Shabakada Alshahid » Saciid Cali Xasan

Awoodda Shabaabku ma sii jiri doontaa
Maqaal hore oo aan ku magacaabay “Shabaab yaa horta koriyay” ayaan ku soo bandhigay sababaha uga waaweyn ee ururka Al-shabaab siiyay awooda uu maanta leeyahay. Culimada diinta oo doorkii laga filayay gudan waayay, ururadii Islaamiyiinta Soomaalida ee la yaqanay oo ay saamayntoodii yaraatay iyo taageerada fikradeed iyo khibradeed ee ururkani uu ka helay ururada ay fikirka wadaagaan ee ka jira caalamka Islaamka ayaa ugu waaweyn sababaha xoojiyay awooda ururkan. Inkasta oo uu ururkani maanta yahay quwad aan la inkiri karin hadana su’aasha mudan in la is waydiiyaa waxa weeye quwada ururkani ma sii jiri doontaa waqti dheer mise waxa ay u burburi doontaa sidii ay u burburtay awoodii ay lahaayeen ururo badan oo ururkan uga soo horeeyay masraxa siyaasada Soomaalida? Qaybka Ilaahay uun baa og laakiin waxa aan ku doodaynaa in dariiqa uu ururkani ku socdaa aanu ahayn dariiq caawinaya in ururkani uu sii jiro mudo dheer. Doodana waxa aan u cuskanaynaa arimahan soo socda:

Fikrado Xag Jirta

Mabaadiida ururkani waa mabaadii xag jirta oo aan ka duulayn mabaadiida dhexdhexaaadka ah ee diinta Islaamka. Xag jirnimo ka wayni ma jirto fikrada odhanaysa “ama aniga I soo raac ama MURTAD(qof diinta ka baxay) baad tahay”. Fikradaha ururkani waxa ay mujtamaca u qaybiyeen “Mujaahidiin” mudan in la taageero iyo “Murtad” uu dhiigiisu banaan yahay. Aragtida Shabaabka ee ah in aanay jirin cid aan iyaga ahayn (cuilmo iyo caamaba)oo mudan in ay qabtaan hogaanka Soomaalidu, iyana waa aragti kale oo xag jirta. Maamulada Soomaalida iyo Muslimiinta oo dhami-agtooda- waa maamulo ay gaalo ku shaqaysanayso oo mudan in la burburiyo. Isqarxinta, diidmada wadahadalka, waynaynta arimo yar yar iyo yaraynta arimo waaweeyn, dhamaan waa fikrado ka fog fikradaha dhexdhexaadka ah ee ay diinta Islaamku ku yaboohayso. Way adagtahay in urur ay sidaas fikradihihiisu u xag jiraan uu sii jiri karo waqti dheer.

Caalamka oo dhami waa u cadow

Nin ka tirsan Shabaabka oo maalin dhawayd ay idaacad kuwa Afsoomaaliga ku hadashaa warysanaysay ayaa waxa uu ku hanjabayay in shabaabku ay aduunka oo dhan hujuum ku yihiin. Itoobiya, Keneya, Eretariya, Ugaandha, Amerika iyo Yurub intaba waxa uu lahaa “Qaadimuun” yacnii waan idinku soo soconaa. In caalamka oo dhan aad u aragto cadaw mudan in la hujuumo waxa ay sabab u noqonaysaa in uu caalamkuna adiga kuu arko cadaw mudan in la baabiiyo. Aduun la dagaalanku waa fikrad aan sax ahayn oo ka turjumaysa wacyiga hoose ee uu ururkani u leeyahay quwadaha caalamka ka jira iyo qaabka ay u dagaalamayaan. Mudo laba sano ku dhaw ayay Shabaabku askar aan badnayn oo Ugaandhiisa Muqdisho ka saari kari waayeen, ee su’aashu waxa ay tahay xagee ayay ka keenayaan quwadan ay caalamka oo dhan (Muslim iyo gaalba) ugu goodinayaan. Siyaasadaha noocan ah ee  Shabaabka ayaa ugu danabaynta sabab u noqon doonta in si xeeladaysan la isaga kaashado sidii loo burburin lahaa ururkan. Soomaaliya aduunka maanta waxa looga arkaa meel ay ku gabanayaan dad khatar ku ah caalamka oo dhan. Waqtigii ay aduunka iyo  Shabaabku ay si dhab ah isugu dhacaana waa ay adkaan doontaa in ay dhaliinyaradani ka badbaadaan burbur.

Urur aan Dan Soomaaliyeed wadin

In lala safto ururo uu caalamka oo dhami  la dagaalansan yahay, in indhaha caalamka Soomaalida lagu soo jeediyo, in la diido nidaam dawladnimo, arimahaas oo dhami ma aha arimo ay danta Soomaaliyeed ku jirto. Waana Sababtan sababata ay dad badan  oo Soomaaliyi maanta uga soo horjeedsadeen urukan. Burburka Shabaabku kama imin doono dagaal kaga yimaada quwado aan Soomaali ahayn ee waxa uu ka iman doonaa kacdoon ka bilaabma gudaha dhulka ay xukumaan iyo diidmada shacabka ay ku dhex nool yihiin ee ay maanta maamulaan. Dad aan raali kaa ahayn in aad maamusho oo aad waqti dheer hor joogtaa way adagtahay, waaqicuna waxa uu sheegayaa in Shabaabku aanay waqtigan taageerayaal badan ku lahayn Soomaalida dhexdooda.

Taariikhdu waa markhaati

Laga soo bilaabo waqtigii Sayid Cusmaan ilaa iyo waqtigan aynu joogno marar badan ayaa waxaa caalamka Islaamka ka soo baxay ururo aan fikirkooda siyaasadeed aanu aad uga fogayn fikirka siyaasadeed ee Shabaabka. Way dhacday in qaar ka mid ah ururadaasi ay waqti ahaayeen quwad jirta laakiin quwadoodu ma ahayn mid waqti dheer sii jirta. Kuwii ugu danbeeyay ururadaas waxa ka mida Al-qaacidii ka dagaal galaysay wadanka Ciraaq, Jihaadiyiintii Aljeeriya iyo Jihaadiyiintii Masar. Dhamaantood maanta waa uun magac aan awood lahayn. Mustaqbalka Shabaabkuna kuwaas ma dhaamayo waa hadii aanay fikradahooda iyo siyaasadahooda wax  wayn ka badalin.

Xogta: ALSHAHID

Rajminta Al-shabaab, xisbul Islaam Iyo Shareeecadda Islaamka
Wararkii Soomaalidda ee usbuucyadii ina dhaafay waxa ka mid ahaa war sheegayay xukum rajmina oo ay fuliyeen kooxda Xisbul Islaam ee ka talisa magaalada Afgooye. Soomaliddu fasiraada dhacddadan iyo kuwii la midka ahaa ee ka horeeyay waa ay isku khilaafeen. Qolo  waxa ay ku doodeen in rajmintani ay tahay mid loogu gargaarayo shareecadda Islaamka. Qole kale waxa ay falkan u arkaan fal arxan dara ah oo waliba dulmi ku ah kuwii lagu fuliyay xukumkaas, qolooyinkan qaarkood  waxa ayaba  aaminsan yihiin in xukumka rajmintu aanu ku soo aroorin shareeceada Islaamka ee uu yahay mid laga soo guuriyay kutubtii umadihii hore. Qolo sadexaad, iyagu may diidin in rajmigu uu yahay xukum ka mida axkaamta shareecada Islaamka laakiin waxa ay shaki wayn galiyeen daacaddnimada kooxaha fulinaya xukmka ee Al-shabaab iyo Xisbul Islaam. Qoladani waxa ay ku doodayaan  in hirgalinta xudduudu ay u baahantahay dawlad ee aanay koox yari kaligeed hir galin karin, sidaas oo kale waxa ay ku doodayaan in aanay kooxahani u marin fulinta  xadkan wadadadii ay shareecadu u dajisay. Hadaba yaa saxsan? Yaa qaldan? Maxay shareecadu ka qabtaa rajminta? Waddadee ayaase loo maryaa hirgalinta xaddkan? Su’aalahaasi waxa ay ka mid yihiin su’aalo ay dad badani is waydiinayaan, waana su’aalaha aan jawaabtooda ku eegi doono qormadan.

Shareecaddu ka balaadhan xuduud

Xuduuddu waa qayb yar oo ka mida axkaamta diinta Islaamka. Axkaamta diinta Islaamka waxa uu Ilaahay u soo dajiyay in ay bani’aadmiga u horseedaan nolol fiican. Waxyaabaha uu Islaamku aadka ula dagaalamay ee mujtamacyada burburiya waxa ka mida sinada (galmada aan xalaasha ahayn). Qof kasta oo caqli leh  kama qarsoona caaqibo xumada ay sinadu u leedahay qofka iyo mujtamaca xumaantaas banaysta. Raad xuma wayn ayuu ficilkani ku yeeshaa mujtamaca khaasatan hadii qofka ficilkan samaynayaa uu yahay qof xaas ah amaba hore u soo guursaday. Diinta Islaamku dhaqan xumaddan iyo inta samaynaysaba  dagaal wayn ayay ku qaaday,  waxaana ay u samaysay axkaam khaas ah oo ay kaga hortagyso in ay dhaqan xumadani ku faafto mujtamaca dhexdiisa.

Kala duwanaanta qawaaniinta

Inta aanaynu axkaamtaas ka hadal waxa muhiim ah in la isla fahmo in umaduhu ay ku kala duwan yihiin qaab ciqaabeedka ay ku abaal mariyaan danbiilayaasha sharciga jabiya. Sharci (qaanuun) dad ula eeg in uu adagyahay ayaa dad kale ula eeg in uu munaasib yahay. Tusaale ahaan, ciqaabta “Dilka”  wadamada Yurub iyo Kanada waxa ay u arkaan mid qaladan, adag oo xuquuqda qofka ka hor imanaysa, wadanka Maraykanka iyo wadamo badan oo kale se waxa loo arkaa  in ay tahay ciqaab sax ah, miisaaman, oo lagu abaal marinayo danbiilayaasha qaarkood. Dadka ciqaabta shareecada Islaamka u arka in ay tahay mid aan naxariis lahayn waa dad jaahil ka ah nidaamka uu Islaamku ula dagaalamo danbiilayaasha iyo danbiyadaba. Waxaan ku doodaynaa in aanay qawaaniinta Islaamku adkayn isla markaana uu wanaaga mujtamacu ku jiro ku dhaqankooda, waase hadii loo hirgaliyo sidii/waqtigii ay diintu jidaysay.

Rajminta iyo diinta Islaamka

Axaadiis saxiixa oo ku sugan kitaabka Bukhaariga iyo Muslimkuba waxa ay sugayaan in rajmigu yahay mid uu nabigu(csw) ficil ahaan uu sameeyay isla markaana uu asxaabtiisa faray in ay sameeyaan. Afarta mad-hab na waa ay isku waafaqeen sharcinimada arinkan. Waxaba uu soo wariyay Iimaamka la yidhaa Ibnu Qudaamah in culimada Islaamka ee lagu kalsoonyahay ay dhamaantood isku waafaqeen sharcinimada arinkan. Sidaa si le’eg ayuu Sheekha Shawkaani la yidhaa soo wariyay. Waan arkay dad diidan jiritaanka ciqaabtan lakiin taageero badan oo daliil ku dhisan ma haysataan. Waa laga doodi karaa qaabka/waqtiga loo dabaqayo xukumkan laakiin in laga doodo jiritaankeedu waa waqti lumis.

Si kooban sharcigan waxa lagu fulinayaa qofkasta oo sinaysata oo xaas ah amaba guur hore u soo maray. Ciqaabtan si loo hirgaliyose shareecadu waxa ay u dajisay shuruudo iyo jaranjarooyin loo maro fulinteeda. Si ciqaabtan loo hirgaliyo waa in marka hore la sugaa in falkani dhacay. Shareecadu waa ay adkaysay sida lagu sugayo falkan, waayo ujeeddada ka danbaysay hirgalinta xukumkani waa in ay dadka cabsi galiso si aanay dhaqan dhaqankani u noqon mid mujtamaca ku dhex faafa.  Aynu bal hadaba isla eegno qaabka ay shereecadu u sugayso falkan:

Qirasho: Waa in uu qofku qirto in uu sinaystay isla markaana uu rabo in lagu fuliyo sharcigan. Si qirashada qofkaas loo aqabalo waa in uu qaadigu hubiyaa in qofkani waxa uu qiranayaa ay run tahay. Waa in uu sidoo kale hubiyaa in caqligiisu fayowyahay isla markaana aanay jirin cid qofkan ku qasbaysa qirashada arinkan. Waxa la soo wariyaa in nin uu nabiga u yimid oo uu u qirtay in uu sinaystay isagoo xaas ah. Nabigu(csw) waxa uu waydiiyay dadkii- ay ninkaas tolka ahaayeen- in caqligiisu uu dhan yahay iyo in kale. Waxa ay tolkiis u sheegen nabiga in aanay  waali ku ogayn ninkaas. Intaas kadib nabigu (csw) ninkii ayuu waraystay si uu bal u hubiyo waxa uu ninkani sheegayaa in ay sax tahay iyo in kale. Su’aalo badan ayuu waydiiyay oo aad dareemayso in uu nabigu rabo in uu qiil u raadiyo ninkaas. Markii uu qofkaasi si cad u qirtay in uu ficilkaas sameeyay isla markaana uu nabigu hubiyay in maskaxdiisu ay dhantahay ayuu amray in la rajmiyo. Hadii uu qofku qirto sinada oo uu dabadeed ka noqdo qirashadaas maxaa la yeelayaa? Waa in la aqbalo ka noqoshadiisaa, waa hadii aanay jirin daliil kale oo aan ahayn qirashadiisaas oo qofka lagu hayo. Sidaas ayay culimo badani qabaan. Mida kale waa in uu afar jeer oo kala duwan uu qaadiga hortiisa ka qirtaa in uu ficilkan sameeyay.

Markhaatiyo : Mida labaad ee ay ku sugmaysaa waa in la helo 4 markhaati oo aan been iyo xumaan lagu ogayn oo qiraya in ay arkeen qofkaas oo xumaantaas samaynaya. Qaadigu waa in uu hubiyaa in markaatiyadani waxa ay sheegayaan ay hubaan. Waa in uu waydiiyaa waqtiga , meesha iyo waxa ay arkeen in uu qofkaasi samaynayay. Waa in baadhitaan xoogan uu qaadigu ku sameeyaa markhaatiyadaas waayo markhaati furkoodu waxa uu sabab u noqon karaa in qofkaasiuu naftiisa waayo.

Uur: Culimada qaar ayaa qaba in hadii gabadhu ayna xaas lahayn, isla markaana ay uur yeelato in xadka lagu qaado. Laakiin inta badan culimad muslimiintu waxa shardi ka dhigayaan in ay gabadhu ay qirato in ay si xor ay iyadu sinada u samaysay.. Waana sida saxa ah, hadii kale waxa dhici karta in gabadh la kufsaday waliba oo iyadu dulman in  xad lagu oogo.

Arimahaas oo dhan hadaad si xeel dheer ugu fiirsato waxa kuu soo baxaya in Islaamku uu xadkan ku oogayo laba qolo oo kaliya. Qolo waa qolo uu damiirkoodu u saamixi waayay in xumaan ay sameeyeen ay aakhiro Ilaahay la hor tagaan. Inkasta oo ay ka toobad kani kareen, hadana damiirkooda ayaa siin waayay in ay qarsadaan ficilkaas.Sida caadiga ah waa ay adagtahay in danbiilayaashu ay danbigooda qirtaaan. Taariikhduna ma sheegin dad badan oo ficilkan qirta. Qoloda kale waa qolo xumaanta suuqyada la yimid, oo dhaqan xumadooda la yimid meel cid kastaba arkayso. Way adagtahay ayaan is leeyahay in la helo afar markhaatiya oo markhaati ka noqda in ay arkeen dad xumaantan faraha kula jira, waa hadii aanay dadkaasi ahayn dad dhaqan xumadoda meel kasta la taagan.! Sheekha la yidhaa Dr.Yusuf Al-qaradawi waxa uu ku fatwooday xitaa hadii Kamarad la qariyo oo qofkaas xumaanta uu samaynayo laga duubo isaga oon ogayn in aan xadka lagu oogayn,  waayo  waxa loo baahan yahay ayuu yidhi in la helo afar qof oo iyagu ficilkaas arkayay.

Xuduudda Xisbul Islaam iyo Al- Shabaab

Intaas ka dib, waxa aan ku doodaynaa in aanay kooxahan Soomaalidu ee leh xad baan oogaynaa aanay la imanin dhamaanba arimhii looga baahnaa hirgalinta xuduuda Islaamka. Culimo badan oo leh kuwa hore iyo kuwa iminka joogaba waxa ay sheegeen in xuduudda  hirgalinteedu ay u baahantahay nidaam dawladeed ee aanay koox amaba shakhsiyo hirgalin karin. Waxa ay u baahantahay qaadiyo faham fiican u leh nidaamka ciqaabta ee ay shareecada Islaamku doonayso. Waxa ay baahantahay nidaam maxkamadeed kala sareeya oo suga danibiga danbiilaha lagu soo oogayo. Waxa ay baahantahay in la hubiyo caqliga qofkan lagu qaadayo xukumka. Ma aha arin fudud in qof naftiisa la qaado ama xubin muhiim ah oo jidhkiisa ka mida la gooyo, sidaa daraadeed waxa ay u baahan tahay degenaanshiiyo iyo hubsiimo badan. Si axkaamta Islaamku u hirgasho waa in la helaa nidaam garsoor oo ay dadku kalsooni ku qabaan. Waa doodayda in aan shuruudahaas wali la hayn.

Hadii afartii wadaad ee magaalo joogaaba inta ay qof danbi ku soo oogaan, sawiro ka qaadaan, dabadeedna ay yidhaahdaan shareecad baan dabaqaynaa ee na daawada, taasi dabaqaad shareeco noqon mayso ee waxa ay u eekaanaysa ku ciyaarid shareeco. Waxaana laga yaabaa hadii sidaas wax ku sii wadaan in waqtiga aan fogayn ay ay dad badan diintooda ka fidneeyaan.

Khaladka Saxaafadda

Ugu danbayn, qolooyinka warfaafinta-ee sawirada ciqaabaha soo tabiyaa-waa in ay iyaguna hab dhaqankooda saxaafadeed dib u eegaan. Wadamad xuduudda ooga sida Sucuudiga oo kale wali ma arag meel inta wariyayaasha loo yeedho la yidhaa kaalaya qofka la dilayo sawira, ka dibna sawiradii la soo galiyo internedka iyo you tubeka oo ciyaal iyo ciroolaba daawanayaan. Taasi dhaqan saxaafadeed ma aha ee waa in ay qolooyinkaai dib isugu noqdaan oo ay ka fiirsadaan sawirada ay soo gudbinyaan,.Dadka ay soo sawirayaan xurmo ayay leeyihiin xitaa hadii ay danbiilayaal yihiin…

Xogta: ALSHAHID

Soomaalidda qurbaha iyo xidhiidhka Al-shabaab
Duruufaha  dhaqaale iyo siyaasaddeed ee ka jira dhulalka ay Soomaaliddu degaan waxa  ay sabbab u noqdeen in dad badan oo Soomaaliyeed ay hoy ka dhigtaan  qurbaha- khaastana wadamada galbeedka. Dhibaatooyinka caruurta,  khilaafaadka qoysaska, dhaqaalo yirida iyo la qabsi la’aanta nolasha  wadammada loo soo qaxay waxa ay ka mid yihiin dhibaatooyinka ay  Soomaalidu kala kulmeen hoygoodda cusub. Dhalliinyaro Soomaaliyeed oo ku  barbaaray wadamada galbeedka oo mudooyinkan danbe la sheegay in ay  tageen Soomaaliya si ay ugu biiraan ururka Al-shabaab ayaa iyadu noqtay  dhibaatooyinkii ugu danbeeya ee soo waajaha Soomaalidda qurbaha.  Maqaalkan waxa aan ku eegi doonaa saamaynta uu jaaliyaddaha qurbaha ku  yeellan karo xidhiidh dhex mara dhalliinyarada Soomaalida ee qurbaha  degan (qaarkood) iyo ururka Al-shabaab. Sidaas oo kale waxa aan ku eegi  doonaa waajibka arinkan ka saraan waalidka iyo, culimadda jaaliyaddaha  Soomaaliyeed ee galbeedka degan.

Saamayanta xidhiidhka Al-shabaab

Sida ay qirayaan  madaxdiisa Soomaalidda ahi, ururka Al-shabaab waa urur ka tirsan ururka  Al-qaacida. Al-qaacidana sida la ogyahay waa urur dagaal kula jira  caalamka oo dhan, waa urur ay waddamo badani u arkaan in uu khatar ku  yahay amnigoooda. Sidaa daraadeed ku biirida iyo taageerida Al-qaacida  iyo ururada kale ee ay fikirka wadaagaanaba waxa ay waddamo badan ka  yihiin danbi qofkii sameeya lagu ciqaabayo.

Dhalliinyarada  Soomaliyeed ee la sheegay in ay ku noqdeen Somaaliya, waddamadii ay ka  tageen waxa looga arkaa dad ku dhacay fal danbi oo hadii/markii ay soo  noqdaan khatar ku noqon kara amniga waddamadaas. Saamaynta tagitaanka  dhaliinyaradani kuma koobna oo kaliya nolosha dhaliinyaradaas ee waxa uu  saameeyay waaliidkii, saaxiibbadii, masaajiddadii (ay dhaliinyradani  kuxidhnaayeen) iyo dhamaan cid kasta oo ay dhaliinyaradani xidhiidh la  lahaayen. Masaajiddkii ay maalmo galeen wuxuu noqday mid farta lagu  fiiqo, sheekh kasta oo ay maalmo la fadhiisteen waa in la baadho in uu  isagu ka danbeeyay noqoshadooda iyo inkale, qof kasta oo ay la  saaxiibeen waa in la hubiyo in uu Al-shabaab xidhiidh la leeyahay iyo in  kale. Si guud, tagitaankooddu waxa uu saamayn aan yaryn ku yeeshay  jaaliyadaha Soomaaliyeed ee degan meelihii ay dhalinyaradani ka tageen.

Masuuliyadda  waalidaka

Waaqican cusubi waxa uu waalidka  Soomaaliyeed ee galbeedka ku nool hordhigayaa masuuliyad cusub oo waliba  culus. In waalidku uu caruurtiisa tarbiyadeeyo kana badbaadiyo  dhaqannada xun xun iyo in markii ay caruurtaasi toosaan laga badbaadiyo  in ay ku dhacaan dabinka Al-shabaab iyo ururada la fikirka ahi ma aha  shaqo fudud. Wadamada galbeedka marka uu qofku gaadho 18 sano jir waxa  loo arkaa qof wayn, waxa go aya xidhiidhkii sharci ee u dhexeeyay  qofkaas iyo waalidkii dhalay. Marka uu qofku da’daas gaadho waxa uu xaq u  leeyahay in uu baasaboor qaato, lacag amaahdo, tigidh iibasado iyo in  uu meeshii uu doono maro. Tani waxa ay cuslaysay masuuliyadii waalidka.  Waxa sidaas oo kale masuuliyada waalidka sii cusleeyay tiknoolajiyada  casriga ah ee fududaysay in qof degan galbeedku uu xidhiidh adag la  yeesho qof ku nool beriga oo aanu waligii arag. Arimahaas oo jira hadana  waqtigan xaadirka ah waxa muhiim ah in uu waalidku la socdo isbadalada  ku dhacaya nolosha ubadkiisa. Waa in uu waalidku ka war hayaa cida ay  caruurtoodu la saaxibbayaan, waxa ay dhagaysanayaan iyo meelaha ay u  dhoofayaannba. Si uu waalidku u guto masuuliyadda saarana waxa khasab  noqonaysan marxaladdan lagu jiro in uu waalidku kordhiyo cilmiga uu u  leeyahay diinta Islaamka iyo waliba aragtiyaha dhaqdhaqaayda (ururada)  Islaamiyiinta.

In ubadka laga badbaadiyo  daroogada, jeel iyo dhaqan xumadu waxa ay waalidka Soomaaliyeed ee  qurbaha ku nool ku ahayd culays. In caruurtii cuduradaas ka badbaaday  laga badbaadiyo darafka kale ee ay matalyaan ururada fogaaday sida  Al-shabaab iyo Al-qaacida waa culays kale oo ku soo biiray culyskii hore  ee waalidka Soomaaliyeed. Waase culays ay waajib tahay in isna la  waajaho.

Masuuliyada Culimada

Lama dafiri  karo doorka ay culimada Soomaaliyeed ee qurbuhu ku leeyihiin ilaalinta  shaksiyadda qofka Soomaaliyeed ee qurbaawiga ah. Dhisidda masaajiddo ay  jaaliyadu ku cibaadaysato, barida Quraanka ee ubadka soo koraya,  faafinta duruusta diiniga ah ee jaaliyadda lagu wacyi galinayo, ka  jawaabida su’aalaha diinta ee ay jaaliyadu u baahantahay iyo qabashada  shirar diiniya oo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee qurbaha deggani ku kulmaan  waxa ay ka mid yihiin shaqooyinka ay culimada Soomaaliyeed ee qurbaha  daggani u hayaan jaaliyadooda. Waxaanse shaki ku jirin iyana in  xidhiidhka ka dhaxeeya dhaliinyarda iyo culimada Soomaalida ee qurbuhu  aanu adkayn, marar badana aabanu jirin. Xidhiidh la’aantaasi waxa ay  fududaysay in mararka qaarkood ay dhaliinyarada qaarkood xidhiidho la  samaystaan ururo uu fahankooda diintu xag jiro laakiinse ku hadlaya  luqad ay dhaliinyaradaasii fahmi karaan. Sidaa daraadeed waa in  masaajidada Soomaalida iyo culimadooduba ay adkeeyaan xidhiidhka ay la  leeyihiin dhalinyarada. Waa in la soo saaro culimo dhalinyaro ah faham  fiican u leh diinta Islaamka iyo waaqic nololeedka dhaliinyarada qurbaha  ku nool. Ugu danbeyntii waa in ay culimadu ay si cad uga digaan fitnada  iyo dhibaatooyinka ka iman kara qaadashada fikirka ay xambaarsan yihiin  ururada sida Al-shabaabka oo kale ah.

Xogta: ALSHAHID