“Yaa miyir qaboo Maas “Amaah” la weediiyaa!” yey murti leedahay, hubaal in maanku yahay hagaha xubnaha jirka, miyirkuna yahay halbeegga maanku wax ku hago, macnaha “Miyir lahaa Maan leh”, balse miyirku isagoo jooga ayaan inta badan maanku shaqayn, sababo la xirira xigmaddoo ka guurta, garashadoo gabaabsi noqota iyo gunnimo u dhalasho, murti kale ayaa leh: [...]
Todobaadkii tagay ayaan qoray qormo magaceedu ahaa: “Xadgudubka Kenya iyo xasuuqa umadda!”, Horraantii sanadkii 2007-diina, waxaan qoray qormo cinwaankeedu ahaa: “Xasuuqa Muqdisho yaa Xilkeeda leh?!”, oo aan ku mataaneeyey qormada: “Xigaalada Xabashida & u Xusulduubka Xaquuqa”, taariikhdu ma duugowdo ayey dhahaan culimada taariikhdu, sooyaalkuna wuu soo noqnoqdaa, haddaan afar sano ka hor sidaa lahaa, weydiintaana [...]
Continue reading …Kob walba kaliila ayaa dhacaysa, kaar iyo aadaar ayaa dhan walba is haysta, kur go’an, kalxan jaban, kab shiilan, kor dubmay, kub kala fallimay, kabiir iyo saqiir haaraamaya, duqanyn Kudhaa iyo Hoosingow, kaliya mahee, gobolladaa oo dhan Kobrooyin ayaa dul heehaabaya, kor iyo garba siman u duqeynaysa, degmooyinka xadka kulaala waaba la mariyey, kumanaan ayaa [...]
Continue reading …“Adduunyooy nin ku doona ku waa” ayey dadku ku halqabsadaan, markay arkaan qof damaciisu dhaafsiisan yahay waxa uu mudan yahay ama hortiisa yaal, “Doqoni walaalkeed ayey u daab weyn tahay!”, murti ayaa na daalicin, mid caruureedna waxay leedahay: “Aabow ninka yar iga celi ninka weyn ayaan iska celinayaa!”, mid kale waxay ahahyd: “…. …… [...]
Continue reading …Sanad Suubban. Shaki kuma jiro in hardan adagi sodo, caddayn uma baahna in maadaxa la iskula jiro, waa marag ma doonto in la ismari la’yahay, haddana markaad eegto sida wax u dhacayaan, kulamada isdaba joogga ah iyo kooxaysiga karaar qaatay, hubaal inay wax soo higleeyihiin, maalmaha foodda nagu soo haya ee sanadka cusub ugu horreeya, [...]
Continue reading …“Labadii Laqdabo ku heshiisa Lillaahi ayey ku diriraan”, murti baa na daalicin, mid kalana waxay leedahay: “Laqdabo iyo Lillaahi meel ma wada galaan”, midda hore waa labo luggooyo isla meeldhigay, ugu dambayn inay daacadnimada ku dagaalayaan, tan dambana waa siday u kala fogyihiin qof daacada iyo qof daalline, oo aan laga yaabin inay marna kulmaan, [...]
Continue reading …Magac ninba su ku hel, muunad ninba si ku doon, maamuus ninba si ku muday, maal ninba si ku soo xereey, maamul ninba si ku gaar, maarayn ninba si u jeex, mehered ninba si ugu mashquul, murti ninba si u deeqday, maan ninba si uga shaqaysii, maskax ninba si ugu feker, maaweelo ninba si ku lumi, [...]
Continue reading …Sooyoolku waa ma duugoobe aan doorsoomin, duniduna waa harka labadiisa gallin, marba dhinc u weecanaya, tagtadaa harta, kayd iyo bakaar quud maanna noqota, reebta wanaag ama xumaan, ka dhalata hadba sida loola falgalay joogtada, timaaddadana u ah himilo iyo hanqaltaag, ama heeryo culus iyo hanasho waa!, horumar iyo higasho dhaliso, habacsanaan iyo dibaanimo horseedda, garaad [...]
Continue reading …Sabanka jadbada jihaadka, waxaa soo baxday dhaqan xumada wadaadada, kolkii hore waxaa dhaleecaynta lala duljoogay siyaasu ku sheegga qabqablaha iyo dagaal oogaha, oo lagu asteeyey dhiigyo cabyo aan cidna u aaba dayin, waxaase tartankii dahsoonaa ee laynta umadda iyo dhibaataynteeda uga dheereeyey kaalinta koowaadna ka ka galay “WADAAD”. Gar dheer qayd cad tafo xaydan iyo [...]
Continue reading …Oodqaad “Bowdo rag maalinba midbaa qaawan”, maahmaah ayey ahayd, adduunyana waa laba gallin oo is daba maraya, guhaad iyo gacalnimo ayey u dhaxaysaa, waxaan uga jeedaa, yaa maanka galiyey in Kenya ku soo duulayso Soomaaliya? Yaa saadaaliyey in Kenya galayo hammiga intaa la eg? Yaa hiyiga gashtay in Kenya u soo kooraysanayso inay Soomaaliya [...]
Continue reading …