Home » Archives by category » Sawirada
Xarunta Alshahid oo dood cilmiyeed looga hadlayo fursadaha iyo dhibaatooyinka haysta suxufiyiinta Soomaaliya ku qabatay Nairobi.

Xarunta Alshahid oo dood cilmiyeed looga hadlayo fursadaha iyo dhibaatooyinka haysta suxufiyiinta Soomaaliya ku qabatay Nairobi.

Nairobi (Alshahid)-Xarunta cilmi baarista iyo daraasaadka iclaamiga ee Alshahid ayaa maqribnimadii 1dii September 2010, ku qabatay Andulus Hotel, Nairobi, dood cilmiyeed ay kasoo qayb galeen inta badan wariyayaasha Soomaalida ah ee Nairobi ku dhaqan iyo waliba kuwo dalkii ka yimid, loogana hadlayay fursadaha ay haystaan iyo dhibaatooyinka hor yaala suxufiyiinta Soomaalida ah gaar ahaan kuwa [...]

Ciidamada dowlada oo qabsaday Beledweyne

Beledweyne (Alshahid)—Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyn ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidan ka amar qaata DKMG ah oo uu hoggaaminayo Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax ay saakay la wareegeen gacan ku heynta magaaladaas. Magaalada Beledweyn ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay gacanta ugu jirtay ciidamo uu hoggaaminayo guddoomiyaha gobolkaas, Sh. C/raxman Ibrahim Mocow, oo isagu ku biiray [...]

Continue reading …
Xildhibaannada Digil iyo Mirifle oo ka soo horjeestay qaabkii loo magacaabay wasiirrada

Xildhibaano iyo Wasiiro ka soo jeeda Beelaha Digil Iyo Mirifle ayaa maanta kulan ay ku qabteen magaalada Muqdisho kaga soo horjeestay qaabkii loo magacaabay golaha wasiirrada ee cusub. Xildhibaannada iyo Wasiirada Digil iyo Mirifle ayaa sheegay in qaabka loo qaybiyay Wasiirrada ay ka soo horjeeddo qaabka awood qaybsiga ee 4.5 ee xeerka u ah awood [...]

Continue reading …
Kenya: Wasiir dhallinyarada Soomaalida la hadlay

Nairobi (Alshahid) – Wasiirka Horumarinta Gobollada Waqooyi ee dalka Kenya Maxamed Ibraahim Cilmi “Maxamed Faay” oo wareysi gaar ah siiyay Alshahid.net ayaa ku celiyay mowqifkii dowladdiisa ee ahaa inaanay wax ciidan u diri doonin gudaha dalka Soomaaliya, wuxuuna uga digay dadka gobollada Waqooyi Bar ee ay Soomaalidu degaan inaysan faraha la gelin dagaallada Soomaaliya ka [...]

Continue reading …
Dagaal goor dhow ka qaraxay Muqdisho.

Muqdisho (Ashahid) – Kooxaha mucaaradka ayaa saakay arroortii hore weerar ku qaaday qaybo ka mida waddada Makka Al Mukarrama ee Magaalada Muqdisho. Dagaalkaan oo ay barbar socdeen duqayn xoog leh ayuu wuxuu saameeyay deegaannada ku dhowdhow halka uu dagaalku ka socdo, lamana soo sheegin ilaa iyo hadda in madaafiicdu ay gaareen goobo ka baxasan halka [...]

Continue reading …
Madaxweyne Shariif oo magacaabay xubnaha maxkamadda ciidamada qalabka sida

Madaxweynaha xukuumadda KMG ah Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa magacaabay xubnaha maxkamadda ciidamadda qalabka sida. Sida ku cad wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha kuna sumadaysan JS/XM/129/09 soona baxday bishan August 18-eeda ayuu Madaxweynuhu ku magaxaabay xubnahaan;   Wareegtada ayaa waxay u qornayd sidatan:- Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya ahna taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida:   [...]

Continue reading …
Wasiirka Daryeelka Naafada iyo Dhaqan celinta oo la hadlay Alshahid

Djibouti (Alshahid) – Wasiirka Daryeelka Naafada iyo Dhaqan Celinta DKMG Soomaaliya Dr. Maxamed Cali Ibraahim oo u waramayey Alshahid ayaa ka warbixiyey Shir looga hadlayo arimaha Agoonta, Naafada iyo Haweenka Carmalka ah oo lagu qabtey dalka Yaman, islamarkaana loogu balan qaadey in la sameynayo magaalo warshado leh oo ay yeelan doonaan Agoonta Muslimiinta iyo kuwa [...]

Continue reading …
Maxamed C/llaahi Oomaar “ Waa suurogal in Madaxweynuhu tago Mareykanka, balse ilaa iyo hadda ma jirto wax is afgarad ah oo arrintaas ku saabsaan”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed C/llaahi Oomaar ayaa sheegay inay in dowladda Mareykanka ay Xukuumaddiisa gacan ku siinayso sidii looga takhalusi lahaa ururka Alqaacidda Soomaaliya ee doonaya inay ridaan Dowladda sharciga ah ee Sh. Shariif. Wasiirka oo shalay wareysi siinayay wargayska Asharqalawsat ayaa xusay in taageerada Mareykanku ay isugu jirto dhinacyada ammaanka iyo ciidamada, wuxuuna meesha [...]

Continue reading …
Website Dowladdu leedahay oo dhowaan howlgeli doona

Muqdish0 – Website ay Dowladda KMG ah ee Soomaliya leedahay ayaa dhowaan lagu wadaa inuu si rasmi ah u howlgalo.  Webkaan oo cinwankiisu yahay www.tfgsomalia.com, ayaa noqonaya goob ay xukuumaddu ku fidiso wararkeeda iyo dacaaayadaheeda, iyadoo gaarsiin doonta dadkeeda, asaaxiibadeeda iyo adduunka oo dhan. Webka ayaa weli dhismo ku socdaa, balse Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda KMG [...]

Continue reading …
Alshabaab oo ilko siibid bilowday

Wararka ka imaanaya magaalada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in maamulka Islaamiga ee halkaa ka taliya uu soo rogay awaamiir dadka looga siibayo ilkaha aan dabiiciga ahayn ee ay dadku gashadaan. Xarakada Al-Shabab ee Marka ka talisa ayaa markiiba bilowday fulinta amarkan iyadoo dadka laga bixinayay ilkaha macmalka ah ee ugu jira gaar [...]

Continue reading …