka deegaanka ah ayaa waxaa ay Saakay ka taaganyihiin deegaano ka tirsan gobaladda Jubbooyinka ee Koofurta Soomaaliya. Deegaanka Qooqaani oo Jubadda Hoose ka tirsan ayaa wararka ka imaanaya waxay sheegayaan in Xiisad u dhexeysa Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dalka Kenya oo dhinac ah iyo Alshabab [...]
Shirkii Odayaasha dhaqanka ee Xamar oo la sheegayo in la hakiyay
Mogadishu (Alshahid)- Wararka ay Warbaahintu ka heleyso illo-wareed ku dhaw dhaw Shirka Odayaasha dhaqanka Soomaalida uga soconaya magalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in la hakiyay Shirkaasi. Hakinta Shirkan oo aan si toos ah looga soo sheegin xafiisyada ku shaqada leh, dowladduna aanay shaacin ayaa waxay Xogta warabaahinta aan soo xiganay ay heshay sheegeysaa inay ka [...]