Shabakada Alshahid » Amiin Yuusuf Khasaaro

Tacsi ku Wajahan Magacii Dowladnimo
Markay ay burburtay Dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991, waxaa durba bilowday magacyo horey ay ka raacsan tahay ‘S’ oo ah magacyo u taagnaa ururo siyaasadeed, waxaana magacyadaasi ay galaafteen kumaan kun oo Somaali ah, kadib markii dadkii magacyadaasi sameeyey ay labo labo isku qabsadeen iyadoo mid waliba uu isagu isku haysto midka saxda ah. Maanta oo aan mareyneyo sanadkii 21-aad ee intaan ku jirnay nadaam la’aanta, waxaana is lahaa in dadka Soomaaliyeed ay ku waayo aragnimo qaadan waxyaabihii laga dhaxlay magacyadii ururadii siyaasadeed ee horey loogu halaagsamay, hase yeeshee arrintaasi laguma waayo aragnimo qaadan oo halkii aan mareynay sagaanshankii ayaan weli mareynaynaa, waxaa hadda soo baxay magacyo la mid ah kuwii aan horey soo aragnay oo ku saleysan Maamul gobaleed.

Kacaanka maamul gobaleedyada ee dilaacay 2011-kii ayaa dadka Soomaaliyeed niyadooda ka dhigtay mid sii dhimatay waayo waxaa markiiba bilowday in labo labo laysku qabsado oo dagaalo dad fara badan ay ku dhintaan ay bilowdaan, waxayna saameysay arrintaani Gobaladii ay nabaddu ku dambeysay, haddii aan deg deg xal loogu helin waxaa bilaaban doonta in maamulo ku dhisan jufo jufo ay sameystaan taasina ay keento in ay sii labo jibaaranto dhibaatadii Soomaaliya.

Anigoo fadhiya meel Baar ah ayaa waxaa soo galay nin aad u labisan, intii uusan soo fariisan ayaa nin agteya fadhiyey oo ay is bar garanayeen wuxuu ku yiri ‘Mudane Madaxweyne soo dhawaaw’, waxaana weydiiyey meesha uu ninkaan madaxweyne ku noqday, wuxuuna iigu jawaabay “ma maqlin miyaa maamul gobaleedka la yiraahdo Far iyo Suul State”, wuxuuna ii sii raaciyey “Anigana madaxweyne ku xigeen ayaan ka ahay”, waan la yaabay hadalka ninkaasi ayan hoosta ka iri “Dun iyo Cirbad State iyana goormaa lagu dhawaaqi doonaa”.

Kacaanka maamul Gobaleedyada waxaa moodaa in marba marka dambeysa sii xoogeysanayaan oo sameyntooda lagu waashay, markaad sii fiirso dadka maamuladaasi Madaxweynaha loga dhigay nin waliba wuu isla saxan yahay oo wuxuu doonayaa in loogu yeero Mudane Madaxweyne, waxayna shacabka Soomaaliyeed aad ula yaaban yihiin sida loo ba’saday magicii dowladnimo, xitaa kuwa sheeganaya in la aqoonsan yahay oo ay dowlad u yihiin dalkaan waxay dhulka ku jiideen magicii dowladnimo, taasina waxay keentay iyaga dhexdooda iska hor yimaadaan oo ay koox koox u kala saftaan, waxaana Magicii dowladnimo sii baabi’iyey idaacadaha faraha badan ee maalin walba lagu gudbinayo maamul gobaleedyo hor leh oo shaqsi uu ku sameysay hoteel dhexdiisa.

Nin odey ah ayaan weydiiyey bal in uu iga waramayo halka uu ku dambeeyey magicii dowladnimada Soomaaliyeed, wuxuuna iigu jawaabay “fiiri kunka maamul Gobaleed ee la sameeyey, 80% waxaa lagu sameeyey dibadda, nin waliba intuu beeshiisa lacag ka soo uruursado ayuu leeyahay Tuuladii aan ku dhashay ayaan Madaxweyne ka noqonayaan, cid ka hor imaan kartana ma jirto oo runta sheegi karta oo dhihi karta sidaani dowladnimo ma ahan ee ha ku ciyaarin magicii dowladnimo”

Odeyga caqliga u saaxiibka ah ayaa isagoo aad uga xunay sharaf dhaca ku yimid magaca Soomaaliyeed wuxuu sii raaciyey “waxaan ka cabsi qabaa in dalka lala wareego, waayo fikradda iyo ku dhawaaqista maamul gobaleedyada, waxaa ka dambeeya dowlado shisheeye oo aan dooneyn in Soomaaliya ka dhalato dowlad dhab ah, waxaana si gaar ah uga dambeeya dowladdaha  deriska la ah Soomaaliya oo horey u caddeeyey in aysan marnaba dooneyn in soomaaliya ka dhalato dowlad adag, waxaa la yaab leh markii ay soo galeen ciidamada Itoobiya Magaalada Baladweyne, Soomaalidii ay taageerayeen waxay isku qabsadeen Laba labo oo ah Cidii Baladweyne xukumi lahaa, murunkoodii ayaa waxaa ku soo baxay Alifle ka tirsan Ciidamada Itoobiya, labadii maamul markuu dhageystay warkoodii ayuu xabsiga u taxaabay. In sidaas loo galo labadaas iyaga ayaa isku keenay waayo waxay Shaaqaale u noqdeen  dowlad aan rabin in Soomaaliya ay ka dhalato dowlad xoogan waayo Itoobiya waxay kari kartey in ay tiraah Magacii  Dowladnimo ha lagu shaqeeyo hase yeeshee  taasi uma jeedo”.

Haddaba magicii dowladnimada Soomaaliya waxaan dhihi lahaa tacsi ha loo diro waayo wuxuu u muuqdaa mid dhintay oo ay adag tahay in si sahlan dib loogu soo nooleeyo ilaa la  helo  shaqsiyaad la mid ah kuwii kal hore  ifka u soo bixiiyey magicii dowladnimo kuwaas oo aan hadda muuqan in iyagoo la heli karo inkastoo ay jiri karaan dad ay weli ku dambeyso wadaniyadii ay ku aadaneys dib u nooleynta qaranka Soomaaliyeed si loo helo magac dowladnimo oo shaqeeya oo leh astaamihii lagu yaqaanay dowladnimada gacantana ku dhiga Soomaaliya  min Raas Kaamboodiya iyo Raas Caseyr.

Xogta: ALSHAHID

Muqdisho iyo Qaraxa Taayerka
Waxaa noo buuxsamay 21 sano oo shacabka Soomaaliyeed ay ku jireen dagaalo oo ay ka dhaxleen dhibaatooyin dhinacyo badan leh, wuxuu waqtigu is guraba, gaar ahaan dadka ku nool Magaalada Muqdisho waxaa u sii dheeraa dagaalo is dabajoog ah oo hadba waji yeelanayey kuwaas oo ay ku lug yeesheen qaar ka mid ah wadamada Caalamka, hase yeeshee  waxaa waqtiyadan dambe ku soo kordhay Muqdisho  Qaraxyo kuwaasoo waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Qaraxyadaasi waxay dadku ka qaadeen walwal iyo aragagax, waxaana dhawaan booqday isbitaalka Madiina si aan u soo eego yar saaxiibkey ah oo halkaa lagu dabiibayo, waxaana weydiiyey sida uu dhaawacaan u soo gaaray, wuxuuna ii sheegay in dhaawiciisa uusan aheyn mid ku yimid Madfac, Xabad iyo Qarax toona balse lug Gaari ay qaraxday isaga oo meel Biibito ah fadhiyo kadibna la kala cararay oo dadkii cararayey ay ku tunteen uuna ka jabay Bawdada, waxaan u sheegay in isbitaalka ay yaalaan dad qaba dhaawacyo aad u daran oo isugu jira qaraxyo iyo rasaas kale isla markaana dhaawiciisa uu yahay mid la qarsado.

Qaraxa Taayarka ayaa labadii todobaad ee ugu dambeeyey sii kordhay kadib markii aad u kululaatay Qoraxda taas oo keentay in Gawaarida kuwooda yar yar iyo kuwa waaweynba ay ka qarxaan  Taayirada. Arrintaan ayaa sidoo kale waxaan weydiiyey gabar ka mid ah Gabdhaha Shaaha ku iibiyo wadada dhiniciisa, waxaana weydiiyey saameynta ay ku yeelatay Qaraxa uu sameeyo Taayirka Gawaarida, waxayan tiri “Walaahi bishii labo jeer oo kale waan maqlaa Taayir gaari Qarxa, waxaana iga soo gaara qasaarooyin, waayo dadka markay cararayaan ayay horey u sii jiiraan Tarmuusyada iyo Bakeeriyada waxaana Bishii iga Jajaba  dhowr iyo Toban Bakeeri iyo Laba Tarmuus , waxaana u soo jeedinayaa dadka ay in ay isdejiyaan, waana ogahay in qaraxyada magaalada ka dhaca ay keeneen in dadka si aad ah u cabsadaan haddii ay wax qaraxaya maqlaan”.

Khasaaroyinka kale ee ay keenaan Taayirada qarxa waxaa ka mid ah marka qarax taayirku uu ka dhaco wado ciidamada AMISOM marayaan oo iyana rasaas furaan mararka qaarkood ayaa waxaa khasaare ka soo gaartaa dad rayid ah oo aan waxba galabsan, iyagoo Cidamada Amisom markaa u fahmsan in qaraxa iyaga  lala eeganayo, sidoo kale Gawaarida Ciidamada dowladda ay saaran yihiin ayaa marka uu taayir ku ag qarxo waxay sababaan dhimasho iyo dhaawac, waayo afarta jiho ayay rasaas u furayaan.

Dadka Muqdisho ku lugeeya waxay hada bilaabeen feejignaan dheeraad ah, waayo wadooyinka waxaa ku soo noqnoqday qaraxyada waaweyn ha noqoto Miinooyinka dhulka lagu aaso, gawaarida Miineysa, iyo dadka ismiidaaminaya, qof kasta dhegta ayaa u taagan taas oo keentay in xitaa haddii qarax taayir ah la maqlo loo qaadanayo qarax rasmi ah oo dhacay kadibna halkaas ay isku jiiraan iyadoo qof waliba niyada ku hayo sidii uga baxsan lahaa waxyeelda qaraxa uu maqlay, hase yeeshee mar dambe ayay soo yeereysaa qaylo dhaan leh “War waa taayir….War waa taayir”.

Anigoo socda Wadada Dhinaceeda ayaa waxaan ku soo baraarugey dhawaaq weyn markiiba Naxdin iyo anfariir baa igu dhacay hase yeeshee Haweeney da’ ah oo markaa in dhinac mareysey ayaa waxaan arkey iyadoo dhulka ku dhacdey waxaan is iri wax baa gaarey,markiiba waxaa ogaadey in waxa qarxay ay ahaayeen Taaayer  ku xirnaa Gaari N3 ah , hase yeeshee markii waxaa loo gurmadey haweeneydii markii loo tagey waxaa la damcay in la qaado hase yeshee waxay ku qaylisey war lug baa wax iga gaareen , markii lugtii la fiiriyey waaba jaban tahay , waxana markiiba loola cararey isbitaalka, Qaraxaasi uu Taayeerka uu  keeney waxaa la dhihi  karaa “Jinni ku Dar Dar”

Isku  soo wada duuboo Qarax Taayerka waxaa la dhihi karaa waxaa keeney Nolosha Dagaalka ee ka jirta Magaalada Muqdisho marka waxaa dadka looga baahan yahay In marka ay marayaan Wadooyinka ee ay ku badan yihiin Gawaarida in ay muujiyaan Taxadr dheeraad ah  si looga badbaado in waxyeelo ku soo gaarto sidoo kale wax  haboon in Gawaaridaa Ciidamada qaybahooda kala duwan iyana ay ku ekaadaan Xerooyinkooda  si loo yareeyo Khasaaraha faraha badan ee ka imaanaya Qarax Taayerka maadaama ay qayb ka yihiin Dhibaatada soo gaarta Shacabka

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Xogta: ALSHAHID

Hoo Layla Calaawi ee Codka I sii !!
Iyadoo weli uu jiro khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan,ayaa hadana labada Dhinac maalmahaan  wadaan Kulamada ay la yeelanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka ee ku aadan sida loo wajahayo waqtiga kala guurka ee Dowladda Federaalka oo bilooyin ka harsan yihiin

Labada Shariif ayaa mid weliba wuxuu ku dadaalayaa sidii u heli lahaa Taageerada Xildhibaano farabadan haddii ay timaado Doorashada Madaxweyninimada , inkastoo Madaxweyne Shiikh Shariif uu sheegey in waqtigaan aan la qaban Karin wax doorasho madaama uu dalka haatan uu ku jiro Xaalad Dagaal , wuxuuna isaga iyo Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ay sheegeen in Hayadaha Dowladda ay sii shaqeeyaan ilaa Bisha Ogoosto ee Sananadka Dambe

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo maalmahaan kulamo kula yeelanayey Gurigiisa Xildhibaanada Baarlamaanka kaasoo looga hadlayey sidii loo qaban lahaa Doorashadii Mdaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa uu doraad kulan la qaatey Guddigii Doorashada oo sheegey in ay diyaariyeen Kaararkii Doorashada ee Xildhibaanada, waxayna  Guddiga ay sheegeen in ay meel wanaagsan u mareyso Howlahii Doorashada , iyagoo sheegey in doorashadaas ay dhici doonto Inta ka horeeysa Bisha Ogoosto

Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan  oo lagu tiriyo nin Maalqabeen inta uusan ku soo biirin siyaasada uu ahaa nin Ganacsade ah oo si weyn looga yaqaan Gobolada Bay iyo Bakool ayaa kulamada uu la yeelanayey Xildhibaanada waxaa u sii dheer in kuwa sida aadka u taageersan doonayana in Madaxweyne ka noqdo dalka ayaa waxaa lanoo Xaqiijiyey in midkiiba la siiiyey Gaari kuwa raaxada ah.

Mid ka mid Xildhibaanada Baarlamaanka oo ka mid ahaa xildhibaanada la siiyey Gawaarida  isagoo faraxsana aan la kulaney ayaa naga codsadey in aan Magaciisa la sheegin wuxuuna  noo xaqiijiyey in Xildhibaanada Baarlamaanka ee Taageersan Gudoomiyaha Baarlamaanka  Gawaaridaas la siiyey “Weligey Maskaxdeyda ma soo gelin Gaari Layla Calawi ayaa lagu siinayaa” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo maanta aan kula kulmey isagoo wata Gaarigaas oo intaa raaciyey “ Gaariga Gudoomiyaha wuxuu noo siiyey in uu kor u qaado Sharafta Xildhibaanada Baarlamaanka oo maalmahaan ay ka muuqatey Daruufo Dhaqaale wuxuu nagu yiri Gudoomiyaha Xildhibaankaan aan isa soo qurxin oo aan si wanaagsan u soo labisan kaasi ma dhihi karno waa xildhibaan waayo Xildhibaanku waxaa looga baahan yahay in uu ka dhex muuqdo Bulshada Dhexdeeda waa in aan u ekaanaa Xildhibaanada Adduunka sida ay u labistaan “.

Waxaan weydiiyey gaariga sow laguuma siin in Codka siiso Gudoomiyaha Baarlamaanka haddii ay Doorasho timaado wuxuu ku jawaabey”iyadoo taasi meesha ay ku jirto haddana Gudoomiyaha waa runtiis in aan ka soocnaano Bulshada inteeda kale oo xildhibaanku uu noqdo xildhibaan mar kasta taagan oo xiran Suudkiisa.

Xildhibaan kale oo isna la siiyey gaari noociisu yahay NOEH ayaa isna waxaan weydiiney sida uu u arko Gaariga quruxda badan ee la siiyey wuxuuna yiri” aad baan u soo dhaweynayaa Gawaaridaan nala siiyey waana mid farax  gelineysa Xildhibaanada Baarlamaanka waayo waxaa arkeysaa  xildhibaan Saaran Gawaarida Dadweynaha ama waxaa arkeysaa Xildhibaan Cagta maalaya oo u lugeynaya Xarunta Baarlamaanka marka waxaan u arkaa arintaa mid kor u qaadeysa Niyada Xildhibaanada Baarlamaanka magacii doono halagu bixiyee “.

Xildhibaanada oo Gawaarida laga siinayey Garaashyo ku yaal lambar afar ayaa waxaa qaarkod la sheegey in markiiba ay galeen Dugsiyada lagu barto Gawaarida waxayna noo sheegeen in ay haystaan Balan qaadyo  haddi uu Gudoomiyaha Baarlamaanka uu ku soo baxo tartanka Madaxtinimada Soomaaliya  iyagoo sheegey in ay heli doonaan wax ka sii wanaagsan Gawaarida la siiyey sidoo kale  qaar kale ayaa noo sheegey in Gudoomiyaha Baarlamaanka markii loo doortey Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka uu bilaabey in Xildhibaanada isaga taageersan uu ka bixinayey Qarashka Hoteeladda, taasina waxay ku tusineysaa In Gudoomiyaha Baarlamaanka uu hore ugu Diyaargaroobey in Madaxweyne uu ka noqdo Dalka.

Tartanka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa fursad wanaagsan u tahay Xildhibaanada Baarlamaanka oo waayadaan aan qaadan wax Mushaar wuxuuna yiri Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka “ Anagu waxaan Faaiido helnaa markii ay is qabsadaan Madaxda Sare ee Dowladda iyadoo taasi ay jirto kuma sii jirto marka ay timaado tartan Doorasho Madaxweyne  waayo  waxaan helnaa Dhaqaale fara badan.

Midowga Yurub ayaa dhawaan shaaca ka qaadey in ay joojinayaan Kharashka ay siiyaan Dowladda Federaalka haddii aan la qaban Doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya inta aan la gaarin Bisha Ogoosto taasoo ay si weyn u soo dhaweeyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Xildhibaanada Taageersan  hadaba la arkii doonee halka ay ku biyo shubato is haysiga u dhaxeeya labada Shariif iyo Cida Madaxweyne ka noqoto Dalka Soomaaliya sidoo kale Madxweyne Shariif oo isagu doonaya in mar kale la doorto ayaa Xildhibaanada taageersan waxay ugu fadhiyaan madaama Shariif Xasan uu bixiyey Layla Calaawi in  isagana uu bxiyo Cadho Maydle (Waa Gaari Xamuul ah oo aad loo Jecel yahay).

Xogta: ALSHAHID

Khilaafka labada Shariif oo Dhaqaale ku soo kordhiyey Hoteelada Muqdisho
Iyadoo uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxay arrintaani keentay in xildhibaanada Baarlamaanka maalmahan yeeshaan shirar isdaba joog ah kuwaas oo lagu qabanayo Hoteelada waaweyne ee Magaalada Muqdisho, waxayna qolo waliba soo saartaa hadalo ay ku ridinayaan kullan ka horeeyey oo ka dhacay isla Hoteelada Muqdisho.

550-ka Xildhibaan ayaa haatan waxay intooda badan ku soo uruureen Magaalada Muqdisho kuwaas oo doonaya in ay taageero u muujiyaan hadba mas’uulka ay gacantiisa ku qancaan ama ay ka heli karaan taageera dhaqaale, waxaana mararka qaarkood dhacda in labo Hotel oo iska soo horjeeda lagu kala qabto kullamo lagu kala taageerayo Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Mid ka mid ah Milkiilayaasha Hoteelada oo an arrintaan wax ka weydiiyey diidayna in magiciisda la sheego ayaa waxa uu yiri “Maalmahann aad ayay shaqadeenu u badan tahay waxaana na soo gala Dhaqaale fara badan”, waxa uuna Milkiilahani u muuqday in uu door bidayo in is-haysigu u dhexeeya Labo Shariif iska sii jiitamo, sidoo kale Milkiilahani waxa uu sheegay in Dhaqaale badan maalmahan ka soo xaroodaan Musharixiinta isu soo taageysa jagada Madaxweynimada Soomaaliya, sidoo kale waxa uu sheegay in maamul gobaleedyadii maalmahan la sameynayey uu dhaqaale badan ka heleen Hoteelada Muqdisho.

Mas’uul ka tirsan Hay’adaha NGO-da ayaa isagoo careysan oo ka soo baxay mid ka mid ah Hoteelada Muqdisho waxaana weydiiyey waxa ka careysiiyey, wuxuuna sheegay in siminaar ay ku qaban lahaayeen Hoteelka ay ka hor istaageen xildhibaano lacag wata isla markaana markay Milkiilihii Hoteelka la kulmeen uu ku wargeliyey in saddexda Todobaad ee soo socota uusan boos ka banaaneyn Hoteelka gaar ahaan Hoolalka lagu qabto shirarka isla markaana sidaas uga soo tagay haddana uu garan la’ yahay meel uu ku qabsado siminaarka.

Khilaafka u dhexeeya Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan oo horey siyaasadda saaxiibo ku ahaa ayaa haatan u muuqda in ay sii kala fogaanayaan, arrintaana waxay ka faa’iideystay Xildhibaanada Baarlamaanka oo la kala saftay inkastoo ay jiraan Xildhibaanada qaar oo labada dhinac ka Bariiseeya, nin Xildhibaan ah ayaa igu yiri “Maalmahan waxaa isugu kay darsamay Dhaylo iyo xooggaa jeeb gelis ah, waxaana fiicnaan lahayd in ay sii soco ilaa iyo inta ay doorasho kale ka qabsoomeyso”.

Dowladda Federaalka Gaar ahaan Xukuumada Farmaajo ayaa digniin ka soo saartey in aan Hotel lagu qaban Karin wax Shir ama kulan ah oo aysan Dowladda Federaalka ka warqabin , Sidoo kale waxay ka digtey in aan la qaban Karin wax Banaanbaxyo ah oo aysan Dowladda Federaalka aan Xukuumada fasax looga haysan , hase yeeshee qaar ka mid Xildhibaanada Baarlaaanka ayaa waxay u soo jeediyeen in Xukuumada Farmaajo ay dhex dhexaad ka noqoto Khilaafka u dhaxeeye Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka , sidoo kale waxay uga digeeen Xukuumada Farmaajo in aysan Caburin Rabitaanka Shacabka iyo weliba Kulamada Xildhibaanada Baarlamaanka .

Qarashka maalin walba lagu bixiyo Hoteelada waaweyn ee ay bixinayaan labada dhinac ee ishaysta ayaa waxaa xaqiiqo ah in Kharashkaasi lagu soo qaaday magaca dadka Soomaliyeed ama uu yahay daqli ka soo xarooday ilaha dhaqaalaha Soomaaliya sida Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha taas oo ahayd in dadka wax loogu qabto laakiin waxaa loo leexiyey in dad gaar ah ka faa’iideystaan iyadoo aan ognahay in Gobolada dalka Soomaaliyeed dhawaan ay ka bilaabmeen dhimashada Dad iyo Duunyo kadib markii ay Abaaro xoog leh ku dhufteen.

Xogta: ALSHAHID

Xujeyda Siyaasiyiinta Soomaaliyeed!!
Maqaalkaan aan ugu Magacdarey Xujeyda Siyaasiyinta Somaaliyeed halkee u Xaj tagaan? waa Maqaal aan muddo ururrinayey waxaana u soo qaatey Sida Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay u aamineen in Siyaasigaan Tagin Adis-Ababa uu yahay Siyaasi wax badan ay ka maqan yihiin,waxaana mooda in lagu Waajib yeeley tegista Magaaladda Adis-Abab iyagoo og in Itoobiya ay tahay Dowlad aana marnaba dooneyn in Soomaaliya ay hesho Dowlada  Adag oo dhinac weliba ka dhisan ha noqoto Siyaasad,Dhaqaale iyo Ciidanba, waxaana soo Xasuustey markii aan akhriyey qoraal ku yaaley Derbi ka mid Derbiyadii ay degenaayeen Cidamada Itoobiya xilgii ay ku sugneyd Muqdisho kaasoo ahaa “Ma Hilmaanteen Dagaalii 77 “ hadaba Goormey siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay ka maarmi doonaan tegista Magaalada Adis Ababa waxaana halkaan idiin ku soo gudbinaa sida Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ugu xiran yihiin Adis –Abab  oo dadka qaar qaba in Adis-Ababa ay tahay Caasimadii laga xukumayey Siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyagana yihiin Gudoomiyayaal Gobol oo hoos Taga Itoobiya Dowladda Itoobiya oo dadka Soomaaliyeed intooda badan aminsan in ay tahay Dowlada Cadaawad kala dhaxeysa Shacabka Soomaaliyeed horena ay dagaalo u dhaxmareen ayaa markii ay burbrtey Dowladii Soomaaliyeed Sanadkii 1991 ayey Dowladda Itoobiya waxay bilowdey in ka faaiideysato burburkaas taasina waxay keentey in siyaasiyiin fara badan oo soomaaliyeed ay aamineen in Itoobiya ay tahay Dowlad aan looga maamrmin arrimaha Soomaliya waxaana dhacdey in loo kala tartamo Magaalada Adis Abab oo ay fadhiyaan Madaxyaweynta Itoobiya.

Itoobiya waxay weligeed ku hamineysey in Ciidamadeeda  mar uun tagaan Magaalada Muqdisho waxaana u suurageliyey Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo Damacoodu ahaa in wadanka xoog ku Xukumaan , Balse ma fiirin waxa ka imaan kara qaarkoodna waaba ay ka qoomameeyeen ,hase yeeshee Ciidamadii Itoobiya ee soo galey Soomaaliya  laguma soo dhaweyn Ubaxyo iyo Gacmo Furan ee waxaa lagala hortey Dagaal aan loo kala harin taasina waxay keentey in ay si hal-haleel ah uga baxaan Soomaaliya  dibna loogu Celiyo Xuduuda,hase yeeshee soo gelitaankii Ciidamada Itoobiya ee Muqdisho wixii ka horeeyey Siyaasiyiinta Soomaaliyeed gaar haan Qabqablayaashii Dagaalka waxay isaga daba laabaanayeen Magaalada Adis Ababa iyadoo mid weliba uu doonayey in uu Taageero ka helo Dowlada Itoobiya hana nqoto taageero Ciidan , Mid Hub iyo Mid Siyaasadeed waxayna mar noqotey Adis Ababa meel ay isku hardiyaan Siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo dhowr jeer u  qabatey kulumo lagu hagrtaameynayo Shacabka Soomaaliyeeed,weliba xiligaas waxay Dowladda Itoobiya Qabqablayaasha soo siin jirtey Hub ay ugu talagashey in ay isku laayaan Ummada Soomaaliyeed.

Madaxweynihii hore Maamulka Soomaaliland Daahir Riiyaale oo dhowr jeer isaga daba laabtey Magaalada Adis Ababa isagoo kulumo la qaatey Meles Zanawi oo ay isla soo qaadeen Arrimaha Soomaaliya iyo Danaha Itoobiya ka leedahay Soomaaliya,taasi waxay keentey in Riyaale uu sdoo dhaweysto dadka Itoobiyaanka ah ee Tahriibka ah iyo kuwa Shaqo doonka ah,,halka dadka Soomaaliyeed ee ka imaanya koofurta laga soo eryo Deeganada Soomaaliland weliba waxaa sii dheer in dad Soomaali ah oo ka soo jeeda Soomali Galbeed ee Itoobiya Xooga ku haysato loo Gacan geliyo Maamulka Zanaawi,waxay arrintaan keentey in uu sii xoogeysto Xirirka Soomaaliland iyo Itoobiaya maadaama uu Daahir Riyaale uu fuliyey waxa Itoobiya ay dooneysey.

Siyaaiyiinta kale ee u Xaj tagey Adis ababa waxaa ka mid Cabdulaahi Yuusuf oo mar u noqotey Itoobiya  Hoy uu kaga soo duulo Dalka Soomaaliya xiligii uu Mucaaradka uu ku ahaa Dowladii Maxamed Siyaad,hase yeeshee si uu u rido Dowladii Soomaaliyeed ee jirtey waxaana mar dambe Dowladda Itoobiya ay dhigtey Xabsiga waxaana uu ka soo baxay markii ay burburtey Dowldii Milatariga ahayd,,hase yeeshee Cabdulaahi kama harrin in uu mar kale uu wanaajiyo Xiriirkii Dowlada Itoobiya iyo isaga waxaana dhacdey in markii Madaxweyne ka noqdey Pundland wuxuu dadaal u galey in uu sameeyo wax kasta oo ay ku qanceysey Dowlada Itoobiya oo ay ugu horeyso gacan gelinta Dadka ka soo jeeda Soomaali Galbeed,waxaana markii dambe loogu abaalmariyey in uu Soomaaliya ka noqdo Madaxweyne wuxuuna dhowr jeer isaga tabalaabtey  Magaalada Adis Ababa taasoo sababtey in Ciidamada ay soo galaan Soomaaliy gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Raiisul Wasaarhii Hore Soomaaliya Cali Maxamed Geedi oo isagana ka mid ahaa siyasiyiintii  u Xaj tagtey,Magaalada Adis Ababa kana mid ahaa siyaasiyiintii u ololeyneysey in Ciidamada Itoobiya ay soo galaan Koofurta Soomaaliya si ay u burburiyaan Maxaakiimtii Islaamiga oo xiligaa Nabad ku soo dabaaley  inta badan Koofurta Soomaaliya wuxuuna ahaa Siyaasi markasta doonayey in Itoobiya ay Galaangal Siyaasadeed ku yeelato Soomaaliya  balse Khilaaf soo kala dhex galey isaga iyo Cabdulaahi Yuusuf waxay keentey in Itoobiya ay xigsato Cabdulaahi Yuusuf oo isaga uu haa nin ugu badan ee Fuliyey Barnaamijka (Xujeyda Siyaasiyiinta Soomaaliyeed).

Markii Raiisul Wasaare loo Magacaabey Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde ayaa markii uu maalmo hayey Xilkaas noqdey nin dhuunta u galey Cabdulaahi Yuusuf  ayuu wuxuu hoosta iska yiri maadama aad Cabdulaahi is haysaan yuusan kaaga dheereyn  arrimaha Siyaasada Itoobiya,maadaama Cabdulaahi wuxuu kaga  badiyey Cali Maxamed Geedi ay ahayd u dhawaansha Itoobiya, wuxuuna markiiba bilaabey in uu u Xaj tago Adis Ababa wuxuuna kulomo  aan kala Go’lahayn la yeesheey Meles Zanawi oo ay isl;a soo qaadeen arrimaha Soomaaliya,hase yeeshee Itoobiya lama dhacsaneyn Magacaabista Nuur Cadde waxayna dhowr jeer uga digtey in ay isku dhacaan Cabdulaahi Yuusuf,waxayna Itoobiya ku guuldareystey in ay heshiisiiso isaga Cabdu;laahi Yuusuf balse Nuur Cadde wuxuu markii dambe taageero ka heley Itoobiya isagoo ka faaiideysanaya in xilgaan aysan Itoobiya eryi karin maadaama ay hore u eridey Cali Maxamed Geedi oo Nuur Cadde Isku beel ahaayeen taasina waxay keentey in Cabdulaahi Yuusuf booska laga riixo ee jaceyl ay u qabto uma soo dhaweysan.

Shiikh Shariif oo ahaa Gudoomihii Maxaamkiinta Islaamiga ayaa intii uu xilkaa hayey Shacabka uga digey Hagardaamada Itoobiya isagoo shacabka ugu baaqey in la jihaadaan Itoobiya maadama ay ka soo horjeedo ku dhaqanka Shareecada Islaamka,hase yeeshe nin odey ah ayaa yiri “Waa arki doontaa ninka sidaan Shacabka u taageersan yihiin oo u Xaj u tagayo Adis ababa” markaas baan ku iri “Saaxiib ma Uur ku baalaa tahay” Markaasuu yiri “Saaxiib anigaa kaa aqaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed waa ku Khasban yihiin in ay u Xaj Tagaan Adis-Abab” wuxuu waqtigu is Guro waxaa la doortey Shiikh Shariif isagoo imaan Magaalada Muqdisho ayuu deg deg uga degey Adis Ababa  wuxuuna kulamo la yeeshey Meles Zanawi wuxuuna Shiikh Shariif uu noqdey ninkii ugu Xaj Badnaa Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee Xiligaan kana  dheereeyey Siyaasiyiin fara badan.

Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa lagu tiriyaa nin si weyn u tiirsan dhinaca Itoobiya, wuxuuna haatan isku diyaarinayaa sidii u Xaj Tagi lahaa si uu Meles Zanawi uga soo dhaadhiciyo Qodobadii ka soo baxay Kulankii Nairobi, wuxuuna doonayaa in uu baab’iyo raadkii ninka ay kalaIrdhoobeym ee Shiikh Shariif oo isagu gaarey maalintii Khamiista ahayd,waxaayna Rag ku dhow dhow Shariif Xasan ay noo sheegeeen in Meles Zanawi  uu gaarsiiyey Hadiyadooyin fara badan  wuxuuna haatan doonayaa in taageero Xoog leh ka raadiyo Itoobiya si uu ugu soo Baxo Tartanka Doorashada Madaxweyninimada.

Siyaasiyiinta  kale uu u Xaj Tagey Adis Ababa ma yara   waxaa ka mid ah Raiisul Wasaarihi Hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo isna Dhowr jeer isaga daba laabtey Adis Ababa isagoo Kulamo la yeeshey Raiisul Wasaare Meles Zanawi,waxaana haatan la sheegey in Cumar isaga oo aan Raiisul Wasaare ahayn uu isaga daba laabtey Adis-Ababa si Itoobiya uga dhaadhiciyo in Somaaliya uu  ka noqdo Madaxweynaha Soomaaliya,waxaa kaloo lagu tiriyaa Cumar Cabdirsahiid ninkii ka soo shaqeeyey Heshiiskii Ahlu Suna iyo Dowladda Federaalka maadaama Dowladda Itoobiya ay aad  u daneyneysey heshiiskaas si halkaa looga hela Quwad laga horgeeyo Xarakada Al Shabaab.

Siyaasiyiinta u Xaj tagtey Adis Ababa waxaa ka mid ah Cabdiraxmaan Faroole oo Madaxweynaha  Maamulka Pundland oo isagu markii la doortey u dhaqaaqey Magaalada Adis Ababa waxaana la sheegey in Itoobiya uu la galey heshiisyo fara badan oo ugu muhimsaneyd  in la soo gacan geliyo Dadka ka soo jeeda Soomali Galbeed  ee ku kacsan Itoobiya waxaa kaloo ka mid ah Heshisyada lala galey Itoobiya  in Sirdoonka Itoobiya ay soo geli karaan Deegaanada  Pundland si ay u soo qabtaan Shaqsiyaadka ka soo horjeeda Itoobiya.

Markii la doortey Axmed Maxamuud Siilaanyo wuxuu markiiba ku dhawaaqey ereyo ka careysiyey Itoobiya oo ay ugu horeysey ka Ganacsiga Qaadka ka dib markii uu Siilaayo uu sheegey in Itoobiya looga baahan yahay in Qaadka ay ku bedeleto Badeecooyin kale  sida Kaluunka iyo Cusbada hase yeeshee in Xaj la’aan aysan arrmahaas soconeyn  ayuu isaga daba laabtey Adis Ababa isagoo kulumo la yeeshey Madaxda Itoobiya taasina waxay keentey in Itoobiya  Deegaanada Soomaaliland ay waxay doonto ka sameyso.

Waxaa kaloo ka mid ah Siyaasiyiinya u Xaj tagey Adis-Ababa Gudoomihii Hore Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobey oo isna dhowr jeer isaga daba laabtey, waxaana ka shaqeeyey in uu saaxiibo la yeesho Itoobiya Madaxweyni hore ee Soomaaliaya Cabdulaahi Yuusuf oo markii Shiikh Aadan Madoobe la doortey aad u soo dhaweeyey kuna tilmaamey Saaxiib uu muddo baadi goobayey.

Waxaa kaloo ka mid ah ragga aan ka baaqan Barnaamijka aan ugu magacdarey (Barnaamijka Xujeyda Siyaasiyinta Soomaaliyeed ) Raiisul Wasaaraha Soomaaliya ee Xiligaan Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ) oo isagu mar u Xaj tagey Adis- Ababa maadaama uu yahay nin haysta Dhalashada Mareykanka marnaba kama baaqan Karin in Xiriir la sameysto Itoobiya.

Ururka Ahlu Sunna oo isagu ku cusub Siyaasada Soomaaliya ayaa waxaa la sheegaa in ay taageero xoog leh ka helaan Itoobiya,iyaga ayaana doortey in heshiiskii dhexmarey iyaga iyo Dowladda Federaalka in uu ka dhaco Magaalada Adis Ababa, kamana marna in iyagana u Xaj tagaan Itoobiya ka dib markii ay istusiyeen in siyaasadooda aan looga maarmin Xarunta Itoobiya Adis-Ababa.

Siyaasiga ka badbaadey in u Xaj tago Itoobiya waa Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Cabdi Qaaim Salaad Xasan oo diidey in uu Nacamleeyo Itoobiya hase yeeshee Cabdi Qaasim kama marna in uu tagey Adis Ababa  xiligii uu Madaxweynaha ahaa  wuxuu xilgaas Adis Ababa u tagay Shirkii Madaxweynayaasha Afrika  taasina waxay keentey in Zanaawi kaga hortago Garoonka Diyaaradaha Adis-Ababa,hase yeeshee waxaa la yaab lahayd markii isagoo Adis-Aba jooga uu waxa ka sheego Siyaasadaha Itoobiya ee ku wajahn Soomaaliya,wuxuuna si cad oo aan gambasho lahayn oo u yiri”Itoobiya faraha ha kala baxdo arrimaha Soomaaliya”hase yeeshee  Itoobiya waxay geed Dheer iyo mid gaabanba u fuushey sidii ay kurisga ugu tuuri lahayd Cabdi qaasim,hase yeeshee siyaasiyiin ku dhawaa Cabdi Qaasim waxay sheegaan in uu ahaa nin isku gowracay Mididiisii waxay ahayd in uusan ka qaygelin Shirkii Imagati sida hadda uu u diidey Shiikh Shariif iyo Saaxibkii Farmaajo Shirkii Nairobi,Cabdi Qaasim oo weli ah Siyaasi ka horjeeda Siyaasadaha Itoobiya ee Soomaaliya,wuxuuna si aad ah u weerarey Xiligii Itoobiya ay soo gashey Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, isagoo ku tilmaamey Duulaankaas mid Itoobiya ay ku dooneyso in ay ku qabsato Soomaaliya,wuxuuna ku eedeyeey qaar ka mdi Siyaasiyiinta Soomaaliyeed in iyagu ahaayeen kuwii sahley in Itoobiya soo gasho Gayiga Soomaaliyeed>

Isku soo duuboo Goormey Siyaasiyiinta Soomaliyeed joojin doonaan u Xaj taga Magaalada Adis Ababa oo ay ka dhigteen wax lagu waajibiyey oo aan sinaba looga maarmin, iyadoo shacabka Somaaliyeed ay ka wada dhararegsan yihiin in Itoobiya ay tahay Dowlad ka Go’an in ay sii burburiso Soomaaliya maadaama Dhulka Soomaaliya ee Itoobiya haysato aad ka dareemi kartid sida ay uga dambeeyaan Qowmiyadaha kale ee Itoobiya  sida Waxbaashada , Caafimaadka , Warshadaha iyo Biyaha

Xogta: ALSHAHID

Maxaa Xilka looga Qaaday Taliyayaasha Ciidamada? ( Warbixin Dheer)
Daahir Xuseen” Waxay u jeedada ahayd Xilka laga qaado Taliyaha Nabadsugida kuwa kale waa Boor isku Qaris”

Cali Faarax “Wareegtada xilka looga qaadey kama imaan Shiikh Shariif ee waxay ka timid Midowga Afrika”

Ciise Maalin “Shiikh Shariif waa uu la soo daahay Xil ka qaadista ee Mar hore ayey ahayd in uu xilalka ka qaado Taliyayaasha Ciidamada

Generaal Axmed Jimcaale” Waxaa la igu feregeliyey Arrimaha Zaadka iyo Hubka waxaana igu farageliyey:

(Yaa lala rabaa in Xilalka ay baneeyeen Taliyayaasha Ciidamada loo Magacaabo)

Markii  ay soo idlaatey 100 kii Maalmood ee ay qaybsatey Dowlada Federaalka ee uu madaxda ka yahay Raiisul Wasaare Maxamed Cabdulaahi Farmaajo in ay Nabad ku soo abaali doonto Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muuqdaa in 100 kaas maalmood aysan Dowladda Wax Hormar ah ka sameyn Dagaalada ay kula jirto Xarakadda Alshabaab waxayna Dowladda Ciidamadeeda ay dhaafi kari waayey Goobihii ay ku sugnayeen hase yeeshee waxaa soo kordhey in Dagaalkii ugu dambeeyey ee ay Dowladu la gashey kooxaha ka soo horjeeda ay sababyey in uu xirmo jidkii keliya ee labada dhinac isku xirayey ee Warashadaha  in kastoo Dowladdu Sheegto in ay Horumar gaartey Boqolkaas Maamlmood.

Shaley oo ahayd Waqtiigii uu ku ekaa Boqolkii Maalmood ee Raiisul Wasaare Farmaajo uu qabsadey ayaa Wareegto uu soo saarey Madaxweyne Shiikh Shariif wuxuu Xillakii ka qaadey Afar Taliye oo kala ah Talihii Ciidamada Qalabka sida Gen Axmed   Jimcaale Geedi  Talihii Ciidamada Booliiska Gen Cali Maxamed Xasan Cali Looyaal Talihii Nabad Sugida Gen Maxamed Shiikh Xasan Xaamuud  iyo Taliyihii Ciidanka Asluubta Gen Cabdulaahi Macalin Cali ka dib markii Madaxweynaha uu sheegey in Xil ka qaadista ay ku timid markii uu sheegey in ay sidaa ay soo jeediyeen Golaha Wasiirada ee uu Horkacayo Raiisul Wasaare Maxamed Cabdulaahi Farmaajo sidoo kale wuxuu Madaxweyne Shiikh Shariif uu sheegey in Dalka uu Marayo Xaalad adag oo dhinaca Amaanka sidaa Darteed loo baahan yahay in Howlaha la dardargeliyo.

Xil ka qaadistaan ayaa ku soo beegantey Xilli ay dhawaan Dagaalo qaraar ka dhaceen Magaalada Muqdisho oo la xaqiijiyey in ay ku dhinteen ilaa 53 Askari oo ka kala tirsan Ciidamada Burundi iyo Uganda warar baa sheegeya in Xil ka qaadista ay ku timid markii ay Cabasho weyn ka timid Ciidamada AMISOM oo ah in la waayey Ciidamo ka tirsan Dowlada  oo ka barbar dagaalama Ciidamada Amisom iyadoo Taliye ka tirsan Ciidamada AMISOM uu yiri “Anagu Muqdisho uma imaan in aan ka Dagaalanno ee waxaan u nimid in aan gacan siino Ciidamada Dowlada haddii kuwaas la waayana Dagaalku ma soconaayo”.

Dadweynaha Magaalada Muqdisho sidee u arkaan Xil ka qaadista lagu sameeye Taliyayaasha Ciidamaa Dowladda Federaalka qaarkood waxay sheegeen in arrintaan ku timid markii Dowladu ku fashilan tahay Dagaaladii ay kula jirtey Xarakada Al Shabaab sidoo kale Xasan Barre Warsame  oo ka mid  Bulshada Soomaaliyeed e ku dhaqan Mgaalada Muqdisho  ayaa yiri”Xil ka qaadista waxaan u arkaa mid lagu daboolayo Fashilka ku yimid Masuuliyiinta Sare ee Dowladda  iyagaa qabsadey 100-ka Maalmood waay ahayd in uu iscasilo Raiisul Wasaare Maxamed Cabdulaahi Farmaajo  waayo waxa iyagu Bi’iyeen bay u saariyeen Taliyayaasha Ciidamada oo aan ogahay in qaarkood ay Howsha ka wadi waayeen Masuuliyiinta Sare “.

Daahr  Xuseen Xirsi  oo ka mid Bulshada Rayidka ah oo aan wax ka weydiiney Xil ka qaadista lagu sameeyey Taliyayaasha Ciidamada wuxuu yiri” Khilaafkii u dhaxeeyey Shiikh Shariif iyo Shariif Xasan baa lagula soo gal gashey Taliyayaasha Ciidamada waayo Taliyaha Nabad Sugida waa nin ay isku heyb yihiin Shariif Xasan u jeedada Xil ka qaadista loo sameeyey ayaa ah mid ku timid Khilaafka labada Shariif  Taliyayaasha kale waa Boor isku qaris xaqiiqdii waxaa loo dan lahaa Taliyaha Nabad sugida waxaan laga dareemi doonaa marka dib loo soo celiyo Taliyayaasha Kale oo loo magacaabo Xilal kale oo Cidamada Dowlada welibana waxaan jecelahay in  Cali Madoobe loo magacaabo Taliyaha Nabad Sugida.

Cali Faarax Jaamac  oo dhalinyaro oo si aad ah u faaqida Siyaasada oo wax badanna ka og xaalada Soomaliya  ayaa isna yiri”Xil ka qaadista ku timid Taliyayaasha Ciidamada Dowlada ma aha Wareegto ka timid Madaxweyne Shiikh Shariif ee waa Wareegto ka timid ururka Midowga Afrika ka dib markii Ciidamada Dowlada ay ka qaybqaadan waayeen Dagaalada Socda qaarkood Qoryiihii loo siiyey Dagaalka ayey la goosteen waxaana ogahay in taliyey ka tirsan Ciidamada Midowga Afrika uu yiri “ Ciidamada Dowladda waay rabaan in ay Mushaar qaataan oo aysan Dagaalamin qaarkood waxay la shaqeeyaan AlShabaab marka xaalada Soomaaliya waan ku Wareerney sidoo kale waxay arintaan ku timid markii Ciidamo fara badan oo u dhashey Burundi ito Uganda ay ku dhinteen Dagaaladii ugu dambeeyey islamarkaan  Dowlada Federaalka lagu Canaantey in aysan u soo gurmanin waxaa la yaab leh in taliye ka tirsan Ciidamada AMISOM  uu yiri “Bal fiiri qaar ka mid Wasiirada Dowlada  inta soo gashadaan Direyska Ciidamada iyo Jaakadaha celiya Xabadaha ayey isku sawiraan meelo ka fog Wajiga hore dagaalka si looga daawado Shaashadaha Caalamka ee waxaa loo baahan yahay in la galo Safka Hore”.

Odey ka mid ah Odyayaasha Muqdisho oo lagu macaabo Ciise Maalin ayaa isna yiri” Madaxwyne Shiikh Sharif waa la soo daahay eryida Taliyayaasha Ciidamada ee mar hore ayey ahayd in laga qaado Xilalka  waxaana kula talin lahaa in uu xilalkaas u magacaabo rag Khibrad u leh arimaha Ciidamada oo muddo ku soo jirey Ciidamada Qalabka Sida.

Xarakada Al Shabaab ayaa xil ka qaadista lagu sameeyey Taliyayaasha Ciidamada Dowlada Federaalka ayaa waxay ku tilmaameen Fashil ku yimid Dagaaladii ay kula jireen Xarakadda Alshabaab ee ka dhacay Muqdisho , Gobolka Gedo ,Hiiraan iyo Galgaduud.

Gen Axmed Jimcaale Geedi oo ah Taliyihii Ciidamada Qalabka Sida ee Xilka laga qaadey   muddana degenaa Dalka Ingiriisa ayaa mar laga soo xigtey intii ay socdeen Dagaalada “Marka ay ciidamada ay Dagaal Galayaan waa in loo daayaa Xeeladaha Dagaalka Taliyayaasha Ciidamada sido kale waa in aan lagu soo fara gashan arimaha Zaadka , Hubka iyo  wixii la mid waxaa ogahay in faregelin la igu sameeyey oo ku aadan Howsheyda xitaa waxaa arinkaan u sheegey Rag Generaalo ah  oo dhawaan yimid Magaalada Muqdisho  kana  mid ahaa Saraakiishii  Ciidamadii Xoogga Dalka Soomaaliyeed  kana yimid Dalalka Mareykanka iyo Yurub xitaa waxaa dhacdey  Ciidamada Amisom waxaa dhacdey in Madaafiic la dheceen Ciidamadeennii oo uu sheegey in  horumar ka sameeyeen Dagaalada Muqdisho.

Isku soo wada duuboo Tan iyo markii Madaxweyne Sheikh Shariif loo doortey Madaxweynaha Dowladda Federaalka waxaa la bedelyey Taliyayaashii Ciidamada Xoogga Dalka soomaaliya sida  Gen Yuusuf Dhuumaal Generaal Maxamed Geele Kaahiye ( Geele Ruush) iyo Gereraal Axmed Geedi Jimcaale hadaba  waxay dadka Muqdisho u dheg taagayaan Cidda lagu Bedeli doono  Taliyayaashaas qaarkood waxay soo hadal qaadeen Generaal Ismaaciil Qaasim Naaji , Generaal Cabdiraamaan Caarre . Jeneraal  Cismaan Badmaceeye  Gerraal   , Generaal  Cabdiqaybdiid  iyo Jeneraal Axmed Warsame  Generaal Yuusuf Indhacadde oo ah ninka isku Boqrey Jeneraalnimada Ciidamada Qalabka sida iyo  kuwo kale.

Xogta: ALSHAHID

Farmaajo Ma Qaban Doonaa Rikoorada Shariif Xasan ?
Qofkii Daawada Cayaaraha K/cagta waxa uu isla markiiba garan karaa in kooxda markay dooneyso in ay guuleysato ay guushaasi ku timaado dadaal ay wada galaan Cayaartooyda Kooxda hase yeeshee mararka qaar guushaasi waxa ay ku xiran tahay haddaba Khibradda Goolhayaha, marka lays mari waayo  waxaana farta lagu wada fiiqaa Goolhayaha waayo isaga ayaa laga sugayaa sidii uu Kooxda ugu keeni lahaa Guul aad u balaaran, hadaba aan dhanka kale u rogno, Ra’isul Wasaare Farmaajo waxa uu dhisay Koox Wasiiro ah oo intooda badan ku cusub Garoonka Siyaasadda Soomaaliya, dadka qaar waxay ku dhawaaqayaan “War waa maxay Kooxdaan cusub, ma koox ka soo baxdayaa Seria B”,Qof kalaa leh “War ma  ahan ee waa koox horey u jirtay oo Cayaaryahano cusub soo iibsatay oo intooda badan ka cayaarayey Mareykanka iyo Yurub”, dadka ayaa kooxdaan cusub ka rejeeyey in ay noqon doonaan kuwo isbedel cusub la yimaada waxna ka bedela kooxihii hore u haystay horyaalnimada.

Kooxda markii la soo uruurinayey ayaa waxaa Goolhaye. Tababare iyo Kabtan laga dhigay Ra’isul Wasaare Farmaajo hase yeeshee mar uu wareysi bixiyey ayaa waxa uu sheegay in kooxda lagu soo xuli doono qaab aan aheyn qaabka hadda jira ee 4.5-ka, markiiba waxaa ka hor yimid Mucaaradada, balse qaabkaasi bulshadu aad ayay u dooneysay haddana Ra’isul Wasaare Farmaajo waxa uu ka bixiyey cudurdaar kadib markii Saxaafaddu ay aad u buunbuunisay hadalkaasi, waxaana ku qabsaday madaxdii u sareysay Kooxda,

Magacaabistii Ra’isul Wasaare Farmaajo waxay caqabad ku noqday Golaha Shacabka, waxaana ku soo biiritaanka kooxda maalinkii ugu horeysay ee la doonayey in la ansixiyo uu kullankaasi ku dhamaaday fashil kadib markii la isku afgaran waayey qaabka loogu Codeynayo Tababaraha , Kabtanka iyo Goolhayaha cusub ee  kooxda Qurba joogta ah.

Guddigii loo xilsaaray in ay arrintaan Furdaamiyaan ayaa waxaa cadaadis kaga yimid shacabka oo iyagu aad u doonaya Goolhayaha cusub, waxaana aakhiritaankii lagu heshiiyey in arrintaan la fududeeyo, waxaana codka kalsoonida uu ka helay Golaha Shacabka oo iyagu markii hore ku kala qaybsanaa ku soo biiritaanka Tababarahan , Kabtanka iyo Goolahayan cusub, markii la ansixiyey kadib waxaa la faray in uu soo dhiso kooxda cusub ee hadda jirta balse aan helin ogolaanshaha Garoonka, waxaana kooxda oo aan weli Hal kullan cayaarin isaga tegay labo cayaartooy oo kursiga keydka ahaa kuwaas oo uu sheegay Tababaraha ,Goolhayaha ahna kabtanka kooxda Farmaajo in aysan u dhutin doonin, balse Booskooda ku soo buuxin doono sida ugu dhaqsiyaha badan.

Kooxda oo aan weli si rasmi ah u safan ayaa waxaa lagu soo wargeliyey in ay Garoomada ka soo muuqan doonaan, waxaana dhacay  kullankii ugu horeeyey ee la doonayey in lagu kala ogaado qaab cayaareedka kooxda uu hogaaminayo Kaptan Farmaajo, markii ay galeen Garoonka oo kubbadda la Baasay ayaa wax la is hardiyaba oo la is weeraraba waxaa Daqiiqadihii ugu dambeeyey kooxdii ka soo horjeeday Kooxda Qurba joogta ee Kaptan Farmaajo waxay helaan Rigoore waxaana u soo baxay in uu tuurto Kaptanka Kooxda Shacabka ee Shariif Xasan, balse Rigooradaasi waxaa ka dhashay buuq kadib markii la isku qabsaday qaabka loo tuurayo, qaar waxay soo jeediyeen in Goolhayaha indhaha laga xero halka qaar kalana ay soo jeediyeen in isaga oo soo jeeda oo indhihiisu shanta yihiin uu qabashada Rigoorada isu diyaariyo hase yeeshee markiiba waxaa bilowday buuq iyo dagaal gacan ka hadal tagay, qolo waxay leedahay “Halkey sharciga uga taal in Goolhaye indhaha laga xero”, Qolo kale ayaa leh “Sharci hooseedka ayaa sheegaya arrintaasi”, Beesha Caalamka ayaa loo xilsaaray in arrintaan ay go’aan ka gaarto, waxayna kullamo deg deg ah la yeesheen labadii kooxood ee isku haystay habka Rigoorada loo tuurayo, waxaana koox walba dhegta loogu sheegay in ay iyadu saxsan tahay, si kastaba ha ahaatee waxaa madlan yahay in dib la isugu laabto Rigooradii oo sidii u suran, labada kooxoodna waxay ku jiraan diyaargarow adag, waxaana farta wadnaha ku haya Tababaraha ,Goolhayaha ahna Kaptanka kooxda Qurba Joogta ee Farmaajo oo xifaalo badan kala dhexeeyo kooxda kale ee Golaha Shacabka sidaasi darteed Farmaajo ma qaban doonaa Rikoorada Shariif Xasan oo isagu si aad ah ugu sii tababar qaadanaya kullanka xiisaha leh ee lagu wado in uu dhaco maalmaha soo socda, waxaa Garoonka sii buuxiyey taageerayaasha labada dhinac, waxayna taageerayaashu la yaaban yihiin Goolhaye indho xiran oo la doonayo in kubad lagu laado, qaar ayaa leh “Goolhayuhu waa nin Qatar ah marka waa in indhaha laga  xiraa haddii kale kubbadda waa u qabanayaa”, waxayna fariimo soo gaarayaan ninka Daaha gadaashiisa ka maamulaya cayaarta ee Sheekh Shariif maadaama uu ahaa ninka Tababarahan iyo Goolhayahan ka keenay dibadda waxa uuna aad u danaynayaa in Rikooradaas sida shariciga ah loo tuurto.

Xogta: ALSHAHID

Maxaa ku soo beegay Magacaabistiisa October ?
Yar aanu saaxiibo nahay ayaa maalinkii la magacaabay Ra’isul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo maalin kadib waxaan isku keenay taariikho si aad ah nooga yaabiyey waxaana go’aansanay in bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigno si noola ogaadaan taariikhahaasii isku beegmay.

Waxaan gorfeynaba arrintaas waxaan hal mar soo wada xasuusanay markii la dilay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/rashiid Cali Sharmaake, waxay taariikhdu ahayd 15 October  1969 , waxa uuna madaxweynaha xiligaasi la dilay ka soo jeeday Beesha Majeerteen, waxaana maalmo kadib xilkii la wareegay Gen. Max’ed Siyaad Bare oo isna afgambi Milatari ku qabsaday xukunkii, waxayna Beesha Majeerteen siyaasiintoodu bilaabeen XamXam iyo inay hoos ka hadlaan iyagoo ka xun la wareegida xukunka ee Beesha Mareexaan, waxaana xiligaasi hobalada waabari soo saareen hees ereyadeedu ka mid ahaayeen (Beeraha aan Falano miyey ka Bokaan, Beesha is raacday miyey ka Bokaan), waxayna ujeedadeedu ahayd ama ay u dhaceysay dhinaca beesha majeerteen oo iyadu farta dhexda ka qaniineysay.kana xumeyd in xukunka gacanta u galo Beesha Mareexaan

Xukunkii Max’ed Siyaad waa uu balaartay saaxiibadii ay kacaanka wada dhaliyeen oo uu ugu horeeyo Salaad Gabeyre Gediye ayuu meel fagaare ah ku toogtay, waxa uuna Salaad Gabeyre ka soo jeeday Beesha Abgaal, waxay taariikhdu is gurto oo ay soo gaatin socotaba hadda ayaa afartan sano kadib waxaa Ra’isul Wasaare loo magacaabay Cumar C/rashiid Cali Sharmaake  oo Ra’isul Wasaare ahaa in la mid ah intii uu aabbihii xukunka Madaxweynenimada Soomaaliya hayey waxayna iska hor yimaadeen Madaxweyne Sheekh Shariif kadib markii ay isku qabteen arrino farabadan oo isugu jira kuwo siyaasadeed iyo mid dhaqaalaba taasina waxay keentay in uu is casilo nasiib wanaag dadka waxa ay tilmaameen in uu ka badbaaday wadadii aabbihii.

Akhriste waxaan kor ku soo xusay in C/rashiid Cali Sharmaake la dilay 15-kii October 1969 xukunkana ay la wareegeen Mareexaan hadda afartan sano kadib waxaan xlkaa 15-ka October ee bishan loo magacaabay Ra’isul Wasaare Max’ed C/llaahi Max’ed (Farmaajo ) oo ka soo jeeda Beesha Mareexaan, sidoo kale waxaan horey idinkugu  sheegney in xamxamtii iyo hoos ka hadalkii ay sameeyeen Beesha Majeerteen markii uu xukunka qabsaday Max’ed Siyaad ay hadda afartan sano kadib dib u soo laabatay waxaana maamulka Puntland oo ay ku badan yihiin Beesha Majeerteen ka soo yeeray hadalo ay ku diidan yihiin Ra’isul wasaaraha cusub sidoo kale Xildhibaanada ka soo jeeda  Beeshaas ayaa iyana wada olole ay ku diidan yihiin in Beesha Mareexaan ay Calafsato 40 sanno ka dib Xilka Raiisul Wasaraaha Soomaaliya

Akhriste sidoo kale waxaa in lagu xasuusiyo mudan in raggii xukunka la qabtay Max’ed Siyaad oo ay saaxiibaha ahaayeen oo ugu horeeyey Salaad Gabeyre iyana markii dambe Tiirka la keenay oo halkaa lagu toogtay sidaas darteed sow kuulama muuqato taariikhdaa aan soo sheegay in ay si aad ah ugu eg tahay midda hadda taagan waayo Saaxiibtinimda u dhaxeeysa Shiikh Shariif  iyo Maxamed Cabdulaahi Farmaajo halka ay ku dambeyn doonto waxay dad badan qabaan in Shiikh Shariif ay ahayd n uu kala weydaariyo Taariikhdaas balse waayaha ayaa isku soo beegey  sidoo kale waxaa Xasuus Mudan in Siyaad Barre magaciisu ka bilaabanayey Max’ed halka Ra’isul Wasaarhaa cusub uu isna yahay Max’ed waxaana filayaa in uu Golaha wasiirada soo magacaabi doono 21-ka oo ku beegmeysa xiligii uu Max’ed Siyaad xukunka la wareegay haddii ay taasina dhacdo waxay dad badani soo goconayaan 21-kii October ee uu dhashay kacaankii Milatariga ahaa haddaba waxaa la sugayaa hadba taariikhdu siday isugu aado.

Xogta: ALSHAHID

Musharixii ugu horeeyay ee xilka R/Wasaaraha Soomaaliya.
Prof. Muxiddiin Cali Yuusuf ayaa taariikhdu ahayd  24-ka September 2010 uga dhawaaqay hotel Naasahablood 2 ee magaalada Muqdishu musharaxnimadiisa xilka R/wasaaranimada Soomaaliya.

Prof. Muxiddiin ayaa doonistiisa xilkaan ka sheegay qado sharaf  uu u sameeyay qaar ka mida Isimada iyo aqoonyahannada beesha Majeerteen, wuxuuna ka codsaday inay ku taageeraan doonistiisa.

Prof. Muxiddiin wuxuu xusay  in haddii uu xilkaas ku guulaysto ay tahay tallaabada ugu horreysay ee uu ku dhaqaaqayo sugidda amniga dalka, uuna dib u habayn ku samayn doono ciidammada qalabka sida ee dalka, si ay dib ugu hantaan ammaanka iyo xasiloonida dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho

“Waxaan ku dadaali doonaa raadinta xuquuda ciidamada dalka, si ay u gutaan waajibaadka saaran” ayuu yiri  Prof. Muxiddiin oo tilmaamay inaysan marnaba dhici karin in qof xuquuqdiisu maqan tahay uu guto waajibaadka saaran.

Mudane Muxiddiin wuxuu kaloo xusay in dhisidda Ciidamada Xoogga uusan ku koobi doonin oo keliya magaalada Muqdiso, balse uu ciidamo tababaran ka keeni doono gobollada maamulladu ka jiraan, si ay uga qaybqaataan sugidda amniga caasimadda.

“10kii sano ee ugu dambeeyay waxaan ku sugnaa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaan si wanaagsan u fahmi karaa halka xalku ku jiro” ayuu yir Profasoorku oo intaa ku daray inuu Ilaah ka rajayno haddii xilkaas loo dhiibo inuu ku hanuuniyo  halka badbaadadu ku jirto.

“Waxaan kaloo xoogga saari doonaa dhinaca dhaqaalaha, waxaana kaabayaasha dhaqaalaha oo dhan u dhiibi doonaa aqoonyahanno muwaadiniin ah,  si hantida qaranka loo badbaadiyo, wax soo saarkna loo kordhiyio” ayuu yiri Prof. Muxiddiin oo carabka ku adkeeyay in si aan gabsho lahayn ula dagaali doono musuqmaasuqa iyo nin jeclaysiga  ku dhex baahay xafiisyada dowladda.

Prof. Muxiddiin wuxuu sheegay in sidoo  kale uu arrimaha bulshadana culayska saari doono, uuna ugu hormarin doono dhinaca caafimaadka oo uu qorshaynayo in tallaabada koowaad uu ka dhigi doono helidda isbitaal casri ah si looga maarmo in dibadda caafimaad loogu aado.

Dhinaca waxbarashada iyo nadaafadda ayuu ka xusay inuu iyagana uu waqti badan ku lumin doono.

Prof. Muxiddiin Cali Yuusuf  ayaa ugu dambayntii ka codsaaday wagaradka beeshiisa inay u caleemo saaraan xilkaas, isagoo hortooda ka qiray inuu xilkaas u gudan doono si xilkasnimo, Soomaalinnimo iyo Islaamnimo ku jito.

Kulankaan ayaa wuxu udaba joogaa kulan uu shalay oo Khamiis ah Prof. Muxidiin uu Hotel Saxafi ugu qabtay qaar ka mida Xildhibaannada iyo Wasiiradda Beeshiisa, kuwaas oo uu ka hor caddeeyay doonistiisa, wuxuuna ka dalbaday inay gacan ku siiyaan tartankiisa.

Xildhibaannadii iyo Wasiiradii ka qaybgalay kulankii shalay waxaa ka mid ahaa Xasan Abshir Faarax, Cabdirashiid Cirro, C/ladiif Sanyare, Maxamed Cali Shire, Maxamed Axmed Kulan, Cabdullaahi Aadan Dude, C/rishiid Maxamed Dirir, Aadan Cali Baale iyo kuwo kale.

Waa kuma Prof. Muxiddiin Cali Yuusuf?

Prof. Muxiddiin wuxuu ku dhashay magaalada Gaalkacyo sanadkii 1959kii, waxbarashadiisa hoose iyo sareba wuxuu ku dhamaystay magaalada Muqdisho, wuxuu Kulliyadda Waxbarashada Lafoole ka soo qalin jebiyay sanadkii 1982-kii, kaddib wuxuu maamule ka soo kala noqday dugsiyada sare ee Bartamaha, Cismaan Geeddi Raage, Xamar iyo sare Wadajir, sidoo kale sanadkii 1986 wuxuu macallin ka noqday Kulliyaddii Waxbarashada Lafoole.

Prof. Muxiddiin wuxuu waxbarasho u aaday dalka dibaddiisa wuxuuna wax ku soo kala bartay jaamacadda Hamber ee dalka Canada  iyo jaamacadaha University of Minnesota iyo Hamline University oo ku yaal dalka Mareykanka, wuxuu  haystaa labo Master oo luqadda Ingiriiska iyo Education-ka ah, hadda wuxuu PhD ka diyaariyaa Jaamacadda Khartoum.

Intii uu ku sugnaa dalka Mareykanka wuxuu ku soo shaqeeyay macallinnimo iyo la taliye dhinaca waxbarashada.

Wuxuu kulliyadda Waxbarashada ku biiriyay Jaamacadda Bariga Afrika ee Puntland, sanadkii 2007 wuxuu ka mid ahaa aqoonyahanno dhidibadda u aasaasay Bosaaso Collage, sanadkii 2007 -2009 wuxuu wax ka diyaariyay sharciga wabarashada Puntland iyo istiraatiijiyadda waxbarashada horumarinta haweenka Puntland, sidoo kale wuxuu wax ka diyaariyay manhajka tababarka macallimiinta Puntland.

Prof. Muxiddiin wuxuu ka mid ahaa aqoonyaho Afrika ka soo jeeday oo ka qaybqaatay diyaarinta manhajka waxbarashada Jaamacadda Afrika ee dalka Kenya.

Wuxuu ka mid yahay Ururka Xiriirka Tacliinta Sare ee Puntland, wuxuuna hadda yahay Guddoomiyaha Hay’adda la dagaalanka Burcad badeedda Soomaaliyeed.

Prof. Muxiddiin Cali Yuusuf wuxuu ka mid ahaa musharixiintii isu soo taagay tartankii doorashada madaxweyninimada maamulka Puntland, sidoo kale wuxuu ka mid ahaa raggii isu soo taagay xilka R/wasaaraha Soomaaliya magaalada Jabuuti  isla sanadkii 2009.

Xogta: ALSHAHID

Bakaaro Allow Ur u bixi !!
Markii bilowdeen dagaaladii sokeeye ee soomaaliya sanadkii 1991dii  ayaa ganacsatada Soomaaliyeed waxay bilaabeen in ay ku soo uruuraan Suuqa Bakaaraha kadib markii ay soo guureen Suuqyo kale oo ku yaalay Magaalada Muqdisho, iyagoo Suuqaan bidayey in ay xoolahooda ugu heli karaan nabagelyo buuxda, wixii waqtigaas ka dambeeyey suuqu waa uu balaartay isagoo markii hore ahaa meelo kooban oo lagu gado Qoryaha, Cawska iyo Caanaha, haddii aan kuu tilmaamo Suuqa Bakaaraha inta uu ku fadhiyo hadda waxa uu u dhexeeyaa laga bilaabo Wadada loo yaqaano Jid Mareexaanka, la soo rogmo Wadada Wadnaha ilaa waxaad gaartaa wadada Masjidka Sheekh Cali Suufi ee KPP, la leexo wadada ilaa aad ka gaarto Jidka Sodonka waa dhul aad u weyn waxaana ka dhismay dhismayaal aad u waaweyn, haddii ay mudo kuugu dambeeysey ma garan kartid  in suuqaan uu yahay Suuqii Bakaaraha, iyadoo ay madaafiic aad u adag ku dhacayaan suuqa haddana waxaa ka socda Dhismayaal cusub oo hor leh. Waxaana Booska dhisan la kala siistaa oo Villa Ah 120 oo kun oo Doolar haddii uu dhismaha uu qurxoon yahay dhowr Dabaq uu ka kooban yahay lagaaga Jimcinmaayo 500 oo kun oo Doolar

Xaaladda Suuqa Bakaaraha waxa uu soo maray heerar kala duwan, laga soo bilaabo xiligii hogaamiye kooxeedyada suuqu waxa uu mar ku sigtay in uu xirmo kadib markii ay agagaarihiisa ka dhacay dagaal sokeeye, hase yeeshee

Mitidnimo iyo dadaal ay sameeyeen ganacsatada Soomaaliyeed ayaa suuragelisay in suuqa xaaladdiisa nabadgelyo xakameeyaan  waxaana xiligaasi loo sameeyey ciidamo Madani ah oo suuqa amnigiisa ilaaliya, iyadoo intii ay socdeen dagaaladii hogaamiye kooxeedyada Suuqa Bakaaraha ay ku dhaceen dhowr madfac, waxayna dadku ku xasuustaan madfac ku dhacay Suuqa Dahablaha oo ay ku dhinteen haween fara badan, wixii waqtigaa ka dambeeyey suuqu waxa uu helay nabadgelyo la isku haleyn karo, waxaana ka ganacsada dhamaan bulshada Soomaaliyeed laga soo bilaabo Raas Caseyr ilaa iyo Raas Kambooni, kuwaas oo xoolahooda  Suuqaas ku aaminay,

Suuqa Bakaaraha waxaa kaloo uu soo marey Gubasho Fara badan oo keentey mararka qaar in gebi ahaan uu baaba’o hese Gubashadaas dadka uma aysan array Dhibaato waxayna qaarkood yiraahdee waxay ku dhacdey Qadar Alle waxayna kaashadeen Samir iyo Imaan dib ayey uga soo gabsadeen belse waxa maanta ku dhacay waa mid la doonayo in suuqaas lagu tirtiro marka Haddi aan Ilaah Faraj u  Furin Suuqa wuxuu ku jiraa halis iyadoo suuqa  ay ku tiirsan yihiin Dad fara badan qaarkoodna u shaqa taga  waxaana lagu qiyaasaa in Boqolaal kun.

waxa uun Suuqu xiriir ganacsi uu la leeyahay Soomaalida ku nool kililka Shanaad ee Itoobiya iyo Soomaalida ku nool Waqooyi bari ee Kenya, iyadoo nin ganacsade ah oo u dhashay Waqooyi Bari ee Kenya uu yiri “Shidaalka iyo Raashinka nooga yimaada Magaalada Muqdisho gaar ahaan Suuqa Bakaaraha, waxa uu aad uga jaban yahay ama ka raqiisan yahay mid nooga yimaada Dekedda Mombasa”, sidoo kale nin ganacsade ah oo isna ka soo jeeda Soomaali Galbeed ayaa isna waxa uu yiri “Xaqiiqdii Raashinka iyo badeecadaha kale ee nooga yimaada Muqdisho waxay si aad ah uga jajab yihiin kuwo kale ee nooga yimaada gobolada kale ee Itoobiya, marka waxaan dhihi lahaa Suuqa Bakaaraha waa il Soomaaliyeed ay ku tiirsan yahay bulsho badan oo Soomaali iyo ajnabai isugu jirtaba.

Xaaladda Nabadgelyo ee Suuqa Bakaaraha waxay mar kale qalqal gasahay xiligii uu Madaxweynaha wadanka ka ahaa C/llaahi Yuusuf Axmed iyo markii ay dalka soo galeen Ciidamada Itoobiya, waxaana suuqa mar keliya ku faafay Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwo Soomaali ah oo dhac iyo boob ka gaystay halkaasi, waxaase ka hor tagay kacdoonkii xiligaasi ka jiray Magaalada Muqdisho ee looga soo hor jeedey soo gelitaankii ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya, hase yeeshee xilligaasSuuqa waxaa  mar kale haleeyay madaafiic aad u xoogan waxaana ku dhintay Boqolaal Soomaaliyeed iyo qaar kale oo hantidooda halkaasi ku waayey, hase yeeshee dadaal uu sameeyey Nuur Xassan Xuseen (Nuur Cadde) oo mar Ra’isul Wasaare ka soo noqday Soomaaliya iyo ganacsatada suuqa ayaa isla gartay in suuqa loo sameeyo ciidamo Madani ah oo wata dhar gooni ah kana madax banaan dhinacyadii isku hayey Soomaaliya, xiligaas wixii ka dambeeyey dib ayuu u soo noolaaday suuqu waxa uuna ganacsigiisu noqday mid aad u balaaran, nin dhallinyaro ah ayaa waxa uu yiri “Waxaa la yaab leh in Dukaamo ku yaala goobo ka baxsan suuqa Bakaaraha lagu qoray ‘Price Bakaro’, oo loola jeedo in qiimaha Suuqa Bakaaraha uu Dukaankaani wax ku iibinayo, hase yeeshee  qofku uusan ku qanacsaneyn in Qiimihii Bakaaro wax looga iibiyo taa bedelkeedana uu ka jecel yahay in Suuqa Bakaaraha si toos ah uga soo iibsado, waxaana dhihi karaa Bakaaraha waxaa aaminay dadka Soomaaliyeed oo jecel in ay mar kasta suuqaasi wax ka soo iibsadaan”.

Waqtigaan Suuqa Bakaaraha waxaa la dhihi karaa waxa uu marayaa waqtigii ugu halista badnaa, waayo waxaa maalin walba ku dhimanaya boqolaal Soomaali ah oo aan waxba galabsan kadib Marka kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Shisheeye ay dhowr madfac ku tuuraan goobaha ay ku sugan yihiin AMISOM ayna ku jawaabaan Madaafiic Culus oo ku hoobata Suuqa Bakaaraha, Haweenay ayaa waxay tiri “Suuqu ma wuxuu noqday meel lagu aarsado, waayo ma garan karo waxa madaafiicda loogu soo ridayo, waxaa la yaab leh in marka uu dagaal ka socdo deegaanka Xoosh sababta ay ciidamada AMISOM madaafiic ugu soo ridaan suuqa Bakaarhaa, waxaan u qaatay in ay tahay Soomaali badan xaggee kaa xigtaa”.

Suuqa Bakaaraha waxa uu cariiri sii galay Todobaadkii la soo dhaafay kadib markii wadadii ugu muhiimsaneyd ee ay isticmaalayeen Gawaarida ka timaada Dekedda weyn ee Muqdisho ee badeecadaha u wada Bakaaraha isla markaana ay isticmaalaan  Gaadiidka Dadweynaha ay xiran tahay, hadda waxaa geliya oo furan waa wadada Warshadaha oo iyana dhib badan ay ku qabaan Gawaarida Ganacsiga ee Suuqa Bakaarhaa u socda, waxaana wadadooyinka burbursan ku arkeysaa Gawaari ku gadoontay oo kuwaas oo ku sii jeeday Suuqa Bakaaraha, nin odey ah oo Ganacsato ah ayaa waxa uu yiri “Labada dhinacba waxay naga qaataan kharashaad, marka waxaa fajiciso nagu nooqotay in wadooyin badan oo  suuqa Bakaaraha loo soo mari jiray ay labada dhinac ka qotaan dhufeysyo waaweyn”. Waxaana soo xasuustay sheekadii Caro Weelo ee ahayd markii Awr dhowr ah ay Afka iyo dabo isaga xirtay, Awrtiina ay bilaabeen in ay iska daba-wareegaan ayay tiri Caro Weelo “Alle waa sidaan rabay”, markay aragtay in waxaani ay soconeyn ayay hadalkii hore ka laaabatay oo tiri “Allow Ur u bixi” sow uma eko in Muqdisho Af iyo Dabo la isaga xiray. Waxaan soo xasuusta cayaar aan waagii

carruunimaddeydii cayaari jiray oo ahayd in anaga oo carruur badan aan gacmaha is qabsano isla markaana mid naga mid ah uu dhexda noo galo isago dhahay “Intee ka baxaa” , waxaana ug u jawaabeynay “Meel Alla…..Meel Alla..”, markii u wareero oo uu garan waayo meel uu ka baxo, ayaa waxaa la yiraahdaa “Ka bax bilaabaha caaraddiisa”, waxa uuna isku maqiiqaa meel labada carruur u dhexeysa oo cariiri ah, sheekadaas markaad ka tusaale qaadato sow uma eka Xaaladda Muqdisho, inkastoo ay weli ay la’ dahay meel ay isku maqiiqdo.

Weli waxaa Muqdisho ka socda Dagaalo iyo madaafiic la isweydaarsanayo hadda oo aan maqaalka qorayo waxaan dhageyga ku soo dhacay madaafiic loo tuurayo dhanka Suuqa Bakaaraha nin dhallinyaro ah oo ku sii jeeday suuqa Bakaaraha ayaan weydiiyey meesha uu u socdo waxa uu sheegay in uu ku sii jeedo Bakaaraha, waxaana kula taliyay in uu maanta iska joogo, waxa iigu jawaabay “Sxb Weli laguma dhihin miyaa Aabbe caano ayaan u baahanahay, haddaba in dadku ay weli ku sii indho adeegaan Suuqa Bakaaraha oo ay madaafiicdu sida roobka ugu socdo waxaa keentay duruufta guryahah ka jirta, waxaana taagan nahay haddaana nahay dadka ka xoogsada suuqa Bakaaraha in aanan suuqa ka baaqan inta la geli karo xitaa haddii Nuyokleer uu soo dhaco, mar haddii nalaka daba ooyaayo oo carruur aan waxba garan ay guryaha noo fadhiyaan”.

Isku soo wada duuboo Bakaaraha oo lagu sheego in uu yahay suuqa ugu weyn Bariga Afrika isla markaan dhowr jeer la kulmey Gubasho iyo Madaafiic  xoogan Khasaarana ka soo gaartey Dad u Dukaansi tagey Suuqaas iyo Ganacsato Fara badan ,isla markaana Suuqu uu yahay mid  Ummad baddana ay ku xiran tahay ayaa xaaladdiisa haatan taagan tahay ‘Allow Ur u bixi’.

Xogta: ALSHAHID