Lacagta la Daabacayo Xaggee laga Hirgalinayaa?!.
Maalmahan waxaa in badan la hadal hayaa lacago Shilin Soomaali ah oo Dawladda Sh. Shariif ay damacsan tahay inay soo daabacdo, iyada oo lagu soo daabici doono wadanka Sudan oo la siiyey qandaraaska lagac samaynta, waxaa ka dhashay buuq isbarbaryaac iyo kala hadal ka yimid dhanka masuuliyiinta dawladda, haddaba qormadan waxaan ku eegaynnaa lacagtaa waxay [...]
Raafka Kenya iyo Rafaadinta Soomaalida.
Waxaa maalmahaan si xawli ah uga socda wadanka Kenya hawlgal ballaaran oo lagu raafayo Soomaalida ku nool wadankaas, howgalkaan waxaa wada ciidanka polis-ka oo amar buuxa ka haysta wasiirka Amniga qaranka dalka Kenya, waxaana raafkaas lagu qabqabtay in badan 500 oo qof oo Soomaali ah oo isugu jiray diblumaasiyiin(Xildhibaanno iyo saraakiil ka tirsan safaaradda Soomaaliya [...]
Loolanka Soomaaliya oo labaatan gu’ jirsaday!.
Horudhac. Marxaladdii Burburka. Dagaalkii sokeeye. Xarigjiidkii Qabqablayaasha. Marxaladda Wadaadada. Xalka loolanka. Horudhac: Soomaaliya waxay dawlad ahayd soddan sano marka laga soo gu’ tiriyo sanadkii ay xorriyadda qaadatay, sanadahaas waxaa dalka soo maray maamullo kala gadisan Rayid doorasho galay guul dabadedna guddoonka qabtay iyo maamulkii Military-ga ee afgambiga ku qabsaday dalka 21 October 1969, maamulladaasi ma [...]
Calan iyo Calal Madaw kala Caynad Wacan!.
Dal burburay dawlad dhacday iyo umad kala baahday wax walba ka filo, sidii ay meesha uga baxday dawladdii dhexe ee Somaliya waxaa la soo maray xilliyo kala gadisan oo aan la mahdin, billowga bartamaha baal socodka iyo meesha ay ku biya shuban doontaba waa midaan loo riyaaqaynin, sababta waxaan filayaa inay iska caddahay maxaa yeelay [...]
December Bil Murugo iyo Gocosho Badan!.
Maalmuhu kala wanaagsan, dadkuna kala aayan wacan, shucuubtuna kala aayo hagaagsan, adduunkuna waa mareeg Maalmuhu ku wareegaan, Maalmuhu waxay isugu jiraan: qaraar iyo macaan, xun iyo wanaagsan, madow iyo cad, murugo iyo farxad, jaadadkaas maalmaha waxay yihiin hadba sida ay u soo marto Qofka, Qoyska, Bulshooyinka, Shucuubta, Umadaha iyo Qaramada, tilmaantaa ay qaadanayaan maalmuhu waxay [...]
Maamulka Puntland: Reer Koofurku ha is Diiwaan galiyaan!.
Anigoo tixraacaya qormo aan qoray todobaadkii hore cinwankeeduna ahaa: Dadka Dhagaxa lagu Dilayo ma Dhulka ayey ka Dhasheen?! ayaa waxaan doonayaa inaan ku lifaaqo qormada todobaadkan, waan soo rogaalceliyey sababtuna waa qormadii hore oo aan is iri waxay gaadhay meel fiican ka gadaal markii ay isoo gaareen farriimo dadka aqristay qaarkood, kolkii hore dareen xooggan [...]
Dadka Dhagaxa lagu Dilayo ma Dhulka ayey ka Dhasheen?!
Horay umaan qorin maqaal noocan oo kala ah, in badan waxaan jeclaa inaan ku koobnaado falanqaynta Fekera iyo dhacdada, aragti ahaan ku muujiyo xagasha toosan iyo midda qalloocan ama daacsan, maanta waxaan doonayaa inaan bal si kale u muujiyo dhacdooyinka dhacaya dabcan ilamah inaan la muujin balse waxaan rabaa inaan dareen Somalino ku soo gudbiyo, [...]
Shabaab iyo Falkii Hotel Shamow!.(Khasmiistii Shuhadada).
Ugu horrayn waxaan tacsi u dirayaa dhammaan Umadda Somaliyeed, gaar ahaan Ehelada Qaraabada Asxaabta iyo Macaarifta dadkii ku geeriyooday Khamiistii Hotel Shamow, inta geeriyootay waxaan u rajaynayaa naxariis iyo nabaadiin. Falkii lagu qarxiyey xafladdii ka dhacaysay Hotel Shamow Khamiistii la soo dhaafay waxuu ahaa fal argagixisanimo heerka koowaad, habka qaraxu u dhacay meeshuu ka dahcay [...]
Dareen ( Maanso)
Waa Maanso gaaban oon ugu magac daray “Dareen”. Waxaan filayaa inay noqoto Deelleyda Qarniga 21-aad, halka Silsiladdii Deelleydii hore ay ahayd Silsiladdii qarnigii 20-naad ee tagay. Waa su’aalo iyo weydiimo taabanaya inta badan nolosha, ujeedku waa baraarujin ama xasuusin. Waxaan ku halqab saday C/rixiin Hilowle Galayr hal-abuurka da’da yar. Waxaan filayaa inay dareenka taaban doonta [...]
Muranka Laga Muujiyey Mucatabka iyo Manaaradda!.
Mawduuc xasaasi ah abuuray xaalad is maandhaaf iyo muran aan dhammaad lahayn, xasilonida iyo ammaanka qalqal galin kara, abuuri kara xadgudbyo iyo dhiillooyin dhex mara bulshada, xanaf iyo dikaan badan reebi kara, xanuun iyo murugo mug leh ku beeri doonta umadadha dhexdooda, xaarxaardu aysan meesha ka marnayn si dhinac walbaa u helo xaq uu ku [...]