Shabakada Alshahid » Koroso Aqoontaada

Ma og tahay…? (Xaqiiqooyin la yaab leh…!)
Waxaa jira malaayiin waxyaabood oo aad la yaabaysid marka lagu sheego balse hadana biya kama dhibcaan ah, kuwaasoo laga yaabo in aanad ogeyn laakiin inaad aqrisaa waxay kuu yeelan kartaa xiise gaar ah…!

Ma og tahay aqristoow in Gooryaan-dhuleedku leeyahay 5 wadne, isla markaana halkii libiqsi ay ku qaadato 0.3 ilbiriqsi…!

Ma og tahay in nus bilyan dad ah,  ku dhowaad 8-dii qofba uu mid ka mid ihi la ildaranyahay nafaqa darro raagtey…!

Ma og tahay in kaneecada dhadig ay u jaqdo dhiiga insaanka iyo xayawaanka kale si ay ugu nafaqeyso ugxanteeda ee ay iyadu dheefsato dhabaqa (nector) iyo dheecaanada kale ee laga helo dhirta…!

Ma og tahay in Lyndon B. Johnson uu ahaa madaxweynihii ugu horeeyey dalka Maraykanka ee xirta okiyaalaha araga ee loo yaqaano Contacta lenses ama bikaacyada taabashada oo la saaro qaybta madoow ee mooyda isha si wax loogu arko ama loogu xaragoodo…!

Ma og tahay in kahor intii aan la sameeynin hawo qaboojiyaha (air condition) in la isticmaali jirey walxo ka sameeysan suuf oo inta la qooyo la saari jirey alaabta la doonayo in wax lagu qaboojiyo..!

Ma og tahay in business.com uu yahay domain-ka ugu qaalisan aduunka iyadoo dhowaantan lagu iibiyay qiime dhan 7.5 milyan oo doolar…!

Ma og tahay in carabka Jirjirrooluhu uu ka dheeryahay bahalka iyo carabkiisa oo la isku daray, isla markaana uu wax soo qaban karo isagoo ku socda xawaare dhan 16 cagood ilbiriqsigii..!

Ma og tahay inuu yaxaasku saacadiiba orod ku jari karo masaafo dhan 11 mayl….!

Ma og tahay in 95% liinta laga isticmaalo Maraykanka oo idil ay kasoo go’do gobolada California iyo Arizona ee isla dalkaasi…!

Ma og tahay in alifbeetada Ingiriisigu ay markii hore ka koobneyd 24 xaraf oo qura iyadoo markii dambe gadaal looga soo biiriyay xarfaha “J“ iyo  “U“.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji Xuseen Raage

E-mail:-maxaaji@hotmail.com

Gothenburg, Sweden

Xogta: ALSHAHID

Dhirtu waa noole caqli badan leh. Cajiib!!!
quraanjo dhimatay kaddib markii caleentu sun ku soo daysay

Cilmi baaris cusub oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in dhirtu aysan ahayn geedo meel isaga yaala, balse ay yihiin noole caqli leh. Cajiib!!!

Dad badan ayaa la yaaba marka ay akhriyaan aayadda 44-aad ee suratul Iaraa oo uu ilaah ku leeyahay ,

(وَإِنْ مِنْ شَيْءٍ إِلَّا يُسَبِّحُ بِحَمْدِهِ وَلَكِنْ لَا تَفْقَهُونَ تَسْبِيحَهُمْ)

Taas oo macnaheedu yahay “shay ma jiro haddii uu jirana Ilaah ayuu u tasbiixsanayaa, bale ma  garanaysaan qaabka ay u tasbiixsanayaan”, dad badan ayaa isweydiiya sida ay dhirtu u hadasho oo ay u tasbiixsaato.

Culimo reer galbeed ah oo muddo ku howlanaa baaritaanko ay ku samyynayeen dhirta ayaa gebgebadii baaritaankooda soo saaray qodobadaan:

1-     In dhirtu ay soo saaraan dhawaaqyo: arrintaan waxay timid markii ay culimado ogaadeen in maaddada DNA ee ku jirta dhirta ay samayso dhaqaaw aan la fahmin macnihiisa, balse awood loo yeeshay in la duubo lana qiyaaso, iyadoo la adeegsnayo qalab aad u casri ah, sow lagama yaabo in codkaasi uu yahay midka uu Ilaah inoo sheegay oo ay dhirtu ku tasbiixsanayaan, …waan maqlaynaa…. Laakiinse ma fahmayno…  وَلَكِنْ لَا تَفْقَهُونَ تَسْبِيحَهُمْ))

2-     In dhirtu ay leeyihiin awood ay naftooda ku difaacaan. Culimo ka socoota dalka Jarmalka oo muddo ku howlanaa baatiraankaan ayaa sheegay in dhirta qaarkeed marka ay cayayaanku soo weeraraaan si ay caleemaheeda u cunaann ay iska difaacaan, iyagoo soo daaya dheecaanka Nikotinka ee sunta ah, taas oo cayayaanka ku kalifa inay cararaan.

3-     Tijaabo kale oo ay culimadu sameeyeen ayay ku ogaadeen in dhirta qaarkii marka uu cayayaanku soo weeraro ay soo daayaan dheecaan caraf badan oo soo jiita cayayaano kuwaas ka waaweyn,  waa yaab mar haddii ayba dhirtu is difaacayso maxay cayayaano kale ugu yeeranaysaa? Waa su’aal ay markii hore ku wareereen culimadu, balse markii dambe ayay waxay ogaadeen in sababta cayayaankaa weyn loogu yeeray ay tahay inay cunaan kuwa yaryar ee  cunaya caleemahooda.

Xogta: ALSHAHID