Shabakada Alshahid » qoraa sare

Maan maran iyo maqaam muran!
“Yaa miyir qaboo Maas “Amaah” la weediiyaa!” yey murti leedahay, hubaal in maanku yahay hagaha xubnaha jirka, miyirkuna yahay halbeegga maanku wax ku hago, macnaha “Miyir lahaa Maan leh”, balse miyirku isagoo jooga ayaan inta badan maanku shaqayn, sababo la xirira xigmaddoo ka guurta, garashadoo gabaabsi noqota iyo gunnimo u dhalasho, murti kale ayaa leh: “Talo kuguma noola, ee Adigaa nool”.

Shirkii Khaatumo 2, ee ka dhacay magaalada Taleex, aanse helin gurbaan garaacii shirkii Garoowe oo kale, laguse suntay inuu horsed u noqon doono midnimada Soomaali, ayaa markii la soo gabagabeeyey, Siilaanyo weerar ku qaaday magaalada Buuhuudle, ismaqiiq cad iyo meel dayoshao la’aan, isma weydiin maxaa soo kordhay? Mana xog waraysan, maxaa lagu heshiiyey? Wallidiisu dadka dhan yey ka yaabisay.

Siilaanyo oo markii horaba ku hawlanaa garaadyo xirid, isku shaandhayn wasiirro, midkaan xil ka qaad ee kan u dhiib, magacaabid gudoomiye gobol, degmo iyo tuulo, ayaa shirka Khaatumo 2 lagu go’aamiyey maamul goboleed, saskii uu ka qaaday waaba la ogaa, wali wuxuu ku jiraa shoog, malaha wuxuu islahaa SSC ma dhisan karaan maamul ka madax bannaan Somaliland iyo Puntland?.

Way fiicnaan lahayd inuu caqligu shaqeeyo, garashada la adeegsado, goobaynta iyagaa billaabee, haddii laga gobolaystay maxaa guhaadda keenay? Maxaa wiil Soomaali u go’ayaa? Maxaa hooyo Soomaali u gablami? Maxaa afo Soomaali Asay gambo u qaadi? Dadku waa xidid, xigaalo, walaalo, daris iyo ood wadaage, miyeysan habboonayn, inaan la kala dilin? Maan maran iyo maqaam muran!

Puntland, maamulkii marti soorka iyo marti wanaajinta, shirkii Groowe ayaan dhaliillo yar ka qoray, waaba la ogaa wixii dhacay, waxaasne doonayaa inaan dadka xusuusiyo marka maamul la dhaliilo, yaan la isku qarin qabiil iyo isbaaro, meesha xaal marayo ma wanaasgana, ha ahaato dadka reer Puntland ama dadka ka soo qaxay qaxarka Alshabaab, Amisom iyo abaaraha ku duftay deegaannada koofureed, balse dadka qaarkii waxaa uma muuqdaan.

Ma ahan markii ugu horreeyey ee hadallada midab takoorka iyo isir nacaybka ku salaysani Faroole ka soo yeeraan, maamulkaa rag yaa isu daba maray, qaylo sidaa u weyn kama jirin dhanka reer koofurka, C/laahi Yuusf iyo Cadde Muuse, Faroole siduu xilka u qabtay wuxuu u soo jeestay maasaakiintaa aan hoy iyo hargal midna haysan, maruu yiraa waa inay is diiwaan galisayaan, iyo maruu yiraa argagixisadu waa reer koofur, waaba yaabe ninku miyuusan xishoonayn? Sida muuqata maya, ee reer Puntland ha ka digtoonaadaan godobta ninkani u beerayo.

Puntland hadda wayba guulaysatay, sida hadalka loo dhigay, maadaama shidaal qodonayso, ma xumo, hurmar bogaadin mudan, mise la is weydiiyey, shidaal iyo burcad badeed inaan la isku baal wadi Karin, shidaal iyo shabaq inaan la isku shaandhayn Karin, amni xumida ka taagan Puntland ma ahan mid dhiirigalinaysa maalgashi, waase arki doonnaa meesha ay wax ku dhammaadaan. Maan maran iyo maqaam muran!

Galmudug state, khilaafkii go’aan ayaa laga gaaray, dantu waxay dhaafi waysay in burcad badeeddu beesha sii maamusho, kaligood ma ahan haddi, sadarada sare yeysan kaa silloon, hadda waxaa loo bira tumanayaa Hobyo iyo in dagaal lala galo beesha Cadaado, waa sida hadalka loo dhigay, iimase dhadhamin arintaa!

Sababihii xilka looga qaaday Caalin hadday wali taagan yihiin, maxaa keenay in la yiraa xilka ha loo daayo? Mise waa xumaanta ha sii xumbayso, ee yaan xilka laga xayuubin? Waxaan garan waayey raggan lagu sheego nabaddoonnada, iyagu miyeysan dunida la socon? Markuu dhibku dhoco ayey Xamar ka soo xaydxaytaan, waxaan ku xallinay in xaalka sidii hore loo daayo ayey xaajada ku soo xiraan, marka hore masuuliyadda saaran, maa toos u abbaaran? Inta aysan wax dhicin, si go’aanka dambe u fududaado.

Guddoomaha maxkamadda sare ayaa xilkiisa iska casilay, maadaama ay u cuntami waysay qaabka odayaashu wa u go’aamiyeen, waxaase xigmad lahaa hadalka uu ku cilleeyey is casilaaddiisa, isagoo yiri: “dadkan sharci Islaam iyo mid caalami ah midna dhawri maayaan”, ka dib, waxaa isna is casilay ku xigeenkiisa, wuxuu ku gaabsaday, waxaan isu casilay wuxuu gudoomiyuhu isu casilay.

Go’aanka labadan masuul wuxuu farriin culus u yahay, dad badan oo ku dooda waxba ma qaban karno, meeshana kama tagi karno, run ahaan inayan is qabayanayn, Maahmaah ayaa leh: “Meel ama waa laga muuqdaa ama waa laga maqnaadaa”, si dhab ah waxaa u hirgaliyey labadan masuul, oo xilka isaga tagay, ka dib markii sharcigii la garab maray, xeer jajab iyo xukun qalloocanna laga xigsaday, miyeysan mudnayn labadan masuul in lagu daydo? Maan maran iyo maqaam muran!

Ahlusuuna, Dhuusamarreeb waa xarunta gobolka Galguduud, waxay xudun u tahay Ahlusunna, xigaalada Xabashida ee xilligan, waxay ka dhammaan la’dahay dagaal rogaal celis ah iyo ku dhufo oo ka dhaqaaq, ma mid loogu talagalaybaa? Mise waa nacasnimo meesha ku jirta? Miday tahayba magaalada kuma qummana sidaa. Maan maran iyo maqaam muran!

Hiiraan waa hugmaysaa, waxa ka soo higle saadilin kaliya kuma filna, sidii ay u soo galeen magaalada Beledweyn Xabashidu, waxaa ka dhacay xasuuq loo gaystay dad, yaa dilay? Sidee loo dilay? Xilligee la dilay? Waa su’aalo aan cidna ka jawaabi karin, u baahan baaritaan dhab ah, waxaa xigay booqashadii Gaas, oo runtii dabkii dansanaa Gaas ku bilbishay.

La yaabku waa markii ra’iisul wasaaruhu booqasho xabashiyeed ku tagay Beledweyn, saacado hadday xabashidu u xogwarrameen, dabcan meeshana ha ka saarin maamulka Dooxada Shabeelle, ayuu Muqdisho ku soo laabtay, waraysi uu BBC-da siiyey ayuu ku dafiray inay wax maamul ah ka jiraan Beledweyn, isla waraysiga ayuu kala hadlay, mar wuxuu leeyahay way na soo dhaweeyeen, marna wuxuu dafirayaa in maamul jiro, isuma kay qaban.

Midda la yaabka ah ayaa waxay tahay, markuu yiri: “si maamul goboleed loo dhisaa waa in la helaa ugu yaraan laba gobol”, waa mide Puntland markii la aasaasayey miyey ahayd laba gobol? Illeen marka Bari laga reebo inta kale waa la wada degaaye, kaba dhig, ee Galmudug ma laba gobolbaa? Iyadoo sidaa ah ayeyba ka qaybgashay shir aayaha Soomaali looga arrin sanayey, ma garan “Adigu waxba ma tihid”, oo haddaa qiimaynta maamullada ma Gaas ayaa loo xilsaaray?.

Taas siyaabo kala duwan ayaa looga hadlay, gaar ahaan waxaa ka hadlay mudanayaal ka soo jeeday Hiiraan, oo yiri faraha kala bax arimaha gobolka, waaba su’aale, Gaas gurracnaantiisa meeshii maamul ka jiro markuu sii adkayn lahaa, sii habayn lahaa, sii hormarin lahaa, ayuu isagiiba inkiray jiritaankiisa, malaha waa dumiye, iima bixin ujeedka hadalkiisa, wuxuuse ahaa midaan siyaasi ku hadlin, ninkii saacado ka hor ku marti sooray, inaad seef madaxa uga sartaa kaama mudna.

Intaa kuma ekaysan, ee wuxuu soo diray laba wasiir iyo shan xildhibaan, waxaa ugu tunweynaa  wasiirka qorshaynta qaranka iyo iskaashiga caalamiga  C/laahi joodax Barre, si ay muumul ugu sameeyaan gobolka, isagoo iska dhagatiray hadalladii xildhibaannadu u soo jeediyeen, aan mar kale ku celiyo, war ninku ma waalan yahay mise waa fayow yahay? Hadduu yiri maamul goboleed waxaa dhisan kara laba gobol iyo ka badan, muxuu u soo diray kuwan aan xushmadda iyo xilka waxba ka aqoon.

Waxaan uga jeedaa, horaa loo yiri: “Lagaa baray oo lagaa badi”, feerka iyo buujimada waxaa noo qaabilsabanaa baarlamaanka, maanta waxaa ku soo dorsoomay wasiirradii, berrina filo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, wax haray ma jiraan, xukun iyo xeer midna lama dhawrayo, ethics akhlaakh iyo anshax midna lama dhuganayo, magac, muunad iyo sharaf midna lama tixgalinayo, waa ha yaacdo iyo maadigaa yiri.

Xalka khilaafka aan bal wax ka dhoho, horta gobolka ma degana laba beel oo qura, ee beelo badan ayaa degga, ee taas yaan cidna caad ka saarnaan, haddaba maadaama khilaafku ka taagan yahay maamulka gobolka, si looga hortago dagaal dhexmara beelaha ood wadaagta iyo xididka ah, waxaa lagu kala saari karaa sidan, in beelba mar ay qabato maamulka gobolka, tusaale ahaan, ina laba sano loo dhiibo beel, tan kale labada xigta hayso.

Haddii la isku afgarto miilootnka caynkaa ah, waxaa imaanaya yaa billaabaya oo xilka loo dhiibayaa marka hore? Waa sahlan tahay iyana, waa loo qori tuurayaa, tii ku soo baxda ayaa maamulka hor qabanaysa, dabcan dhanka kale waa in si weyn looga qaybgaliyaa maamullada kale beelaha kale ee gobolka wax ka dega, haddii kale sadbursigu ma idlaanayo, waligiina waa jirayaa.

Waxaanse doonayaa inaan mid dhoho, dhibka maanta taagan iyo madaxa la iskula jiro waxaa ka masuula ka ah dawladda, gaar ahaan mudane Gaas, oo isagu markii hore laalay maamulladii jiray, dabeedna rag aan magac iyo masuulinimo u qalmin u soo dirsaday meesha, waa qaska ha taagnaado, mayee waa in beelaha wada dega madaxa la isu galiyo, in dib loogu celiyo qadkii cagaarnaa iyo is qabqabsi aan dhammaanayn, mayee inaysan waligoodba heshiin. Maan maran iyo maqaam muran!

Jookarka siyaasadda sanadihii u dambeeyey Shariif Xasan, ayaa waxaa soo food saaray saami la’aan, ka dib markuu is yiri saaxadu waa kuu sallaxan tahay, sababta waa Kampala Accord, oo uu isa siiyey guddoonka baarlamaanka ilaa laga gaarayo august 2012-ka, ragguu shalay shilimaadka ku shubi jiray ayuu is yiri waad ka kaaftoontay, ee shaxaad dambe ha bixin, waase laga hoos kacay, rag yaryaraysi ma galo!

Haddii foodda la isdaray, xilka ayaa laga qaaday, ma xishoon mana sarriigan, ee wuu is xijiyey iskuna suntay xilka, iyana ma xeeladayn mana xeerin, ee xabadka ayey gacanta ka galiyeen, feer iyo faralaab, kuraas wiifaysa iyo tumburyo la isu adeegsay, xukun iyo xeer midna lama dhawrin, ethics akhlaakh iyo anshax midna lama dhugan, magac muunad iyo sharaf midna lama tixgalin, waa ha yaacdo iyo maadigaa yiri, hadda Shariif Sakiin wuxuu u madlan yahay mar kale shirka London, ma garan sababta, waan ku soo laaban qodobkan. Maan maran iyo maqaam muran!

Nuunoow, hawshiisa ayuu wataa, xukuumadda ayuu sadax casho u qabtay inay ku hortimaad baarlamaanka, si looga doodo waxa loogu yeero Roadmap-ka, oo qolo walbaa sheeganayso inay diyaar u tahay fulintiisa, sidaa uu yahay, waxaase la fahmi la’yahay waxa Roadmap-ku yahay, haddana waa loo wada dhiirran yahay, maya waaba loo tartamayaa, wuxuu noqday wardiga siyaasi isku sheegga Soomaaliyeed. Maan maran iyo maqaam muran!

Madaxweyne Shariif wuxuu laba mar ka hadlay dadka deggan xumaraha dawladda, hawl hirgalin u baahan, marka dadkan hoy loo helo, waaba yaabe, isagu ma wasiirka arimaha gudahaa? Ma gudoomiyaha gobolka Banaadiraa? Ma Duqa magaalada Muqdishaa? Ma gudoomiyaha degmooyinka ay ku yaalliin xarumahaasbaa? Sida muuqata wuxuu hayaa shaqadii ay qaban lahaayeen masuuliyiinta aan xusnay, isagoo ku ekaan wayey xilkiisa madaxweynenimo, malaha shaqo la’aan ayaan ku dhacay.

Wax wax isdhaama weynnay, xildhibaanno, gudoomiyeyaal baarlamaan, madaxweyne, ra’iisul wasaare, wasiirro iyo madax degmo, nin walba wuxuu eeganayaa meesha uu joogo, wax kama galin inta kale, wuxuu xoogga saarayaa siduu damaciisa u meel marin lahaa, darajana u gaari lahaa, hadduu gaarana uusan uga guurin.

Madaxweyne qabanaya shaqadii gudoomiye degmo, gudoomiye degmo oo qabanaya shaqadii madaxweyne, guddomiye baarlamaan oo qabanaya shaqadii wasiirka koowaad, wasiirka koowaad oo qabanaya shaqadii gudoomiyaha baarlamaanka, Aniga waxay iga maraysaa, meeshu ninku ka yiri: “Hashu maankayga qaadde ma Misaar bay laqday!”. Maan maran iyo maqaam muran!

Gaas isna wuxuu faraha kula jiraa meel waba, wuxuu isku shaandhayn ku sameeyey golaha wasiirrada, isagoo magacaabay wasiiro dawlayaal iyo ku xigeenno, waa yaabe hadday u dhimman tahay xukuumaddiisa wax ka yar shan bilood, haddii shir madlan yahay bishan nagu soo food leh, siduu ku hindisay inuu wasiirro cusub magacaabo? Waalli ka weyn ma arag.

Maamlin dhexdaa ah waxaa faraglintiisa lagu sii daayey nin watay 2 milyan oo Dollar, isagoo soo adeegsaday wasiirka arimaha gudaha C/samad macallin Maxamuud, hadda wuxuu ku dhaggan yahay maareeyaha Dekadda Muqdisho, sababa la xiriira boobka hantida qaran, doonayana in la booboo biraha dekadda dhexyaal, isagoo soo wakiishay wasiirka Dekedaha iyo gaadiidka Badda Aadan Cabdullaahi Aadan, haddii xaal sidaa yahay muxuu ka magacaabay gudiga la dagaalanka Musuqmaasuga, waa maaweelo aan muuqaal lahayn. Maan maran iyo maqaam muran!

Alsabaab iyada waxay ku jirtaa firxad iyo kala carar, waa caadadooda markay arkaan cadaw isma haystaan, Beledweyn kabta ha iga goyn ayaa ka dhacday, Gedo oo dhan way faarujiyeen, illeen waxay oleyn yaqaanniin waa Soomaalidee, iyagana miyeysan ku habboonayn inay joojiyaan falalka gurracan ee arxandarrada ah, ka waantoobaan gacma goynta iyo lugaha iyo gamcaha isdhaafka ay u jarayaan, oo dadkooda dhinac ka raacaan. Maan maran iyo maqaam muran!

Gedo, waxay la mid tahay Dhuusamareeb, habeenkiina waa laga qaxaa, maalintii waa lagu soo guryo noqdaa, Ahlusunnadaa iyo kuwan waxba is dhaami waaye, waxay ka dhammaan la’yihiin iska caabin, Baydhabo, iyada warkeedu waa kooban yahay, xarun argagixiso, balse nabdoon, oo aan dagaal iyo diriri ka jirin, taa oo guul la taaban karo ah. Maan maran iyo maqaam muran!

Kenya waxay hirgalisay ballanqaadkeedii, waxay duqayn ku waddaa magaalooyinka Jilib, Garbahaarrey, Buulo Xaaji, Luuq, Afmadow, Baardheere, Faafaxdhuun, Xayo, Taabto, Xagar, Qooqaani, Hoosingow, Kudhaa, Ceelcadde, Afgooye IWM, waxaa magaalooyinkaa duqeeyey  dayuuradaha dagaalka ee Kenya iyo kuwo aan la garanayn, duqeymahaas dhammaantood waxay ka dhaceen goobo aysan Alshabaabku ka dhaweyn, qasaaruhunu wuxuu gaaray dadka shacabka ah.

Duqayntii ugu xumayd waxay ka dhacday magaalada Hosingow, magaaladaa waxa ka dhacay waa xasuuq, magac kale uma hayo Anigu, waxaa la duqeeyey dad rayid ah, oo aan dagaal iyo dirir midna ku jirin, loona gaystay gumaad ka dhan ah nolosha Aadanaha, Jaziiradda Kudhaa iyana waa la faarujiyey, oo dadkii ka qexeen, ka dib markii duqaynta kala go’i weysay, dabcan qoyskii lagu xasuuqay Jilib yaan la illoobin!, taa kaliya ma ahan, dhaca, boobka, jirdilka iyo xadgudubyada joogtada ah, ee Kenyaanku ka gaystaan xeryaha qaxootiga ee Ifo iyo Xagardheer. Maan maran iyo maqaam muran!

Maaulka Azaania, isaga waxba kama galin dadka ku baaba’ayaa dagaalka iyo duqaymaha xulufadooda, waxaa taa uga muhimsan inay hirgaliyaan hanka ay higsanayaan ee huwan heeryada halaagga, Gaandi iyo inta ku gadaaman ma garan inaan sooyaalku gaboobin? Beeli beel ma kor dagi kartaa? Haddayse kor degto imisa ayey dul degaanaa kartaa? Caqligu miyuusan shaqaynayn? Kolley Soomaalinimo, walaaltinimo, xididnimo iyo ood wadaagnimo waxba tari waayeene, ma waxaa dadka ka dhaadhacsan haddaad shisheeye ku daaban tahay dadka waad jujuubi kartaa, dalkana waad qabsan kartaa? Waa ogaalli’idaa. Maan maran iyo maqaam muran!

Ugu dambayn, waxaa madlan shir London ka dhacaya dabayaaqada bisha labaad, shir nagama dhammaado shayna nooma hagaago, sanadkii la soo dhaafay waxaa la qabtay ugu yaraan 3 shir, waxaa ka badan kuwa magaca Soomaali ku suntay ee aysan goobjoog ka ahayn, haddaba shirkan maxaa laga filan karaa, oo warar kala duwani ka soo baxayaan? Qormo gaara ah ayaan ku faaqidi doonaa.

Run ahaantii walaac badan ayaa laga muujiyey shirkan, dad badan ayaa ka cabsi qaba in wadanka la galinayo Maxmiyad, waaba su’aale hadda ma madax bannaanahay? Marka laga soo tago maamul beeleedyada, wadanka waxaa xakuma caddaan iyo madawga xoogga ku jooga, haddiise la iclaansho maxay ka badalaysaa marka laguu maldaho? Waa meeshuu abwaanku ka yiri:

Marwo camal xun maangaab ninkeed maqasha baa dhaantaa

Muslinnimo nimaan kuula socon muuminnimo khaa ah

Gaal maxasta kuu dhawra ood magansataa dhaanta!

“Ninkii tashan waaya waa loo talin” murti ayaa dhahaysa, haddaba maxaa diiday in Soomaali loo taliyo hadday tashan waysay? Dhibka waxaa keenay in qolo walbaa qolada kale ku eeganayso dhibka, dayaca, duruufta iyo diihaalka, ayna dhammaatay walaaltinimo iyo darisnimo, haddaba miyeysan dhaamin in nala maamulo maadaama aan is maamuli weynnay, wali waan is giijinaynnaa, ma xumo, balse waa in la helaa dad ay daacad ka tahay qowl iyo fal dhaba, haddii kale Maan maran iyo maqaam muran!

Wadanka dhan waa holcayaa, muqdisho habeen walba dagaal ayaa ka dhaca, gobolada dhexe xabashi ayaa qabsatay, Kenya, Gedo iyo Jubbooyina ayey dadkii ku xasuuqaysaa, waxyeelladii abaarahu wali ma dhammaan, ee maangaabnimo miyaa ka weyn inaan sidaan ku sii jirno? Maangaabnimo miyaa ka weyn inaan sidaan xal u aragno? Maangaabnimo miyaa ka weyn inaan ku jirno isku shaanshayn iyo magacaabid? Maangaabnimi miyaa ka weyn inaan ku dulwareegno dabadhilif?  Maan maran iyo maqaam muran!

Bashir M. Hersi

brdiraac@hotmail.com

Xogta: ALSHAHID

Xasuuqa dhacaya yaa xilkiisa leh?!
Todobaadkii tagay ayaan qoray qormo magaceedu ahaa: “Xadgudubka Kenya iyo xasuuqa umadda!”, Horraantii sanadkii 2007-diina, waxaan qoray qormo cinwaankeedu ahaa: “Xasuuqa Muqdisho yaa Xilkeeda leh?!”, oo aan ku mataaneeyey qormada: “Xigaalada Xabashida & u Xusulduubka Xaquuqa”, taariikhdu ma duugowdo ayey dhahaan culimada taariikhdu, sooyaalkuna wuu soo noqnoqdaa, haddaan afar sano ka hor sidaa lahaa, weydiintaana dadka hordhigay, waxaad mooddaa inaan wali wax is badalin, ee balaan maanta isla su’aashii ku soo celiyo, maxaa yeelay sidii ayey wax ku socdaan.

Kob walba kaliil ayaa dhacaysa, kaar iyo aadaar ayaa dhan walba is haysta, kur go’an, kalxan jaban, kab shiilan, kor dubmay, kub falliirmay, kabiir iyo saqiir taahaya, duqayn Kudhaa iyo Hoosingow, kaliya mahee, gobolladaa oo dhan Kobrooyin ayaa dul heehaabaya, kor iyo garba siman u duqeynaya, degmooyinka xadka kulaala waaba laga hayaamay, kumanaan ayaa isaga qaxay, kaniini iyo dawo la’aani ku dhacday, kadinta oo biya dhex ceegaagan awgeed, kadeed aan dhammaanayn!

Darisnimo lama dhawrin, bini’aadannimo lama dhugan, dhamishadu waa wadar xabaal, dhaawaco meel walba ayuu tuban yahay, dhiigjoojin la’aan ayey u le’enayaan, dheecaankooda ayaa ciidda ku qubmaya, dhulkana ku baxaya, gaaray dhudhun iyo baac, aadaarkooda lama dhagaysto, oo dhagaha ayaa laga furaystay, cid dhagjalaq u siinaysa ama  maqal amaahinaysa ma jirto!

Magaalooyinka:  Jilib, Garbahaarrey, Buulo Xaaji, Luuq, Afmadow, Baardheere, Faafaxdhuun, Xayo, Taabto, Xagar, Qooqaani, Hoosingow, Kudhaa, Ceelcadde, Afgooye IWM,  Duqaymihii xumaa ee lagu hoobtay, ee ka dhacayey maalmihii aan soo dhaafnay, waxay qaysteen qasaarooyin lixaad leh, oo aad u ballaaran, soona gaaray marrasta iyo rayidka, carruur, cirroole, qadley (Arday dudsi quraan), xarumo daryeel, maato iyo mid aan dagaal ku jirinn.

Duqaymahaa ka dhacay magaalooyinkaa, ayaa keenay qasaarooyin baaxad weyn, oo naf iyo maal leh, burbrur iyo barakac soo gaaray maatida iyo hantida dadweynaha, waxaana lagu qiyaasay dadka ku dhintay duqaymahaa (1.700), suuragalna ay tahay inay tiradu intaa ka badan tahay, maadaama aan lahayn tirokoob rasmi ah iyo cadad go’an oo qeexaya tirada ku geeriyootay duqaymahaa, dadka dhintay oo isugu jira kuwo uu ku dul habsaday guryahooda gantaal, oo sidaa ku qur go’een iyo kuwo ay haleeleen firirka iyo fanfaniinka madaafiicda iyo gantaalaha, halka dhaawacana lagu sheegay ku dhawaad (6.000), oo isugu jira dhaawac fudud iyo mid culus, walow ay jiraan tiro badan oo la ildaran dhawaacyo halis ah, oo aan helin xarumo caafimaad iyo istbitaallo ay isku daweeyaan.

Dhanka kale, waxyeellada soo gaartay guryaha iyo goobaha ganacsiga, ayaa iyana aad u daran, maxaa yeelay magaalooyinka la duqeeyey, xarumaha ganacsi ee ku yaalla ayaa si toos ah loo beegsaday, taasoo sii laba jibbaartay burburka ku yimid guryaha, siina kordhisay inay ku basbeelaan aqallo badan.

Duqaymahaa qasaarahaas ka dhashay ka sokow, waxay keenaan qax, barakac iyo inay isaga hayaamaan guryahooda dad lagu qiyaasay (16.000), uu u kala qaxay goballada dalka iyo gudaha wadanka Kenya, dadkaa qaxay oo ay soo food saartay xaalad nolol xumo, oo ka dhalatay cunto yari iyo biya la’aan! Bal waa yaabe dadka dhintay, kuwan dhaawacmay iyo kuwan qaxay maxay galabsadeen? Dambigooduse muxuu yahay? Kenya dib ayeyba u soo celinaysaa, malaha si aysan gantaaluhu meel cidlaa ugu dhicin! Dhanka kale hantida ku burburtay oo isugu jirta mid qaran, qof iyo qoys, cidna qiyaas ama hayso.

Billowgii duqaymahaa waxay ku yimaadeen barnaamij loogu yeeray: “Ciribtirka Alsabaab” oo loogu talagalay in dalka lagu qabsado, waa su’aale yaa laga Sifaynayaa magaalooyinkaa?,  Sida muuqata, waxaa hubaal ah in ujeedkii dhabta ahaa ee laga lahaa howlgalkan uu xaqiiqoobay, sida eraga “Ciribtir” ka muuqaataba, maadaama dadkii Magaalooyinkaa laga dhigay, qaar ku dhintay qantaalaha ay tuurayaan diyaaradaha dagaalka iyo duqaynta ay gaysanayaan, kuwo ku dhaawacmay hoobiyaasha loo miilinayo xaafadaha iyo qaar isaga cararay oo u hayaamay bannaanka magaalooyinkaa,  ka gadaal markii ay u adkaysan waayeen hoobiyayaasha iyo duqaynta!

Sidaa darted, waxaad mooddaa in la suuragaliyey qaab ahaan erayga “Sifayn”, Balse waa su’aale nimankan ku xaraysayn madaxtooyada maxay maamulaan ama u talinayaan? Mar haddii dadkii noqday saddaxdaas qaybood ee aan soo xusnay, mise waxay rabaan inay dul yuuraraan kuraasta una taliyaan guryo dumay iyo aqallo burburay, maadaama ay dadkii ka qexeen? Mise waxaa la damacsan yahay in markii dadkan magaalooyinkaa laga sifeeyo, dad kale la soo beero, oo ay u  taliyaan dadkaa lagu tallaalay? Waaba hadday dhacaysee! Waa yaab iyo amakaak.

Xasuuqa dhacaya waxaa xilkeeda leh, si toos ahna masuuliyaddeeda u qaadaya, ugu horrayn Madaxda dawladda, ayna horseed ka yihiin Madaxweynaha, Ra’isuul wasaaraha, Wasiirka Arimaha Gudaha iyo wasiirka Gaashaandhigga, waa kan horee, madaxweynahu wuxuu masuul ka yahay dhammaan wixii dalka ka dhaca, xummaan iyo samaan, kan xigana waa ra’isul wasaarehee, isna waxaa xil ka saaran yahay hagidda howl maalmeedka dalka iyo dadka, kan xigana waa wasiirka arimaha gudahee, wuxuu u qaybsan yahay inuu ilaalsho arwaaxda iyo hantida dadweynaha, si guudna uu gacanta ugu yaho ammaanka iyo xasilloonida dalka.

Waxaadse mooddaa in madaxdan aan soo sheegnay ay si toos ah u taageereen xasuuqa maatida, rayidka iyo marrasta, ayna ku qanacsan yihiin burburinta loo gaysanayo xaafadaha lala dhacayo PM-ka, hubka artilleriga iyo gantaalaha, sidoo kale diginta laga dhigayo guryaha iyo aqallada, madaxdan kuma ekaysan taageerada xasuuqa iyo burburintaas qaawan, balse waxay ku celceliyeen inay ku faraxsan yihiin sida wax u socdaan ayna ku soo afjari doonaan muddo gaaban howlgalkan la magac baxay: “Ciribtirka Alshabaab!”, waxayba amar ku baxsheen in 10 magaalo oo la duqaynayo, dadweynuhu isaga baxaan.

Dhanka kale, dhacdooyinka gurracan masuuliyadda ugu weyn waxaa leh ciidanka Keenyaantiga, oo iyagu ku andacoonaya inay dagaal kula jiraan “Alshabaab”, iyagoo magacaas ku gambanaya, ayey xasuuq ka gaystaan xaafadaha ay la dhecaan hoobiyayaasha iyo PM-ka, ayna garab socoto duqaynta diyaaradaha dagaalka, ha illoobina maamulka gacan ku rimiska ah ee uu hoggaamiyo Gandi, maleeshiyaadka hoos taga maamulka Azaania ayaa iyaguna qeyb weyn ku leh xasuuqa dhacaya, waxaase wax aad looga xumaado ah gaabiska Urarada gobalka iyo dunida, oo wada daawanaya dhibaatada baahsan ee Magaalooyinkaa ka jirta.

Inta aanan u gudagalin dunidu waxay ka tiri xaalkan gurracan, aan wax yar idinka xusuusiyo, sadax hadal oo ka soo yeeray laba mudane iyo guurti, mid waa ra’iisul wasaare Gaas, oo sheegay in xasuuq dhacay, aysanna raali ka ahayn duqaymaha diyaaradaha Kenya, kuna daray inaysan u dulqaadan doonin, ila eega walaalayaalow, ninkani ma fayowyahay mise wuu waalan yahay? Markii madaxweyne Shariif yiri raalli kama nihin soo galitaanka Kenya, saw ma ahayn ninkii shafka u garaacay, hadalka madaxweynahana beeniyey, ee inta is qaaday Nairobi ku soo saxiixay heshiis aan dawladda dhami wada raacsanayn.

Waa iga su’aale muxuu hadda sidan ugu hadlayaa? Damiirka maanta uu yeeshayse muxuu yahay? Mise waa: “Qawda maqashii waxna ha u qaban!”, middan u badani, maya ninka waxbaa ka si ah, maalintuu Beledweyn tagay raggii ku soo dhaweeyey ayuu inkiray, maamulkoodiina wax kama jiraan ka dhigay.

Mudanaha kale waa Cabdi Cawaale Qaybdiid, ku lahaa in maati la waxyeelleeyaa kama mid ahan hannaan ciidameedka! Isagoo yiri: “waxaan leennahay Kenya jooji falalkaas”, Yuu is mooday waaba iga su’aale? Miyuu halmaamay gacmihii dahabku ku rarnaa ee gabal gabalka loo soo uruurinayey? Miyuu halmaamay xasuuqii suuqa Dahablaha ee Bakaaro sanadkii 1996-dii? miyuu halmaaamay xasuuqii maalmuhuu daagaalka kula jiray wadaadadii waallida waday? Ninba afkaa qoyan u hadal!

Qaybta sadaxaad waa Guurtida Beelaha Hawiye, iyagu hadal ma reebtaan, erayna ma bakhiilaan, afka noolayaal dheh, aanse is weydiinnee, maxay u arkaan dhibka ka dhaca meelo ka fog, mey eegaan midka joogtada uga dhaca xaruntooda Muqdisho? Ee ay waliba gaystaan ciidanka AMISOM, uguna dambeeyey kii ka dhacay Masjidka Alhidaaya, malaha kay rabaan ayey arkaan, kan kale waa iska idha saabaan, yaan la halmaamin inay xildhibaanno hadleen.

Dhanka kale, Sida loola falgalay xadgudubkii xabashida loolama falgalin xadgudubka Keenyaanka, dunida dhan waxaa is qabsaday mudaharaadyo, ay dhigayeen Soomaali ka caraysan xadgudubka Xabashida, waaba su’aale maanta aawaye? Miyey le’deen Soomaalidaa? Mise dan kama lahan oo waa doorsoomeen? Aan dhan kale sheekada idinka tuso, armuu buuqii iyo sawaxankii hore ahaa, geesgalin C/laahi Yuusuf la go’doominayey? Armuu ujeedku ahaa beelaysi bugtada qalbiga iyo beegsi shakhsi?

Waa iga weydiin kaliya, hubaal inaan dadka dhami u wada xuurtaysnayn arintaa, balse shaki ayaa ku galaya marka aad eegto sida wax u dheceen iyo sida wax yihiin maanta, sida labada dhacdo u kala fog tahay, ayaana keenayana dareenka caynkaa ah, waxay noqotaba, dareenkii shalay ma jiro, hadalku waa kooban yahay, kalaamku waa afar eray.

Dhanka dunida, murti ayaa waxay leedahay: “Qosolba Hiillo waa Galaa”, waxaa la yaab ah in dunida laga waayo dowlad ka hadasha Xasuuqan qaawan, falalkan gurracan iyo dhibaatadan ku hubsatay shacabka, waxaa hubaal ah in aamuskan uu ku sii dhiirigalin doono dawladda Kenya inay sii joogtayso falalkan gurracan ee arxandarrada ah, ee ay la beegsanayso Bulshada iyo hantidooda.

Waxaa nasiib xumo ah nimankan sheeganaya inay madax yihiin aysan waxba maamulin, aysanna u madax bannaanayn ka go’aan qaadashada talada dalka, aysanna gacantooda ku jirin maamulka dalka, balse dalka dhan ay maamulaan saraakiil Caddaan iyo madaw isugu jira, oo iyagu si cad u maamula gayiga Soonaaliyeed, tani la yaab ma leh oo waa arrin muuqata.

Waxaanse la qaadan karin sida dunidu uga gaabisay baajinta Xasuuqa, ama ugu yaraan ugu dhaqaaqi waysay sidii loo yarayn lahaa qasaaraha ka dhalanaya awoodda xad dhaafka ah, ee Keenyaatigu adeegsanayaan, run ahaantii waxaad mooddaa in Soomaaliya la wada dayriyey ama la wada laalaadshay,  haddaanba arinteeda la filqin!

Ma jirto cid ka dhiidhinaysa falalka waxashnimada ah, ee ciidanka Keenyaantigu ka gaystaan Magaalooyinka koofureed, mana jirto cid ka damqanaysa dhibaatada shacabka Soomaaliyeed ka soo gaaraysa hoobiyayaasha iyo PM-ka lala beegsanayo xaafadaha iyo waxyeellada naf iyo maal leh ee ka dhalanaysa duqaymahaa.

Duqaymahan ku soo noqnoqday magaalooyinkaa, macnaha loo yeelay iyo ujeedada laga leeyahay ka sokow, waxay ku dhammaan guuldarro iyo jab u soo howayan doonta  Kenyanka iyo kaabeyaashooda, Murti ayaa waxay leedahay: “Dhagar qabe Dhulka ayaa la Dhaqdhaqaaqa”, si kasta oo ay cudud military ugu soo dagaal tagaan, wax guul ah kama soo hoynayaan, iyadoo waliba duqaymaha ay ka qaybqaateen dalal kale, jabka iyo guuldarrada oo waji gabax ku noqondoona Keenyaanka ka sokow, kalkaaliyayaashooda u  qiil sameeya hoobiyayaasha PM-ka iyo duqayntana iyana kadabkooda ayaa go’aya.

Falalkan gurracan ee ay hurmuudka ka yihiin Keenyaanka oo kaashanaya caadaqaatayaasha aan damiirka lahayn, kuma guulaysan doonoon hadimada ay la maaggan yihiin iyo shirqoollada ay u maleegayaan Ummadda, maxaa yeelay dhagarqabe oo dhan wuu iska dabar go’ayaa, waxaana ka haraya magac xun iyo xusuus aan wanaagsanayn, haddaba dadka Soomaaliyeed ha ku dadaalaan Midnimadooda iyo inay ka feejignaadaan dibinyaabyada  nacabku la maaggan yahay, isagoo u soo adeegsanaya dad gibilka iyo maqaarka Soomaali ka ah, kalkaaliyayaashuna ha ogaadeen inay u dambaynayso meel xun iyo magac xun, ayna dadka dhexdooda ka noqon doonaan Duke Cambaar leh iyo haraso Nijaas ah, oo qiimo iyo xushmad midna aan lahayn.

Gunaanadka faallada, intii shalay ku diidday Xabashida diin qabiil ama wadani, maanta ayaa looga fadhiyaa inay Kenyana sidii oo kale ku diidaan, waa in codkodooda la maqlaa, maxaa yeelay shalay iyo maanta waxba isma badalin, haddaysan arin kale qarsoonayn, iyana waqtiga iyo waayaha ayaa bannaanka soo dhigi doona, haddaan wadanka maanta loo istaagin, wallee berri isma haysan doono, danaha dawladaha shisheeye si xawli ah ayey u fulayaan, nacasiintuna waa nagu bateen.

Dadka waxaan ka muuqda dabacsanaan dheeraad ah, marka loo eego sida xaalku ahaa sanado ka hor iyo siduu maanta yahay, mise waa Muqdisho ha yimaadeenee sug, oo ah marka ay Muqdisho yimaadaan ayey dadku kacayaan, inta ka horraysa nuuxsan maayaan, ma garan sheekada caynkaa ah, maxay ku kala duwan yihiin Hoosingow iyo Muqdisho? Labaduba waa dhul ay Soomaali leedahay, kii lagu soo xadgudbaa waa kiisa kale.

Bashir M. Hersi

brdiraac@hotmail.com

Xogta: ALSHAHID

Tacsi ku Wajahan Magacii Dowladnimo
Markay ay burburtay Dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991, waxaa durba bilowday magacyo horey ay ka raacsan tahay ‘S’ oo ah magacyo u taagnaa ururo siyaasadeed, waxaana magacyadaasi ay galaafteen kumaan kun oo Somaali ah, kadib markii dadkii magacyadaasi sameeyey ay labo labo isku qabsadeen iyadoo mid waliba uu isagu isku haysto midka saxda ah. Maanta oo aan mareyneyo sanadkii 21-aad ee intaan ku jirnay nadaam la’aanta, waxaana is lahaa in dadka Soomaaliyeed ay ku waayo aragnimo qaadan waxyaabihii laga dhaxlay magacyadii ururadii siyaasadeed ee horey loogu halaagsamay, hase yeeshee arrintaasi laguma waayo aragnimo qaadan oo halkii aan mareynay sagaanshankii ayaan weli mareynaynaa, waxaa hadda soo baxay magacyo la mid ah kuwii aan horey soo aragnay oo ku saleysan Maamul gobaleed.

Kacaanka maamul gobaleedyada ee dilaacay 2011-kii ayaa dadka Soomaaliyeed niyadooda ka dhigtay mid sii dhimatay waayo waxaa markiiba bilowday in labo labo laysku qabsado oo dagaalo dad fara badan ay ku dhintaan ay bilowdaan, waxayna saameysay arrintaani Gobaladii ay nabaddu ku dambeysay, haddii aan deg deg xal loogu helin waxaa bilaaban doonta in maamulo ku dhisan jufo jufo ay sameystaan taasina ay keento in ay sii labo jibaaranto dhibaatadii Soomaaliya.

Anigoo fadhiya meel Baar ah ayaa waxaa soo galay nin aad u labisan, intii uusan soo fariisan ayaa nin agteya fadhiyey oo ay is bar garanayeen wuxuu ku yiri ‘Mudane Madaxweyne soo dhawaaw’, waxaana weydiiyey meesha uu ninkaan madaxweyne ku noqday, wuxuuna iigu jawaabay “ma maqlin miyaa maamul gobaleedka la yiraahdo Far iyo Suul State”, wuxuuna ii sii raaciyey “Anigana madaxweyne ku xigeen ayaan ka ahay”, waan la yaabay hadalka ninkaasi ayan hoosta ka iri “Dun iyo Cirbad State iyana goormaa lagu dhawaaqi doonaa”.

Kacaanka maamul Gobaleedyada waxaa moodaa in marba marka dambeysa sii xoogeysanayaan oo sameyntooda lagu waashay, markaad sii fiirso dadka maamuladaasi Madaxweynaha loga dhigay nin waliba wuu isla saxan yahay oo wuxuu doonayaa in loogu yeero Mudane Madaxweyne, waxayna shacabka Soomaaliyeed aad ula yaaban yihiin sida loo ba’saday magicii dowladnimo, xitaa kuwa sheeganaya in la aqoonsan yahay oo ay dowlad u yihiin dalkaan waxay dhulka ku jiideen magicii dowladnimo, taasina waxay keentay iyaga dhexdooda iska hor yimaadaan oo ay koox koox u kala saftaan, waxaana Magicii dowladnimo sii baabi’iyey idaacadaha faraha badan ee maalin walba lagu gudbinayo maamul gobaleedyo hor leh oo shaqsi uu ku sameysay hoteel dhexdiisa.

Nin odey ah ayaan weydiiyey bal in uu iga waramayo halka uu ku dambeeyey magicii dowladnimada Soomaaliyeed, wuxuuna iigu jawaabay “fiiri kunka maamul Gobaleed ee la sameeyey, 80% waxaa lagu sameeyey dibadda, nin waliba intuu beeshiisa lacag ka soo uruursado ayuu leeyahay Tuuladii aan ku dhashay ayaan Madaxweyne ka noqonayaan, cid ka hor imaan kartana ma jirto oo runta sheegi karta oo dhihi karta sidaani dowladnimo ma ahan ee ha ku ciyaarin magicii dowladnimo”

Odeyga caqliga u saaxiibka ah ayaa isagoo aad uga xunay sharaf dhaca ku yimid magaca Soomaaliyeed wuxuu sii raaciyey “waxaan ka cabsi qabaa in dalka lala wareego, waayo fikradda iyo ku dhawaaqista maamul gobaleedyada, waxaa ka dambeeya dowlado shisheeye oo aan dooneyn in Soomaaliya ka dhalato dowlad dhab ah, waxaana si gaar ah uga dambeeya dowladdaha  deriska la ah Soomaaliya oo horey u caddeeyey in aysan marnaba dooneyn in soomaaliya ka dhalato dowlad adag, waxaa la yaab leh markii ay soo galeen ciidamada Itoobiya Magaalada Baladweyne, Soomaalidii ay taageerayeen waxay isku qabsadeen Laba labo oo ah Cidii Baladweyne xukumi lahaa, murunkoodii ayaa waxaa ku soo baxay Alifle ka tirsan Ciidamada Itoobiya, labadii maamul markuu dhageystay warkoodii ayuu xabsiga u taxaabay. In sidaas loo galo labadaas iyaga ayaa isku keenay waayo waxay Shaaqaale u noqdeen  dowlad aan rabin in Soomaaliya ay ka dhalato dowlad xoogan waayo Itoobiya waxay kari kartey in ay tiraah Magacii  Dowladnimo ha lagu shaqeeyo hase yeeshee  taasi uma jeedo”.

Haddaba magicii dowladnimada Soomaaliya waxaan dhihi lahaa tacsi ha loo diro waayo wuxuu u muuqdaa mid dhintay oo ay adag tahay in si sahlan dib loogu soo nooleeyo ilaa la  helo  shaqsiyaad la mid ah kuwii kal hore  ifka u soo bixiiyey magicii dowladnimo kuwaas oo aan hadda muuqan in iyagoo la heli karo inkastoo ay jiri karaan dad ay weli ku dambeyso wadaniyadii ay ku aadaneys dib u nooleynta qaranka Soomaaliyeed si loo helo magac dowladnimo oo shaqeeya oo leh astaamihii lagu yaqaanay dowladnimada gacantana ku dhiga Soomaaliya  min Raas Kaamboodiya iyo Raas Caseyr.

Xogta: ALSHAHID

Xadgudubka Kenya iyo xasuuqa umadda!
Kob walba kaliila ayaa dhacaysa, kaar iyo aadaar ayaa dhan walba is haysta, kur go’an, kalxan jaban, kab shiilan, kor dubmay, kub kala fallimay, kabiir iyo saqiir haaraamaya, duqanyn Kudhaa iyo Hoosingow, kaliya mahee, gobolladaa oo dhan Kobrooyin ayaa dul heehaabaya, kor iyo garba siman u duqeynaysa, degmooyinka xadka kulaala waaba la mariyey, kumanaan ayaa isaga qaxay, kaniini iyo dawo la’aani ku dhacday, kadinta oo biya dhex ceegaagan awgeed, kadeed aan dhammaanayn!

Darisnimo lama dhawrin, bani’aadannimo lama dhugan, dhamishadu waa wadar xabaal, dhaawaco meel walba ayuu tuban yahay, dhiigjoojin la’aan ayey u le’deen, dhecaankooda ayaa ciidda ku qubmay, dhulkana ku baxay, gaaray dhudhun iyo baac, taahooda lama dhagaysan, oo dhagaha ayaa laga furaystay, cid dhagjalaq u siinaysa ama  maqal amaahinaysa ma jirto!

Kenya waa dal aan wadaagno soohdin bad iyo berriba leh, ay ku nool yihiin Soomaali badan, oo isugu jira kuwii horay deganaa beledka lagu muransan yahay iyo kuwa gaaray burburkii dawladda ka dib, kana abauury ganacsi bilay dhaqaalaha Kenya, dabcan canshuurahaa laga qaado ganacsigaa ballaaran ayaa qayb ka ah cududda maanta Soomaali lagu baabi’nayo.

Kenya waxay gudaha wadanka soo gashay 16-kii bishii October, iyadoo ku hubaysan gawaarida gaashaaman iyo guutooyin ciidamo ah, iyadoo sheegatay inay ka hortagayso qatarta uga soo food leh Alshabaab, iclaamisayna inay wiiqi doonto awooddeeda military, hadal aan dhagaha Soomaalida ku cusbayn, ma ila xusuusataan haasihii Xabashida ee dhammaadkii 2006-kii iyo 2007-dii, iminkana dib ayaa loo soo cusbooneeyey, eeg gobolada dhexe, magaalooyinka: Beledweyn, Dhuusamreeb, Bulacle IWM.

Kenya markay gudaha Soomaaliya ku jirtay laba maalmood, ayey wafdi u dirtay Muqdisho, si qaanuunka loo waafajiyo galitaankeeda sharci darrada ah, heshiiska labada dal kuma cadda in Kenya ay gali karto gudaha Soomaaliya, ama sii joogi karto, sheekaduse waxay u eg tahay, nin xaaskaagii iyo caruurtaadii kuu daba mareeyey, ee ku weydiisanaya ogolaasho, ama nin bakhaarkaagii dhex taagan ee kaa dalbanaya galitaankiisa.

Duulaankan qaawan ee qaanuunka aan waafaqsanayn, waxaa horseed ka ah dad Soomaali ah, “ka dar oo Dibi dhal”, waxaaba hor kacaya rag sheeganaya aqoon iyo garasho, aqooneey ba’!, iyadoo lagu andacoonayo Alshabaab ayaa la tirrirayaa, ma filayo inuu jiro qof Alshabaab iga neceb! Haddana miyaa xal noqday si aan Alshabaab u baabi’inno inaan Kenya soo kaashanno? Sow Kenya kama mid ahan dalalkii shalayba taageeri jiray Alshabaab?.

Dadku garaad yaraa, miyaan sooyaalka lagu cibra qaadan? Beeli beel ma kor dagi kartaa? Haddayse kor degto imisa ayey dul degaanaa kartaa? Caqligu miyuusan shaqaynayn? Kolley Soomaalinimo walaaltinimo xididnimo iyo ood wadaagnimo waxba tari waayeene, ma waxaa dadka ka dhaadhacsan haddaad shisheeye ku daaban tahay dadka waad jujuubi kartaa, dalkana waad qabsan kartaa? Waa ogaalli’idaa.

Socdaalkii wafdiga Kenya ee Xamar ka dib, waxaa xaaraan qadcan ah ku tilmaamay soo galitaanka Kenya madaxweyne Shariif, balse waxaa si cara leh uga jawaabay dawladda Kenya, oo xasuusiday inay iyadu gacanteeda ku dhoodhoobtay dawladdan cayrta ah, walibana ku eedeysay Shariif inuuba Alshabaab yahay, raallina uusan ka ahayn in Alshabaab la ciribtiro, hagaag.

Damaca ku jira Kenya waa mid iska cad, muddooyinkanba waxay doonaysay inay qayb ka hesho baddeenna, baarlamaanka ayaase arrintaa gaashananka u daruuray, ka sokow, waxay doonaysaa inay hesho deegaan ood celis ah, maadaama Xabashidu ay gobollada Galgudduud, Mudug iyo Hiiraan ka dhigteen ood celis, ayey si la mid ah Kenyana doonaysaa deegaan ood celis u ah, Kenya waxay duulaan cad ku soo qaadday Soomaaliya, marmarsiyuhu waa Al-shabaab, ujeedku waa  in Soomaaliya la kala qaybsado.

Kenya dagaalka difaac ayey ku sheegtay, ama soo furasho kooxo gargaar oo lagu afduubtay xuduudka, waxay isu rogtay xasuuaq iyo gumaad! Military-ga Kenya waxay isku ballaariyeen deegaannada xuduudka ah oo dhan, Dhoobley, Beledxaawo iyo Ceelwaaq, Al-shabaabna waa cirbiyeen, oo cagta wax ka dayeen, waligoodba Soomaali ayey karbaashi yaqaanniin, malaha Kenya waaba gaal u gaashaaman.

Kenya shirkii Nairobi ka dib waxay ku  biirtay AMISOM, waxay sheegtay inay duqaynayso 10 magaalo, waa caadeqaate dabeecaddiise, dawladdu waxay dadka ugu baaqday in magaalooyinkaa laga boxo, haddaa xaggee la aadayaa? Yaase loo bannaynayaa? Nin awalba tuuladiisa qaxuuti ku ahaa, haddana ka sii qax lagu yiri, saw dhibaato jibbaaran ma ahan? Dhibku wuxuu dhacay markii la mamnuucay adeegsiga Dameeraha, oo rarashadiisu u tahay dadka reer miyga mid wax ku ool ah.

Kenya waxay hirgalisay ballanqaadkeedii, waxay duqayn ku billowday magaalooyinka Kismaayo, Hosinngow, Jilib, Af madaw, Ceelcadde iyo Baardheere, oo ka kala tirsan gobolada Jubnooyinka iyo Gedo, waxaa magaalooyinkaa duqeeyey  dayuuradaha dagaalka ee Kenya iyo kuwo aan la garanayn, duqeymahaas dhammaantood waxay ka dhaceen goobo aysan Alshabaabku ka dhaweyn, qasaaruhunu wuxuu gaaray dadka shacabka ah.

Duqayntii ugu xumayd waxay ka dhacday magaalada Hosingow, magaaladaa waxa ka dhacay waa xasuuq, magac kale uma hayo Anigu, waxaa la duqeeyey dad rayid ah, oo aan dagaal iyo dirir midna ku jirin, loona gaystay gumaad ka dhan ah nolosha Aadanaha, Jaziiradda Kudhaa iyana waa la faarujiyey, oo dadkii ka qexeen, ka dib markii duqaynta kala go’i weysay, taa kaliya ma ahan, maalin dhaweed ciidan Kenyan ah waxay galeen xerada Ifo iyo Xagardheer, kana gaysteen dhac iyo xadgudubyo foolxun.

Waxaa afka furtay nin maalmahanba gurbaanka u garaacayey gantaalaha Kenya, mudane Faarax Macalin, oo ah Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya, oo ciidanka police-ka ku eedeeyey inay dhac iyo jirdil ka gaysteen xerada Ifo iyo Xagadheer, oo ay ku jiraan xaqooti Soomaali ah, caddeeeyeyna in ciidanku tacaddi ka fuliyeen xeryaha qaxootiga, oo waaba su’aale: muxuu uga hadli la’yahay kuwa ay ku leyanayaa Hoosingow, Kudhaa, Ceelcadde IWM? Mise waxaa la xumaatay in xasuuqu ka dhacay gudaha wadanka Kenay?.

Faarax Macallin wuxuu codsaday in baaritaanno la sameeyo, sheegayna inuusan ka haridoonin ciidankii falkaa fuliyey, inta laga horkeenayo cadaaladda, Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya wuxuu sheegay inay socdaan baaritaanno, wuxuu si cad u sheegay in Soomaalida si joogta ah loo bartilmaameedsado, oo yaa moog taa? Malaha isaga ayaaa hadda ku baraarugay, haddadan waxaa xabsiyada Kenya ku jira Soomaali boqollaal gaaraya, oo aan wax dambi ah gaysan, aan ka ahayn inay Soomaali yihiin!

Faarax Macalin waa mudane laga soo doorto Dhadhaab, ila eeg waxa uu lahaa maalmo ka hor, isagoo waraysi siiyey idacadda Alfurqaan: “Ma dhici doonto in mar dambe Xamar looga taliyo Kalbiwo, ninka taas ku riyonaya, waxa uu ku nool yahay qarni kale…”, isaga oo difaacay duulaanka Kenya ku qaadday Soomaaliya, malaha maamulka Azaania ayuu irid u sii furayey, mardhow filo qormada taxana ah ee “Labo Codayn: Caado Soomaali Cadibatey!” qayb isaga ku saabsan.

Hadda kenya dilkii waaba ka dallacday, waxay billowday inay dadka nolosha dab ku qabadsiido, dhaqan cusub, ma ahan mid Afrikaan iyo mid cawaan midna, waase dhacdo ku cusub sida wax ku socdaan, ujeedku laga leeyahay waxay u baahan tahay in la baaro, maxaa yeelay dilka ayaaba falxun ah, haddana inaad dab ku naf bixiso qofka waa ka sii xun tahay.

Kenya si ay dab ku gubista ay u sii xaqiijiso, waxay duqayn ba’an ka gaysatay magaalada Jilib, ee gobolka Jubbada dhexe, dadka waxyeellada ugu darani ka soo gaartay, ayaa u badnaa caruur iyo haween, waliba qoys qura ka koobnaa, waa cadeedee Kenya waxay sheegtay inay Alshbaab duqaysay, markii Kismaayo wax laga weydiinaya, wuxuu sheegtay inaysan Kismaayo hawaysan karin, hubaal.

Ma ahan markii ugu horraysay ee wadanka shisheeye ku soo duulo, markii u damabaysana ma noqon doonto, mana ahan markii ugu horraysay ee cudud military lagu soo galo wadanka, mana ahan markii ugu horraysay ee dawladi ku soo xadgudubto wadanka, sababaha faragalinta iyo ujeedada duulaanka macnooyin kala lahaaye, marmarsiyooyinkuna kala gadisnaaye, qiilal kala jaad ahan loo samee, si lagu bannaysto dhulka iyo dhiigga Soomaali.

Faragalintii ugu horraysay waxaa sameeyey ciidamadii huwantii, cinwaanka faragalintuna ahaa kaalmayn iyo caawinaad, lana magac baxay “Barnaamijkii rajo soo celinta”, hoostagayey magaca UNISOM, sanado ka dib, dabayaaqadii gugii 2006-kii, ayaa Xabashiduna soo gashay Soomaaliya, iyadoo ku doodaysa inay baacsanayso argagixiso, xagjir iyo mintid, taas oon ku sii saadliyey qormadii magaceedu ahaa, “Qabsataye ma Qaramayn kartaa?”, (oo Wadaadada waallida waday ku socotay), Xabashidoo taageero ballaaran ka haysatay dawladda Maraykanka iyo Xerta C/laahi Yuusuf.

Dagaal khasaare badan gaystay ka dib, Xabashi way isaga huleeshay Soomaaliya, iyadoo huwan jabkii qarniga, dabcan jabku kaligeed ma gaarine, Soomaalina dhinaceeda ayuu ku gaaray, waxayse noqotay casharkii labaad ee loo dhigo dawlad ku soo xadgudubta Soomaaliya, iyada oo la wada xasuusto, ceebtii Maraykanka ka raacday sanadkii 1993-dii, ayaa Xabashina is maqiqeedii kala kulantay hoog.

Iminka waxaa wadanka duulaan ku soo qaadday Kenya, Maraykan oo ah quwadda dunida ugu xoog badan ayaa wax ka keeni waayey, ee ma Kenyan ayaa wax ka keenaysa? Teeda kale Xabashi oo ka dagaal yahansan Kenya kana awood weyn ayaa wax keeni weysay, ee ma kula tahay in Kenya wax ka keenayso? Dhanka kale kaynta iyo toonta gobolladaa miyey tahay in sahal guul looga gaarayo? Waxay karaan aragnay, waa duqaynta marrasta iyo dumarka.

Ugu dambayn, Duulaanka Kenya wuxuu ku soo beegmay xilli umadda Soomaaliyeed la ildaran tahay abaaro, Kenya kama mid ahan wadamada gargaarka u fidiyey Soomaaliya, malaha ayadaaba gargaar u baahan!, deeqihii mucaawino waxay  noogu badashay duqaymo iyo madaafiic, bal is weydii akhriste: Soomaali ma waxay u baahan tahay hub iyo madfac mise raashin iyo quudin? Haddaa muxuu noqon farqiga u dhexeeya Kenya iyo Alshabaab?

Madaxda dawladdu kama damqato dacdarrada dadka Soomaali, meeshii ay xoogga saari lahaayeen inay dadka gargaaraan, ayey u soo kordhiyeen qax hor leh, iyagoo madax sheeganaya oo ku shirsan Garoowe ayaa Hoosingow la duqeeyey, Kudhaa laga qaxay, eray ma ka maqasheen? Wixii u darnaa ayey ka doodeen, danna kama galin dadka Kenya ay duqaynayso, hadday markii horaba ogolaashaha siiyeen, hadda maxay ka qoban karaan ayaaba la is weydiin karaa?

Balse si kastoo loo maldaho duulaankan Kenya ee ugubka ah, guul kuma dhammaanayo, sababtu waa  caddahay, qaab dhismeedka dhulka, xoogagga ka soo horjeeda, ma ahan Alshabaab kaliya, iyo damaca shisheeyaha oo mawqifkoodu kala duwan yahay.

Aan ku soo xiro faallada, shibta madaxda Soomaalida, shanqar la’aanta dunida, shabaaxa diyaaradaha Kenya, iyo qaylada shacabku kala sheedan, midi wuxuu eeganayaa dantiisa, siduu kursiga dabada ugu sii hayn lahaa, midna dabargo’a Soomaalida waa ka indga damuuqsaday, midi kale isaga ayaaba fulinaya, oo waa ku farayaraysanayaa, waxaana u muuqda afar wiil oo afka duubatay, naguna qancinayaa inuu qaflan baabayn ku qabanayo, kan ugu dambeeya qayladiisa xitaa ma maqli karo, illeen waxaa dhaga tiray guuxa diyaaradaha iyo madaafiicda ay daryaaminayaan.

Haddaan si kale u dhoho, waa duullaan aan damaq lahayn, dawlad aan damiir lahayn, duni aan dood furayn iyo dad dabargo’aya, hubaal inay kaaf iyo kala dheeri tahay, ee ma jiraa qof dadkaa wax u qaban kara, oo ka joojiya duqaynta cadaawadda leh, arrintu waxay ku dhammaato waan u joognaa.

Bashir M. Hersi

brdiraac@hotmail.com

Xogta: ALSHAHID

Maxay Soomaalida ugu hayaan Turkiya qaddarin iyo xushmad?
Soomaaliya wexeey ka cabaneysay labaatankii sano ee lasoo dhaafay halaag iyo dhibaato iyo dhacdooyin waaweyn oo aheyd inuu baurburay nidaamkii iyo qaanuunkii, iyo dhibaatooyin isugu jira mid dabiici ah iyo mid ay sameysteen dadku oo ay ka mid yihiin qax, burcadbadeed iyo maleeshiyo hubeysan in ay burburiso qarannimadii oo ay burburiso rajadii iyo jiritaankii ummadda soomaaliyeed ayna dhaawacdo sharaftii wadaninimo.

Waxaa fashilmay dhamaan isku daygii lagu xalin lahaa soamaaliya oo ay hormuud u ahaayeen dowlado shisheeye kuwaasoo iska indha tiri jiray xaqa shacabka ay u leeyihiin xornimada iyo midnimada iyo aaya katalinta.

Sanadkii aanusoo dhaafnay arimaha faraha bay ka baxday markii wadanka ku habsatay abaaro ba,an oo aheyd tii ugu xumeyd tan iyo 60 sano oo khatar galisay 750,000 qof in ey u dhintaan gaajo darted.

Dhibaatadaa foosha xun waxay kicisay damiirka caalamka oo ay muujisay beesha caalamka sida uu isgugu gargaaro markey dhibaato meel qabsata. Waxaa kusoo qulqulay waddanka wakaalado samafal iyo hay,ado gargaar oo badankooda raacsanaa UN inkastoo ay kala kulmaayeen handadaad dhalinyarta hubeysan ee Alshabaab oo is hortaagay in mucaawinooyinka lagu qeybiyo gobolada ay heystaan.

Balse waxaa xusid mudan dhega nuglaanta Turkiya iyo dadaalka ay u gashay caawinta shacabka Soomaaliyeen oo mid loo dhigo aan laheyn, taasoo ka tarjumesay garab istaageeda bulshada soomaaliyeen waqtiyada ugu dhibka badan, iyadoo dhag jalaq u siinin warka ah in soomaaliya uu yahay waddan khatar ah oo aan la tagi Karin. Waxay Turkiya timid Soomaaliya iyadoo ku matalan ninka ugu sareeyo xukunka Rajab Dayib Ardugaan kaasoo kasoo degay Muqdisho 19- bishii august sanadkii hore isagoo ay la socdaan xaaskiisa iyo wafdi balaaran oo golihiisa wasiiro iyo xildhibaanno ka kooban si ay ugu muujiyaan garab istaagooda shacabka soomaaliyeed iyo in aysan kaligood eheeyn ee walaalo leeyihiin iyadoon wax garab qabta aysan jirin 20-kii sano ee dhibaatada ka jirtay wadanka.

Shacabka Soomaaliyeed wuu qadariyay geesinimada iyo waxqabadka walaalohood Turkiya markey waayeen wax ey ugu abaal gudaan ayay kumanaan kun caruur la dhalay waxaa loogu magacdaray Ardogan, gabdhahana Istanbuul. Waxaa kaloo ku dayday dowlado iyo shaqsiyaad caalami ah sida Amiir Waliid bin Dalaal iyo xaaskiisa iyo waziirka arimaha dibada Iiraan Cali Akbar Saalixi.

Wuxuu ahaa ra,isu wasaaraha Turkiya Rajab Dayib Ardogan ninka kaliya ee istaagay xarunta qaramada midoobay oo u sharxay beesha caalamka in soomaaliya ay u baahantahay gargaar iyo in ay iska saaraan masuuliyad sidii wax loogu qaban lahaa.

Labadaas ficil uu sameeyay ardugaan kaliya ayaa ku filan in uusan ka tirtirmid qalbiga dadweenaha Soomaaliyeed, waxayna ku tusaysaa miisaanka wadanka Turkiya ay ku leedahay waddamada Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika iyo wadamada islaamka ah.

Sidoo kale shacabka turkiya wuxuu uruuriyay lacago oo ugu gargaarayo shacabka soomaaliyeed oo ay gaareeyso 280 malyan oo doolar si ey soomaaliya uga samata baxdo dhibaatada ku habsatay.

Turkiya waxay kaloo ugu kaalmaysay soomaaliya in ay ka taakuleyso dhanka caafimaadka iyo waxbarashada iyo gaadiidka iyo mu,asasaatka dowladda ay dhisto, iyadoo taakuleynta wadamada reer galbeedka ay ku ekeed dhanka hubka iyo saanada milatari oo ay kula dagaalanto dowladda kuwa kasoo horjeedo balse taakuleynta Turkiya waxay ahayd mid kulmisay dhan walbo oo bulshada ay ku nooshahay iyo mashaariicda abuureyso shaqada iyo xasilinta caasimadda Muqdisho.

Sidoo kale waxaa booqasho ku yimid muqdisho dhawaan kuxigeenka ra’iisu wasaaraha Turkiya si uu xarigga uga jaro dib u dhiska iyo ballaarinta garoonka caalamiga ee Muqdisho (Adaan Cade) iyo mashaariic kale.

Waxaa ka mid ah mashaariicda ay ballanqaadday turkiya, kobcinta beeraha iyo xoolaha iyo qodidda ceelasha si looga hortago abaaraha  iyo in la dhiso xafiisyo doowladeed iyo barlamaankii soomaaliya si ay dowladdu lugeheeda ugu istaagto.

Sidoo kale waxaa ka mid ah isbitaal weyn oo qaado 400 sariir, iyo waddada laamiga ah ee u dhexeeyo xarunta magaalada iyo airoboorka iyo gawaarida qaada qashinka si bilicda magaalada usoo laabato.

Wuxuu Ardugaan arkay in shacabka Soomaaliyeed uu meel cidlo ku noolyahay, taasna eeysan maslaxad u noqoneynin daganaanshaha iyo nabadda, wuxuu maqaal uu ku qoray wargeys Turki ah ku sheegay in loo baahanyahay wakaaladaha UNka ee xarunta u tahay Nairobi in ay muqdisho usoo guuraan taasi oo kalsoooni gelin karta ummada Soomaaliyeed. Taasina waa wax run ah maxaa yeelay caasimaddi waa aamin maleeshiyadii Shabaabna waa ay ka bexeen taasina waxaa ku tusaaya in Turkiya ka furtay safaarad iyo in jaaliyad fara badan oo turkiyiin ka shaqeeyaan halkaa si nabad galyo leh.

Ugu danbeyntii, Turkiya waxay u qabatay soomaaliya wexeysan u qabanin dowlad kale xagga gargaarka iyo horumarinta taasi oo soomaalida ku dhalisay dareen wanaagsan iyo qaddarin gudaha wadanka iyo dibadiisaba iyo in ay ku kalsoonaadaan mustaqbalkooda iyo in ay rumeeyaan in ay ka adkaan doonaan caqabadaha soo wajahi doonto. Sidaa darteed, ayay Soomaalidu qaddarin iyo ammaan u haayaan Turkiya!

Xogta: ALSHAHID

Doqon diran iyo daacad dabran!
“Adduunyooy nin ku doona ku waa” ayey dadku ku halqabsadaan, markay arkaan qof damaciisu dhaafsiisan yahay waxa uu mudan yahay ama hortiisa yaal, “Doqoni walaalkeed ayey u daab weyn tahay!”, murti ayaa na daalicin, mid caruureedna waxay leedahay: “Aabow ninka yar iga celi ninka weyn ayaan iska celinayaa!”, mid kale waxay ahahyd: “…. …… Muuse waa kaa!”, odayadii garta loo keenay, markay bixin waayeen ayey yiraahdeen: “Odayaal ha loo badiyo”, wiil yar oo fiinta geedka ay ku shirayeen saarnaa ayaa ku yiri: “Odayaal ha dhihininee waxgarad ha loo badiyo dhaha!”, illeen qof ka da’ weyn oo ka maqnaa ma jirin.

Doodda siyaasadeed ee dalka ka taagan waa sii durugaysaa, dabar iyo dabaqabad la’aan gaartay, la garan la’ yahay meesha wax ku gurmayaan, muran iyo khilaaf ayey awal sheekadu ahayd, hadda waa laba gudoomiye baarlamaan, laba madaxweynana mardhaw filo, laba xukuumadna waa ku xigtaa, xaalad cakiran, caabuq sii xumaanaya, cillado xalay dhalay ah iyo xammaasaddii na cuuryaamisay, waa: “Ceelna uma qodna cidna uma maqnadii”, la sheegi jiray, mardhow filo qormada: “Isma dhaanto iyo dhasheed!”

Ismaandhaaf waa abuur aadanaha beeran, waa adduunka astaan uu ku udban yahay, balse miyaad aragteen ummad dhan oo is afgaran la’? Miyaad aragteen ummad dhan oo is fahmi la’? miyaad aragteen ummad dhan oo khilaaf u taagan? Miyaad aragteen ummad dhan oo asaraar u alalaasaya? Miyaad aragteen ummad dhan oo aargoosi u ulo weyn? Miyaad aragteen ummad awooddeeda dumin kaliya u adeegsanaysa? Miyaad… Miyaad… Miyaad …. Miyaad…

Aan u dhaadhoco dulucda qormada, Jookarka siyaasadda sanadihii u dambeeyey Shariif Xasan, ayaa waxaa soo food saaray saami la’aan, ka dib markuu is yiri saaxadu waa kuu sallaxan tahay, sababta waa Kampala Accord, oo uu isa siiyey guddoonka baarlamaanka ilaa laga gaarayo august 2012-ka, ragguu shalay shilimaadka ku shubi jiray ayuu is yiri waad ka kaaftoontay, ee shaxaad dambe ha bixin, waase laga hoos kacay, rag yaryaraysi ma galo!

Haddii foodda la isdaray, xilka ayaa laga qaaday, ma xishoon mana sarriingan, ee wuu is xijiyey iskuna suntay xilka, iyana ma xeeladayn mana xeerin, ee xabadka ayey gacanta ka galiyeen, haddi feer iyo faralaab, kuraas wiifaysa iyo tumburyo la isu adeegsanayana meesha kama maqna, xukun iyo xeer midna lama dhawrin, ethics akhlaakh iyo nashax midna lama dhugan, magac muunad iyo sharaf midna lama tixgalin, waa ha yaacdo iyo maadigaa yiri.

La yaabku waa markii ra’iisul wasaaruhu booqosha xabashiyeed ku tagay Beledweyn, saacado hadday xabashidu u xogwarrameen, dabcan meeshana ha ka saarin maamulka Dooxada Hiiraan, ayuu Muqdisho ku soo laabtay, Waraysi uu BBC-da siiyey ayuu ku dafiray inay wax maamul ah ka jiraan Beledweyn, isla waraysiga ayuu kala hadlay, mar wuxuu leeyahay way na soo dhaweeyeen, marna wuxuu dafirayaa in maamul jiro, isuma kay qaban.

Midda la yaabka ah ayaa waxay tahay, markuu yiri: si maamul goboleed loo dhisaa waa in la helaa ugu yaraan laba gobol, waa mide Puntland markii la aasaasayey miyey ahayd laba gobol? Illeen marka Bari laga reebo inta kale waa la wada degaaye, kaba dhig, ee Galmudug ma laba gobolbaa? Iyadoo sidaa ah ayeyba ka qaybgashay shir aayaha Soomaali looga arrin sanayey, ma garan “Adiga waxba ma tihid”, oo haddaa qiimaynta maamullada ma Gaas ayaa loo xilsaaray?.

Taas siyaabo kala duwan ayaa looga hadlay, gaar ahaan waxaa ka hadlay mudanayaal ka soo jeedo Hiiraan, oo yiri faraha kala bax arimaha gobolka, waaba su’aale, Gaas gurracnaantiisa meeshii maamul ka jiro markuu sii adkayn lahaa, sii habayn lahaa, sii hormarin lahaa, ayuu isagiiba inkiray jiritaankiisa, malaha waa dumiye, iima bixin waxa ujeedka hadalkiisu ahaa, wuxuuse ahaa midaan siyaasi ku hadlin, ninkii saacado ka hor ku marti sooray, inaad seef madaxa uga sartaa kaama mudna.

Intaa kuma ekaysan, ee wuxuu si cad u diiday guddoonka baarlamaanku doorteen, isagoo sheegay inuusan aqoon sanayn, la yaab kale, oo isaga maxaa ka galay baarlamaan is dooranaya? Maxaa ka quseeya waxa ka dhacaya gudaha golaha shacabka? Yaa u xilsaaray inuu aqoonsado guddoonka baarlamaanka? Isaga maxaa uga xiran hadday golaha shacabka ka dhigaan goob lagu caweeyo? Xisaabtan ayaa sugaya, ee  maa qof walbaa ku ekaado xilkiisa, waajibaadka lagu sugayo ayuusanba dhammayn karine.

Isaga laba mid ayaa la gudboonayd, inuu yiraa waa ka xumahay, hawshiisana sii wato, ama is raaciyo waa ka xumahay iyo iscasilaad, isagoo ku cilladanaysa inuusan la shaqayn karin doqontaa, labadiiba midna ma samayn ee waa tannaagooday, dabcan waa garashadiisa gurracan malaha doqonnimo kama marna iyana, illeen meelaan ku qaadin haddaad isku qaado, ceeb is huri maysaane, mase dhicin, “Maroodigu Takarta isaga saaran ma arkee kan kale midda saaran ayuu arkaa”.

Waxaa la yiri: “Gaajo guri og iyo gardarro garab og midna lagama guulaysto”, hadduu Gaas is yiri, shirkii Garoowe ayaa hirgalaya, meel hoose ayuu wax ka eegay, ama damac aan jirin ayuu isgaliyey, maxaa yeelay sida wax ku socdaan uma eka sidii shirka laga sheegay, horaanse u sii odorosay, qormo cinwaankeedu ahaa: “Shirka Garoowe: gogol shabaqa iyo gar shiilan”, maahmaah kale waxay leedahay: “waayuhu isbadali maayaane, yuusan hadal kaa tagin”, saw kuma habboona Gaas inuu wax iskula haro!

Inta iyadoo lala yaabban yahay, ayaa waxaa la iclaanshay shirkii Djibuoti, waxaa wada tagay laba guddi, oo ka kala soday baarlamaanka, kalana matalayey guddoonnada kala haga, mid walbaa wuxuu dirsaday ku xigeen, malaha wuxuu isu  diiday isjiijiidka iyo bahdilka meesha ka dhici doono inuusan isku suntin, in qaska dunidu waddu waxaad ku ogaan, inay labada wafdi wada casuumeen, saw sax ma ahayn inay dhahaan isa soo xalliya, kursiguna uu sii bannaanaado! khilaafkan waxaan ku sii saadaaliyey qormada magaceedu ahaa: “Loollan ligan iyo libin laalan!”.

Miyaan dugaashannaa hadallada: Salaad Cali Jeelle, Gacmadheere, Ilka Dahab, Xasharo, Muusi Suudi IWM, waa qabqablayaal dagaal iyo maafiyo siyaasadeed, magac iyo sumcad bulshada aan ku dhex lehayn, balse dadkaygu ciduu maqlaba wuxuu moodayaa Mahdigii dhibaatada ka saari lahaa, malaha dhibka raagay awgeegiis, maya waa caadifadda laablakaca xamaasadda iyo xis la’aanta, isma weydiiyaan wixii dhacay, waxa taagan iyo waxa la tiigsanayo!

Si loo xalliyo muranka xulidda xubnaha baarlamaanka, talo wax ku ool ah ayaan hayaa, oo asalkeedu ka soo maaxday maankayga, yaan la hoosaasin ee bal ila dhuuxa aragtida, kala dirid maalin walba kuma jiri karno, kowna lagama soo billaabi karo, kuwa jooga cidna ma soo dooran, oo kalsooni beeleed iyo mid shacab midna ma haystaan, kuwa iman doonana la mid, yaa beeso leh xaalku ka dhammaamaayo, sidaa darteed waxaan ku talin lahaa, in kuwan laga soo dhex xulo xubnaha iman doona, sidee loo xulayaa?

Tirada la doonayaa waa 225, si loo helaa aad ayey u sahlan tahay, waxaa la wargalinayaa kuwa dibadda ku maqan, loona seegayaa in xulasho la samaynayo, shanta beel ama aan dhehee beel iyo barta hadda jirta, maalinba beel ayaa la tartansiinayaa xubnaheeda, tirada ay beel walbaa hadda leedahay waxay ku dhawdhaw dahay 122, waxaa la samaynayaa 122 waraaqo, waxaa la nambarinayaa 45 waraaq, inta kale caddaan kooda ayaa loo dhaafayaa, sidaa ayuu nin walbaa ku tijaabinayaa hoodo iyo nasiib wuxuu leeyahay.

Ninkii qaata waraaq nambar leh ayaa ka mid noqonaya baarlamaanka, ninkii qaata waraaq cad ee aan waxba ku qornayn xubinnimadii sidaa ayuu ku weynayaa, sida kalana waa laga dhigi karaa, micnaha, waraaq cad ninkii qaata ayaa galaya xubnaha baarlamaanka, ninkii waraaq wax ku qoran tahay qaatana sidaa ayuu ku weynayaa xubinnimadiisa, sidaa ayaana lagu xallin karaa xulidda baarlamaanka, waxaase la oran karaa kuwani meesha waxaaba geeyey ayaankooda, haddi markaa eed kuma laha, ee ayaan darradu Soomaali ayey ku habsatay, waa maroo iyagaii hoodo ma yeelan, waa marka labaade kuwii matali lahaa sidaan yey noqdeen, ayaan daran.

Markaa ka dib ayey ansixinayaan dastuurka qabyoqoraalka lagu sheegay, ee ilaa hadda la garan la’ yahay waxa ku qoran iyo waxa lagu qori doono, waxaa xigaya doorashada madaxweynaha, xulidda wasiirka koowaad, dhismaha wasiirro, sidaa ayeyna hawsha ku socon, iyadoon wax la kala dirin, kowna laga soo billaabin, waxaa isu kay qaban la’, waxaa laga gudbayaa marxaladda ku meel gaarka ah iyo baarlamaanka hala  kala diro! Oo haddii la kala diro yaa soo dooranaya? Yaab.

Puntland, maamulkii marti soorka iyo marti wanaajinta, shirkii Groowe ayaan dhaliillo yar ka qoray, waaba la ogaa wixii dhacay, waxaasne doonayaa inaan dadka xusuusiyo marka maamul la dhaliilo, yaan la isku qarin qabiil iyo isbaaro, meesha xaal marayo ma wanaasgana, ha ahaato dadka reer Puntland ama dadka ka soo qaxay qaxarka Alshabaab Amisom iyo abaaraha ku duftay deegaanada koofureed, balse dadka qaarkii waxaa uma muuqdaan, oo waxaaba xaal ku sii sodaa ninkii Puntland afka soo mariyaa Istaaq furallaah ha dhoho.

Ma ahan markii ugu horreeyey ee hadallada midab takoorka iyo isir nacaybka ku salaysani ay Faroole ka soo yeeraan, maamulkaa rag yaa isu daba maray, qaylo sidaa u weyn kama jirin dhanka reer koofurka, C/laahi Yuusf iyo Cadde Muuse, Faroole siduu xilka u qabtay wuxuu u soo jeestay maasaakiintaa aan hoy iyo hargal midna haysan, maruu yiraa waa inay is diiwaan galisayaan, oo aan ka qoray qormadan: “Maamulka Puntland: Reer Koofurku ha is Diiwaan galiyaan!”, iyo maruu yiraa argagixisadu waa reer koofur, iyana aan ka qoray cinwaan ahaa: “Maamulka Puntland: Argagixisadu waa Reer Koofur!”, waaba yaabe ninku miyuusan xishoonayn? Sida muuqata maya, ee reer Puntland ha ka digtoonaadaan godobta ninkani u beerayo.

Alsabaab iyada waxay ku jirtaa firxad iyo kala carar, waa caadadooda markay arkaan cadaw isma haystaan, Beledweyn kabta ha iga goyn ayaa ka dhacday, Gedo oo dhan way faarujiyeen, illeen waxay oleyn yaqaanniin waa Soomaalidee, iyagana miyeysan ku habboonayn inay joojiyaan falalka gurracan ee arxandarrada ah, ka waantoobaan gacma goynta iyo lugaha iyo gamcaha isdhaafka ay u jarayaan, oo dadkooda dhinac ka raacaan.

AMISOM iyadu shaqadeeda ayey wadataa, xasuuqa umadda, dad ayey ku gumaadday Masjidka Alhidaaya, hadday gafuur duub yihiin maxaa iga bi’i lahaa? In kastooy iyaguba yihiin wiilal Soomaaliyeed oo dhimanaya, ee waa Tabliiq aan qori iyo qafaal midna ku jirin, qas iyo qalalaase aysanba ajande u hayan, haddana nabadgali waaye, Djibuoti ayaaba lagu eedaynayaa falkaa, oo saw tii lahaa madaxweyne Geelle waa Tabliiq, mise Anaa si xun wax u fahmay, ma garan, ma ahan markii ugu horraysay ee Alhidaaya la beegsado, sidaa oo kale Xabashida iyo xerta C/laahi Yuusuf ayaa xasuuq ka gaysteen sanaddii 2007-dii.

Dabcan inta murankani dhacayo, wadanka dhan waa holcayaa, muqdisho habeen walba dagaal ayaa ka dhaca, gobolada dhexe xabashi ayaa qabsatay, Kenya Gedo iyo Jubbooyina ayey dadkii ku xasuuqaysaa, waxyeelladii abaarahu wali ma dhammaan, ee doqonnimo ka weyn miyaa jirta dawlad laba guddi u kala dirsatay hal madal? Doqonnimo ka weyn miyaa jirta in wasiirka koowaadi doodaha baarlamaanka duub u xirto? Doqonnimo ka weyn miyaa in ninkii la casilaaba meesha isku sii celiyo?.

Weydiimuhu badan, markaa yaad ila garan waxaan u iri: “Doqon diran iyo Dacaad dabran!”, Dabcan arartana si weyn ayaa looga dareemayaa, wax isdhaama weynnay, xildhibaanno, gudoomiyeyaal baarlamaan, madaxweyne, ra’iisul wasaare, wasiirro iyo madax degmo, nin walba wuxuu eeganayaa meesha uu joogo, wax kama galin inta kale, wuxuu xoogga saarayaa siduu damaciisa u meel marin lahaa, darajana u gaari lahaa, hadduu gaarana uusan ka guurayn.

Madaxweyne qabanaya shaqadii gudoomiye degmo, gudoomiye degmo oo qabanaya shaqadii madaxweyne, guddomiye baarlamaan oo qabanaya shaqadii wasiirka koowaad, wasiirka koowaad oo qabanaya shaqadii gudoomiyaha baarlamaanka, ma baarlamaanka ayaa xaq u leh inay dowladda aqoonsadaan? Mise dawladda ayaa baarlamaanka aqoonsanaysa? La kala garan waa, yaabka yaabkiisa, Aniga waxay iga maraysaa, meeshu ninku ka yiri: “Hashu maankayga qaadde ma Misaar bay laqday!”.

Ugu dambyn, Anigu oran maayo sida Dr Ulusow xildhibaanno xor ah, waxaanse oranayaa xildhibaanno xiiqsan, u xusulduubaya sidii ay wax u kala irdhayn lahaayeen, u xuurtoonaya sidii ay wax u kala gayn laahaayeen, u xamaaranaya sidii ay wax u dumin lahaayeen, u xaalsanaya sidii ay wax u qasi lahaayeen, xaq dulmi isu badalay, daacadnimo dabran, duuflaal darawal ah, dayac baahsan, Daciif damman iyo doqon diran, goorma laga dabaalanayaa?.

Bashir M. Hersi

brdiraac@hotmail.com

Xogta: ALSHAHID

Gulufka xildhibaannada gaatinta Shariif Xasan iyo gaabiska dunida
Sanad Suubban.

Shaki kuma jiro in hardan adagi sodo, caddayn uma baahna in maadaxa la iskula jiro, waa marag ma doonto in la ismari la’yahay, haddana markaad eegto sida wax u dhacayaan, kulamada isdaba joogga ah iyo kooxaysiga karaar qaatay, hubaal inay wax soo higleeyihiin, maalmaha foodda nagu soo haya ee sanadka cusub ugu horreeya, waxay noqon doonaan maalmo kala bax, micnaha maalmo go’aamin doona sida sanadkaa xaalka Soomaaliya uu ku sugnaan doono.

Sidii xilka looga qaaday Shariif Xasan 13-kii bishii dicembre, waxaa soo badanaya cododka xildhibaannada haldheerida u dhahaya “Dooni maynno Shariif”, runtii dhawaq ku cusub dhagaha Soomaalida, dadka qaar ayaa dhakfaar ka qaaday, qaarna dheeldheel iyo riwaayad maalmeed ayeyba la tahay, balse hubaal in 13-kii december wax ka badashay cududda siyaasadeed ee ka jirta Xamar, ama xoogsatada haysay xilalka ugu sarreeya ee dawladda damman.

Waa markii labaad ee xilka guddoonka baarlamaanka laga qaadayo, maahmaah ayaa oranaysa: “mar i Dagi Allaha Dago, mar labaad i Dagase Anaa is Dagay”, tii hore haddii khilaaf iyo muran kala dhexeeyey C/laahi Yuusuf, maanta nacayb kama marna ayaa la dhihi karaa, ha ahaato dadweynaha caadiga ah iyo xildhibaannadaba, haddana wuu garan waayey wax wanaaji ama meesha isaga tag, tunka ayaase la qabtay, oo la tatajiyey.

Markii xilka laga qaaday ee uu wadanka dib ugu soo laabtay, wuxuu ku gacan sayray in xilka laga qaaday, siduu markii horaba isugu dhajiyey ayuu haddana isugu nabay, kuma ekaysan ee wuxuu ka qaybgalay shirkii Garoowe, isagoo waliba huwan magaca gudoomiyaha baarlamaanka, shirkaa oo aan ka qoray faalladii ahayd: “Shirka Garoowe: gogol shabaqa iyo gar shiilan”, haddaba ma sharcibaa nin guddoonkiisa muran ku jiro inuu shirka ka qaybgalo?

Inta aan jawaabta u dhaadhicin, aan soo gudbiyo arrin kale oo la is dhihi karo waxay la mid tahay midda Shariif Xasan, waa xil ka qaadista mudane Caalin ee Galmudug, hubaal in xilka laga qaaday Caalin, waliba laba kol oo is xiga muddo gaaban, basle Maxkamadda sare ayaa xukmisay inuu xilka sii hayo, dabcan si aysan u dhicin bannaan siyaasadeed, taa oo muhim u ah jiritaanka maamulka iyo maaraynta gobolka.

Tan Sharif Sakiin waa ka duwan tahay midda Caalin, Shariif Sakiin wuxuu isku darsaday laba arrin oo kala ah: diidmo inuu u hoggaansamo xil ka qaadista, iyo inuu afduub ama xoog ku haysto xilka, waliba ku metalo shirar xasaasi ah, oo looga arrinsanayo aayaha umadda Soomaali, halka Caalin uusan ka biya diidin go’aankii xilka looga qaaday, ama ugu yaraan midka Maxkamadda sare, uuna xilka u siiyo hayo ku sime, inta laga baxayo marxaladda kala guurka ah.

Dhanka kale, hadduu ka dhaga furatstay baaqyadii xidhibaannadu u jeedinayeen, maxay tallaabo ah oo ay qaadeen? Dhankooda waxay sii wateen kulammo lagu sii lafa gurayo xal u helidda guddoonka baarlamaanka, waxay isku raaceen guddmiye sii haga fadhiyada baarlamaanka, inta laga dooranayo guddoon cusub, feer iyo faralaab ayaaba ka dhacay, ujeedku ahaa in qas iyo qalalaase laga abuuro kulanka, si aan waxba u qabsoomin, balse sidaa ma noqon, hadduu dhiig daatay ayeyse quusteen.

xubnihii xilka ka qaaday Shariif Sakiin, waxay la kulmeed guddi ka socday dunida oo uu mugdi uga jiray sida wax u dheceen, waxay u qeexen in xil ka qaadistu u dhacday si xalaal ah, waxay farta ka saareen cajal video ah oo laga duubay kulankii xil ka qadista, (waa meesha farta lagu godayo inay sababtay dilkii “Xiis”), maadama shaki la galiyey tirada ka soo qaybgashay, sida wax u dheceen iyo qaabka loo codeeyey.

Kulankaa ka dib, waxaa la soo saaray war murtiyeed aan naf buuran lahayn, warsafadeed lagu sheegay in beesha caalamku ka soo saartay Soomaaliya ayaa lagu yiri: “Xildhibaanadu waa inay raacaan waqti kordhinta baalmaanka”, oo ah in wax walba sidii hore ahaadaan, si loo ilaalsho xaaladda adag ee wadanku marayo, lana hirgaliyo shirkii Kampala, meeshana ha ka saarin in meelmariyo roadmaop-ka, Dadkayguse mid ha ogaado, wareerkan taagan iyo walaahoodkan dhacaya, waxaa ka dambeeya dunida, oo hadba mid waalan madaxa noogu soo duubaya.

Hadalka biya dhiciisu waa Shariif Sakiin meeshiisa ha loo daayo, micnaha waxba kama jiraan go’aankii ay gaareen 300 oo xildhibaan, taa oo ka dhigaysa inay ahaayeen rag waalan, ee ha la qaato ninka fayow warkiisa waa Shariif Sakiin, yaabka ma ila aragteen? Waa meeshii laga yiri: “Wadar iyo Waaxid yaa waalan?”, ama ninkii yaabay ka yiri: “Hasho maankayga qaadde ma Masaarbay liqday?!”, waxay noqotaba, waa ha loo afduubnaado ninkan aan waxna qorin waxna aqrin, kaligii ma ahan tilmaamtaa waaba nagu badan yihiin.

Warkaa uma cuntamin raggii xilka ka qaaday Shariif Sakiin, waxay sii wateen kulamadoodii, xildhibaannadu waxay isku dhaarsadeen in  horo loo sii wado hawsha, si loo fuliyo qorshihii lagu heshiiyey, (Muxuuse yahay? Cidna garan mayso), lana hirgaliyo waxa ay ku sheegeen roadmap-ka, waa sida ay hadalka u dhigeen, malaha waxay ku beerlaxawsanayaan Mahiga IGAD iyo beesha caalamka, ma yaan lagaa galgal badinbaa? Mise yaan lagaa galliin badin? Miday noqotaba, sillaanta ayaa loo tartamayaa.

Waxaa Garoowe laga iclaamiyey inaan golaha Shacabka lagu shiri karin, sidaa waxaa yiri wasiirka arimaha gudaha, malaha dhagta ayaa wax loogu sheegay, yaab, dad dhahaya xilkeenna ayaan gudanaynnaa oo la leeyahay ma gudan kartaan, idinku ma aragteen? Haddana hor istaagga caynkaa ahi ka imaanayo masuulka igu sarreeya wasaaradda arimaha gudaha, waa taxaddigii labaad ee ka hor yimid xubnihii xilka ka qaaday Shariif Sakiin, marka laga soo tago fawdadii feerka, iyana gaashaanka ayey u daruureen.

Waaba iga su’aale raggu xaniyahan xaggay ka heleen? Mayee ragannimadan yaa ugu deeqay? Mise wax gaar ah ayey ogyihiin? Malaha heesihii Qaylodhaan ayaa qiiro galiyey? Oo boorka ayey iska jafayaan, arki doonnee meesha ay wax gaarsiin, balse waxay u muuqdaan rag dhiirran una caddahay inay yool gaaran, oo ah in arintu ku dhammaato sida ay iyagu u qoondeeyeen, dabcan ayna leeyihiin sharciga ayey waafaqsan tahay.

Su’aasha weyn ee meesha taallaa waxay tahay: dastuurka iyo xeerhoosadka baarlamaanku maxay ka qabaan xil ka qaadista Shariif Xasan? Qareennada iyo sharci yaqaannadu waxay hoosta a xarriiqeen in habka wax u dheceen sharciga waafaqsan tahay, midna waa iny dadkaygu fahmaan, tiradii dooratay Shariif Sakiin waxay ahayd 217,  waxaana xilka ka qaaday 280 mudane, ila eeg farqiga tirada, haddaa madax adkaa muxuu meesha igu dhajinayaa?

Sidii labada Shariif Kampala Accord ay isula meel dhigeen inay xilalka kororsadaan, ayaa madaxweyne Shariif billaabay inuu u kala dabqaado Shariif Sakiin iyo Xildhibaannada kale, laba kulan ayaa lagu kala dareeray oo aan waxba ka soo bixin, maadaama madaweyne Shariif ku adkaystay in wadaygiis Shariif Sakiin xilka loo daayo, ayna xildhibaannadu ka tanaasulaan mawqifkooda ku aaddan xil ka qaadista Shariif Sakiin, taa oo dhankooda Xildhibaannadu gaashaankaa u daruureen.

Sida ay ku soo heshiiyeen sadaxdii nin ee ku kulantay Garoowe, waa in baarlamaanka la kala diraa, si taa loo fuliyo waxaa xilkeeda dusaha u ritay Shariif Sakiin, oo xildhibaannada ku wargaliyey inay beelahooda ku laabtaan, oo soo weydiistaan kalsooni, kala diritaanka caynkan ah wax ma idin soo xusuuninayaa, Cumar Cartan Qaalib ayaa markii jabhaduhu soo galeen Muqdisho, oo Odagii Siyaad ahaa laga saaray, ku wargliyey ciidankii qalabka siday in askari walbaa ku biiro beelshiisa, dhib miyaaba nooga horreeyey.

Haddaan ku laabto dhanka dunida, wali warkoodu ma cadda, marka laga reebo hadal laga soo xigtay mudane Ilka Dahab, oo sheegay in Midawga Afrika soo gaarsiiyeen xildhibaannada waraaq aqoonsi ah, taasoo macnaheedu noqon karo in Shariif Sakiin godkiisa biya ugu soo galeen, hadalkaa Ilka Dahab ma ahane wax kale oo caddayn ah lama hayo.

Dhanka kale Shariif Sakiin wuxuu ka Soomay hadalkii, siduu u ugu soo laabtay Xamar mar qura ayuu hadlday, hadalka kaliya kama Soomine xitaa dhaqdhaaq lagama hayo, inuu isaga wado iyo inay ragga taabasan wadaan waa isku mide labadaba lagama hayo, oo waxaad mooddaa in Sharif Sakiin indhiisa wax ku arkay ama dhagahiisa wax ku maqlay, micnaha quus taagan yahay, oo waaba su’aale markii hore miyey labadaa dareen ka maqnaayeen? Hadda ayuuba ka soo laabtay shir uu wax ka guddoominayey ee sidee wax yihiin? Xaggee xaajadu iska qaban la’dahay?.

Haddaba Shariif sakiin maxaa la gudboon? Hubaal inay jawaabtu iska caddahay, inuu xilka iska wareejiyo, waa midoo awalba rabitaan Shacab kuma joogin, kumana imaan, waa midda labaade, haddana waxaaba ku kacay kuwuu sandareerta siin jiray, oo  shalay u codeyey, mashaariicdiisa gurracanna fulin jiray, waaba iga su’aale: shalay markay nagu shiilayeen dhibaatada ma maankooda ayaa maqnaa? Mise shilinkii ayaan la siin maalmahaan?.

Nimankan Shariif Sakiin shiilay, kollay taageero ayey meel ka haystaan, balse ma cadda, waa hubaal inaan sharci lagu kala baxayn, mardhaw suuqyada ka eeg sicirka ay xildhibaannadu joogo? Maadaama hadda labada Shariif isla safan yihiin oo hal mawqif wada wataan, sayladda xildhibaannadu waa furan tahay, gorgortankuna waa billowday, waxaan arki donna ninkii beesa badnaada, waxaan maqli jiray: “Ninkii Raayaa Reerka u haraa”, hadda waa: “ninkii beesa bataa beesha u haraa”.

Ugu dambayn, gulufkan xooggan ee ay ku jiraan xubnaha baarlamaanku, ma noqon doonaa mid miradhaliya? Ma gaari doonaan ujeedka ay tiigsanayaan? Ma sii jiri doontaa isku duubnidan ilaa iminka jirta? Ma sii socon doonaa haladayggan carrabku ku dhagga leh? Mise marka maalmo ay qaylqaliyaan ayey daaqadda dhanka kale ka joogsan doonaan? Waxay tahay waan u joognaa.

Dhanka kale, gaatinta Shariif sakiin iyo aamuskiisan intuu si jiri doonaa? Xarako la’aanta ku dhacady xertiisa intay sii xagal laabnan kartaa? Waxaa la yiri: “Wan weyn ilaa la gawroco indhiisu kor ma arkaan”, armuu Shariif Sakiin heerkaa marayaa, dhanka dunida wax war ah lagama hayo, aan ka ahayn inay taageero u muujiyeen Shariif Sakiin, in kastoo Ilka Dahabna leeyahay aqoonsi ayaan ka helnay, waxaa kala saaraya maalmaha soo socda.

Bashir M. Hersi

brdiraac@hotmail.com

Xogta: ALSHAHID

Shirka Garoowe: gogol shabaqa iyo gar shiilan
“Labadii Laqdabo ku heshiisa Lillaahi ayey ku diriraan”, murti baa na daalicin, mid kalana waxay leedahay: “Laqdabo iyo Lillaahi meel ma wada galaan”, midda hore waa labo luggooyo isla meeldhigay, ugu dambayn inay daacadnimada ku dagaalayaan, tan dambana waa siday u kala fogyihiin qof daacada iyo qof daalline, oo aan laga yaabin inay marna kulmaan, ama kaalin wada galaan.

“Hal booli ah Nirig xalaal ah ma dhasho”, shirkan Garoowe wuxuu daba socday shirkii Muqdisho, ee lagu ansixiyey waxa loo baxshay: (“roadmap”, ”Tubta Toosan”, ”ama Tubta nabadda”), isna wuxuu dabada ku hayey kulankii loogu yeeray: “Kampala accord”, ee lagu qadaanqadiyey Formaajo, loogana eexday labada Shariif, oo iyagu ah qawsaarada shisheeyaha ee xilligan.

Labadaa fadhi fitno iyadoon la falanqayn lama fahmayo fadhiga Garoowe, ugu horreyn “Kampala Accord”, wuxuu dhacay horraantii bishii June ee sanadkan, wuxuu dhexmaray labada Shariif, oo markaa qilaaf xooggan u dhexeeyey, Shariif Sakiin ayaa kordhiyey mudadii baalamaanka, dhanka kale waxaa xilka ka sii dhacayey madaxweyne Shariif, oo ay u harsanaayeen bilo qura, si khilaafkaa loo hakiyo, ku meelgaarkana loo sii xajiyo ayaa “Kampala accord” ku yimid.

Kulankii Kampala labada Shariif waxay ka soo laabteen nin walboo sanad madaxnimo ah loo jaray, oo aan ka hadal iyo dood lahayn, waxaa la horgeeyey baarlamaanka, qalinkana ku duugay oo ansixiyey, la yaab!, niman xilka iska haysta ayey u sii xalaalaynayaan, dabcan qodobbo ku jira si weyn ayaa loo dhaliilay, gaar haan kuwooda la xiriira muqaddasnimada qarannimada Soomaaliya, oo mugdi iyo maxmiyad dahsoon la galiyey, kaliya ma ahan, ee xitaa sharci ahaanta in xilka la iska kordhisado, iyadoo shisheeye lagu daaban yahay, ayaa iyana laga hadlay.

Haddii “Kampala accord” meel maray, labada Shariifna sharciyeysteen xil kordhisashada, ayaa waxaa laga daba keenay kulankii September Muqdisho ka dhacay, waxaa isugu yimid dawladda KMG ah, Maamulka Puntland, maamulka Galmudug iyo xubno ka soday urur diimeedka Ahlusunna, Mahiga ayaana mapka hayey, waxaa la isla gaaray qodobbo qabyo ahaa, oo si weyn looga muujiyey buuq iyo cabasho.

Dawladda la garay, oo waxaa la dhihi karaa Soomaali ayaa ku dhan, ee kuwan kale ee shirka ka qaybgalay labo beel iyo hal urur diimeed saw lama dhihi karo? Isla shirka Garoowana waa sidoo kale, waan ku imaad doonnaa, isla maalmahaa shirka Muqdisho lagu qabanayey, ayaa waxaa garab socday shir kale oo ay qabanqaabiyeen xubnaha isku sheega “Golaha Guurtida Hawiye”, shirkooda waxba lagama soo qaadin, bal Mahiga waaba u gooddiyey, sheegayna in tallaabo laga qaadayo.

Aragti ahaan shirkan Garoowe, wuxuu ka mid noqonayaa shirarkii Soomaali loo qabtay kuwii ugu xumaa, sida shirkii “Soodare” ee lagu qabatay wadanka Ethiopia, maadaama kan Garoowe aysan ku dhammayn ergooyinka Soomaalida, beel, urur ama maamul beeleedyada jira, sababtoo ah kuwii ay taageerada u muujiyeen xitaa ma casuumin, sida maamulka Azaania, ee Gandi ku doonayo inuu ku xasuuqo dadka dega gobollada Jubbooyinka, gacantana u galiyo shisheeye.

Waxaa shirka ka soo gaybgalay ergo ka socotay dawladda KMG ah, oo meesha u tubatay sidii in lagu bixinayo tikidka madaxnimada “waligaa haay” la yiraa, labada Shariif oo mid dabada la haysto, xilkana laga xayuubiyey, ra’isulwasaare Gaas, wasiirro iyo xildhibaanno, maamulka marti galinaya shirka (Puntland), Galmudug oo iyana caalin ku dhag, laba marna xilka laga qaaday, qolo ka socotay Ahlusunna, iyo Mahiga iyo xertiisa (UNPOS), halka maamulka “Ximin iyo Xeeb” qaadacay, shirkana suntay inaan dan Soomaali lagu hayn, halka garab urur diimeedka Ahlusunna ka mida oon shirka ka qaybgalin Sheekh Shariif ku eedeeyey inuu dhaqaale ku baxshay inay shirka ka baaqdaan.

Shirku sidaan sare ku suntayba, wuxuu dhamaystir u ahaa kii Muqdisho, kan Muqdishana wuxuu qurxinayey kii Kampala, shirka Garoowe waxaana looga doodayey qodobadan kala ah:

- Habaynta tirada mudanayaasha Baarlamaanka.

- Dhamaystirka dastuurka qabyo qoraalka ah.

- Ka guuritaanka nidaamka ku meel gaarka ah.

- Wax ka qabashada ammaanka iyo nabadgalyada.

Labada qodob ee ammaanka iyo dastuurka, waxay ku jireen heshiiskii Gaalkacyo, ay wada galeen daawladda KMG ah iyo maamulka Puntland 23 Aguost 2009, heshiiskaa oo dhigayey qodobbo sadbursi dhaafay, damac iyo hanweyni salka la galay, sida ku qoran waraaqda wax lagu saxiixay: “HESHIIS WADA SHAEYN OO DHEX MARAY: DAWLADDA FEDERAALKA KU MEEL GAARKA EE JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA IYO DAWLADDA PUNTLAND EE JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA”, aqriste kaba dhig inay laba dawlad yihiin, ee maxaa isku magac ka dhigay “Jamhuuriyadda Soomaaliya”, Anigu ma garan.

Sadbursigu intaa kuma sinna, hoos aan u usoo galno heshiiska, waxaa ku qoran dsida:

Qodobka 5-aad, Puntland inay shirarka quseeya danaheeda si gaar ah uga qaybgasho, qodobka 10-aad, inay qayb u hesho 25% deeqaha waxbarashada, qodobka 11-aad midaynta manhajyada waxbarashada, yaab, “aan danaysto kaligay kuguna danaysto”, si kale: “tayda Anaa iska leh taada kula lihi”, waxa iyaga soo gala sida loo maraynayo lagama hadlin, waxaase laga hadlay in laga caawiyo arimaha la xiriira horumarinta, waxbarashada, ammaanka iyo burcadbadeedda, yaab, Ani isu kay qaban waysay.

Labada kale ee habaynta baalamaanka iyo ka guuritaanka ku meel gaarka, ayaa ah labada qodob ee ku cusuub shirka Garoowe, mid ayaa xiisa gaar ah leh, waa ka guurka marxaladda ku meel gaarka ah, ninka lix bil ka hor Kampala ku soo saxiixay meel ka dhac qarannimada Soomaaliya, ma kula tahay inuu diyaar u yahay in laga gudbo marxaladda ku meel gaarka ah? Jawaabta aqristaha ayaan u daayey.

Midda dhimista tirada baarlamaanka, awalba shaki kuma jirin inaan la xamili karin “tiro badne tayo yare”, sababno ay noogu ahaayeen labada Shariif iyo wadaadadii iimaanka la’aa ee kursigu u caddaa, haddaba isku raacidda yarayntiisa ma ahan wax weyn oo waqti iyo u baahan hawl badan, maxaa yeelay awalba waa iska caddayd inaan tiradaa la sii wadi karin, dhaqaale ahaan iyo dhaqan ahaanba.

Shirkan aad ayaa loo buunbuuniyey, waxayba i soo xasuusiyeen berigii Maxkamadaha, oo sidaan oo kale warbaahintu ula falgashay, waxayba ka dhigeen shir lagu qabanayo magaalo aan dunida ku ool, mise sanadkan ammaan xumadii ka jirtay Puntland ayaa lagu daboolayey? Oo cabsi badan ayey ergadu qabeen? Si shuushkaa looga saaro ayaa borobogaandada ammaanka xoogga loo saaray.

Shirka Garoowe markii horaba qabsoomiddiisa shaki ayaa ku jirtay, maadama Mahiga laga soo xigtay inuu ka badalay Garoowe, balse waxay tahayba shirkii wuu dhacay, haddaa maxaa ka soo baxay? Ani ahaan wax ka soo baxay iima muuqdaan, marka laga reebo sidan hadda xusayba, ii dhehda saxaafadda la dhexdhigay iyo dhagaqabsiga dhacay, qodobada laga doodayey laba waa suuragal, labana waa calaalcal tima ka soo dhashaan, ha ila yaabin, waa odoros iyo aragti abyan.

Laba waa la hirgalin karaa, dastuurka qabyo qoraalka ah waa la dhamaystiri karaa, macnaheedu ma ahan inaan muran jirin jirina dooonin, ee in wax la xarriiqo karo ayaan uga jeedaa, kuma sii jirto siday noogu fududdahay wax qoriddu, ayse nagu adag tahay aan qornay inaan dhaqangalinno wixii aan qornay, illeen muranka hadda ayuu taagan yahay, laga billaabo xubnahan yaa magacaabay? Qodobo  aasaas u ah dawladda oo la xaglinayo (Carabaynta Soomaalida!).

Habaynta baarlamaanka iyo dhimista tiradan badan, iyana ma ahan wax adag, maxaanse markii hore yac loo dhihin? Illeen kuwani haddaan yac la dhihin ma gartaan inay ka joogsadaan wixii dhibaya shacabkee, waaba la isku raacay in laga dhigo 225 xubin, laguna soo xulo qaabkii uu jeexay C/qaasim Salaad, ee (4.5)afar iyo barka, “Anaa buuxa Adna bar ayaad tahay”.

Labada aan waxba ka suuragalayn waa ammaanka iyo ka gudbidda marxaladda kala guurka ah, ammaanku faraha ayuu ka baxay, ha ahaato Puntland iyo meelaha ay dawladdu ka taliso, mar walba ammaanka sii xumaanaya waxay qayb ka tahay maamul xumada jirta, dhanka Puntland waxaaba u sii dheer sadbursi oo hantidii maamulka dhan Faroole wiilkiisa ayuu farta ka saaray.

Qodobka la xiriira ka gudubka marxaladda ku meel gaarka ah, waa midka ugu adag, maadaama uu yahay qodob taabanaya masiirka umadda, ahna qodob aad loogu baahan yahay, laba dhinac marka laga eego, dhinaca Soomaalida oo u hamuun qabta nidaam da’aim ah, dalwad xalaal iyo hoggaan adag, dhanka dunida inay helaan kooxo ay ku shaqaystaan oo danahooda u saxiixa, maadaama aysan hadda waxba saxiixi karin, wixii ay saxiixaanna aysan qiimo sidaa ah yeelaynayn.

Ugu dambayn, Shirkii Garoowe wuu qabsoomay, madaxna ka soo qaybgashay, Soomaali badanse la moos, oo iyaga inay jiraanba lagama soo qaadin, waaba su’aale, Soomaali ma beelaha Puntlad iyo Galmudgbaa? Soomaali ma dawladda KMG iyo Ahlusunnaa? Madaama laga wada hadlayo awood qaybsiga, arimo la xiriir masiirka umadda iyo wax ka qabashada ammaanka.

Gobolada Woqoowe (Somaliland) Banadir, Hiiraan, labada Shabeelle, labada Jubba, Gedo, Baay iyo Bakool waa la quursaday, sidoo kale waxaa laga tagay maamull ka jira wadanka sida: Mareeg state, labada Hiiraan ka jira, Galguduud stete, Jubbaland, Maamulka Azaania IWM, ujeedku ma ahan inaan taageero gaar ah u hayo goobaynta dalka, balse maadaama ay magac maamul wataan dhamaan, maxaa shirka looga qadiyey? In midna martigaliyo shirka kuwana aan lagu casuumin waa eex.

Faallada waxaan ku soo afmeerayaa, tix abwaan C/aadir Xersi (Yamyam AUN) ka jeediyey shirkii Addis Ababa, sanaddii 1993-dii, tixdaa ood is leedahay waxay kahadlaysaa manta iyo shrika Garoowe iyo kuwa la midka ah, ee ila dhuux murtidan qiimaha badan, Abwaanku wuxuu yiri:

Ma dadbaa ma geedaa

Ma noolaa ma dhagaxbaa

Waxa iga hormuuqdaa?

Ma ragbaa ma dumarbaa

Ma mijaa ma madaxbaa

Ma wax magac qabiil iyo

Matalaaya ururraa?

Waji murugo qarisoo

Mashaqooyinkii dhacay

Ka madluunsan ma arkee?

Maskaxdiyo aqoontii

Miyey soo hilmaameen?

Moogayaal war moogaa

Wax ma oga miyaa wali?

Laxaw soo mirkacay iyo

Dareenkoodu maqaanaa!

Maqalka iyo araggii

Maskaxaha u tabin jiray

Meerisyada dhacdada iyo

Unugyadii miyaa maqan?

Ma hurdaan ma tooseen

Mise maalmihii tagay

Wax abaauran maahayn?!

Ma ergaa ma guurtaa

Maxaa laga garnaqayaa?!

Indheergarad ma jooga

Mise waayo araggii

Masriifkii carruurtiyo

Dantiibuu ku maqan yahay?

Halgankiyo midnimadiyo

Raggii calanka soo muday

Aan baroorannee maye?

Mataanaynta qarankiyo

Haddii magacii naga lumay

Maxay nolosho noo tahay

Kolley mawdku waa gare

Nafta maysku aasnaa?

Haddaan weynay maan iyo

Aqli noo maqoorada

Ma inaan gob nahaybaan

Martidiyo shisheeyaha

Masawira niraahnaa?

Nin waliba maraad lehe

Inaw qoys maciin bido

Majarihii xorriyadduna

Ka habaabo marinkii

Maangaabnimaa lehe

Marna mays tiraahdeen

Hanta labada kii mudan?

Waagii mudnaantiyo

Wasiir magac ku faanaa

Baabuur madaw iyo

Muraayadaha xiran jiray

Meelaha nacfiganale

Loo kala hor mari jiray

Maareeyana la noqon jiray

Gudbe maalmahoodii!

Waxa timid marxalad adag

Oo maamul sare iyo

Ninka madax u ciilqaba

Masuuliyadu qaadiyo

Kow dhaar la mariyaa

Tahay miiski soo gado

Musuqana dil baa tahay

Mushaar ma lihid shaqaduna

maqrib ilaa subax

ilaa qaranka maydkaa

lagu hubiyo meel wacan

wax jiraa muraayada

halkaaysaay maraysaa.

Bashir M. Hersi

brdiraac@hotmail.com

Xogta: ALSHAHID

Tarzan: Tallaabadii shalay iyo Taagsiga maanta
Magac  ninba su ku hel, muunad ninba si ku doon, maamuus ninba si ku muday, maal ninba si ku soo xereey, maamul ninba si ku gaar, maarayn ninba si u jeex, mehered ninba si ugu mashquul, murti ninba si u deeqday, maan ninba si uga shaqaysii, maskax ninba si ugu feker, maaweelo ninba si ku lumi, madadaalo ninba si ku dhaaf, malo ninba si u gashay.

Qormada maanta sida cinwaankaba ku cad, waxaa marti noogu ah xubin aad uga dhexmuuqday siyaasadda sanadihii u dambeeyey, waa halgamaa xubinnimada ku helay wacdaro uu ka dhigay, dabcan kaalinta afar iyo barna meesha kama maqna, madax salaaxa madaxweyne Shariif meesha kama maqna sida dad badan aaminsan yihiin.

Waa kuma masuulkaa? Yaa kale, waa gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisha, mudane:  Maxamuud Axmed Nuur “Tarzan”, oo siyaasadda ka soo galay laba daaqadleeyda diin iyo qabiil is huwan, horay looguma aqoon siyaasad iyo dhaqdhaaq la xiriira arimaha bulshada.

Hab qoraalka naynaastiisa marka aad u qorto sidan “Tarzan”, luqadda qalaad waa sheeko maaneed, markii ugu horraysay soo caanbaxday bishii October sandkii 1912-kii, riwaayaddii qoraagii Maraykanka ah ee Edgar Rice Burroughs, noolaana inta u dhexaysay (1875 – 1950), riwaayadda oo la oran jiray: “Tarzan of the Apes”, riwaayaddaa oo heer sare xaqiijisay, lagana sameeyey flimmo, buugaag caruureed, barjaamijyo TV iyo idaacadeed, xayeysiin Banzin, dharka, cayaaraha caruurta iyo kabo sport.

Yeysan ila gudbin ka faallaynta eraga, oo hab qoraalkiisa aannaan hubin inuu sidaa yahay, noqonna karaa sidan “Tarsan”, balse iftiiminta hore waa mid meesha ku jirta, mudane Tarzan, wuxuu horjooge ka ahaa mudaraadyo fara badan oo ka dhacay magaalada London ee uu daganaa, sanadkii 2007-dii, si weynna uga dhexmuuqday qalabka warbaahinta.

Mudane Tarsan wuxuu aad uga soo horjeeday, sida Soomaali badan oo xalaal ahiba uga soo horjeedeen Xabashida iyo xertooda, ku idlaa dawladdii C/laahi Yuusuf madaxda ka ahaa, wuxuu geed dheer iyo geed gaaban u fuulay siduu bannaanka u soo dhigi lahaa burburka Xabashidu ku hayaan wadanka, iyo dayaca baahsan ee umadda qabsaday, hubaal inay ahayd hawl aad u wanaagsan.

Wuxuu xubin ka ahaa magac u yeelka loo yaqaan: Guurtida Beelaha Hawiye, wuxuu goobjoog ka ahaa shirarar badan oo ay ku yeesheen gudaha magaalada London, inuu taageero iyo tilmaamna ka haystay kuwa Xamar ku go’doonsanaa u badi, wuxuu labanlaabay qaylashaantiisa ka dhanka ah Xabashida iyo inta u adeegta, noqdayna xidigga fagaarooyinka iyo faallaynta wararka.

Hubaal in arrintaasi u baahnayd qof isu taaga, oo ka soo dhalaalaa u dhaqdhaqaaqidda umadda dhibaataysan, su’aashu waxayse ka taagan tahay, maanta Tarzan waa gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, haddaba muxuu ka yiri soo galitaanka Kenyaanka iyo Xabashida wadanka ay soo galeen? Siduu shalay mudaaharaadyada u horkacayey maanta u horkacayaa? Mise wuxuu noqon doonaa sidii C/laahi Sheekh Xasan?

C/laahi Sheekh Xasan waxaa loogu xusuustaa xubinnimadiisii ergada hubkadhigista ee shirkii Eledoret, shirkaa oo markii dambe loo soo wareejiyey magaalada Mbagathi, laguna dhisay dawladdii C/laahi Yuusuf uu madaxda ka ahaa, wadankana  u gacan galisay xabashida, C/laahi Sheekh Xasan socdaal ayey ku wehliyeen Soomaali iyo ergo kaloo ka socotay shirka, ayey ku tageen magaalada Garoowe, haddaa maxaa dhacay?.

C/laahi Sheekh Xasan wuxuu sheegay inuu jiro qorshe dagaal oo lagu damacsanaa in lagu qabsado Muqdisho, si wada jir ahna ay shaxdaa u jeexeen xerta C/laahi Yuusuf iyo saraakiil xabashi ah!, isagoo taa ku mutay tilmaamta ah: {Wadani iyo Geesi!}, Muqdishose igu soo orod ma ahan, sidaana uma sahlana kumana gacan galayso barqo iyo dharaar, waxaan filaa in natiijadeeda la wada arkay, dagaalkii 2007-da iyo wixii dhacay, markii dambana Xabashi ku qasabtay inay isaga baxdo, iyadoo heeryo jab huwan.

C/laahi Sheekh Xasan waxaa loo taxaabay xabsiga magaalada Garoowe, markaa ayey u sii korortay shacbiyad iyo teegeero ballaaran, isagoo loo arkay halyey qaran oo loo afduubay fashilinta qorshe dagaal, mudadaa wixii ka dambeeyana wuxuu magac iyo sumcad ku dhex yeeshay dadka reer Muqdisha, hadalkiisuna qiimo iyo nuxur yeeshay, maadama loo xiray inuu shaaciyey qorshe ka dhan Muqdisha iyo dadkeeda, ayaan daraneeyey abaal laayeey!

C/laahi Sheekh Xasan markay xabashidu Muqdisha soo gashey, wuxuu ka mid ahaa dadkii fara ku tiriska ahaa ee ka soo horjeestay Xabashida, wuxuuna ahaa afhayeenka beelaha Hawiye, taa waxay ahayd fursaddii labaad ee uu C/laahi Sheekh Xasan loogu arkay halyey qaran, wuxuu ku guulaystay gaashaan kale, dagaalka xabashida oo sii xoojinaya diidmadiisii hore, hadalkiisiina ka dhigaysa run, ama dadka ku sii qancinaysa inuu ahaa: “Runlow Rabbi u soo diray!”, dagaalgalintiisaa maxaa xigay?.

Siduu u ahaa Xabashidiid, ayuu barqadii dambe nagu soo baxay isagoo leh: “Ethiopia waa dal aan daris nahay!”, haddaa yaa moog darsnimada Xabashida? Sheekadu waxay ahayd: waxaa shir wada qaatay C/laahi Yuusuf, C/laahi Sheekh Xasan iyo Imaam Maxamuud Imaam Cumar walaalkiis, shirkaas ayaa malaha C/laahi Sheekh Xasan loogu cantoobiyey, sida caadada ahna noqday”Af wax Cunay Xishoo!”, kuma ekaysan xishoode, C/laahi Sheekh Xasan wuxuuba isku dayey inuu dareen shaki galiyo dadkii u heellanaa xabashi la dirirka, markaa wixii ka dambeeyey yaaba warkiisa maqlay, wuxuu u guuray Ingiriiska.

Yeysan ila dheeraan ka sheekaynta C/laahi Sheekh Xasan, oo isaga aan si gaar ah uga hadlay qaybtii labaad ee qormada “Labo Codleyn: Caado Soomaali Cadibatey!”, aanna u laabto mudane Tarsan, maanta waxaa wadanka gudihiisa si sharci darro ah ugu jira Xabashi, Kenyana dib ayaa laga sharciyeeyey, isna wuxuu yahay masuul xil u haya Soomaali, haddii uusan wax ka dhihin ee uu afka ka haysto sida uu hadda u aamusan yahay, saw ma noqonayo sida dad badan maanta yihiin?.

Sida wax u dhacayaan aqriste ma kula tahay in mudane Tarzan dhaleecayn u jeedin doono Xabashida? Ma kula tahay in Tarzan uu cambaarayn doono Xabashida dalka soo gashay? Ma kula tahay in mudane Tarzan uu farta ku fiiqi doono xadgudubka Xabashida? Ma kula tahay in mudane Trazan wax ka sheegi doono shabkaxda Xabashida isaga soo qulqulaysa wadanka? Weydiimuhu badan, lagase yaabe inay isku mid yihiin ama hal heel ku wada ururayaan.

Marar badan oo uu hadlay ayuu eedda dusha uga tuuray Alshabaab, isagoo iska indha tiraya ciidamada AMISOM, oo dharaar walba xasuuqda shacabka Muqdisho, waana arin aan rabo inaan bannaanka soo dhigo, maadaama aysan dad badan ku baraarugsanayn, run ahaan Xabash Ugandhis iyo Kenyan inaysan kala duwanayn, markay arintu marayso laynta umadda iyo burburinta hantideeda, ila xasuusta sida joogtada ah ee Xabashidu u duqayn jirtay suuqa Bakaaraha, iyo sida ay iminka AMISOM u duqeeysa, haddaa maxay ku kala duwan yihiin? Teeda kale haddii Alshaab ku disho iyo hadday AMISOM ama Xabash ku dilaan, maxay kuugu kala duwan? Dil waa dil.

Dadkaygow ma maqasheen Tarsan oo dhaliil u jeedinaya AMISOM? Ama dhahaya waa inaad umaddayda xasuuqa ka daysaan? Mise aragteen isaga oo hadal ku sheegaya in ciidadamada shisheeye aysan dadka rayidka ah beegsan? Wallee dadkaygow garan waayey meesha wax ka qaldan yihiin, maxay noo kala dhaamaan dawladahan wadanka ku jira, mid walbaa wuxuu birta u afaysanayaa waa Soomaali dilkeed, haddana madaxda wadanku kamaba hadlayaan.

Weydiintu waxay tahay, Mudane Tarsan wali taageero iyo diidmo midna ma muujin, hadduu shalay Xabash ka soo horjeeday, maantana ay soo galeen wadankii ogolaasho la’aan, muxuu la aamusan yahay? Kenya hadday wadanka ogolaasho la’aan soo gashay, muxuu maanta la aamusan yahay? Mise Kenya tahliil tufid ayey wadanka u soo gashay? Waa la sharciyeeyey ayuu ku doodi doonaa.

Haddaan ilaa iminka hadal ku saabsan laynta joogtada ah ee AMISOM laga hayn, haddaan ilaa iminka laga hayn hadal ku aaddan Kenyanka ku soo xadgudbay wadanka, haddaan ilaa iminka laga hayn hadal ku beegan Xabashida wadanka ku faashay, hubaal inay noqon meeshii laga dhihi jiray: “Shibo waa raalli”, shalay iyo maanta waxba kuma kala duwana, ee waa isku mid, haddaysan maanta sii darnayn.

“Runta Rabbaa kugu jecel” waa tii la yiriye, maan dhabta abbaarno, mudane Tarsan wuxuu ilaashanayaa jagadiisa, sidaa darteed ma hadli karo, hadduu hadlana wuxuu ku weynayaa xilkiisa, haddaba yaa weyn xilka ama muqaddasnimda dhulka Soomaaliyeed? Sida muuqata dad badan waxaa la weyn kursiga, maxaa yeelay meeshii aadan waxba ka qaban karin waa laga huleelaa ama laga dheeraadaa.

“Dariskaa kuma ccaddeeyo kumana madoobeeyo ee sida uu yahay ayuu kaa dhigaa” ayey maahmaah kale ahayde, sida Sheekh Shariif hadda u aamisan yahay in Xabashi walaalaheen yihiin, armuu isna sidaa oo kale u aaminsan yahay? In kasta oo uusan hadlin, balse aamuskaan ayaa shaki badin ku galinaya, maxaa yeelay xerta uu la quuto intooda badan way wada taageersan yihiin xadgudbyada dhacaya, marka Tarzan yuusan isku qarin aamuskee wax ha dhoho, dadka dhan ayaa dhankiisa soo dhuganayee.

Midse yaanan dadka lagu qaldin, in xadgudubyadan qaawan ee wadanka la iska bannaystay lagu qariyo Alshabaab baacsigeeda, ilama ahan inay tahay mid dadka ka daadagaysa, maxaa yeelay sida aysan waxyeellada Alshabaab u rabin ayeysan u doonayn in wadankooda lagu soo xadgudbo, maangaabtuse waxay u moodaan in dadku aysan taa kala garan.

Ugu dambayn iyo gunaadkii, hubaal in marxalad adag la marayo, dadka lagu dagaalgalinayo ujeed la’aan iyo falalgurracan, haddana maalmo ka dib looga siibanayo!, taaso astaan u ah siyaasi isku sheegga maanta, wadaad isaga warkiisa daa, midse la idinkama yeelayo  inaad maanta dhalinyarada ku dagaalgalisaan ujeed, ayaamo ka dibna aad uga weecataan, magac iyo muunad adduun awgeed!

Bashir M. Hersi

brdiraac@hotmail.com

Xogta: ALSHAHID

XASUUQII LABA GU’ JIRSADAY
Seddaxda bishan Diseember waa maalin ku asteysan naxdin iyo argagax laga dhaxlay xasuuq gardarro huwaday ee lala eegtay arday shahaadooyin ka qaadaneysay Jaamacadda Banaadir.

Maalintan waxay astaan u noqotay mugdi hareeyey shacabka, kaddib markii biri mageydo lagu laayey goob farxadeed loo bedelay goob argagax.

Shaki kuma jiro in qofkii fuliyey iyo kii soo abaabulay intaba ay ahaayeen dad arxan daran, damiirka ka dhintay, misena baadil xaq ka dhex goobay.

Maalintan lagu xasuusto xilkaskii shuhadada ahaa ee lagu xasuuqay Hotelka Shaamo maanta oo kale sanadkii 2009-kii, ma noqon maalinta keliya ee xanuunka badan.

Weeraro kan la mid ah oo dilay boqolaal shacab ah ayaa sidoo kale laga geystay gudaha Muqdisho xilligaas kaddib, waxaana ugu caansanaa weeraradii lala eegtay Hotelka Muna ee degmada Xamarweyne ee lagu laayey shacabkii banaanka dhoobnaa oo gaarayey 20 inta aan la laayin 10 xubnood dowladda KMG-ka ka tirsan oo ku jiray hotelka.

Waxaa taa wehliyey haween qashin xaaqayey oo lala beegsaday qarax, kuwaas oo sababta loo bartilmaansaday ay aheyd oo kaleiya in ay waddada nadiifinayeen. Qolada bartilmaansatay waxay u arkayeen haddii ay qashinka xaaqaan in aysan heleyn meel ay miinooyinka ku qariyaan sidaas darted ayey haweenkii laayeen si ay u baqo geliyaan oo loo joojiyo nadaafadda.

Waxay aheyd barqo filanwaa ah oo arday qalinjabineysay, waalidiin, macalimiin iyo marti sharaf dhaqaatiir u badan lagu gummaaday xaflad farxadeed shahaado guddoonsiin aheyd.

Inta badan ardaydii lagu maamuusi lahaa xafladda ee doonayey inay qaataan shahaaddooyin ka tarjumaaya waxbarashadoodii loo wada aayayey iyo waalidiintoodii rajeyneyay in ay farxadda kula ildoogsadaan ayaa farxaddii loogu bedelay gummaad xanuun badan iyo murugo hareysay shacabka oo dhan.

Shahaadooyinkii bedelkooda waxay qaateen shahaadooyin kale oo ay Rabbi SW la hortagaan, waayo gacan xaq darro ah ayaa gummaaday.

Qaraxa waxaa fuliyey qof isagana shahaado doon ahaa oo alhumadaas uu shacabka huwiyey ku raalligelinayey Allaah, walow ay ka qaldantay oo uu kasi waayey in uusan Allaah raalli ku noqoneyn daadinta dhiigga Muslimiinta.

Dhab ahaantii xasuuqaasi wuxuu ahaa kii iigu xanuun badnaa ee muddooyinkan soo maray nolosheyda, sababtoo ah saaxiibo igu weynaa oo aan daqiiqado ka hor taleefoon ku kaftameynay, kana wada fikireynay sidii aan mustaqbalka hawlo muhiim ah u wada qaban laheyn ayaa gummaadkaasi ku shahiiday.

Asxaabteyda gacantaas xaq darada ah ku baxay waxaa ka mid ahaa Xasan Subeer Xaaji oo ahaa wakiilkii TV-ga Alcarabiya ee Soomaaliya oo aan rumeysan waayey in geeridiisa la ii sheego waayo waxaan moogaa muddo aad u yar oo aan taleefoon ku sheekeysanay.

Xasuuqaasi caradii aan ka qaaday waxaan kala dul dhacay culimada Soomaaliyeed ee xaga diinta oo aan aaminsanahay inay shacabka hagradeen, kaddib markii ay u kala baxeen koox xasuuqeysa iyo kooxo ka aamusay.

Qormadeydii cinwaankeedu ahaa “Shuhadaddii Shaamo” ayaan ku xusay haddii culimada xaqa fatwoodaan in ay dhibaatadu yaraan laheyd, haatanna weli sidii ayaan u aamisanahay in dhibaatada shacabka heysataa ay masuuliyaddeeda maalinta Qiyaame qaadi doonaan culimada diinta ee Soomaaliya.

Filan waa kale oo il oyda iyo af yaaba mooyeen cid asteyn kareysa aan jirin ayaa dhacay.

Subax talaado ah oo Bishii Oktobar ee ina dhaaftay ay 4 tahay ayaa waxaa dhacay xasuuq sina u shaabaha kii Shaamo, sina uga xanuun badan oo kana qaro weyn.

Waxaan taagnaa wadada Shaqaalaha oo aan ka hayey hawl saxaafadeed, waxaan mar qura aniga iyo meeshii aan dulka ka taagnaaba na ruxay Qarax weyn oo aan ku qiyaasi lahaa dhul gariir haddii aanan ogaan laheyn in ay is qarxini jirto.

Durba Kaameradeydii ayaan ku boobay dhankii qaraxa si aan sawiro uga qabto aburtii iyo holacii ka baxayey goobta uu qaraxu ka dhacay.

In yar kaddib waxaan u soo dhaqaaqay goobtii ay wax ka dhaceen oo ishii aragtaa waxa meesha ka dhacay ay ayaan darro u ahaan laheyd.

Caloosha Ayaan ka guuxay oo waxaan keligey la hadlay caquubaddii meesha ka dhacday aniga oo leh “CUQUUBOOY ALLAAH KUU BANDHIGAY, ISAGEY GARTU JIRTAAYE!”

Markii aan goobta la bartilmaansaday soo gaaray ayaan garowsaday in qarixii dareenkeyga uga dhignaa dhul gariirka uu runtii ahaa dhulgariir dulmi huwan oo ay bani’aadam geysteen, dhankii aan eegaba waa meydka wiil gashan dharkii ardaynimada ama gabar buuggii ay wadatay gacanteedii uu ku gubtay.

Waxaa ii caddatay in arday badani ay meesha ku dhamaatay, waxaa caloosha I huriyey, qalbigeyda daadad illin ah ka keenay, wajigeygana murugo huwiyey sida ay isu dhex daadsanaayeen hilbaha dad u badan arday iyo burburka dhismaha, iyadoo ay taas barbar yaaleen dad badan oo iyagoo aan qaraxa hubka ah gaarin uu gubay shidaal gaariga saarnaa oo firdhadkiisa ku habsaday.

Ma jirin tallaab meel la dhigo oo aan lagu dul istaageyn gobal hilib ah oo ka go’ay qof jirkiisa, waxaa intaas dheeraa sida ay meydadka dharkii uga gubteen oo intoodii badneyd cawradoodii banaanka u soo baxday.

Illinta iga qubatay iyoqalbi hurka ay iga keeneen saskii iyo naxdintii aan ka qaaday qaraxiihii lala eegtay maatida u badneyd jid marta iyo ardada ayaa keenay in ay ila tagaan walbahaaro isku guntan oo xanuun iyo laxaw badan, taas oo igu kalliftay in aan awoodi waayo in aan qormo ka sameeyo dhibaatadaas, walow ay asxaabta maqaaladeyda aqrisay qaar I soo weydiiyeen sababta aan u aamusanahay.

Naxdintaydu waa gar oo waxaan ahaa goob jooge arkayey markii uu qaraxa ku dhacay masaakiinta dushooda, kaddibna dul istaagay hilbahoodii iyo meydadkiidoo is dhex daadsanaa.

Inkastoo aan isku tilmaamo nin qalbi adag, haddana maalintaasi waxaa soo if baxday jilicsanaanteyda waayo waxa aan awoodi waayey in aan si sax ah u guto shaqadii aan goobta u soo gaaray ee aheyd in aan sawiro ka qaado gummaadka goobta ka dhacay.

Waxa goobtaas ka dhacay way ka weynaayeen masiibo, gummaadna way dhaafsiisnaayeen marka loo eego sida ay u dhaceen, meesha ay ka dhaceen iyo goorta ay dhaceenba.

Waxaa la laayey 120 qofood oo marka laga reebo 8 ka mid aheyd askartii dowladda oo ilaalo aheyd inta kale ahaayeen shacab arday u badan oo amsaakiin ah iyo dadkii jidka marayey.

Waxaa ka sii darnayd in midkii fuliyey iyo kan soo dirayba midna aanu ka diirin darxumadaas damiir u adkeysan karaahi oo aan kooda aheyn la waayey.

Bal aan ka yara sheekeeyo wixii dhacay iyo sida uu ahaa dareenka dadka igu hareereysnaa markii uu qaraxa dhacayey.

Xasuuqan laba gu jirsaday ma ahan waxa ugu daran ee shacabka heysta. Dadka Soomaaliya ku abtirsaday koodii noolaa wuxuu noqday mid xasuuqa ku dhintay, mid xasuuq suge ah, mid baqo cararay iyo mid qabriga looga tabo tagay ee la soo faagay.

Xilli ay socotay qabuuro faagis ayuu nin dhalinyaro ah oo dadka qabuuraha faagayey ag taagnaa, balse falka lagu sameynayo ahlul qabuurka aan ku qanacsaneyn wuxuu qabuurihii kaga yara haray raggii faagayey.

Ninkii dhalinyarada ahaa wuxuu soo dul istaagay qarigii la faagay ee lafaha laga soo saaray, markaas ayuu la hadlayey sida ay qabuuraha maqlayaan, wuxuuna ku yiri

“Ahlul qabuurow iska sabra reer aduunyo ayaa la xisaabinayaaye” wuxuu tani ula jeeday in raga qabuuraha faagayey ay xisaabtii aakhriro doonayaan in ay adduunka ku fuliyaan.

Sidoo kale odey ayaa isagoo masaajidka u soo socday wadada loogu aadaamay, si aan loo tacsiirin isagoo u soo ordaya misena aan masjidkii galin ayuu caqinkii bilowday, wiil dhalinyaro ah ayaa masjidka irriidiisa ka qabtay markaas ayuu ku yiri ama ganaax 100,000 Sh. So. ah dhiib ama waan ku xirayaa si laguu tacsiiro.

Odeygii wuxuu dhiibay lacagtii, kaddib ayuu wiilashii u tagay oo weydiiyey salaaddii uu dukaday in laga aqbalay iyo in kale, markaas ayey ku yiraahdeen maxaad ula jeeddaa?

Wuxuu ugu jawaabay, salaada aad iga iibsateen in la iga aqbalay waa in aad ii sheegtaan, haddii aadan ii sheegi karinna lacagteyda ii soo celiya.

Intaniba waa xogo ka mid ah dhibaatooyinka shacabka heysta, kuwaas oo barbar socday xasuuqa mar walba ka dul dhaca dadka kuwa ugu nugul oo ah ardayda, haweenka qashinka xaaqaya iyo tuugsatada.

Mar haddii qarixii Shaamo aan ku waayey asxaab badan oo uu ka mid ahaa Xasan Subeyr Xaaji, kii Hargaha iyo Saamahana waxaan ku waayey asxaab badan oo aad aan gumaadkooda uga xanuunsaday.

Asad Cabdulqaadir wuxuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo dhawr iyo toban jir ah, wuxuuna ahaa arday dugsi sare dhameeyey oo dhiganayey Jaamacad.

Asad wuxuu ka mid ahaa dhawr arday oo ay wax barashada ka dhiibayeen koox dhalinyaro ah oo aan aniga ku jiro oo saldhigooduna yahay Stockholm, wuxuuna dugsiga sare ku soo dhameeyey qarashaad aan ka dhiibi jirnay dhalinyaradaas oo aan ka soo xulnay dadka ugu daruufeysa Magaaladda si aan qoysaskoodii nolol ugu abuurno.

Bishii July ayaan si weji ka weji ah isu aragnay, anagoo ka wada qadeynay magaayadda Village eek u taala qeybta hoose ee Hooyooyinka, waxay isla Socdeen Cabdulfitaax oo isagana ka mid ahaa ardaydii aan ka dhiibeynay iskuulka.

Bashaashnimadiisii, niyad furnaantiisii iyo han weyninkiisii dhanka wax barashada iyo fariin Video ah oo uu iigu dhiibay dhalinyaradii waxbarashada ka dhiibeysay ayaa waxay keentay in Asad loo xilsaaro inuu noqdo mid xiriiriya dhalinta AAYO ee saldhigooda yahay Stockholm iyo dhalinta ku dandareysan Kaamamka qaxootiga ee waxbarashada dooneysa, tii oo uu si mutadawacnimo ah oo xilkasnimo ah uga soo dhalaalay.

Asad, oo Ubaxaasi yare e shuclada ifeysa ahaa wuxuu ka mid noqday ardaydii ku shahiiday xasuuqii Hargaha iyo Saamaha, nasiib darro marna meydkiisa kama dhex aqoonsan meydadkii aan sawidayey illaa ugu dambeyntii ehelkiisii ay nagu soo wargeliyeen in uu ka mid ahaa ardaydii la xasuuqay.

Naxdinta waxaa sii kordhinaya markii aan kuu sheego in ardaygaasi ku soo koray xero barakac ah, misena dhalinyaro uusan midna ka aqoon ay wax barasho ka dhiibeen, haddana Jaamacad dhiganayey wuxuu ka mid ahaa inta ku soo baxday liiska ardayda ku guuleysatay imtixaanka Turkiga, haye yeeshee, Asad Yare wuxuu ka mid noqday inta dhiigooda uu ku jano doontay wiilka yar ee gaariga isku qarxiyey.

Asad hadaladiisii waxaan ka xasuustaa “Sida la ii caawiyey ayaan canug walba ee dantu heyso u caawin doonaa inta aan noolahay” Waxaan dhamaan inta qoraalka aqrisay ka codsanayaa inay fariintaas Asad ficil u bedelaan oo qof walba caawiyo qof maskiin ah oo daruufeysan isagoo ka caawinaya waxbarashada, si canugaas la caawiyey qoyskiisa uu nolosha qoyska isbedel ugu sameeyo.

Koleyba inaan xaqa sheego dad baa igu dhaliili doonee dhaliishiina ku soo hagaajiya

Qalinka: Abukar Albadri

aalbadri10@gmail.com

Xogta: ALSHAHID