Shabakada Alshahid » Xasan Xundubey

Diinta saxda ah iyo tan Sumaysan kala saara.
Diintta saxda ahi waa diin nabadeed, waana Diin naxariiseed, waxaana markaati iyo tusaale u ah waxyaaba far badan oo ay ugu horeyso:

Salaanta islaamka ee ah {السلام عليكم ورحمة الله وبركاته} micneheedana waad wada ogtihiin oo waa{Nabad iyo Naxariis Allaha ku siiyo} Salaantii cid waliba loogu talagalay in lagu salaamo, ayaa Nabad iyo Naxariis ah.

Allaah {سبحانه وتعالي} waxa uu leeyahay 99 magac, waxaana uu u doortay in Bisinka  la raaciyo, labadaan magac ee ah {الرحمن الرحيم} labadaas ayaa bisinka oo wax kasta oo wanaagsan lagu bilaabo la daray, labaduna waa {naxariis badane} mrka waxa ay ku tusaysaa in naxariistu Diinta Tiir u tahay. Ala { سبحانه وتعالي } waxa uu Suurada {Al-acraaf} Aayada {156} ku yiri {ورحمتي وسعت كل شىء}oo macnaheedu yahay [naxariistaydu ayadaa wax waliba ka balaaran] Marka Naxariistu Diinta Islaamka ayadaa Saldhig u ah, hadii si sax ah loo fahmo, oo aysan qalooc-qalooc kuu gelin.

Suuradda la yiraahdo {النساء } Aayada{29} waxaa Allaah {سبحانه وتعالي }uu ku yiri asagoo annaga nala hadlaya {ولاتقتلوا أنفسكم ان الله كان بكم رحيما} oo micnaheedu yahay {ha is layna, Alla waa mid idiin naxariistee}. Marka u fiirso, naftiina badbaadsa ayaa nala leeyahay.

Rasuulkeenna {عليه الصلاة والسلام} waxaa Allaah {سبحانه وتعالي} ku magacaabay {بالمؤمنين رؤوف رحيم}waa Aayada {128}ee Suurada {التوبة} macneheedu waa {Rasuulku waa mid muuminiinta u turid-badan, una naxariis badan}.

Allaah {سبحانه وتعالي}waxa uu  Suurada {الأنبياء} Aayada{107} ku yiri asagoo lahadlaya Rasuulka{وماأرسلناك الارحمة للعالمين} oo macnaheedu yahay: {waxa aan kuu soo dirnay oo kaliya, in aad Aduunka naxariis u tahay}.

Allaah {سبحانه وتعالي} waxa uu Suuradda {أل عمران}Aayada {159} ku yiri {فبما رحمة من الله لنت لهم ولو كنت فظا غليظ القلب لانفضوا من حولك } oo micnaheedu yahay {naxariis Ala  ku siiyay darteed ayaad dadka ugu debacsanaatay, markaas ayay ku jeclaadeen oo ay ku raaceen, ee hadii aad ahaan lahayd mid Qallafsan oo qalbi-dhagax ah way kaa kala yaaci lahaayeen.}

Marka u fiirso waxa lagu raacay Rasuulka waxa ay ahaayeen {Naxariis iyo Debacsanaan} ee ma aha sida wadaada fara badan, oo ama aqoonta diintu ku yartahay, amaba fahamkeedu ku qaloocday ay wax ku raadinayaan. Waxa ay la tahay in Xabad sanka dadka laga geliyo xal ku iman karo!

Rasuulkeenna {عليه الصلاة والسلام} markii uu magaalada Makka qabsaday ee uu gacanta ku dhigay Gaaladii waaweyneed ee isaga ka soo cayrisay, Muslimiintana baabi’isay, waxaa dhacay wax aan la filayn. Rasuulku wuu sii daayay, Waxana uu ku yiri {اذهبوا فأنتم الطلقاء} {iska socda xur baad tihiine} Bal fiiri heerka Naxariiseed ee Rasuulkeenii { عليه الصلاة والسلام } uu gaaray.

Waxaa xusid mudan in Rasuulku dagaalkaan Maka uu u galay, in uu daafaco, isbahaysi uu rag Gaala ah la lahaa, oo Gaala kale ku soo duuleen.

Rasuulkeenna{عليه الصلاة والسلام} markii Makka laga eryay, ee uu magaalada Daa’if aaday, si uu garab uga helo, ee Reer Daaa’if ayaguna xumeeyeen kuna kacsheen wax-magaradkii ee la dhagxeeyay ee dhiiga laga daadiyay, ee asagoo xaaladaa ku jira ee go’doonsan loo soo diray Malaga qaabilsan Buuraha, ee Malagii ku yiri: ma ku rogaa buuraha? Rasuulkeena waxa uu yiri{اللهم اهد قومي فانهم لايعلمون}{Allaw dadkayga soo hanuuni, waxba lama socdaane }. Wuu diiday in la halaago, weliba wuu u sii ducaynayaa.

Rasuulku markii uu Daa’if ka soo noqday ee uu Maka ku soo noqon lahaa, waa loo diiday in uu ku soo noqdo, waxaa megen gelya siiyay nin Gaal ah oo reer Maka ahaa, oo isugu yeeray reer Maka una sheegay in aan cid la hadli kartaa jirin. Rasuulkuna markii uu Maka qabsaday ninkaa abaalka uu u hayo ayuu sheegay. Marka arrintu waa wada noolaasho, ee cadaawa joogta ah ma jirto.

Rasuulku dagaalkii Xunayn markii uu dhamaaday, waxa uu 300 oo geel ah siiyay nin Gaal ahaa, laakin madaxda gaalada ka mid ahaa, oo la yiraahdo Safwaan Ibni Umaya. Waxaa aritaa ka carooday Ansaar, laakin Rasuulku waxa uu si degan oo naxariis leh ugu sheegay in uu ula jeeday in Safwaan iyo inta raacsan ay soo Muslimaan si Naar looga badbaadiyo. Marka u fiirso Naxariista Rasuulka iyo inta uu ku dadaalayay in uu dadka ka badbaadiyo Cadaabta.

Rasuulku markii uu ka qaxayay {haajirayay} Maka ee uu u qaxayay Madiina, safarkaasi waxa uu ahaa kii ugu adkaa, ee uu weligii galo. Waxaa loo raadinayay si aan caadi ahayn, waxaana loo balan qaaday 100 geel ah cidii war ka keenta. Safarkaa isaga ah waxa uu isku aaminay oo uu mas’uul uga dhigay in uu fuliyo, Macalina ka noqdo nin aan Muslim ahayn, ninkaasina hawsha, waxa uu u fuliyay sidii ugu haboonayd. Marka u fiirso Rasuulku cid walba xariir wanaagsan ayuu la lahaa.

Rasuulku markii uu arkay in Saxaabadiisii aynan Maka ku noolaan karin, dhibaatooyinka lagu haayo darteed, waxa uu u diray in ay {Al-najaashi} oo aan Muslim ahayn megen galaan, laakin Rasuulku uu cadeeyay in uu Cadaalad yahay, cadaaladaana muhiim ah. Culimada Islaamku waxa ay cadeeyeen in Dawlad Gaala maamusho, laakin Cadaalad ahi, ay muda dheer jiri karto, laakin Dawlad Muslim maamulo, oo Cadaalad la’an ahi muda dheer aysan jiri karin. Sababtoo ah Cadaalada ayaa saldhig u ah wax walba oo horumar Aduun iyo Aakhiro.

Markii Rasuulkeennu {عليه الصلاة والسلام} uu Madiina yimid, waxaa ka xumaaday imaashihiisa nin la yiraahdo C/laahi Ibnu Ubay Al-salool oo isga loo caleema saarayay in uu noqdo hoggaan cusub. Ninkaasi – oo Islaamnima aan jirin sheegan jiray – waxa uu hogaan u noqday dadkii Rasuulka iyo hawshiisa colaadda u hayay, waxana uu isbahaysi qarsoodi ah la lahaa cid kasta ee Rasuulka iyo diinta Islaamka la dagaashan.

Rasuulkuna wuu ogaa arinkaas, wuuna u adkaysanayay muda 13 sana ah oo uu Rasuulku Madiina joogay. Waxaana dhawr jeer la isku dayay in Rasuulka laga dhaadhiciyo in uu ninkaa dilo, laakin rasuulku waxa uu ku jawaabayay mar waliba {ma waxaad doonaysaan in lagu sheekaysto Muxammad Asxaabtiisa ayuu dilayaa} ileen ninkaan waxaa aduunkaa kale looga yaqaan in uu Muslim yahaye.

Rasuulkeenna{عليه الصلاة والسلام} waxaa caada u ahyd in uu qofka waxa uu si muuqata u samaynayo loo tix-geliyo, oo aan la dhihin daacad kama aha, wax caada u ahayd in uu yiraahdo qalbigiisa miyaad baarteen adinku. Marka in la qodqodo oo la dabagalo, ma jeclayn, asagoo og in qofku xumaan qarsanayo ayuu ka indha laaban jiray.

Rasuulku {عليه الصلاة والسلام} waxa uu cafiyay nin Saxaabada ka mid ahaa oo la dhihi jiray Xaadib Ibnu Baltaca, oo si qarsoodi ah isugu dayay in uu sheego duulaankii uu Rasuulku Makka ku qaadi lahaa, ninkaasi warqad ayuu u qoray Gaaladii Makka, kadibna Naag ayuu u dhiibay, markii la ogaaday arinkaasna, Rag waaweyn oo Saxaabada ka mid ahaa, oo uu Sayid Cumar ugu horeeyay ayaa waxa ay Rasuulaka ka codsadeen in ninkaa qoorta laga jaro, laakin Saxaabigii waxa uu Rasuulka ka codsaday in aan lagu degdegin oo la siiyo fursad uu ku sharxo waxa uu ula jeeday arinkaas, markii uu cadeeyay in aanu xumaan ula jeedin ee Rasuulkuna ku qancay isdaaficiisa, Rasuulku waxa uu yiri Xaadib dagaalkii Beder ayuu ka qaybgalay, ee maxaad ka ogtihiin xaalkiisa, in xag Ala looga dhaafay waxa uu samaynayo?. Waana la cafiyay.

Rasuulku{عليه الصلاة والسلام} waxa uu cafiyay nin u yimid in uu asaga dilo, oo Seef u qaatay asagoo jiifa Rasuulku, Seeftii ayaa ninkii ka dhacday! {waa awood Ala}kadibna Rasuulku Seeftii ayuu qaatay oo ninkii ayuu tusiyay in uu dili karo, markii ninkii iska cabaadayna Rasuulku wuu iska cafiyay. Hada waa ninkii dili lahaa ee u fiirso.

Rasuulku {عليه الصلاة والسلام} waxa uu dhintay ayadoo Jaakadiisii Dagaalka uu Rahan u haysto nin Yahuudi ah, oo Madiina deganaa, oo Rasuulku ka qaatay Dayn. Taasina waxa ay si cad u muujinaysaa in aan Bina aadamku Muslim iyo Gaal aanu kala maarmin, oo wada noolaashihiisu ay muhiim tahay, ee waxaa joogay Muslimiin fara badan oo dhaqaala haystay oo uu Rasuulku daynta ka qaadan karay, hadii uu doono.

Hadii aan isku dayno in aan sii wadno diinteenna Naxariisteeda iyo Nabad-jacaylkeeda, wax aan wada sheegi karno waa ka badanyihiin, laakin intani waa tusaale uun.

Hadii aan 3 – Xadiith uun aan fahmi lahayn dhiiga Muslimka daadintiisa uma tartaneen! waa: {المسلم من سلم المسلمون من لسانه ويده}{Muslim waa qofkii Muslimiintu afkiisa iyo gacantiisa ka nabad galaan} aad ayuu u koobanayahay, laakin waxba kama tegin, waa daawo, hadii aan fahmi lahayn.

Kan kale waa kii uu ku dardaarmay Rasuulku Xajkiisii lagu magacaabay Xajkii sagootinta, waxana uu yiri { فإن دماءكم وأموالكم وأعراضكم عليكم حرام كحرمة يومكم هذا، في شهركم هذا، في بلدكم هذا، ألا هل بلغت؟}

{ لا ترجعوا بعدي كفارا يضرب بعضكم رقاب بعض }

Rasuulku markii uu u sheegay Saxaabada sida ay u wayntahay maalinta la joogo, goobta lajoogo iyo magaalada, ayuu ku yiri{dhiigiina in aad daadisaan, maalkiina in aad kala dhacdaan, sharaftiinana inaad ku xad-gudubtaan waa idinka xaaraam sida ay hadda goobtaan aad joogtaan oo Makka ah ay xaaraan idiinkaga tahay, war hooy! iga dib ha noqona gaalo qoorta iska jaraysa}

Kan sedaxaadna waa: { والذي نفسي بيده لقتل مؤمن أعظم عند الله من زوال الدنيا }

{Alaha naftaydu gacantiisa ku jirto ayaan ku dhaartaye: in dhiig Mu’min la daadiyo, waxaa Ala agtiisa ka fudud in Aduunyada oo dhan la waayo}

Fiira gaar ah: Axaadiithta aan soo sheegay dhamaanteed waa Axaadiith sugan oo aan wax {daciif ah lahayn}. Cidii mugdi uga jirana way baari kartaa.

Intaasi waa tusaale, laakin cidii u baahan faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sida loo xaaraantimeeyay Dhiiga Muslimka, ha fiiriso Aayadaha {92 – 93} ee Suuradaa {Al-nisaa’a}, sidoo kale Aayadaha {27 ilaa 39} ee Suurada {Al-maa’ida}, sidoo kale Aayadaha {68 – 69}ee Suurada {Al-furqaan}, sidoo kale Aayadaha {24-25} ee Suurada {Al-fatx}, sidoo kale Aayadaha {6 ilaa 13}ee Suurada {Al-xujuraat}.

Qur’aanka waxa aan u doortayna waxa waaye, Soomaalida iinta badan waxaa u sahlan in ay wax ka baaraan Qur’aanka, laakin Axaadiithta waxaa dhici karta in aysan sahal ku heli karin, ee waxaa jira boqolaal Xadiith, oo si kulul u diidan, in qof aan waxba galabsan Muslim iyo Gaal, amaba noole kale intaba, in aan wax la yeeli karin. Dil iska daaye, in hub xagiisa loo jeediyo ayaa Xaaraam ah, waasa hadii aan caqligeedii iyo cilmigeedii aan leenahay.

Intaa aan uga gudubno Diinta Saxda ah.

Bal aan fiirino Diinta la Sumeeyay ee Umada badan ku halaagsameen.

Allaah { سبحانه وتعالي } waxa uu Suurada {Ibraahiim}  Aayadaha {28-29} ku yiri

ألم تر الي الذين بدلوا نعمة الله كفرا وأحلو قومهم دار البوار* جهنم يصلونها وبئس المصير

Aayadahaan aan ku bilaabay waxa ay ka hadlayaan dad Alla nicma oo dhan  siiyay ee nicmadii la siiyay u bedelay halaag iyo Cadaab, Naarna ku dambayn doona. Waxana uy tusaale u yihiin dhibaatada haysata Soomaaliya. Waxaa aan nahay dad wax waliba oo Khayr ah Ala siiyay, ee ayagu gacmahooda isku baabi’inaya, sidii Alla ku sheegay Yahuudii deganayd Madiina xilligii Rasuulkeenna Suuban.

Ala waxa uu yiri: {يخربون بيوتهم بأيديهم} waa Suurada {الحشر} Aayada {2}micnaheeduna waa {guryahooda ayay gacmahooda ku baabi’inayaan}. U fiirso inta aan annagu iska baab’inay ayadoo aan cidina nagu soo duulin.

Xamae-weyne Xamar-jajab

Liida xeebaheediyo

Xama-jadiid-ya Xama-Bila

Wixii Xaafad camiraa

Xasilnaan ku noolaa

Xeer-wadaag ku noolaa

Xalaashooda cunayee

Xoogooda quutee

Xaaraantana ka caagee

Hee

Markii Xabadda lala dhacay

Xisaab la’ida loo dilay

Xayn-xaynta loo raray

Xooga loogu faanee

Xikmadii la laalaa

Hee

Xamar maalintaasaa

Xumaanoo dhan lagyu falay

Dibna looma Xaal marin

Ee

Alaw Xaalka noo deji

Xamar xanuunkeeda aan ka soo naqdo, nabad Alaha u soo celiyee.

Saaxiibayaal dad waxaa ugu xumaa uguna xaasidsanaa qofka biyaha sumeeya, sababtoo ah wax ka badbaadaya ma jiraan, Bina-aadam, Xayawaan iyo Dhir wax walbaba. Maxaad filaysaan – walaalayaal – hadii Diinta laguu sumeeyo!?

Sidee loo sumeeyay?

Culumadeenii hore waxa ay dhihi jireen {Edebtu [waa dhaqan wanaagsane] diin waa ka maarantaa, laakin diintu Edeb kama maaranto}oo macneheedu yahay qofkii dhaqan wanaagsan lehi, aqoon diineed oo badan uma baahna, waana laga nabad gelayaa, laakin Wadaad-Xume aan dhaqan wanaagsan{edeb} lahayn laga badbaadi maayo, oo nimaa horay u yiri:

{ilma hadaysan edbanayn ….. Abootaday u iljebshaan}

Abootadu waa Ayeeyo, waa inta aan aqoon.

Waa run oo Wadaad diinta cajalad ka bartay ee aan Waalidkiis, Macalinkiisii, Adeer, ama Eedo, cid uu aqoonsanyahay ayna jirin ee  dhawr Aayadood ama Xadiith oo si qaloocana loo baray kugu garaacaya, waan aragnay inta Halaag uu keenay. Alaha naga badbaadiyee.

Miraha Diinta Sumaysan

Miraha Diinta Sumaysani waa: habeen madow dhulka ka hoos, ama goob mugdi ah wax qaldan ha laguugu soo baro, meel Aduunkaba ka xiran, wax ha laguu sheego, ayadoo waalidkaa lagaa qarinayo iyo cidwalba oo ku taqaan, ee halagaa dhaadhiciyo inteena ma ahee, waxa dunida ku nool – oo Waalidkaa ugu horeeyo – waa Gaalo!, waana in la laayo!

Kadibna Afka laguu soo duubo, oo si naxariis dara ah, Bambooyin laguugu soo xiro, amaba Madaafiic laguu soo dhiibo, ee aad dadkaaga la dhacdo, ee aad ka dhigto, maid aad dishay, mid aad naafaysay, mid aad dhaawacday, mid aad agoontaysay, haweeney aad ninki ka dishay, ama caruurtii ka laysay, mid aad shaqa tirtay, qaar aad badda ku daadisay, qaar aad saxaraha ku laysay, qaar aad shook ku riday, mid waashay, mid argagaxsan oo aan hurdin, mid aqoon la’aan ku dhacday, markii goobihii waxbarashada la duqeeyay, ama macalimiintii laga dilay.

Intaas oo balaaya ah markii aad samaysana, gedacad {dhabar-dhabar} u jiifo ee idaacadaha la hadal, ee hadalkaaga Magaca Ala iyo kan Rasuulka ku bilaaw, kadibna sheego in aad Ala dartiis waxaas oo dhan u baabi’isay. Waa kaas miraha Diinta Sumaysan.

Miraha Diinta Sumaysani, waa Waalidkaa, walaalahaa, qaraabadaada, deriskaaga, saaxiibadaa, naflayda iyo noolaha oo dhan cidna ha u turin, ee dar Ala ayaan u laayay dheh, oo Jana ayaan ku gelayaa.

Miraha Diinta Sumaysani, waa wax alaala iyo wixii Diinta saxda ah iyo caqliga caafimaadka qabaa diideen samay, ee kadibna isla saxnaaw, ee Alla ku mahadi in aad dadkaagii baabi’isay.

Miraha Diinta Sumaysani, waa Aduunka oo dhan la dagaal waxa ku nool Muslim iyo Gaal, ee dadkaaga go’doomi, waxna ha u tarin, ee colaad uga abuur meelwalbaba, dibadda iyo gudaha, hana daaweyn, waxna ha barin, cidii isku dayda in ay wax u qabatana waa Gaal, ama Gaala-raac dheh, ee qoorta ka goy.

Miraha Diinta Sumaysani, waa warfaafinta Aduunka la hadal ee u sheeg in aad dawladaha deriska ah Caasimadahooda burburin doonto, amaba aad qabsan doonto, adoo aan marnaba ka fikirin inta Soomali u dhibaatoonaysa hadalkaas iska dheh ah, waana xusuusantihiin warkii 2006 dii ee ahaa Adisababa ayaan qabsaneynaa iyo wixii uu halaag abuuray.

Miraha Diinta Sumaysani, waa dagaal aan dhamaan, ujeedana lahayn iska wad. Tusaala ahaan: waa dagaaladii ka bilawday 1991 kii, ee Araare lagu galay, kadibna Boosaaso lagu galay 1992, kadibna Luuq lagu galay 1996, kadibna Xamar lagu galay 2006, welina  lagu sii wado, ee asagoo aan ujeeda lahayn lagu baabi’iyay kumanaan Soomaali iyo Ajnabi intaba, welina loo heelanyahay oo lagu faanayo.

Miraha Diinta Sumaysani, waa siyaasadda xabad ku soo gal, xabad ku joog, hadba dagaalada sii kordhi, adoo aan danaynayn dhibaatada shacabka, si shir dibadda ah lagaaga yeero, si aad intii yarayd ee hartay,ee naafada ahayd aad madax ugu naqato, adoo weli isla saxan, oo u arka in aad guul weyn soo hoysay.

Miraha Diinta Sumaysani, waa in qaar wadaadada Soomaaliya ka mid ahi aaminaan  in ay cumrigooda dagaal ku dhamaystaan, degaanada kalana ay u soo xawilaan koofurta Soomaaliya cidii ka wareerta,ama dagaal ku noole ka naqata.

Haddaba su’aashu waxa ay tahay, maxay Wadaadada koofurta Soomaaliya ka wada dagaalada aan dhamaanayn, ujeedadana aan lahayn, ay nabad ugu noolaan waayeen sida wadaadada miirka qaba ee ku nool Aduunka intiisa kale, amaba Soomaliya gudaheeda sida:  Soomaaliland iyo Puntland oo wadaadadi dagaal-oogayaashaan wax soo baray ay si nabad ah ula noolyihiin maamulada halkaa ka jira?. Masa waxa ay yaqaaniin Diin aan Muslimiinta Aduunka kale oo dhan aysan aqoonin? Macalimiintoodiiba hadii ay nabad qaateen ayaga maxaa nabadda u diiday?

Runtu waa in Diintoodu Sumeysantahay.

Xogta: ALSHAHID