Mar uun Madaxweyne I dhaha!
Tartankii doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka ee ka dhacday Muqdisho dabayaaqadii bishii hore ee May 2010, runtii waxay ahay arrin xusid mudan marka laga eegoo dhowr arrimood oo uu tartankaasi kulansatay. Waa midda koowaadee waxay ka dhacday gudaha dalka, waana markii ugu horreysay ee xilkaas oo kale lagu doorto gudaha dalka tan iyo markii waalida siyaasadda Soomaaliya [...]