Shabakada Alshahid » Cayaaraha

Gobolka Banaadir oo ku guulaystay tartanka koobkii gobollada Soomaaliya
Garowe (Alshahid)-Kooxda kubada cagta ee gobolka Banaadir ayaa galabnimadii maanta ku guulaystay goobka gobollada dalka Soomaaliya oo dhawaanahan ka socday xarunta maamul goboleedka Puntland ee Garowe.

Gobolka Banaadir ayaa ciyaartii fiinaalka kaga badiyay 1-0 kooxdii ka socotay gobolka Bari.

Ciyaarta galabta ayaa ahayd mid aad u xiiso badneyd, waxaana gobolka Banaadir uu goolka la hormaray qeybtii hore ee ciyaarta.

Ciyaarta ayaa ahayd mid aad loogu soo daawasha tagay, waxaana kamid ah dadka daawanayay mas’uuliyiinta Puntland oo uu hormuud ka ahaa, MadaxweynahaPuntland, Cabdiraxman Maxamed Faroole, halka dhinaca dowladda KMG ah uu matalayay guddoomiyaha gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Nuur (Tarsan).

Ciyaarta kadib ayaa waxaa koobka la guddoonsiiyay xulka gobolka Banaadir, waxaana goob joog ka ahaa xaflada lagu guddoonsiinayay koobka ciyaartoy magac ku leh taariikhda Soomaaliya, sida oradyahankii Cabdi Bille Cabdi.

Tababaraha xulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in uu aad uga faraxsanyahay guusha ay gaareen ,isla markaana waxa uu ku tilmaamay mid ay waqti badan kaga baxday sida ay koobka uu qaadi lahaayeen.

Xogta: ALSHAHID

Kooxda kubada cagta ee Qaranka Soomaaliyeed oo ka bad baaday shil gaari
Dari salaam (Alshahid)-Xulka kubada cagta ee Qaranka Soomaaliya ayaa ka bad baaday shil gaari oo shalay galab ay ku galeen gudaha magaalada Dari salaam ee xarunta dalka Tanzania halkaas oo ay uga qayb galayaan tartanka CECAFA  2010.

Baskii waday ciyaartoyda ayaa bareega goostay xilli uu ku dhowaa garoonka Karume halkaas oo ay ciyaartooyda kusii tababaran rabeen kahor inta aysan kullankooda labaad la yeelan kooxda dalka Tanzania kaas oo maanta dhici lahaa.

Afar ciyaartood uu kamid yahay gool hayaha xulka Soomaaliya,Kamaal Cali Nuur ayaa shilak uu dhaawac fudud kasoo gaaray waxaana la geeyay cisbitalka Aga Khan ee isla caasimada Dari salaam.

Tababaraha xulka Soomaaliya, Yusuf Adan ayaa sheegay in shilka uu ahaa mid halis ah balse uusan baajin dooni kullanka ay la yeelan doonaan kooxda Tanzania.

Xulka dalka Soomaaliya ee ka qeyb galaya Koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika ayaa kulankii ugu horeeyay waxaa ay la ciyaareen maalin ka hor xulka dalka Burundi, waxaana ciyaartaasi 2-0 ay guusho ku raacday xulka Burundi, balse xulka Soomaaliya ay soo bandhigeen ciyaar aad loo jecleystay iyadoo laga sugayo haatan in ay guul ka soo hooyaan kulanka ay la ciyaarayaan Tanzania.

Xogta: ALSHAHID

Xulka Qaranka Soomaaliya ee-17 Jir-ka oo ku dur-duriyay kooxda Al-shaxaniya ee dalka Qadar.
Dooxa (Alshahid)-Cayaartodya xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka yartahay17-ka sano ayaa caawa 2-0 ugu awood sheegtay kooxda Al-Shaxaniya ee dalka Qadar intii ay socotay cayaar saaxiibtinimo oo ku dhex martay garoonka Kooxda Al-Shaxaniya ee magaalada Dooxa.

Cayaarta oo ahady mid aad u adag ayaa waxaa garsoore ka ahaa garsoore u dhashay dalka Qadar oo xiriirka kubada cagta dalkaasi uu soo magacaabay waxaana 90-kii daqiiqadood ee cayaartu socotay hogaanka u hayay xulka Qaranka Soomaaliya oo soo bandhigay cayaar farsamadeedu aad usareysay oo soo jiidatay dhamaanba daawadayaashii garoonka ku sugnaa.

Daawashada cayaarta ayaa waxaa kasoo qeyb galay guddoomiyaha naadiga Al-Shaxaniya, iyo maamulaha kooxda halka dhanka Soomaaliyana ay cayaartaas daawanayeen Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid carab,maamulaha kooxda U-17-ka Soomaaliya Yaxye Maxamed Abuukar iyo Bashiir Yuusuf Fox oo ka mid ahaa xulka qaranka kubada koleyga Soomaaliya sanadihii u dhexeeyay 1978-1987-kii hadna ah macalinka naadiga kubada koleyga Rayaan ee dalka Qadar.

Qeybtii hore ee cayaartu waxaa ay ku dhamaatay 1-0 oo ay Soomaaliya ku hogaamineysay waxaana goolkaas xulka Soomaaliya u saxiixay Cayaaryahanka la yiraahdo Nuur Xuseen Cabdi halka goolkii labaadna uu xulka Soomaaliya u dhaliyay Cayaaryahan Jibriil Xasan Fariid.

Markii cayaaru dhamaatay kadib ayaa guddoomiyaha naadiga Al-Shaxaniya waxaa uu si weyn ugu mahad celiyay xulka Soomaaliya  oo uu ku tilmaamay koox rajo fiican leh.

“Kooxda Soomaaliya waxaa ay soo bandhigtay cayaar wanaagsan oo xeelad sare leh iyadoo waliba ka timid dal bur brusan oo dagaalo ay hareeyeen waxaana ku amaanaynaa howshaas wanaagsan madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta, macalimiintooda iyo cayaartoyda oo u dhabar adeygay dhibaatdaas adag in ay ku shaqeeyaan”ayuu yiri guddoomiyaha naadiga Al-Shaxaniya ee dalka Qadar oo xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid carab  la hadlayay cayaatrtu markii ay soo idlaatay kadib.

Kooxda qaranku waxaa ay cayaarta tan xigta ee saaxiibtinimo la yeelaneysaa kooxda heysata horyaalka dalka Qadar ee la yiraahdo Al-Gharafa Sports club maalinta Arbacada ah ee inasoo aadan waxaana cayaartaasi ka dhici doontaa garoonka kooxda Al-Gharafa. Xulka U-17-ka Soomaaliya oo todobaadyadii lasoo dhaafay ku tababar qaadanayay dalka Qadar ayaa u diyaar garoobaya cayaar ka mida is reeb reebka koobka dhalinyarada Afrika oo ay la yeelanayaan dhigooda dalka Masar kadib markii ay horaantii sanadkan kusoo dur duriyeen xulka dhigooda ah ee dalka Kenya.

Xulka 17 jirrada ka yar ayaa 2-da bisha inasoo aadan ee September kazoo tagi doona magaalada Dooxa waxaana 3-da bisha ay gaari doonaan magaalada Qaahira oo cayaatrta hore ay ka dhici doonto 6-da bisha sida horay loo qorsheeyay, halka cayaarta labaadna ay ka dhici doonto magaalada Alexandria 10-ka bisha Septermber.

Sida caalamiyan ah waxaa ay ahayd in labada cayaarood midkood lagu qabto Soomaaliya laakin dagaalada iyo amaan darrada jira awgood uusan xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu dalka gudihiisa ku marti gelin Karin cayaaro caalami ah waxaana sidaa awgeed xiriirada kubada cagta ee dalalka Masar iyo Soomaaliya ay isku afgarteen in laba magaalo oo kala duwan oo isla dalka Masar ah cayaaruhu ka dhacaan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Xogta: ALSHAHID

Xulka Soomaaliya oo 6-0 looga raayay.
Asmara (Alshahid)-Xulka kubadda cagta ee qaranka Soomaaliya ee ciyaartoyda da’doodu ka yartahaya 20ka sanno ayaa guul darro weyn kala kulmay ciyaarta ay maalintii Khamiista ahayd la yeesheen xulka Kenya oo ay kawada qayb galayaan ciyaaraha wadamada Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Ciyaarta ayaa waxaa ku badiyay 6-0 xulka dalka Kenya oo u muuqday in uu ciyaar, iyo xirfad ahaanba ka tag roonaa kan Soomaaliya.

Daqiiqadii 17aad ee ciyaarta ayaa waxaa gool kaga naxsaday Soomaaliya ciyaariyahanka weerarka u ah Kenya ee la yiraahdo Duncan Owiti, waxaana ku xigsaday Robert Muigai oo daqiiqadii 38aad goolka labaad Kenya u dhaliyay.

Markii la isugu soo laabtay qaybtii dambe ee ciyaarta ayey xulka Soomaaliya muujiyeen dar dar xoog leh waxayna dhowr jeer heleen fursado ay goolal ku dhalin kareen.

Moses Arita, oo khadka dhexe ugu dheela Kenya ayaa daqiiqadii 67aad goolka seddexaad Kenya u dhaliyay, waxaana u afareeyay  Paul Were oo laba gool oo isku dhaweed dhaliyay.

Xulka Soomaaliya oo niyad wanaag kusoo galay garoonka haystayna taageerada Soomaali iyo Eritrean badan oo ciyaarta daawanayay ayaa halkaasi kala hoyday guul daro baaxad leh.

Soomaaliya waxaa ay maanta ciyaateed ugu dambeysa la leedahay kooxda dalka Eritrea, waxayna haatan haysataa Soomaaliya 2 dhibcood oo kaliyah.

Xogta: ALSHAHID

Xulka Soomaaliya ee U-20 oo barbar dhac la galay kan Tanzania.
Asmara (Alshahid)-Xulka kubada cagta ee qaranka Soomaaliyeed ee da’doodu ka hoosayso 20 jirta ayaa mar kale bar bar dhac galay kadib markii ay ku dhamaatay ciyaartii ay shalay la lahaayeen xulka Tanzania 1-1.

Ciyaartoyda Soomaaliya ayaa ahaa kuwo dheelayay banoon xarago leh iyaga oo inta badan lahaa haysashada kubada.

Daqiiqadii 40aad ee ciyaarta ayaa weerarka xulka Tanzania uu ka faa’iideystay banoon uu khalday difaaca Soomaaliya, waxaana halkaasi Soomaaliya loogala hor maray gool.

Ciyaartoyda Soomaaliya ma aysan niyad jabin, waxaana ay sii kordhiyeen weerarka ay ku hayeen goolka xulka Tanzania, taasi oo keentay in daqiiqadii 60aad ee ciyaarta uu gool qurux badan halkaasi ku dhaliyay laacibka Soomaaliyeed ee Baaruud.

Waxaa aad isoo kordhay taageerada ay helayeen xulka Soomaaliya, iyadoo ayna ciyaartoyda sii kordhiyeen weerarka ay ku beegsanayeen goolka xulka Suda,

Daqiiqadii 70aad ee ciyaarta ayaa waxaa garoonka laga saaray ciyaariyahanka khadka dhexe uga dheelo Soomaaliya, Cabdikariim kadib markii uu lugta u dhigay weeraryahanka Tanzania waxaana ay Sudan halkaasi ka hesahy gool ku laad (penalty) taasi oo uu si xarago leh u bad baadiyay boortaha Soomaaliya; Khalid Cali.

Xulka Soomaaliya ayaa maalinta khaamiista ah (19ka bishan) ciyaartooda seddexaad la leh xulka Kenya, waxaana haatan ay Soomaaliya haysataa 2 dhibcood iyo 1 gool.

Dhinaca kale xulka Soomaaliya ayaa ah kan labaad ee ugu taageerada badan ciyaaraha ka socda Asmara, waxaana ay taasi keentay in ay Soomaaliya soo bandhigto ciyaar wanaag.

Xogta: ALSHAHID

Xulka kubadda cagta Soomaaliya ee da’doodu ka yartahay 20 jirka oo Eritrea o dhoofay.
Muqdisho (Alshahid)-Xulka kubadda cagta ee Qaranka Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee shalay u ambabaxay dalka Eritrea halkaasi oo ay 15ka bishan ka furmayaan ciyaaraha xulalka wadamada Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Ka hor intii aysan ciyaartooyda ka duulin garoonka dayuuradaha ee Adan Cadde ayaa waxaa hadalo dardaaran iyo dhiira galin ah u jeediyay guddoomiyaha xiriirka kubada cagta ee Soomaliya; Siciid Maxamuud Nuur iyo xoghayaha Cabdiqani Saciid Carab.

Xulka Soomaaliya ayaa waxa ay isku gurub ku jiraan wadamada; Sudan, Kenya, Zanzibar iyo Eritrea waxaan ay ciyaartooda ugu horaysa ay maalinta Axada ah ee nagu soo foolka leh la leeyihiin xulka dalka Sudan.

Ciyaaraha sanadkan ayaa waxaa ka maqan xulalka Jabuuti iyo Ethiopia kuwaasi oo ay xurguf xagga diblomaasiyada ah kala dhaxayso wadanka Eritrea ee marti galinaya ciyaarahaasi.

Xulka Soomaaliya oo ay isugu darsantay amaan darida ka jirta dalka Soomaaliya iyo waliba xirfad yari ayaa balan qaaday in ay guulo ka keeni doonaan ciyaaraha ay la leeyihiin wadamada ay iska horyimaadaan.

Xogta: ALSHAHID

Spain oo markii ugu horaysay ku guulaysatay koobka aduunka.
Nairobi (Alshahid)-Kooxda kubada cagta ee qaranka Spain ayaa xalay markii ugu horaysay ee taariikhda ciyaaraha koobka aduunka ku guulaysatay ciyaartii kama dambeysta ahayd ee dhex martay iyaga iyo xulka hurdiga ah ee Holland.

Ciyaarta Finalka ahayd ayaa ka dhacday garoonka Soccer city ee caasimada Johannesburg, waxaana daawashada iyo ciyaarta iyo xafladii xigtay ee gudoonsiita koobka kasoo qayb galay madax sar sare oo ay kamid yihiin: Madaxweynaha Koonfur Afrika; Jacob Zuma, Madaxweynihii hore ee isla dalkaas; Nelson Mandela, Madaxweynaha FIFA; Sep Blatter, Gudoomiyaha  xiriirka  kubada cagta ee Afrika; Issa Hayatu iyo waliba madax kale.

Garoonka ayaa ahaa mid aad u xardhan waxaana ciyaarta ka hor la qabtay maharajaano iyo ciyaaro dhaqameed aad u qurux badnaa waxaana codbaahiyayaal laga sii daynayo heesta fanaanada Shakira ee Waka Waka laga maqlayay garoonka oo dhami.

Ciyaarta u dhexeysay labada koox ee Spain iyo Holland ayaa ku bilaabatay jawi hoose iyada oo labada dhinacba aya u muuqdeen kuwo difaaca ku kala jira.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa waxaa lagu kala nastay 0-0, inkasta oo ay labada dhinacba iska lumiyeen fursado badan oo ay goolal ku dhalin kareen.

Qaybtii labaad ayaan waxba la isu reeban waxaana weerarka iyo banooni haysashasa ku sitay kooxda Spain inkasta oo aysan u suurta galin in ay gool dhaliyaan.

Ciyaarta ayaa lagu daray 30 daqiiqo oo dheere ah waxaana sii kordhay cadaadiska ay weeraryahaniinta Spain ku beegsanayeen goolka Holland.

Daqiiqadii 110aad ee ciyaarta ayaa waxaa karaka cas loo taagay J. Heitinga oo difaaca uga dheelayay Holland kadib markii uu shaatiga jiiday laacibka Iniesta, waxaana daqiiqadii 117aad uu gool neefta Spain ka fujiyay dhaliyay laacibka Andrés Iniesta.

Holland oo xilligaasi ku dheelaysay 10 ciyaartooy ayaa waaga ku baryay waxaana ay awoodi waayeen daqiiqadaha ka laabnaa ciyaarta in ay gool keenaan.

Dalka Spain oo qaaday koobkii qaarada Europe ee sanadii 2008 ayaa waxa uu finalka ciyaaraha koobka aduunka yimaaday labada sanno eek ala ah; 1974 iyo 1978 balse muusan qaadin koobka.

Waxaa xalay damaashaadyo iyo reyn reyn ka bilaabatay magaalooyinka waaweyn ee dalka Spain sida caasimada Madrid, Barcelona iyo Seville.

Xogta: ALSHAHID

Brazil oo ka daba tagtay Talyaaniga, France iyo Britain.
Nairobi (Alshahid)-Kooxda kubada Cagta ee Brazil ayaa galabta ka daba tagtay kooxaha aanan nasiibka u yeelan iin ay gaaraan finalka koobka kubada cagta ee aduunka kaasi oo ka socda dalka Koonfur Afrika.

Brazil oo la islahaa maanta way soo bixi ayaa waxaa 2-1 afka ciida u daray xilka dalka Holland sidaasna waxaa ku soo dhamaaday rajadii laga qabay in Brazil ay sabadkaani koobka ku tagto.

Goolka koobaad ayaa waxaa Brazil daqiiqadii 10aad u dhaliyay ciyaariyahanka Robinho kaasi oo shabaqa ku hubsaday baas dheer oo uu usoo dhigay Luis Fabiano.

Xulka Holland ma aysna mural dilaacin oo waxa ay kordhiyeen cadaadiska ay ku hayaan goolka Brazil, waxaana qaybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay 1-0.

Qaybtii labaad markii la isugu soo laabtay ayaa waxaa sii kordhay weerarkii ku socday goolka Brazil waxaana daqiiqadii 53aad ayaa banooni meel dheer uu kasoo tuuray Wesley Sneijder uu si khalad goolka Brazil ugu aadiyay Felipe Melo.

Holland ayaa u muuqatay in ay niyada ku haayeen guul ay ka gaaraan ciyaarta waxaana daqiiqadii 68aad uu gool madaxa lagu dhaliyay Holland u saxiixay isla Wesley Sneijder, taasina waxa ay waa baryay ku noqotay kooxda Brazil oo ciyaar ahaan laga awood roobaa.

Xaalka ayaa faraha ka baxay kadib markii Felipe Melo, karaka cas loo taagay taasi oo ka dhalatay khalad fool xun oo uu kula kacay ciyaariyahan reer Holland ah.

Ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-1, waxaana halkaasi ku haray Brazil oo ka daba tagtay saaxiibadeed, France, Italy, Britain iyo Portugal .

Xogta: ALSHAHID

Milito: Rooney waa laga badbadiyay..! (Runaan la sheegin maahane Rati Dameer ka raad qurxoon)
Gool dhaliyaha xulka Argentina iyo kooxda Inter Diego Milito ayaa ka dhawaajiyay inuu aaminsan yahay in Wayne Rooney oo weerarka uga ciyaara Ingiriiska iyo Man Utd uu yahay laacibka loogu buun buuniska badan yahay kubadda casrigan. Balse uu isagu qabo inuu xitaa shaki kujiro inuu ka mid yahay 20-ka laacib ee ugu wanaagsan caalamka.

Milito ayaa u sheegay wargayska the Daily Star Sunday ee kasoo baxa dalka Ingiriiska “Markii aanu maqallo qof Ingiriis ah ama qof kastoo kale oo kujira dunida kubada cagta oo Rooney barbardhigaya Messi, waanu ku maadsanaa“ ayuu yiri Milito.

Milito ayaase dhanka kale sheegay in Rooney uu yahay laacib aad u wanaagsan oo aanu taa shaki ku jirin balse in lala meel dhigo Messi ay tahay wax aan doodi ka furreeyn ee ay tahay fikrad uun khaldan. Isagoo sheegay inuu rumeysan yahay inay adagtahay in Messi oo kale uu xitaa kasoo boxo jiilalka iminka jooga iyo kuwa jidka kusoo jira oo hadii uu fariisto xitaa uu noqon doono cabqari waa kubadda qoor qooreystay oo qayrkii wax badan dhaama.

“Sidee marka loo barbardhigi karaa laacib kasta oo maanta ciyaara..? iskaba daa nin aan weligii ku guuleysanin xidigga ugu wanaagsan aduunka..?  Milito ayaa sidoo kale qanaaca la’aan ka muujiyay in xitaa Messi la barbardhigo Kaka iyo Ronaldo. “taase waan fahmi karaa“ ayuu iskugu jawaabey. Isagoo  daba dhigay “laakiin Rooney, Maya, maya, maya“.

Massi ayaa ku dooday in sidii uu horayba u sheegay uu Rooney yahay laacib aad u qiime badan, lagana yaabee inuu ka mid yahay 20-ka laacib ee ugu mudan aduunka “laakiin taasi aanay ka dhigeynin Messi, xitaa umana dhoweeyneyso“ ayuu kusoo afmeeray.

Dalalka Ingiriiska iyo Argentina ayaa waxaa dhex taalla colaad siyaasadeed oo salka ku haysa dagaalkii gasaa’irka Falkland Islands ee 82-kii kuwaas oo ka tirsan Argentina balse uu sheeganayay Ingiriisku taasoo isu bedeshey cillad isboorti oo labada dal dhex taalla waxaana afkiisa ku cadeeyey mucjizadii kubada cagta Diego Armanda Maradona oo koobkii aduunka ee 86-dii Mexico marti gelisey uu dalka Ingiriiska ka dhaliyay laba gool oo cajiib ahaa, mid wuu u wada gooyey midna kubadii ayuu gacan uga dhaliyay goolwale Peter Shilton isagoo sheegay inuu taa ugu aargudayay dadkii reer Argentine ee sida uu yiri uu Ingiriisku sidii ayixii ugu laayay dagaalkii Falkland Islands ee afar sanadood kahor markaa idlaaday.

W: D: Maxamed Xaaji Xuseen Raage

B. Koronto:-maxaaji@hotmail.com

Gothenburg, Sweden

Xogta: ALSHAHID

FIFA oo sheegtay inaysan ka dhega la’ayn dhawaqyada ka dhanka ah kubadda Jabulani.‏
Xiriirka caalamiga ah ee maamula kubada cagta FIFA ayaa qiratay walaaca ay ka qabto kubadda Jabulani oo aad looga sheegtay laakiin waxay sheegeen in aan iminka arintaasi laga wada hadli doonin balse la iskaga soo geed fariisan doono wixii ka dambeeya dhamaadka koobka aduunka.

Laacibiinta kooxaha ka qaygalay koobka aduunka ayaa si wayn u dhaliilay kubadda Jabulani kuwaas oo ay ka mid ahaayeen goolwalayaasha Brazil iyo Talyaaniga Gigi Buffon iyo Julio Cesar sida ay u kala horeeyaan, sidoo kale weeraryahanka Talyaaniga ee Gianpaolo Pazzini ayaa ku tilmaamay “Musiibo“.

Balse dhawaqyadaas ayaa u muuqda kuwa aan ku dhicin dhego oowdan maadaama uu xoghayaha guud ee FIFA Jerome Valcke uu ka dhawaajiyay in cabashooyinkaasi ay raad ku reebeen oo ay iminka ka baaraan degayaan wixii laga yeeli lahaa waloow aanay taasi imanin waqtigii ku haboonaa.

“Ma ihin dhagoollo. FIFA-na maaha dad aan ka jawaabeynin wixii kubadan laga yiri“ ayuu yiri Valcke oo ku daray “Waxaa jira xeerar u degsan xajmiga kubadda….waxaana muhim ah inay tahay mid qaab ahaan sax ah“.

FIFA ayaa qorsheyneysa inay xaaladda kubadda Jabulani ay kala munaaqishooto Tababarayaasha iyo kooxaha ka qaygalay kadib marka lasoo afmeero koobka aduunka.

Sharikadda Adidas oo farsameysa qalabka ciyaaraha isla markaana laga leeyahay dalka Jarmanka ayaa qandaraas kula jirtey FIFA si ay u sameeyso qalabka iyo kubadaha ay FIFA wax ku qabato tan iyo sanadii 1970-kii iyadoo uu qandaraaskaasi taxnaan doono ilaa 2014-ka.

Kubadda Jabulani ayaa qaab tijaabo ahaan ah mudo 6 bilood ah loogu ciyaarayay horyaalka Bundesliga-ha Jarmanka taasoo laga yaabo inay xulka Jarmanka ee Die deutsche ay ka saacido inuu xulalka kale uga dheereeyo xakameynta kubadan la xukumi la’yahay.

W: D: Maxamed Xaaji Xuseen Raage

B. Koronto:-maxaaji@hotmail.com

Gothenburg, Sweden

Xogta: ALSHAHID