Xadgudubka Kenya iyo xasuuqa umadda!
Kob walba kaliila ayaa dhacaysa, kaar iyo aadaar ayaa dhan walba is haysta, kur go’an, kalxan jaban, kab shiilan, kor dubmay, kub kala fallimay, kabiir iyo saqiir haaraamaya, duqanyn Kudhaa iyo Hoosingow, kaliya mahee, gobolladaa oo dhan Kobrooyin ayaa dul heehaabaya, kor iyo garba siman u duqeynaysa, degmooyinka xadka kulaala waaba la mariyey, kumanaan ayaa [...]
Maxay Soomaalida ugu hayaan Turkiya qaddarin iyo xushmad?
Soomaaliya wexeey ka cabaneysay labaatankii sano ee lasoo dhaafay halaag iyo dhibaato iyo dhacdooyin waaweyn oo aheyd inuu baurburay nidaamkii iyo qaanuunkii, iyo dhibaatooyin isugu jira mid dabiici ah iyo mid ay sameysteen dadku oo ay ka mid yihiin qax, burcadbadeed iyo maleeshiyo hubeysan in ay burburiso qarannimadii oo ay burburiso rajadii iyo jiritaankii ummadda [...]
Doqon diran iyo daacad dabran!
“Adduunyooy nin ku doona ku waa” ayey dadku ku halqabsadaan, markay arkaan qof damaciisu dhaafsiisan yahay waxa uu mudan yahay ama hortiisa yaal, “Doqoni walaalkeed ayey u daab weyn tahay!”, murti ayaa na daalicin, mid caruureedna waxay leedahay: “Aabow ninka yar iga celi ninka weyn ayaan iska celinayaa!”, mid kale waxay ahahyd: “…. …… [...]
Gulufka xildhibaannada gaatinta Shariif Xasan iyo gaabiska dunida
Sanad Suubban. Shaki kuma jiro in hardan adagi sodo, caddayn uma baahna in maadaxa la iskula jiro, waa marag ma doonto in la ismari la’yahay, haddana markaad eegto sida wax u dhacayaan, kulamada isdaba joogga ah iyo kooxaysiga karaar qaatay, hubaal inay wax soo higleeyihiin, maalmaha foodda nagu soo haya ee sanadka cusub ugu horreeya, [...]
Shirka Garoowe: gogol shabaqa iyo gar shiilan
“Labadii Laqdabo ku heshiisa Lillaahi ayey ku diriraan”, murti baa na daalicin, mid kalana waxay leedahay: “Laqdabo iyo Lillaahi meel ma wada galaan”, midda hore waa labo luggooyo isla meeldhigay, ugu dambayn inay daacadnimada ku dagaalayaan, tan dambana waa siday u kala fogyihiin qof daacada iyo qof daalline, oo aan laga yaabin inay marna kulmaan, [...]
Tarzan: Tallaabadii shalay iyo Taagsiga maanta
Magac ninba su ku hel, muunad ninba si ku doon, maamuus ninba si ku muday, maal ninba si ku soo xereey, maamul ninba si ku gaar, maarayn ninba si u jeex, mehered ninba si ugu mashquul, murti ninba si u deeqday, maan ninba si uga shaqaysii, maskax ninba si ugu feker, maaweelo ninba si ku lumi, [...]
XASUUQII LABA GU’ JIRSADAY
Seddaxda bishan Diseember waa maalin ku asteysan naxdin iyo argagax laga dhaxlay xasuuq gardarro huwaday ee lala eegtay arday shahaadooyin ka qaadaneysay Jaamacadda Banaadir. Maalintan waxay astaan u noqotay mugdi hareeyey shacabka, kaddib markii biri mageydo lagu laayey goob farxadeed loo bedelay goob argagax. Shaki kuma jiro in qofkii fuliyey iyo kii soo abaabulay intaba [...]
Xadgudubka Xabashida shalay iyo maanta
Sooyoolku waa ma duugoobe aan doorsoomin, duniduna waa harka labadiisa gallin, marba dhinc u weecanaya, tagtadaa harta, kayd iyo bakaar quud maanna noqota, reebta wanaag ama xumaan, ka dhalata hadba sida loola falgalay joogtada, timaaddadana u ah himilo iyo hanqaltaag, ama heeryo culus iyo hanasho waa!, horumar iyo higasho dhaliso, habacsanaan iyo dibaanimo horseedda, garaad [...]
Wadaadka Wadanka ha laga qabto!
Sabanka jadbada jihaadka, waxaa soo baxday dhaqan xumada wadaadada, kolkii hore waxaa dhaleecaynta lala duljoogay siyaasu ku sheegga qabqablaha iyo dagaal oogaha, oo lagu asteeyey dhiigyo cabyo aan cidna u aaba dayin, waxaase tartankii dahsoonaa ee laynta umadda iyo dhibaataynteeda uga dheereeyey kaalinta koowaadna ka ka galay “WADAAD”. Gar dheer qayd cad tafo xaydan iyo [...]
Duulaanka Kenya Kasmo la’aan iyo Karti yaraan!
Oodqaad “Bowdo rag maalinba midbaa qaawan”, maahmaah ayey ahayd, adduunyana waa laba gallin oo is daba maraya, guhaad iyo gacalnimo ayey u dhaxaysaa, waxaan uga jeedaa, yaa maanka galiyey in Kenya ku soo duulayso Soomaaliya? Yaa saadaaliyey in Kenya galayo hammiga intaa la eg? Yaa hiyiga gashtay in Kenya u soo kooraysanayso inay Soomaaliya [...]