Shabakada Alshahid » Cabdullaahi Maxamed Xasan (Black)

Mar uun Madaxweyne I dhaha!
Tartankii doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka ee ka dhacday Muqdisho dabayaaqadii bishii hore ee May 2010, runtii waxay ahay arrin xusid mudan marka laga eegoo dhowr arrimood oo uu tartankaasi  kulansatay.

Waa midda koowaadee waxay ka dhacday gudaha dalka, waana markii ugu horreysay ee xilkaas oo kale lagu doorto gudaha dalka tan iyo markii waalida siyaasadda Soomaaliya ay bilaabatay, waa midda xigtee waxaa lagu qabtay xaruntii ugu dambaysay ee ay lahaayeen xildhibaannadii Soomaaliyeed oo kulan ay yeeshaan ugu dambaysay 20 sano ka hor, waa midda saddexaadee wuxuu tartankaasi u dhacay si hufnaani iyo xil kasnimo ka muuqato.

Waxaa sidoo kale maanta oo ah Sabti 5-ta bisha June 2010 isla xaruntaa Baarlamaanka lagu qabtay   tartankii doorashada Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka oo ay ku tartamayeeen ilaa 9 xildhibaan, waxaana xusid mudan in qofkii keliya ee dumar ahaa ee kursigaa u tartamaysay ay muujisay dadaal adag kaddib markii ay soo gaartay wareegii 3-aad ee tartanka, iyadoo looga guulaystay 62 cod, iyadoo heshay 130 cod.

Waxaa wax la xuso ah in tartame kasta marka lagu guulaysto, uu si niyad furnaan ah u aqbalayay in laga guulaystay, wuxuuna dadka hortiisa uu ka xusayay in ninka ka guulaystay uu la shaqayn doono.

Labadaas dhacdo waxay muujinayaan  in haddii Soomaaliya ay hesho degganaansho iyo nabad ay suurogal tahay inay ka mid noqdaan dowladaha ugu horeeya xagga dowlad wanaaga, wadatashiga iyo  dimoqraadiyadda.

Sow ma habboonaan  lahayn in xabbadda inta la iska daayo, cid kastoo xukun doon ah ay isa soo sharaxdo, kuna qanacdo codadka ay hesho, cid kasta oo la doortana ay la shaqeeyaan…(Alla nasiib badnaan lahaydaa haddii taa lagu dhaqmi lahaa).

Horumarkaa is-doorashada iyo tartanka leh,  waxaa barbar socda cudurka xukun jacaylka ah ee ay Soomaalidu dhaqanka u leedahay, waxaana halkaan doonayaa inaan ku xuso dhacdooyin yaryar oo todobaadyadii la soo dhaafay dhacay oo aan doonayo in aan xoogaa ku maadaysanno.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Sh. Aadan Madoobe markii uu arkay in kursigiisii uu faro ka bax yahay ayuu qaatay go’aan xumbo cuskasho ah oo uu islahaa kursigaaga ku difaaco, hadii uu so noqon waayana kuraas kale salfo, waa tii uu ku dhawaaqay in xukuumaddii KMG ahayd ay dhacday kaddib markii ay weyday kalsoonidii Baarlamaanka.

Kaddib markii uu Madaxweyne Shariif uu isna dhawaaqii Sh. Aadan Madoobe kor u sii qaaday, waxaa isna qayladiisii markiiba la maqlay  R/wasaare Sharmaarke oo arkay in kurisigiisii loo soo dhigtay, wuxuuna  sheegay in weerarka lagu soo qaaday kursigiisa uu qalad yahay, waddada loo soo marayna aysan sax ahayn.

Midda uga qosolka badanna waxay ahayd markii Baarlamaanka KMG ee Soomaaliya ay ku heshiiyeen inay soo magacowdaan xildhibaanka ug da’da weyn si  uu u sii hayo xilka Guddoomiyenimada, ayaa iyadoo da’  la isweydiin koox xildhibaano ah la boodeen Xildhibaan Xaaji Shukri oo loo arkayay inuu raga ugu da’weynaa lagu fariisiyay kursigii Baarlamaanka.

Waxaase dhacday in Xildhibaan kale uu soo istaagay isagoo sheeganaya in Xaaji Shukri uusan ka da’ weynayn uuna diyaar u yahay in la gu’ tirsado, taasina waxay keentay in la isku dayo in Xaaji Shukri laga codsado inuu kursiga ka soo dago inta buuqaan yarkaa la xalinayo, balse Xildhibaan Shuri taas waa ka dhago adaygay.

Wuxuuse xalkii noqday in Xildhinaankii kale laga codsado inuu buuqa joojiyo, iyadoo la tusay xaaladda adaga ee lagu jiro, tanaasulna laga codsaday, taas oo uu ogolaaday Xildhibaanku.

Saaxiibkay Prof. Dhalxa ayaa tan iyo markii uu muranka Baarlamaanku bilowdayba taagnaa “Kursigayga waa sharciyaysan yahay ee yaan loo soo dhowaan” balse markii uu arkay in laga dhago adaygayo ayuu hurdada ka kacay oo ka qaylisiiyay maxkamaddii sare, Golihii garyaqaanada Soomaaliyeedna fadhiga ka kiciyay, xitaa Madaxweynaha ayuu nasiiinnadii u diiday, nasiibdarrose Baarlamaankii ayaa dhegaha ka furaystay qayladii Prof. Dhalxa, doorashadiina gudo galay.

Saakay markii xaruntii Baarlamaanka la isugu yimid Prof. Dhalxa inuu tartanka ka baaqdo iska daayee wuxuuba u soo labistay inuu ku fariisto kursigii gaarka u ahaa ee kuraasta kale uga soocnaa, isagoo weliba kuu qaylinayay “Anigaa ah Guddoomiye kuu xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka”,  laakiinse saaxiibkay waa loo awood sheegtay oo ciidamadii amaanka ayaa u diiday hankiisii, waxaana maanta laga qoray Dhalxa “tartankaani waa naag nin qabay oo nin kale lagu mehrinayo”.

Oraahdan “Mar uun Madaxweyne i dhaha” oo ka soo burqatay maskaxda Abwaanka Soomaaliyeed ee Mustafa Sh. Cilmi, waxay tilmaan cad ka bixinaysaa cudurka xukun jacaylka ee Soomaalida, waxaana kaloo sugaynaa Abwaan kale oo noo soo alifa oraah kale oo maskaxdeena degta oo kan xukunka xoogga ku doonaya u tilmaanta waddada saxda ah ee kursiga lagu tago.

C/llaahi Black

abdulahiblack@hotmail.com

Xogta: ALSHAHID

Alla Xanuun badanaa!!!!!
Intii aan qormadayda bilaabin, waxaan doonayaa inaan dhammaan Umadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyo falkii naxdinta lahaa ee  ka dhacay Hotel Shaamow, waxaan si gaar ah ugu tacsiyaynayaa ehelladii iyo qaraabadii ay halkaas dadku uga geeriyoodeen.

Goobta uu shilku ka dhacay aad bay iiga fogayd, balse markii aan helay akhbaartii naxdinta lahayd, runtii aad baan u naxay, waxaana ka sii daray markii aan ogaaday dadka la beegsaday inay ahaayeen indhihii umadda u haray, waxaan sii naxay markii aan helay magacyada shaqsiyaadka ku dhintay iyo kuwa dhaawacmay oo intaba aan si fiican u aqiinay, marka laga reebo ardayda ka soo qalin jebisay kulliyadda  Caafimaadka ee Banaadir.

Alla Xanuun badanaa… runtii isla maalinii uu shilkaan dhacay ayaan damcay inaan wax ka qoro, waanse awoodi waayay, balse dib u dhacu waxba iima  kordhin, waxaan islahaa xanuunka ha kaa kala yaraado, laakiinse marka aan soo xasuusto ayuu xanuunuku halkiis ka bilowdaa.. waa laga yaabaa inaan  waayadaan dambe aan baranay in mar qura dagaal maalin qura dhaca aan ku weyno dad 100 qof kor u dhaafaya, balse dhacdadan waa mid ka duwan oo fariin cabsi badan soo gudbinaysa, noo muujinaysa mugdiga uu ku sii socdo dalkeena.

Alla Xanuun badanaa… maalin madow ayay ahayd, muuqaalkii hoolka Shaamow ka jiray cid sifayn kartaa ma jirto… waxaan maqli jiray balaayadii galbeed laga sheegay gondahaaga ka day.. qaraxyada is miidaminta ee ka jira wadamada muslimiinta qaarkooda ayaan aad ula yaabi jiray, waxa ay ku salaysan yihiin iyo hadafka ka dambeeyana waan is weydiin jiray, waxaase naxdin igu abuuray markii Muqdisho ay musiibadaa oo kale ay hoy u noqotay.

Alla Xanuun badanaa… dib ma isugu laabatay, ma isku dayday inaad tira koobtid dadka qiimaha lahaa ee goobtaa isugu yimid.. ? mise isku dayday inaad soo aruurisid inta ku dhimatay, magacyadooda, dadnimadooda, aqoontooda?, mise isku dayday inaad soo ogaatid inta dhaawacantay oo dhaawacoodu uu aad u kala duwan yahay… ? ma soo baartay tirada ardayda (dhaqaatiirta cusub) ee halkaas ku naf wayday?, ma la socotaa dadaalka iyo kifaaxa ay u soo galeen inay ilaa 6 sano ay Muqdishu gudaheeda  waxbarasho adag ku soo dhamaystaan, ma qiimaysay inay maalintaa ahayd maalintii noloshooda uga qiimaha badnayd?, ma u fiirsatay in aqoonyahannadaas aysan jirin cid ay wax dambi ah ka ha galeen oo ay ku mutaysteen in sidaa naxariis darada ah loo laayo.. ?

Alla Xanuun badanaa… haddii ay jirto cid beegsnaysay Wasiirada Dowladda, maxay galabsadeen aqoonyahannada iyo waxgaradka kale ee halkaa lagu xasuuqay? Mise waxaa jira qaacidda saamaxaysa in falka noocaas ah la sameeyo? Waxaase dhab ah in Diinteena Islaamka ay qiimo u yeeshay dhiiga qofka muslimka ah, nidaamna ay u dejisay kii dambi galaa sidii looga oofin lahaa.

Alla Xanuun badanaa… Iinsha Allaah cidna xaq uma heli doonto inay wanaag  Alle ku hesho inay disho cid aan waxba galabsan, waxaan aniga iyo Soomaali oo dhan meel kasta ay joogaanba sugaynay cidda falkaa sheegan doonta, balse ilaa iyo hadda ma maqal cid sheegatay falkaa naxdinta badan, marka laga reebo is eedaynta kooxaha is haya ka soo yeeraysa.

Alla Xanuun badanaa…  waa dhacdo aysan Umadda Soomaaliyeed weligood illoobi doonin… waxaan tixgelinyaa hadalladii uu soo jeediyay afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali Dheere oo uu Alshabaab uga fogeeyay falkaas, waa run, waana aaminsanahay in maanta aan la heli doonin qof  Soomaali ah oo ku faani kara falkaas waxashnimada leh, haddii uu soo baxana ay noqon doonto niyad jab.

Alla Xanuun badanaa… waxaase xanuun aan la illoobi karin ah, wiilkii dhallinyarada ahaa ee falkaas sameeyay, kollayba wuxuu falkaas sameeyay isagoo ku faraxsan, doonayana wax ka qiimo badan nolosha uu adduunka ku haystay, waayo qofka bani’aadmka wax uu nafsaddiisa ka jecel yahay ma jirto, waxa ku keeni kara inuu naftiisa huro waa wax uu is leeyahay waa ka qiimo badan yihiin midda aad adduunka ku haysto, in ilaa iyo maanta aanan la hayn cid falkii  uu sameeyay ku amaanta ama xitaa sheegata inay qofka falkaa sameeyay uu iyaga ka mid yahay.

Alla Xanuun badanaa… in wiilkaas naftiisa huray, dadkii ay isku fikir ahaayeen ay ka aamusaan, talow sidii wax loo faray miyuu baal maray, kollay inuu wax dilo nafsaddiisana dilo waaba loo so diree, ma wuxuu dilay dad aan la doonayn in dilo?  Mise marka uu falku dhacay kaddib,  muuqaalka ka soo baxay ayaa laga argagaxay? (Alla taas wanaagsanaan lahaydaa!!), waa yaabee maxaa keenay inuu keligii ku noqdo falkaa u muuqda inuu ahaa mid qorshaysan oo muddo badan laga soo shaqaynayay?

Alla Xanuun badanaa… Tollow wiilkaas muxuu oran lahaa? haddii loo sheego, laguna yiraahdo tallaabadii aad qaadday waa la wada inkiray, cid kuugu taageersan ma jirto, waa laguu wada ciil qabaa, waxa aad samaysay ma aha wax wanaagsan, dadkii ku soo diray waa is qariyeen,  waa kuugu keligaa.. .. runtii jawaabtiisa waa iska muuqataa… dhinaca kalena waxaa laga yabaa in aamusnaantaan ay fariin fiican u noqon karto dadka Soomaaliyeed ee niyad jabay, cabsida badanna ka muujiyay falkaan..

Alla Xanuun badanaa…  mid baase oran lahaa, aan aamusnaantaan u fasirano in ciddii falkaan ka dambaysay ay iyaguba xanuunsadeen ayna doonayaan inay ka qoomameeyaan, sidoo kale aan u fasirano in ay farriin u tahay dhallinta u diyaarsan is miidaaminta noocaan ah, in iyagana beri la inkiri doono, oo weliba la cambaareyn doono.

Ilaah Subxaanahu watacaalaa, waxaan ka baryaynaa inuu waddada wanaagsan ee diinta Islaamka ah na waafajiyo, quluubta ummadda Soomaaliyeedna isku keeno.. aamiin … aamiin..

W/Qoray: C/llaahi Black

Xogta: ALSHAHID