Shabakada Alshahid » Warbixin

Warbixin: Shariif Xassan oo Muqdisho kasoo dagay iyo khilaafka madaxda DKMG oo sii xumaaday
Muqdisho (Alshahid)- Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Adan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu laabtay Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyay xildhibaanno ku dhow boqol.

Shariif Xassan iyo wafdiga la socday ayaa ku yomod diyaarad qaas ahayd waxaana aad loo adkeeyay ammaanka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde xilligii ay soo dagaysay diyaarada siday wafdiga Shariif Xassan.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaan la hadlin saxaafadda waxaana ciidamada AMISOM ay ka qaadeen garoonka iyagoo geeyay xarunta Madaxtooyada, halkaasoo uu kulammo kula leeyahay Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo saraakiil ka tirsan AMISOM oo uu kamid yahay Taliyaha ciidamada Uganda Gen. Aronda Niyakrima.

Warar hoose oo ay Shabakada Alshahid ka heshay ilo wareedyo ku sugan madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in Shariif Xassan uu dalka ku soo laabtay iyada oo maanta lagu wado in Ra’iisul wasaare Farmaajo uu xilka isaga dago.

Warka ayaa intaa ku daraya in Taliyaha ciidamada Uganda uu ku amray Ra’iisul wasaare Farmaajo inuu si deg deg ah isku casilo, hase ahaatee uu Ra’iisul Wasaaraha ku gacan seyray.

Ra’iisul wasaaraha iyo Taliyaha ayaa la sheegay inay is afdhaafeen taasoo keentay in Ra’iisul wasaare Farmaajo uu ku amro Gen. Aronda Niyakrima inuu xafiiska Ra’iisul wasaaraha ka baxo, kaddib markii sida la sheegay uu qaab aan protocol aheyn kula dhaqmay, taasoo keentay in Taliyaha uu caroodo.

Ra’iisul wasaaraha ayaa u sheegay Taliyaha in howshooda ay ku egtahay oo kaliya nabad ilaalin, hase ahaatee aanay soo fara gelin karin arrimaha siyaasada Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada Uganda ee Muqdisho ku sugan Gen. Aronda ayaa markii uu arkay in Ra’iisul wasaaraha ka biya diiday inuu isku casilo 72-saacadood ayaa waxaa uu ku wargeliyay inuu la raaco diyaarad taagneyd garoonka, hase ahaatee uu isla soo jeedintaas ku gacan seyray.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale saaka kulan la qaatay Madaxweyne Shariif wallow aan la sheegin in wax is-afgarad ah uu dhexmaray labada mas’uul.

Xogta: ALSHAHID

Xabsiga dhexe ee Hargeysa oo loo habeeyay sidii loogu xiri lahaa Burcad badeedda Soomaaliya
Hargeysa (Alshahid)-Xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa ayaa loo habeeyay sidii loogu xiri lahaa Burcad badeedda Soomaaliyeed ee laga soo qabto badaha Caalamka.

Wefti ka socda Xafiiska la-dagaallanka maandooriyayaasha iyo dembiyada  ee Qaramada Midoobay (UNODC) oo uu hoggaaminayo agaasimaha xafiiskaas, Yury Fedotov, isla markaana ay xubno ka yihiin Safiirka Dowladda Sychelles u fadhiya dalka Koonfur Afrika iyo masuuliyiin sar sare oo ka tirsan xafiiskaas ayaa shalay soo gaaray magaalada Hargeysa si ay u furaan xabsiga dib loo habeeyay.

Qarammada Midoobay ayaa ku qarash garaysay lacag gaaraysa 1.5 million oo dollar dib u habaynta xabsiga, waxaana haatan uu xabsiga qaadi karaa 425 maxbuus.

Wefdiga ayaa kullan saacado socda la qaatay madaxda sar sare ee maamulka Somaliland, waxaana kullankaas kadib saxaafada hadal kooban siiyay Yury Fedotov iyo wasiirka cadaalada iyo garsoorka Somaliland, Ismaaciil Muumin Aar.

Mudane Fedotov ayaa sheegay in weli uu khilaaf ka taagan yahay sidii xabsigan loogu soo wareejin lahaa maxaabiista Burcad badeedda ahi ee lagu hayo xabsiyada aduunka isla markaana kasoo jeeda gobolada  kale ee Soomaaliya.

Sidoo kale Ismaaciil Muumin Aar, wasiirka cadaalada iyo garsoorka Somaliland ayaa sheegay in xabsiga la dayac tirro lagu xiro doono oo kaliya maxaabiista u dhashay Somaliland ee loo dibadaha loogu haysto falalka Burcad badeednimada ah.

Qarammada Midoobay ayaa dhowaanahan waday qorshe ay Burcad badeedda ugu samaynayso qaab lagu xukumo.

Dowladdaha Kenya iyo Seychelles ayaa horay u maxkamadeeyay qaar kamid ah Burcad badeedda Soomaaliya oo ay soo qabteen  maraakiibta shisheeye ee ku sugan biyaha Soomaaliya, balse labadaas dal ayaa ka caga jiidayay inay aqbalaan Burcad badeed hor leh oo ay soo qabtaan dowladdaha shisheeye.

Xogta: ALSHAHID

Faah faahin ku aadan qaraxii ka dhacay Balad Xaawo
Balad Xaawo (Alshahid)-Afar katirsan ciidammada dowladda KMG ah uuna kamid yahay taliye ayaa shalay galinkii dambe ku dhaawacmay saldhiga booliska ee degmada Balad Xaawo, kadib markii ay ku qaraxday miino nooca rumuudka lagu hago ah.

Qaraxa oo ka dhacay albaabka hore ee saldhiga ayaa waxaa ku dhaawacmay taliyihii saldhiga, Xuseen Axmed Haliil (Xuseen Gacamey), ku xigeenkiisa Sanweyne iyo labo askari oo ilaalo u ahaa.

Qaraxa kadib ayaa ciidammada dowladda KMG ah ay rasaas xoogan fureen, waxaana rasaastaasi ku dhaawacmay qof rayid ah oo ka agdhowaa saldhiga.

Dhaawaca askarta ayaa loo qaaday cisbitalka Mandheera halkaas oo lagu dhabiibayo.

Dad loo qab qabtay qaraxaas

Guddoomiyaha dowladda KMG ah u qaabilsan gobolka Gedo, Maxamed Cabdi Kaliil ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxaas ay ka dambeeyeen Xarakada Alshabab kuwaas oo shantii bishan laga qabsaday Balad Xaawo.

Mudane Kaliil ayaa intaa ku daray inay gacanta kusoo dhigeen laba ruux oo uu ku sheegay kuwii miinada qarxiyay, isla markaana ay maxkamad soo taagi doonaan.

Raafka Mandheera

Magaalada Mandheera oo daris wadaag la ah Balad Xaawo ayaa waxaa inta badan isaga soo baxay dadkii ka qaxay Balad Xaawo kadib markii maamulka Mandheera uu muddo seddax maalmood ah u qabtay inay magaalada uga baxaan.

Maamulka ayaa sheegay in ciddii lagu helo inay sharci la’aan ku joogto Mandheera lala tiigsan doono sharciga isla markaana ganaax adag la saari doono.

Ciidammada amaanka ee Mandheera ayaa raaf ba’an maalmahan ka waday guddaha degmadaas, waxaana dadkii ay ku qab qabteen ay weli ku jiraan xabsiga Mandheera.

Maamulka Mandheera ayaa joojiyay isticmaalka baraha aan sharciga ahayn kuwaas oo ay ka gudbi jireen dadyowga u kala socda Balad Xaawo iyo Mandheera, waxaana haatan furan Kastanka oo ah barta kontrool ee sida rasmiga ah ay dowladda Kenya u aqoonsan tahay.

Go’doominta Balad Xaawo

Degmada Balad Xaawo ayaa ah mid dhinacyo bada laga go’doomiyay waxaana xiran wadooyinka  isku xira Balad Xaawo iyo dalka Soomaaliya intiisa kale.

Wadada aada Luuq ayaa lagu soo waramayaa inay miineeyeen Xarakada Alshabab, waxana sidoo kale go’an wadooyinka Ceel Waaq iyo Garba haarey aada.

Dadka ku dhaqan Balad Xaawo ayaa ka cabanaya sara u kac dhinaca quutal daruuriga ah, maadama aysan jirin wax alaabo ah oo degmada soo gala.

Xogta: ALSHAHID

Warbixin: Cabsi dagaal oo ka taagan degmada Balad Xaawo
Balad Xaawo, Doolow (Alshahid)-Degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ayaa waxaa tan iyo bilowgii todobaadkan ka jiray cabsi xoogan kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ciidamo ku sugan degmada Doolow ee isla gobolka Gedo ay weerar kusoo yihiin Balad Xaawo.

Dad badan ayaa isaga qaxay Balad Xaawo iyaga oo u cararay dhinaca degmada Mandheera ee katirsan gobolka Waqooyi Bari, Kenya.

Ilo wareedyo ku dhow dhow ciidamadda dowladda KMG ah iyo kuwa Ahlu Sunna ee saldhiga ku leh Doolow ayaa Shabakada Alshahid u sheegay in ciidamadaas ay diyaar u yihiin weerar ay ku qaadaan degmooyinka Balad Xaawo iyo Luuq kuwaas oo ay maamulaan Xarakadda Alshabab.

“Ciidamadeenu waa loo dhamaystiray qalabkooda, waxaana dhawaan la wareegi doonaa guud ahaan gobolka (Gedo) oo waxay kasaari doonaa kuwa shisheeye ee xooga nooga heysto,”ayuu yiri sarkaal katirsan ciidamadaas oo diiday in magaciisa la shaaciyo maadaama aan loo ogolayn inuu warbaahinta la hadlo.

Sarkaalkan ayaa u xaqiijiyay Shabakada Alshahid  warar sheegaya in dowladda Itoobiya ay hub iyo saanad military ku taageertay ciidamadda Doolow jooga, waxaana uu intaa ku daray in dagaalka ay ku qaadayaan Balad Xaawo iyo Luuq ay ka qeyb gali doonaan Jabhad ay leedahay qowmiyada Oramiya uuna hogaamiyo Xassan Goorow.

Sarkaalka ayaa sidoo kale sheegay in degmada Doolow Itoobiya laga dhisay xarun caafimaad taasoo lagu dawayn doono askarta kusoo dhaawacanta dagaalka ay ku qaadayaan Balad Xaawo iyo Luuq.

“Waxaanu kuu xaqiijinayaa in dagaalkan uu ka duwanaan doono kii horay aan ugu qabsanay Balad Xaawo, ciidamadu waa huwan waxayna heystaan saanadii ay u baahnaayeen oo dhan,”ayuu sheegay sarkaalkan.

Dhinaca kale Xarakadda Alshabab ee maamusha degmada Balad Xaawo ayaa waxaa soo gaaray gurmad ciidan oo xoog leh kuwaas oo fariisin ciidan ka samaystay duleedka magaaladda.

Ciidamaddan oo ku hubaysan hub culus ayaa la sheegay inay ka qeyb qaadan doonaan difaaca weerar Alshabab kaga yimaada degmada Doolow.

Colaadan kasoo cusboonaatay gobolka Gedo ayaa kusoo aadeysa xilli gobolku ay ka jirto abaar xoogan, dadkuna ay yihiin kuwo tabaaleysan.

Xogta: ALSHAHID

Faahfaahin ku saabsan kullankii maanta dhex maray Ra’iisal wasaare Farmaajo iyo golaha baarlamaanka
Muqdisho (Alshahid)-Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo iyo tirro wasiiro ah ayaa maanta hortagay baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya si ay uga warbixiyaan heshiisyo ay dowladda KMG ah horay ula gashay shirkaddo ajaanib ah kuwaas oo ka howl gala Muqdisho.

Kullanka maanta ayaa waxaa soo xaadiray 325 mudane, waxaana shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka KMG ah, Cabdiweli Ibrahim Sheekh Mudeey.

Ra’iisal wasaare Farmaajo ayaa maanta waxaa wehliyay wasiiradda kala ah: Ra’iisal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka gaashaandhigga, Cabdixakiim Maxamud Xaaji Fiqi, Ra’iisal wasaare ku xigeen ahna wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah, Cabdiweli Maxamed Cali, wasiirka warfafinta, boostada iyo isgaarsiinta, Cabdikariim  Xassan Jaamac, wasiirka dekedaha gaadiidka cirka iyo dhulka, Axmed Cabdiraxmaan Cabaade iyo xubno kale.

Ra’iisal wasaaraha ayaa hadalkiisa ku bilaabay in mudadii afarta todobaad ee lasoo dhaafay ay ku howlanaayeen arruurinta xog ku saabsan shirkaddaha shisheeye ee ka howl gala Soomaaliya iyo cidda heshiiska la gashay.

“Shirkadihii aan baaritaanka ku sameynay, waxaa ka mid ah: Saracen International, SKA Ari, .SO, RA International, Alpha Logistic Service iyo Bancroft , waxaana qaar ka mid ah heshiisyo la galay wadanka Maraykanka iyo Qaramadda Midoobay,”ayuu yiri Ra’iisal wasaare Farmaajo.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in shirkaddaha RA International iyo Alpha Logistic Service oo qaabilsan dhinaca dhismaha ay heshiis la gashay Qaramadda Midoobay sidaa si lamid ahna ay ula gashay shirkaddaha Shaahid Trading Co, MSIT iyo PPI oo ku howlan shidaal iyo macdan ka baarida dhulka Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in shirkadda Bancroft oo qaabilsan darbi u dhisida goobaha ay AMISOM fariisimaha ku leeyihiin ay heshiis la gashay wasaaradda gaashaandhiga Maraykanka (Pentagonka).

Wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka, Axmed Cabdiraxman Cabaade, ayaa  ka hadlay heshiiska lala galay shirkadda SKA Air, waxaana uu sheegay in heshiiska ay la gashay xukuumaddii hore, sababta loola galayna ay ahayd inay casriyeyso garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, dhaqaalaha kasoo xaroodana ay 70% shirkaddu qaadato, halka 30% ay siinayso dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah, Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay in xukuumadda KMG ah ay shaqadda ka joojisay shirkadda Saracen International kadib markii la garan waayay cidda heshiiska la saxiixatay.

Wasiirka ayaa sheegay in Nairobi kula kulmeen la taliyaha dowladda Soomaaliya Micheal Shabler, kaasoo sheegay inuu heshiiskaas saxiixay guddoomiyaha baarlamaanka Sharif Xassan Sheekha Adan oo xilligaas ahaa Ra’iisal wasaare ku xigeen iyo wasiirkii maaliyadda iyo lacgata, balse Sharif Xassan waa uu diiday inuu heshiiskaas saxiixay.

Sidoo kale, wasiirka warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta, Cabdikariim Xassan Jaamac, oo isagana ka warbixiyay furihii Internet-ka Soomaaliya (Dot SO), ayaa sheegay in xukuumadii hore ay heshiis kula gashay shirkada Japan laga leeyahay oo lagu magacaabo GMO, kaddib markii in ka badan 400-dal ay soo codsadeen in la siiyo magacaas.

Xogta: ALSHAHID

Saraakiil katirsanaa Xisbul Islam oo Alshabab u xiran
Muqdisho (Alshahid)-Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in xarakadda Alshabab ay hub ka dhigis iyo xabsi guri isugu dareen guddoomiyihii Xisbul Islam ee gobolka Banaadir, Macalim Xaashi Maxamed Faarax iyo afhayeenka dhigaca howl galada ee Xisubl Islam Maxamed Cisman Caruuse.

Wararka ayaa sheegaya in Caruuse uu ku xiran yahay gurigiisa ku yaala  xaafada Suuqa Xoolaha ayna sababtu tahay isaga oo diiday inuu noqdo taliyaha amniga ee gobolka Shabellada hoose oo ay Alshabab u magacaabeen.

Afhayeenka ayaa sidoo kale laga kaxeeyay 5 askari oo ilaalo u ahayd, kuwaas oo hubkoodii laga dhigay.

Sidoo kale warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in ay Alshabab xabsi guri ka dhigeen guddoomiyihii Xisbul Islam ee gobolka Banaadir, Macalim Xaashi Maxamed Faarax uuna ku xiran yahay guriigiisa ku yaala Qabuuraha Barakaat.

Alshabab ayaa kala soocid xoogan ku haya saraakiishii Xisbul Islam ee kusoo biiray dhamaadkii sanadkii tagay, waxaana intooda badan loo magacaabay jagooyin hoose oo ay ka qabanayaan goboaladda dalka qaarkood.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyada oo ay maanta warbaahinta Soomaaliya qaarkeed aad wax uga qortay, Cabduqadir Kumandoos, taliyihii ciidanka Xisbul Islamtii bur burtay, kaasoo la sheegay in haatan lagu hayo xabsi ku yaala magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.

Kumandoos ayaa la sheegay inuu ka baxsaday Alshababka Muqdisho kadib markii uu ka war helay inay xabsiga u taxaabi rabaan.

Xogta: ALSHAHID

Door intee la eg bay ka soo qaateen Shirkadaha Diyaaradaha Wadaniga ah dhismaha Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho
Muqdisho (Alshahid)-Iyadoo dhawaan Dowladda Federaalka  ay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho  ku Wareejisey Shirkad Shisheeye oo lagu magacaabo SKA AIR LOGISTIC ayaa arrintaa waxaa Walaac ka muujiyey  Shirkadaha Diyaaradaha ee dadka Soomaaliyeed leeyihiin hadaba Door intee la eg bay Shirkadaha ka qaateen Dhismaha Garoonka Muqdisho

Markii ay burburtay Dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-dii, adeegyadii dalka ee hawshoodu istaagtay waxaa ka mid ahaa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, keliya hawshii bulshada loogu qaban jiray Garoonka Diyaaradaha ma aheyn midda meesha ka baxday balse Garoonka waxaa saameeyey dhibaatada wadanka ku dhacday, qayb ka mid ah Garoonka ayaa burburtay garoonku waxa uu noqday mid aysan ka socon wax hawlo duulimaad ah. Iyadoo uu marxaladdaasi Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ku jiro ayaa waxaa Koonfurta Soomaaliya la wareegay Midowgii Maxaakiimta Islaamiga ah waxa ay daaha ka rogeen Garoonka, Shirkadaha Diyaaradaha Soomaaliya gaar ahaan kuwa Muqdisho ka hawlgala waxay hawlahooda dulimaad u soo weeciyeen Garoonka Muqdisho, inkastoo Garoonku uu shaqo bilaabay haddana burburka ka muuqday garoonka waxa uu u baahnaa dayactir balaaran oo dhaqsi ah.

Shirkadaha Diyaaradaha Muqdisho waxa ay u sitaageen sidii Garoonka loo dhisi lahaa, waxay iska uruuriyeen dhaqaale lagu dayactiray qaybtii burbursaneyd ee Garoonka waxaa hawshaas la qabtay intii ay Muqdisho ku sugnaayeen Midowgii Maxaakiimta sidaas oo kale Shiradaha Diyaaradaha wadaniga ah waxay shaqo muhiim ah ka qabteen bilicda Garoonka oo ay ku bixiyeen dhaqaale jeebkooda ah, hawshaas baaxda leh ee Shiradaha dalka ka dhisan fuliyeen waxay suuragelisay in Garoonka dib u shaqo bilaabo mudo dhowr iyo toban sano ah kadib.

Lixdii bilood ee Maxaakiimta kadib waxaa dalka la wareegay Dowladdii Federalka ee uu madaxda ka ahaa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, Shirkadaha Diyaaradaha wadaniga ahi waxay mar kale bixiyeen lacag xoog leh oo lagu sii wado dhismaha Garoonka Diyaaradaha kadib markii guddi ka socda Shirkadaha Diyaaradaha kullan la qaateen Ra’isul Wasaarihii xiligaasi Cali Maxamed Geedi sidoo kale waxaa laysla meel dhigay heshiis ku aadanaa in Shirkadaha Wadaniga ah la wareegaan hawsha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, waxayna Shiradaha Duulimaadku bilaabeen in ay qalabeeyaan garoonka, waxayna dhiseen Terminaalada Garoonka sidoo kale waxay keeneen Matoorka guud ee hadda Garoonku isticmaalo balse nasiib daro waxaa arrintaasi in ay si rasmi ah u hirgasho hor istaagay qaar ka mid ah Masuuliyiinta Garoonka  waxaana xiligaasi warar hoose tibaaxayeen in uu heshiis qarsoodi ah kula jiray Shirkad Ajnabi ah oo la doonayey in gacanta loo geliyo hawlaha Garoonka Muqdisho.

Shirkadaha Diyaaradaha waxa ay u soo dhabar adeegeen xiliyo adag oo soo maray Garoonka Muqdisho, iyadoo garoonka madaafiic ku socoto ayaa haddana hawsha shacabka loo hayo waxay ahayd mid aan hagad gelin, xiliyaddaas adag waxaa Shirkadaha Wadaniga ah ka soo gaaray dhibaatooyin isugu jira in ay ku waayeen rag muhiim ahaa oo qayb weyn ka qaatay hawlahii kala duwanaa ee dayactirka Garoonka Muqdisho sidoo kale waxaa ku dhaawacmay hawlawadeeno kale, waxqabadkii shirkadaha duulimaadka ee wadaniga ah muujiyeen iyo dhibaatooyinkii ka soo gaaray waxaa loogu bedelay in gacanta maamulka Duulimaadka iyo Garoonkaba loo geliyo Shirkad Ajnabi ah oo lagu magacaabo SKA, markii ay isku dayeen in ay muujiyaan mawqifkooda ku aadan arrintaas waxaa Shirkadaha Diyaaradaha Wadaniga ah loo gaystay aflagaado iyo cago jugleyn taas oo ka imaaneysa qaar ka mid ah madaxda Garoonka iyadoo uusan daah saarneyn hawsha baaxadda leh ee Shirkadaha Diayaradaha u hayaan Bulshada Soomaaliyeed, waa isgaarsiin deg deg ah, waxay u kala adeegaan bulshada dal iyo dibad, waxay fududeeyaan gargaarka deg deg ah ee ay u baahan yihiin dadka ku waxyeelooba dagaalada ka socda Muqdisho-dhaawacyo badan ayay Diyaaradaha shirkadaha wadaniga ah ka daabuleen Muqdisho kuwaas oo adeegyo caafimaad loogu soo sameeyey dalka dibaddiisa sidoo kale mas’uuliyiinta shirkadaha duulimaadka waxay naftooda ku biimeeyeen dal aan amni iyo kala dambeyn laheyn mudo dheer iyagoo ku adkeystay in ay u shaqeeyaan bulshada Soomaaliyeed.

Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waxa u soo shaqo taga dad badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo maareeya nolosha qoysas sabool ah, shaqaalahani waxay isugu jiraan kuwo u shaqeeyaa Diyaaradaha Duulimaadka iyo qaar kale oo ka hawlgala Garoonka, haddaba shirakadaha Duulimaadka Wadaniga ah ayaa mustaqbalka Garoonka iyo dadka Soomaaliyeed ee ka shaqeeya  u cabsi qaba mar haddii la doonayo in gacanta loo geliyo Garoonka shirkad Ajnabi ah oo hawsha ay qabaneyso uu shaki weyn ku jiro taas oo la sheegay in ay ka shaqeyneyso Garoonka Muqdisho balse hadafkeeda qarsoon uu yahay in ay si tartiib ah ula wareegto dhamaan hawlaha duulimaadyada ee Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho, haddii ay taasi dhacdo waxaa halis ku jira mustaqbalka iyo madaxbanaanida Garoonka sidoo kale waxaa ku shaqo weyn kara dadka faraha badan ee hadda nolol maalmeedkooda ka bursada Garoonka maadaama shaqaalaha shirkaddani wadato ee qorsheysani yihiin intooda badan kuwo ajnabi, Shirakadaha Diyaaradaha Soomaaliyeed waxa ay aad uga xun yihiin in haadaan laga tuuro mustaqbalka Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde kaas oo dhismihiisa, horumarintiisa iyo qalabeyntiisa ay ku filan yihiin Shirakadaha Diyaaradaha Soomaaliyeed ee Wadaniga ah oo kal hore u istaagay sidii ay Garoonka uga dhigi lahaayeen mid qalabeysan oo la tartami kara Garoonada caalamiga ah ee Adduunka.

Sawirada kaaga Muuqda Qoraalka waa mid la qaadey Sannadkii  2006 dii Xili ay Shirkadaha Diyaaradaha ay ka qaybqaadanayeen Dayactirka iyo Dhismaha Garoonka

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Xogta: ALSHAHID

Ban Ki-Moon oo ku baaqay in dowladda KMG ah laga taageero la dagaalanka “argagixisada”
New York (Alshahid)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka inay taageero ciidan iyo mid dhaqaaleba la garab istaagto dowladda KMG ah ee Soomaaliya si ay uga guulayso dagaalyahanadda Caalamiga ah ee doonaya Soomaaliya inay ka dhigaan xarunta 2aad ee waxa uu ugu yeeray argagixisada Caalamiga ah.

Mr. Moon ayaa ku sheegay warbixin dheer oo uu diyaariyay golaha amaanka ee Qaramada Midoobay uuna gala hadlayay xaalada Soomaaliya in amaanka uu yahay dhibaatada ugu weyn ee haysta Soomaaliya.

“Joogitaanka dagaalyahannada shisheeye ee Soomaaliya, waxay na xasuusinaysaa xaaladda khatarta ah ee ka taagan Soomaaliya, waxaana taasi ay muujinaysaa in argagaxisadu ay doonayso in Soomaaliya ay ka dhigtaan saldhigga labaad oo ay dunida kaga duulaan,” ayuu yiri Ban Ki-Moon.

Xoghayaha ayaa shaaca ka qaaday inuu taageersan yahay kordhinta ciidamada AMISOM uuna ku baaqi lahaa in la gaarsiiyo ilaa 20000 oo askari laguna baahiyo Soomaaliya oo dhami.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa bishii lasoo dhaafay isku raacay in ciidammada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya la kordhiyo tiradooda lagana dhigo 12,000 askari, halka ay haatan ka yihiin 8,000 askari.

Dhinaca kale, Ban Ki-Moon ayaa warbixintiisa ku sheegay in hay’addaha Qaramada Midoobay qaarkood loo rari doono Soomaaliya ayna halkaas xafiisyo ku yeelan doonaan.

“Inkastoo xaaladda Soomaaliya, aysan ahayn mid xilligaan wanaagsan, haddana Qaramada Midoobay, waxay isku dayaysnaa inay hay’adaheeda gargaarka u rarto Soomaaliya, gaar ahaan UNPOS, si uu uga taageero dowladda Soomaaliya nabadda oo lasoo celiyo,” ayuu yiri Mr Moon.

Xoghayaha ayaa sidoo kale ku taliyay  in shaqaalaha caalamiga ah ay hay’adaha UNSOA, UN Mine Action, OCHA, WFP, WHO, UNICEF iyo UNDP la geeyo Muqdisho si ay ugu shaqeeyaan.

Qaramada Midoobay ayaa aqoonsan dowladda KMG ah ee uu Sharif Sheekh Axmed Madaxweynaha ka yahay, wallow dowladdu aysan lahayn awood ay wax uga qabato dalka Soomaaliya oo u kala baxay maamul goboleedyo qabaa’il ku dhisan iyo gobolo gacanta kugu jira xarakada Alshabab.

Xogta: ALSHAHID

Nabadoon Axmed Diiriye iyo Sheekh Kaba kutukade oo dagaalka afka ah ka dhextaagan yahay
Muqdisho (Alshahid)-Afhayeenka beelaha Hawiye, Nabadood Amed Diiriye Cali iyo Guddoomiyaha Alshabab u qaabilsan gobolka Galguduud, Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Kaba kutukade ayaa hawada isu mariyay hadalo kulul oo ay isku eedeeynayaan.

Dagaalka afka ah ayaa bilowday kadib markii uu maalin ka hor Sheekh Kaba kutukade uu tix gabay ah ka jeediyay fagaare ku yaala degmada Ceel-dheere ee gobolka Galguduud taasoo uu ku dhaliilay siyaasada odoyaasha Hawiye gaar ahaan Axmed Diiriye.

Sheekh Kaba kutukade ayaa tixdiisa ku tilmaamay in Nabadoon Axmed Diiriye uu la saftay ciidamada AMISOM kadib markii uu u ololeeyay in dalka laga saaro ciidamadii Itoobiya ee xoogan ku qabsaday.

Guddoomiyaha Alshabab u qaabilsan Galguduud, ayaa ka hadlayay midowga Alshabab iyo Xisbul Islam, waxaana uu ku amaanay Sheekh Xassan Dahir Aways ku biiritaanka Alshabab.

Kaba kutukade ayaa sheegay in odoyaasha beelaha Hawiye gaar ahaan Axmed Diiriye ay ka weecdeen wadadii xaqa ahayd kadib markii ay taageereen AMISOM.

Dhinaca kale Nabadoon Axmed Diiriye oo ka jawaabay dhaliisha kaga timid guddoomiyaha Alshabab ee gobolka Galguduud ayaa ku tilmaamay mid aflagaado ah isla markaana aan xaqiiqada ka fog.

“Waxaan ugu baaqayaa Kaba kutakade inuu raali galin ka bixiyo khaladka uu iga galay uuna Allah u towbad keeno,”ayuu yiri Axmed Diiriye.

Nabadoonka ayaa ku eedeeyay Sheekh Kaba kutukade mid dagaal un u taagan waxaana uu ugu baaqay in dadka iyo duunyada ku dhaqan deegaanada uu maamulo oo haatan ay abaar ba’ani ka jirto u ogalaado in la gaarsiiyo gar gaar bani’aadanimo.

Dagaalka afka ah ee labada mas’uul u dhexeeya ayaa kusoo beegmaya xilli hogaanka sare ee xarakada Alshabab ay u arkaan odoyaasha beelaha Hawiye gaar ahaan nabadoon Axmed Diiriye ku gacan saar la leh dowladda KMG ah ee uu madaxda ka yahay Sharif Sheekh Axmed.

Nabadoon Axmed Diiriye ayaa mar waliba ku baaqa in la joojiyo dagaalka Soomaaliya oo haatan isugu soo aruuray Alshabab iyo inta kale.

Xogta: ALSHAHID

Xisbul Islam oo si buuxda ugu biirtay Alshabab
Muqdisho (Alshahid)-Hogaamiyaha Xisbul Islam, Sheekh Xassan Dahir Aways iyo saraakiisha ugu saraysa ciidamada Xisbiga ayaa galabta si buuxda ugu biiray Xarakada Alshabab sida laga soo xigtay saraakiil ku dhow dhow Sheekh Xassan Dahir.

Ku biiritaanka haraadiga Xisbul Islam ay ku biireen Alshabab ayaa lagu wadaa in si dhab ah caawa looga shaaciyo duleedka Muqdisho.

Ciidamada Xarakada Alshabab ayaa durbadiiba la wareegay goobaha ay ku sugan yihiin xoogaga Xisbul Islam ayna kamid yihiin, isgoysyada Falaronza, Howlwadaag, saldhiga Hodon iyo deegaanada loo barakacay sida Siinka dheer, Ceelasha Biyaha, Lafoole, Carbiska iyo degmada Afgoye ee gobolka Shabellaha hoose.

Saraakiisha Xisbul Islam ee ku biiritaanka ku wehlisa Xassan Dahir ayaa kala ah: Sheekh Xassan Mahdi, Cabdiqaadir Kumaandoos (Madax ciidamada Xisbul Islam), Macalin Xaashi iyo xubno kale.

Ku biiritaanka Xisbul Islam ay sida buuxda ugu biireen Alshabab ayaa lagu soo waramayaa inay ka dambeysay wadahadalo u dhexeeyay Alshabab iyo saraakiisha Xisbiga ugu saraysa, waxaana ay kusoo beegsamaysaa xilli shalay galinkii dambe uu maamulka Xisbul Islam ee degmada Luuq ee gobolka Gedo uu ku dhawaaqay inuu ku biiray Alshabab.

Hadaba su’aasha isweydiinta muddan waxay tahay, siduu noqon doonaa mustaqbalka siyaasadeed ee Xassan Dahir? Ma waxuu ahaan doonaa nin kasii hadla arrinta Soomaaliya mise waxaa uu saaxada siyaasadeed uga bixi doonaan si lamid ah Xassan Turki oo hadalkiisa la waayay markii uu ku biiray Alshabab.

Loolanka siyaasada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliyeed ayaa haatan waxaa isugu soo haray Alshabab oo dhinac ah iyo xulafo kasoo horjeeda kala ahna: dowladda KMG ah, ciidamada AMISOM, Ahlu Sunna Waljamaa iyo Xisbul Islam garabka uu hogaamiyo Yuusuf Indha cadde.

Xogta: ALSHAHID