Maxaa hor taagan ku dhawaaqida golaha wasiirada ee dowladda KMG ah?
Muqdisho (Alshahid)-Warar lagu kalsoon yahay oo aan ku haleyo xarunta dowladda KMG ah ee Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in Ra’iisal wasaare Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo uu damacsanaa shalay ku dhawaaqida golaha wasiirada cusub balse taasi ay caqab ku timid kadib markii labada Sharif ay isku khilaafeen xubnaha ku jira liiska wasiirada cusub. Khilaafka ayaa la [...]
Somaliland oo la filayo inay noqota barta lasoo mariyo saadka AMISOM
Hargeysa (Alshahid)-Waxaa isa soo taray wararka sheegaya in Qaramada Midoobay ay ku tala jirto inay Somaliland usoo wareejiso howlaha lagu taakuleeyo ciidamada AMISOM ee Muqdisho ku difaaca dowladda KMG Soomaaliya. Saraakiil ka tirsan UNSOA oo ah xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan taakulaynta ciidamada AMISOM iyo hay’adda ICAO ee Qaramada Midoobay u qaabilsan duulimaadyada rayidka ayaa [...]
Yuusuf Indhacade oo “isu magacaabay” guddoomiyaha Xisbul Islam, garabka dowladda taageeray
Muqdisho (Alshahid)-Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade) oo horay mar u ahaa wasiiru dowlaha wasaarada gaashaandhiga dowladda KMG ah ayaa maanta ku dhawaaqay in loo doortay guddoomiyaha garabka Xisbul Islam ee taageeray dowladda KMG ah. Indhacade oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ururka Xisbul Islam garabkiisa dowladda KMG ah taageeray dib u habayn [...]
Ururo ku midaysan difaacida xoriyatul qowlka oo baaq u jeediyay Madaxweyne Faroole
Nairobi (Alshahid)-31 urur oo ku midaysan urur udooda xoriyatul qowlka magacaasina loo soo gaabiyo IFEX iyo 25 urur oo caalami ah ayaa baaq u diray Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Cabdiraxman Maxamed Faroole. Baaqan ayaa looga hadlay tacadiyada lagula kaco suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ka howl gala Puntland, tacadiyadaas oo soo batay tan iyo markii uu xilka [...]
Khilaafka labada Sharif oo sii xumaanaya iyo xildhibaano ku baqaay in arrinta la dajiyo.
Muqdisho (Alshahid)-Iyada oo uu cirka isku sii shareeray khilaafka ka dhex aloosan Madaxweynaha dowladda KMG ah, Sharif Sheekh Axmed iyo gudoomiyaha baarlamaanka, Sharif Xassan Sheekh Adan ayaa waxaa soo baxaya baaqyo looga dalbanaya labada mas’uul inay arrinta dajiyaan. Khilaafka labada mas’uul ayaa salka ku haya soo magacaabista Ra’iisal wasaaraha cusub, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxaana Sharif [...]
Xildhibaano diyaarinaya mooshin ka dhan ah gudoomiyaha baarlamaanka KMG ah.
Muqdisho (Alshahid)-Waxaa soo shaac baxaya inuu weli taagan yahay khilaafkii u dhexeeyay madaxda sare ee dowladda KMG ah kaas oo sabab u noqday inuu is casilo Ra’iisal wasaarihii hore, Cumar Cabdirashid Cali Sharma’ke. Khilaafka oo haatan u dhexeeya gudoomiyaha baarlamaanka KMG ah, Sharif Xassan Sheekh Adan iyo Madaxweyne Sharif Sheekh Axmed ayaa soo if baxay [...]
Maraykanka oo u diyaarinayo Cabdinur Darman Madaxweynenimada Soomaaliya.
Geneva (Alshahid)-Sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo dowladda Maraykanka ayaa bixisay kharashaadka tababar dhinaca maamulka iyo hogaaminta ah oo ay khubaro reer Switzerland ah siinayaan Cabdinur Axmed Darman si uu u badalo Madaxweyne Sharif Sheekh Axmed. Ilo wareedyada ayaa sheegaya in marka uu Mudane Darman tababarka dhamaysto uu socdaal kusoo mari doono 28 [...]
Dowladda KMG ah oo sheegtay in khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay madaxda Alshabab.
Muqdisho (Alshahid)-Sida lagu sheegay war saxaafadeed maalintii shalay ahayd kasoo baxay wasaarada warfaafinta dowladda KMG ah, waxaa uu khilaaf xoogan ka dhex jiraa saraakiisha ugu saraysa ururka Alshabab oo ah kan ugu awooda badan mucaaradka Soomaaliya. War saxaafadeedka oo aan lagu soo bandhigin cadayn muuqata ayaa lagu sheegay in khilaafka uu salka ku hayo guul [...]
Kenya oo sheegtay inaysan aqbali doonin maxkamadaynta Burcad badeed kale.
Nairobi (Alshahid)-Dowladda Kenya ayaa shaacisay inuu dhacay waqtiga heshiiskii ay la saxiixatay Midowga Yurub eek u aadanaa, xukumidda Burcad badeeda Soomaaliya ee lagu soo qabto howlaha ciidamada badda ee Calaamiga ah ilaalada ka haya biyaha Soomaaliya. Sarkaal u hadlay wasaarada arrimaha dibada Kenya, oo ka gaabsaday magacaabistiisa ayaa sheegay in xilliga heshiiska uu ku ekaa [...]
Wadahadaladii u dhexeeyay Alshabab iyo Xisbul Islam oo fashilmay.
Nairobi (Alshahid)-Wadahadalo dhawaanahan u dhexeeyay saraakiil ka kala socota ururadda Alshabab iyo Xisbul Islam laguna doonayay in lagu midooyo ayaa fashil ku dhamaaday sida uu warbaahinta u xaqiijiyay xoghayaha arrimaha dibada ee Xisbul Islam, Sheekh Maxamed Macalin. Maxamed Macalin ayaa isaga oo Nairobi ku sugan waxa uu u sheegay websiteka Aljazeera.net in wadahadalada u dhexeeyaya [...]