Alshahid: Warka iyo Faaqidaaddiisa » Wareysi

Gudoomiyaha ardayda jaamacadaha ee kasoo jeeda gobolka Waqooyi Bari, Kenya oo waraysi siiyay Alshahid.
Nairobi (Alshahid)- Ardayda kasoo jeeda gobolka Waqooyi Bari, Kenya oo ah arday Soomaaali ah ayaa waxaa ay dhawaanahan kusoo badanayeen jaamacadaha ku yaala dalka Kenya kuwaasi oo horay ay ugu yaraayeen tira ahaan.

Hadaba ardeyda ayaa waxa ay leeyihiin urur ugaar ah oo lagu magacaabo; North Eastern Province University Students Association (NEPUSA) waxaana madax ka ah Cabdilatif Macalim oo ah arday dhigta Jaamacada Nairobi baratana saxafinimada qalinjabinayana bisha September ee sanadan.

Cabdilatif ayaa waraysi dhinacyo badan taabanaya waxa uu siiyay shabakada wararka ee Alshahid.net

Alshahid: Mudane Cabdilatif, waxa aad tahay madaxa ururka NEPUSA ee ay leeyihiin ardayda gobolka Waqooyi Bari Kenya, balse taariikh kooban nagasii ururka iyo waxa loo dhisay.

Abdilatif: Aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa websiteka Alshahid.net, fursada ay maanta ii siiyeen in aan uga warbixiyo ururka NEPUSA, waxaana halkan salaam sare ugu jeedinayaa dhamaan shaqaalaha iyo maamulka Alshahid sida wanaagsan ee ay uga waramaan dhacdooyinga gobolka Geeska Afrika gaar ahaan kuwa khuseeya dadka Soomaalida ah.

Hadii aan usoo laabta su’aashaada, ururka NEPUSA waxaa la dhisay sanadii 1985, waqtigaas oo ardaydii kasoo jeeday gobolka Waqooyi Bari, Kenya ay arkeen sida ay ugu baahnaayeen urur mideeya ardayda fara kutirska ah ee gobolka kasoo aada 5ta jaamacadood ee uu lahaa dalka Kenya.

Asaaska waxaa iska lahaa arday isu timid oo ka kala socday labada jaamacadood ee dalka ugu weyn waa; Nairobi University iyo Kenyatta University. Howlaha ugu badan ee uu ururka xiligaas qaban jiray ayaa ahaa; isu keenida iyo xiriirinta dhamaan ardayda gobolkaasi kasoo jeeda, aruurinta dhaqaale lagu garab qabto ardayda dhaqaala ahaan liidata, soo saarida joornaal sanadle ahaa oo ka hadla xaalada waxbarasho ee gobolkeena  iyo in la sameeyo hogaan midaysan oo ay leeyihiin ardayda.

Ururka NEPUSA, nasiib daro waxa uu bur buray sanadii 2005, kadib markii lagu kala qayb samay taageerida aftidiid dastuur ee dalka sanadkaasi ka dhacaysay waxaana taasi sababteeda lahaa siyaasiyiin gobolka kasoo jeeda oo isku dayday in ay NEPUSA siyaasad ahaan u isticmaalaan.

Waxa ururka uu dib usoo noolaaday sanadii 2007 tan iyo markaasna waxaan ku tilaabsanay horumar la taaban karo inaga oo qabsanay 3 doorashiiyin guud oo ay ugu dambeysay tan aan gudoomiyaha ku noqday.

Alshahid: Doorashadu ma ka wada qayb qaataan jaamacadaha oo dhan mise waa jaamacada Nairobi oo kaliya?

Abdilatif:Maya, doorashada gudoomiyaha waxa ay ka dhacdaa jaamacada Nairobi balse jaamacadaha kale waxa ay leeyihiin guddiyo hoosaad howsha kawada jaamacadooda wakiilna ka ah NEPUSA marka hadii sida kala loo dhigo gudoomiyaha guud ee NEPUSA waxaa laga doortaa Nairobi Unversity.

Alshahid: Waa imisa tirada ardayda ee hoos yimaada NEPUSA?

Abdilatif: Tira koobkii ugu dambeeyay ee aanu samaynay waxa tirada ardayd ka imaada gobolka Waqooyi Bari, Kenya iyo ardayda Soomaaliyeed gabi ahaan aanu ka dhignay 1,700 oo arday kuwaasi oo ku kala jira 5 jaamacadood ee bulshadu leedahay ee ka jira dalka Kenya. Tirada ugu badan waxa ay dhigtaan jaamacada Nairobi cadadoodana waxaa 750.

Alshahid: NEPUSA ma hoosyimaadaan ardayda gobolka kasoo jeeda ee dhigta jaamacadaha gaarka loo leeyahay (Private Universties.)?

Abdilatif: Waxaa jira wada shaqayn nagala dhexeysa ardayda dhigata jaamacadaha gaarka loo leeyahay balse ma jirto wax xubin ah oo ay NEPUSA ku leeyihiin. Markii aanu kulamo qabno waan casuumnaa kuwa ugu fir fircoon ardayda dhigta jaamacadaha gaarka loo leeyahay, waxaana filaynaa in dhawaan aan kusoo beerino ururka NEPUSA.

Alshahid: Waxaad warbin naga siisaa facultyga ay ugu badan yihiin ardayda Soomaalida ah gaar ahaan kuwa kasoo jeeda gobolka Waqooyi Bari iyo sida ay tahay waxbarashadooda?

Abdilatif: Ardayda Soomaalida ee hada jaamacadaha dalka dhigto waxa ay u badan yihiin kuwo kharashkooda iska bixiyo (Self Sponsored) maadaama aysan fursad u helin in ay gobolkooda kasoo galaan jaamacada marka facultyga ay u badan yihiin waa faculty of arts sababta oo ah waxaa jaban lacagta lagu dhigto. Wey jiraan arday dhigato, dhakhtarnimada, Injineernimada, dhaqaalaha, siyaasada, saxaafada iyo kuwo kalaba waxaana hada la dhihi karaa ummada Soomaaliyeed eek u nool gobolka Waqooyi Bari waxa ay usoo jeesteen waxbarashada meel wanaagsan ayeyna marinayaan.

Alshahid: Maxaa kamid ah waxyaabaha ugu waaweyn ee aad qabatay intii aad hada xilkan haysay?

Abdilatif: Tan iyo markii aan xilkan qabtay waxaan isku dayay inaan horay usii wado waxyaabihii wanaagsanaa ee ay sii bilaabeen raggii iga horeeyay, waxa aan ku guuleystay inaan soo saaro joornaal waxyaabo badan looga hadlayo, waxaan kusoo wareegnay dusiyada sarre ee gobolka inaga oo khudbado usoo jeedinaynay ardayda kuna boorinaynay in ay ku dadaalaan sidii ay jaamacadaha kusoo gaari lahaayeen.

3dii bishii April ee sanadan waxaan qabanay xaflad lagu abaal marinayay arday ku guulaysatay tartan curis (composition) ahaa oo cinwaan aan uga dhigbay :The North Eastern Province we want. Oo mincaheedu yahay Gobolka Waqiiyi Bari ee aanu rabno waxaana xaflada oo ka dhacday magaala madaxda gobolka Waqooyi Bari ee Garissa kasoo qayb galay siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeeda gobolka.

Alshahid: Ugu dambeytii maxay tahay yoolka uu tiigsanayo ururka NEPUSA?

Abdilatif: NEPUSA waxa aanu ka rabnaa in ay na gaarsiiso heer ardayda waxbartay ee gobolka Waqooyi Bari ay horsed u noqon karaan isbadal buuxa oo wax ku ool ah kaasi oo gobolka ka saara mushaakilka baahsan eek u habsaday tan iyo markii uu dalkan qaatay xornimada, waan ku daalnay inaan dhowrno oo wax ka sugno dowladda waxaana u kaba gashanay sidii aan dhibaatada gobolkeena aan inagu xal ugu keeni lahayn inaga oo kaashaneyna cid waliba oo gacan nagu siinaysa arintaasi.

Xogta: ALSHAHID

Prof. Dhalxa oo waraysi dhinacyo badan taabanaya siiyay Shabakada Alshahid.
(Alshahid)- Guddomiye kuxigeenka 1aad ee baarlamaanka KMG Prof. Maxamed Cumar Dhalxa ayaa sheegay in dowladda KMG ay qaadatay go’aano sharci daro ah oo ay kamid yihiin qaraaro muhiim ah oo ay dowladdu qaadatay iyadoonan la tashan baarlamaanka.

Prof. Dhalxa ayaa dhinaca kala xaqiijiyay in uu kalfadhiga baarlamaanka furmi doono todobaadka soo socda gudihiisa isagoo ka furmaya Guriga Ummada kaasi oo uu gaba gabo yahay dayac tir lagu samaynayo.

Prof. Dhalxa oo khadka telefonka ugu waramay shabakada Alshahid ayaa sheegay inuu taageersan yahay soo jeedinta odoyaasha beelaha ee gobolada Jubooyinka iyo Gedo kuwaasi oo rabo in ciidamada Kenya lagu tababaray la geeyo goboladaasi. Dhalxa ayaa sidoo kale taageeray heshiiskii dhax maray dowladda KMG iyo ururka Alhu Sunna Waljamaaca.

Hadaba waakan qayb kamid ah waraysiga Prof. Dhalxa oo Af-carabi laga turjimay:

Alshahid: Waxaa inta badan ay dowladda KMG gaartaa go’aano ay qaarkood muhiim yihiin iyadoona la tashan baarlamaanka, taasi oo ay dadka siyaasada ka faalooda ay u arkaan in baarlamaanka la yaraysanayo, maxaad ka leedihiin arintaasi?

Dhalxa: Ugu horayn waxaan idiinka mahad celinayaa xiriirka aad nala soo samayseen, sidoo kale waxaan u mahad celinayaa shabakada Alshahid,wariyayaasheeda, qoraayaasheeda anigoo uga mahad celinaya sida ay muhiimada u siiyaan qadiyadaha umadda Soomaaliya. Inta aanan su’aashaada ka jawaabin waxaan jeclahay inaan ka maqnaa dalka bilooyin arimo muhiin ah awgood. Markii aan soo laabtay waxaan argay xadgudubyo dastuurka ah oo aan la iska indha tiri karin oo ay dowladdu ka kacday, sababtoo ah dowladdu waxa go’aano ay qaarkood muhiin yihiin iyadoonan la tashan golaha baarlamaanka taasina waa mid dastoorka dhid ku ah. Waqtigan hada lajoogo waxaan u ogaysinaynaa uguna bishaaraynaynaa dadk Soomaaliyeed in uu baarlamaanka bilaabi doono fadhiyadiisii todobaadyada soo socda gudohooda, kuwaasi oo ka dhici doona guriga ummada oo hada dacyac tir kusocda laguna howl gali doono dhawaan.

Alshahid:Maxay tahay arimaha ugu waaweeyn ee la doonayo inuu ka dooodo baarlamaanka fadhiyadiisa ugu horeeya?

Dhalxa: Waxaa baarlamaanka horyaala arimo badan oo ay kamid yihiin: xiriirka siyaasadeed ee dowladda ay la samaysay dibadaha, arimo wadanka gudihiisa ahiyo ku amaanka ahba balse waxaan ku bilaabaynaa la xisaabtanka khaladaadka ay dowladda gashay, mana doonayo inaan kusiiyo faahfaahin intaasi kabadan.

Alshahid: Qaar kamid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya waxa ay dhibaatooyin kala kulmeen dowladdaha dariska ah sida Kenya iyo Ethiopia kuwaasi oo xitaa xirxiray qaar kamid ah mudanayaasha baarlamaanka, dowladda Soomaaliyana waxba kama aysan oran arintaasi, maxay kula tahay sababta?

Dhalxa: Waa dhab in xubno katirsan baarlamaanka ay la kulmeen handadaado iyo falal waxshinomo ah oo ay u gaysteen dowladdaha Kenya iyo Ethiopia. Inagu dhinacanaga waan cambaareyneynaa falalka ay labadaasi dal gaysteen waxaana u aragnaa kuwo daandaansi yihiin isla markaana caksi ku ah mawqifka dhabta ah ee ay dowladdahaasi ka qaateen dowladda KMG. Hogaanka sare ee baarlamaanka waxa uu dhisay gudi loo xilsaaray diyaarinta talaabada saxda ah ee lagu wajihi lahaa xadgudyadaasi lana hor keeni doono baarlamaanka.Kadib markaasi waxaan go’aankeen u gudbin doonaa hay’ada xuquuqda aadamaha ee fadhigeedu yahay Geneva si sharciga loo horkeeno kuwa ku xadgudbay Mudanayaasha baarlamaanka iyo waliba suxufiyiin iyo dad kale oo Soomaali ah. Mana ahaanayno kuwo arintaasi gacmaha ka laabta waadna maqli doontaan jawaabta ficilkaasi.

Alshahid: Waxaan inta badan ka maqlaa madaxda baarlamaanka hanjabaadyo ku aadan xubnaha aanan kasoo qayb galin kulamada baarlamaanka, balse lama arko talaabo aad ka qaadaan xubnahaasi, miyaanan la oran karin in ay hadaladiina ay u baahanyihiin in ficil la raaciyo?

Dhalxa: Todobaadyada soo socdo way cadaan doontaa wixii aan ku hanjabaynay xubin waliba oo ka maqnaa shaqadiisa cudur daar la’aan waa uu waayayaa kursigiisa baarlamaanka ah waxaana u qabanaynaa mudo cayiman xildhibaankii mudadaasi gudeheeda ku imaani waayo waxaa loo gudinayaa golaha qaanuunka waxaana laga qaadi talaabada ku aadan.

Alshahid:Marka aan fiirino xaalada amaan ee Muqdisho iyo sida ay waaxaha amaanka ee dowladda aysan u hanan karin amaanka, maxaad mudanayaasha uga dalbanaysaan in ay soo xaadiraan?

Dhalxa: Maya, taasi waa cudur daar aanan la aqbali karin, inaguba waxa aan ku shaqaynaynaa xaaladaas xanuunka badan waxaana diyaar u nahay inaan u adeegno dalka iyo diinta. Marka waxaa wanaagsan inaan is waydiino: Miyaanan u dhaaran inaan ummada u shaqayno? Maxay tahay munaafaqnimadaan? Hidii aadan u shaqaynin dadkiina yaa weeyo Mahdiga la sugayo inuu dalka ka saaro dhibaatada daba dheeraatay? Waxaan halkaan Alshahid ka sheegayaa mar kale in walaalahayga xubnaha baarlamaanka ah ay shaqadooda qabsadaan soona xaadiraan fadhiyada baarlamaanka waqtiga ugu horeeya.

Alshahid: Maxaad ka leedahay mushaaharaadka mudanayaasha?

Dhalxa: Waxaa horaan u jiray cilad ka timid dhinaca hay’adaha fangareeyo dowladda balse socdaalkayga ugu dambeeyay ee aan Nairobi ku tagay waxaan la kulmay hay’ado badan oo QM midobay katirsan oo ay qaarkood u qaabilsan yihiin arimaha Soomaliya. Arimo badan ayaan isla meel dhignay waxaana kuu xaqiijinayaa in ay mudanayaasha mushaarkooda ay mar dhow heli doonaan ayna dhamaatay daahintii hore.

Alshahid: Warbaahinta ayaa baryahan hadal haysay khilaaf ka dhax taagan Muqdisho iyo Nairobi oo ku aadan ciidamo ay Kenya u tababartay dowladda KMG, Ma u argataa in ay munaasab tahay in ay ciidamadaasi sii joogaan xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya misa waxa ay kula tahay in ay hoostagaan wazaarada difaaca ee Soomaaliya?

Dhalxa:Marnaba, Anigu waan ku khilaafsanahay arintaasi Madaxweyne Sharif, adiguna waad ogtahay Soomaaliduna way ogyihiin, in Muqdisho aysan u wanaagsanayn in lageeyo ciidomo dheeraad ah, waxaana u diidanahay in ciidamada Kenya lagu soo tababaray Muqdisho lakeeno sababahan owgood:

1. Waxaan u baahanay inaan xorayno gobolada iyo degmooyinka istaraatijiga ah sida Kismayo iyo gobolada xuduuda ah kuwaasi oo aan si buuxdo uga qabsano mucaaradka.

2. Waxaa muhiim ah in ay dowladda KMG garato heshiiskii Kenya iyo Soomaaliya u dhexeeyay oo ahaa in marka ay ciidamadan tababarka u dhamaadaan la geeyo magaalooyinka xuduuda la ah Kenya.

3. Talaabada ciidamada lagu geynayo Muqdisho waxa ay ka hor imaanaysaa istaraatijiyada ciidanka dowladda oo ah in furino dagaal oo badan lagu furo mucaaradka.

Sidaas darteen kuma raacayno Madaxweyne Sharif qorshihiisa waxaana ilaalinaynaa waajibka naga saaran shacabka.

Alshahid: Dowladda KMG waxa ay heshiis awood qaybsi ah la gashay ururka Ahlu Sunna Waljamaaca, maxay tahay danta dadka ka dambeya heshiiskaasi?

Dhalxa: Marka hore waxaan ugu hambalyeynayaa Madaxweyne Sharif iyo Raysal Wazaare Cumar Cabdirashid heshiiskii ay la saxiixdeen Ahlu Sunna Waljamaaca taasi oo ku tusaysa dadaalkooda dheeriga ah ee ay ugu jiraan nabada Soomaaliya. Anigu ra’yi ahaan waxaan qabaa in ujeedooyinka heshiiska ay cadahay waana in deegaanada iyo ciidamada hubaysan ee ay Ahlu Sunna leedahay la hooskeeno dowladda KMG laga bilaabo maalinta heshiiska la saxiixay. Taasina waxa ay dan u tahay dowladda oo helayso vawood ay kaga hortagto xoogaga nabad diidka ah. Haa waanu soo dhawaynaynaa heshiiska waxaana ugu baaqaynaa kuwa kale in ay nabada soo raacaan waayo dowladdu waa mid nabadeed ma ah mid dagaal.

Xogta: ALSHAHID

Axmed-Shariif “Way naga go’an tahay horumarinta iyo nabadaynta Galmudug”
Muqdisho ( Alshahid) – Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed –Shariif Cali Hilowle ayaa Muqdisho ku jooga booqasho shaqo, waxaan kula kulmay hotelka Bakin (Ex Kuraasyo Cad), ee Km4, magaalada Muqdisho.

Waxay ahayd markii ugu horreysay ee aan la kulmo, haddii aaan isku dayo inaan sifeeeyo, waxaan oran lahaa, waa nin dherer iyo gaabni u dhexeeya, maariin xigeen ah, waa nin dhallinyaro ah oo ay firfircoonidu ka muuqato, waa nin aan hadal badnayn, marka uu hadlayana kaftanka ma illoobo, waa nin aaminsan kifaaxa nolosha, jecel inuu naftiisa, maalkiisa iyo muruqiisaba u huro inuu wax wanaagsan qabto, si guud Soomaali, si gaar ahna dadkiisa iyo deegaankiisa.

Axmed-Shariif markii uu arkay xaaladda adag ee nololeed ee ka jirta deegaannada Galmudug ayuu go’aan ku gaaray inuu deegaanka tago waxna ku biiriyo…

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Shariif

“Waxaan ku noolaa Hargaysa markii aan go’aansaday inaan tago magaalada Gaalkacyo, si aan ugu biiro dadka deegaanka Galmudug u dhashay ee go’aansaday inay wax u qabtaan dadkooda” ayuu yiri Axmed-Shariif oo iiga sheekaynayay sida uu ku bilaabay mas’uuliyadda uu ka hayo Galmudug.

Madaxweynuhu wuxuu ii sheegay in shaqooyinkii ugu horreyay ee uu deegaanka ka bilaabay ay isugu jireen dhinacyada horumarinta iyo samafalka.

“Horumarinta waxbarashada deegaanka ayaa culayska koowaad saaray, waxaan wax ka furay iskuulo, waxaan gacan ka gaystay fee ka bixinta ardayda aan iska dhiibi karin qarashka iskuulka, waxaana wax ka abuuray barnaamij wacyigelin ah oo bulshada deegaanka lagu barayay qiimaha waxbarashada” ayuu yiri Mudane Axmed-Shariif oo xusay in tallaabadii labaad ee uu qaaday ay ahayd inuu noqdo samafale.

“Waxaan qayb libaaxle ka qaatay biyo dhaamin iyo cunno qaybin loo sameeyay dadka deegaanka markii ay abaartu saamaysay” ayuu yiri Madaxweynuhu, oo sheegay in hantida howshaa gargaarka lagu fuliyay ay bixiyeen jaaliyadaha dibadda iyo ganacsatada deegaanka ee ku kala nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.

Howshii 3-aad ee aan deegaanka ka qabtay waxay ahayd nabadaynta beelaha walaalaha ee Sacad iyo Saleebaan

Axmed Shariif

Maamulka Galmudug

Sannadkii 2006 ayay ahayd markii ay shirweyne isugu yimaadeen dadka dega deegaannada Koonfurta Mudug, kana kooban dhammaan beelaha dega dhulkaas.

“Shirweynahaas waxaa soo abaabulay qurbo joogta Galmudug, waxaana ka soo qaybgalay ergooyin gaarayay 800 oo qof, waxaana shirweynahaas lagu dhisay gole dhaqan iyo gole baarlamaan oo ka kooban 25 xubnood” ayuu yiri Mudane Axmed-Shariif oo tilmaan ka bixinayay qaabkii lagu unkay maamulka Galmudug.

14-kii August 2006 ayaa la doortay Madaxweynihii ugu horreeyay ee Galmudug wuxuuna ahaa Maxamed Warsame Cali “Kiimiko”, waxaana la sameeyay dastuurkii lagu dhaqi lahaa maamulka.

“Nasiib darro, markii maamulkii la unkay, waxaa deegaanka soo gaaray dagaalkii Maxkamadaha, waxayna Gaalkacyo noqotay meel ay isku urursadaan ciidamadii Dowladda, kuwii Puntland, kuwo ka socday Galmudug iyo ciidamo Itoobiyaan ah, dagaalkaasina wuxuu keenay inuu hakad galo maamulkii Galmudug” ayuu yiri Axmed-Shariif oo intaa ku daray in markii dagaalladaasi dhamaadeen uu deegaanku noqday meel cidla ah oo ay iska maamushaan maleeshiyooyin aan cidna ka amar qaadan.

Mar kale ayaa waxgaradka deegaanku talo dib isugu noqdeen, waxaana la abaabulay shirweyne labaad oo novemb er 2007 ka dhacay Bandiiradley, wuxuuna socday 3 bilood, kaasoo waxgaradku dib ugu hanteen maamulka deegaanka, waxaana xal loo helay isbaarooyinkii 40ka gaarayay ee teedsanaa waddada isku xirta Gaalkacyo iyo ilaa Galinsoor, waxaana shirweynahaas lagu sameeyay guddiyo amni oo wax ka qabta amaan darida ka jirtay deegaannada Galmudug.

Axmed-Shariif

Wixii xilligaa ka dambeeyay waxaa dib u soo laabtay maamulkii Galmudug oo bilaabay inuu ambaqaado howlihii loo dhisay, anigu markaa ayaan goostay inaan maamulka ku biiro, waxaan markii ugu horreysay noqday guddomiyaha guddiga dhaqaalaha, markii la magacaabay wasiiradii dowladdii Kiimikana waxaan noqday Wasiirka Horumarinta Maamulka iyo la Xisaabtanka Xukuumadda.

May 2009, waxaan isu sharxay doorashada madaxtinimada Galmudug oo lagu waday inay dhacdo 16kii June 2009, waxaa sidoo kale isa soo sharaxay Maxamed Axmed Caalin oo isna horey u ahaa guddoomiyaha gobolka Hobyo, iyo Sh. Axmed Ilko Dahab oo isna ahaa guddoomiyaha Garsoorka Galmudug.

Markii la gaaray maalintii doorashada ayay labadii musharax qaadaceen inay ka qaybgalaan doorashada.

Maxay ahayd sababtu? Waxay maqleen in baarlamaanku intiisa badan doonayaan inay aniga i doortaan, markaas ayay qaateen go’aanka qaadacaadda.

1-dii Luulyo 2009 ayaa waxaa la ii doortay Madaxweynaha Galmudug, waxaana helay codadka 18 xildhibaan oo ka mida 25-ka xildhibaan ee uu ka kooban yahay baarlamaanka Galmudug.

Khilaafaadka Galmudug

Waxaa horey u jiray haddana weli taagaan khilaafaad u dhaxeeya madaxda maamulka Galmudug, maxaa loo xalin la’ yahay, xageena khilaafku salka ku hayaa?

Mudane Axmed-Shariif oo arrintaa ka hadlayana wuxuu yiri “Khilaafku wuxuu soo bilowday markii la taagay maamulka Galmudug, waxaa jiray khilaaf u dhexeeyay Madaxweynihii hore Kiimiko iyo golihiisii baarlamaanka, doorashayda kaddina waxaa abuurmay khilaaf inoo dhexeeya aniga iyo Ahlusuna Wal jamaaca, khilaafkaas oo sababay inay abuuraan madaxweyne kale oo aan sharci ahayn, kaas oo ah Maxamed Axmed Caalin”.

Yaa doortay Madaxweynaha labaad? “Lama dooran ee waa la magacaabay” ayuu yiri Mudane Axmed-Shariif, oo xusay inay magacaabeen 7-dii xildhibaan ee aan codka siin ee ka mid ahaa golaha baarlamaanka iyo Ahlu suna

Maxaad isugu tanaasuli la’ dihiin? Sow ma haboonaan lahayn in hal Madaxweyne ay yeelato Galmuug? Waa sax, waxaanse rabaa inaan kuu sheego in labadeena garab aan ka wada shaqayno dhinacyada amniga iyo howlaha bani’aadamnimo, waxaa jira guddiyo isku dhaf ah oo howlahaa qabta, sida guddiga gurmadka abaaraha oo ka kooban xubno ka kala socda labada maamul, balse dhinaca siyaasadda hadda ayaan u joognaa Muqdisho sidii khilaafkaa loo dhamayn lahaa, waxaana sugaynaa Mudane Maxamed Axmed Caalin oo dhowaan la filayo inuu Muqdisho soo gaaro, fadhigaas ayaan rajaynaynaa inuu is afgarad ka soo baxo.

Xarunta Madaxweynaha

Mudane Madaxweyne, maadaama aad tahay Madaxweynaha Galmudug, ma noo tilmaami karta xaruntaada madaxtooyada?

Run ahaantii xukuumaddii hore ee Kiimiko waxqabad la tilmaami karo oo ay qabatay ma jirin, lama dhisin xarun madaxtooyo iyo xitaa xarun baarlamaan, madaxdii hore waxay ku jireen guryo kiro ah, anaguna weli sidaas oo kale ayaanu nahay, waxaan hadda degganahay guri kiro ah oo aan aniga kiradiisa aan iska bixiyo, sidoo kale golayaasha dowladda oo dhan waxay deggan yihiin guryo wada kiro ah.

Waxqadka

Ka billow bidix, XasanCawaale Wasiirka Waxbarashada, Cumar Suuri, Wasiirka Qorshaynta Caalamiga, Axmed-Shariif Madaxweynaha Galmudug, Nabaddoon Cali Xadde

Maxaan sheegi karnaa oo waxqabad ah oo aad qabatay intiii aad Madaxweynaha ahayd?

Waxaan dhisay gole wasiiro oo ka kooban 9 wasiir, waxaan gurmad dhinaca samafalka ah u samaynay bulshada deegaanka oo ay waxyeeloo ka mutay abaarihii dhowaa ee ku dhiftay deegaanka.

Intaa wax dhaafsiisan ma qaban, sababtuna waxay ahayd waxaa sii kordhay khilaafka labad garab, marka si aan uga dhowrsanno in khilaafku uu intaa ka sii xoogaysto, waxaan joojinay dhaqdhaqaaq kasta oo aan qaban lahayn.

3dii bilood ee maamulkaygu dhisnaa waxaan isku howlnay sidii loo dhammayn lahaa khilaafka ka jira maamulka Galmudug, si maamulku uu shaqeeyo, deegaankana loo hormariyo…

Ma mooddaa in Ahlusuna ay si wanaagsan u shaqeeyeen, oo ay nabadda deegaanka wax wayn ka qabateen?

Sida warbaahintu u buunbuuniso runtu maaha, wax la tilmaami karo oo ay raggaasi qabteen ma jirto.. cidda mar kasta ka shaqaysa nabadda deegaanka waa la yaqaanaa, waxayna kala yihiin ciidamo boolis ah oo ay leedahay dowladda KMG iyo kuwo ay leeyihiin maamulka Galmudug, anaguna aan gacan siino.

Ximan iyo Xeeb

Siduu yahay xiriirka idinka dhaxeeya maamulka Ximan iyo Xeeb?

Xiriirka naga dhexeeya waa mid aad u heer sareeya, si gaar ahna waan u wada xiriirnaa maamulayaasha Ximan iyo Xeeb oo uu ugu horeeyo guddoomiyaha maamulka Mudane Maxamed Aadan “Tiiceey”.

Maamulkeena Galmudug waxa uu awooddiisa isugu geeyay sidii shacabka walaalaha ee Galmudug iyo Ximan Xeeb ay ku wada noolaan lahaayeen nabad, loogana wada shaqayn lahaa sidii deegaannada labada maamul loo gaarsiin lahaa horumar.

June 16-keeda 2008 ayay ahayd markii aan booqasho ku tagnay tuulada Qaydaro halkaas oo aan dhignay gogol lagu heshiisiinayay beelahaa walaalaha ah, sidoo kale bishii August ayaan gogol taa la mida ka fidinnay magaalada Galinsoor, bishii Oktoobar ee isla sanadkaa ayaan kulan dib u heshiisiin ah isugu keennay labadaa beelood magaalada Hobyo.

Kulamadaas waxaa ka soo baxay in la heshiiyo, khaladaadkii dhacayna la saxo, waxaana lagu sameeyay ciidan isku dhaf ah oo kormeera deegaannada ay wada degan yihiin labada beel, amniga iyo nabaddana suga, waxay ciidankaasi ka howlgeli jireen inta u dhexaysa Hobyo ilaa Dacdheer, barnaamijkaasina wuxuu socday ilaa 8 bilood, waxaana ku baxday mashruucaas nabadaynta ah lacag gaaraysa 122, 000 oo Dollar. Hadda barnaamijkaa waa naga istaagay dhaqaalo la’aan aawadii, waxaanse doonayaa inaan caddeeyo in 8-daa bilood ee uu barnaamijkaa socday lagu diirsaday, isku dhinacna laga noqday dadkii fidno wadayaalka ahaa ee mar kasta abuuri jiray dagaallada macno darrada ahaa.

Waxaan la socdaa in todobaadyadii la soo dhaafay ay deegaannada qaar ee ay labada beelood wada deggan yihiin laga soo sheegay amni darro, loona baahan yahay in si degdeg ah la isaga kaashado sidii loo xakamayn lahaa inta aysan sii fidin.

Waa kuma Axmed-Shariif?

Axmed-Shariif Cali Hilowle wuxuu ku dhashay magaalada Gaalkacyo sannadkii 1960-kii, wuxuu waxbarashadiisa quraanka ilaa dugsiga sare ku soo bartay isla magalaada Gaalkacyo.

Muqdisho ayuu soo galay 1980 kana bilaabay howlo ganacsi, isagoo ku dhinac waday waxbarashadiisa. Wuxuu kobciyay barashadiisa culuunta diinta islaamka, wuxuu luqadaha Carabiga iyo Ingiriiska ka bartay University of Technology and Science ee dalka Yemen. Machad ku yaala dalka Kenya magaalada Nairobi ayuu ku soo qaatay course luqadda Ingiriiska ah muddo hal sano ah. Wuxuu Accountant Management ka bartay machadka National Institute ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu xubin muhiim ah ka ahaa Maxkamadihii Islaamka ee lixda bilood Koonfurta Soomaaliya maamulayay, wuuxna ka mid ahaa golaha Shuurada. Wuxuu noqday Guddoomiyaha Golaha nabadaynta iyo Horumarinta Galmudug. Abril 2009 wuxuu wasiir ka noqday dowlad goboleedka Galmudug. 1-da July 2009 wuxuu noqday Madaxweynaha Galmudug.

Waxaa wareystay:

Cabdullaahi Black

Xogta: ALSHAHID

Wasiirka Warfaafinta “Waan taageersnahay eraygii safiirka Mareykanaka, dhinaca kale Alqaacidda ma aha feker ee waa cudur” (Wareysi dheer).
Nairobi (Alshahid) – Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda KMG Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in wax qarsoon aysan ahayn wadallada u socda dowladda iyo kooxaha mucaaradka, gaar ahaan Xisbul Islaam oo uu sheegay in ay u aqoonsan yihiin urur Soomaali mucaarad ah, wuxuuna meesha ka saaray inay Alshabaab sidaas oo kale u aqoonsadaan, isagoo taa cillad uga dhigay inaysan Alshabaab ku shaqaynin fikir Soomaali ah, Wasiirka ayaa arrintaan ku sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyay shabakadda Alshahid isagoo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wareysiga Wasiirka oo ahaa mid dheer oo dhinacyo bandan taabanaya ayaa u dhacay sidatan:

Xilka wasaaradda iyo saxafiyiiinta

Alshahid: Mudane Wasiir sidee u aragtaa xilka Warfaafineed ee laguu dhiibay?

Geelle: Runtii Wasaaradda Warfaafinta waa wasaarad muhiimaddeeda leh, waa wasaaradda xilka ugu muhiimsan ka qaadan doonta isbeddelka la doonayo in Soomaalida lagu sameeyo, iyadoo adeegsanaysa saxafiyiinta Soomaaliyeed, waa wasaaradda u hadasha dadka Soomaaliyeed ee dhiban, waa afkii dowladda dadka looga sheegi lahaa waxa ay dowladdoodu u qabatay ama ay u qaban doonto, wasaaradda xilkaas iyo kuwo ka sii badan u xilsaaran inaan mas’uul ka noqdo aad baan ugu qanacsanahay, waana ku faraxsanahay xilkaa sharafta leh, waxaana u istaagi doonaa inaan wax badan ka bedello howlaha ay u xilsaaran tahay Wasaaradda Warfaafinta.

Alshahid: Wasaaradda Warfaafinta markii aad tagtay maxaad ku argtay?

Geelle: Isla maalintii la i magacaabay ayaan wasaaradda waraafinta booqasho ku tagay, runtii waxaan ku soo arkay waxyaabo aad ii soo jiitay:

Waxaan soo arkay kaydkii iyo dhaxalkii ay Soomaali oo dhan lahayd oo weli bad qaba, waa kaydii idaacadda Raadiyo Muqdisho oo heeso leh, oo gabayo leh, oo taariikh leh, oo khudbado leh, runtii waa arrin loo baahan yahay dadkii isku howlay ilaalinta iyo  badbaadinta dhaxalkaa in loo mahad celiyo lagana abaalmariyo wanaaga ay bulshada Soomaaliyeed u hayeen tan iyo 26-kii Jannaanyo 1990.

Mahad gaar ah ayaan u celinayaa dadkii keydaas badbaadiyay una diiday in la xado, u diiday in la qaato, u diiday in la dhayalsado qiimahahooda, har iyo habbeenna u soo jeeday, waxaan doonayaa in amaantooda la igala qayb qaato. Keydu guud ahaan waa bad qabaa waxaan is iri wax aan dhamayn 5% ayaa waxyeello soo gaartay.

Waxaan soo arkay idaacad FM oo aad u tayo yar oo muggeedu yahy 500w, isla markaana aan xilli kasta hawada ku jirin iyo weriyeyaal aad u daalay una cabsanaya, oo mar kasta la kulma handadaado uga yimaada kooxda Alshabaab, una baahan daryeel iyo wax qabad.

Waxaan soo arkay dhismo aad u qurxoon oo ay wasaaraddu leedahay inkastoo aan dayactir fiican heli, waxaan soo booqday xafiiska wasiirka oo isna u baahan dayactir iyo qalabayn.

Waxaan soo arkay mas’uuliyiinta wasaarado kala duwan oo iyaguna wax ka degganaa xarunta wasaaradda warfaafinta.

Waxaan doonayaa inaan intii karaankayga ah anigoo kaashanaya dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed inaan wax badan ka qabto wasaaradda, waxayna howshayda koowaad noqon doontaa inaan wax ka qabto keydka idaacadda oo dayacan, loona hagaajiyo qololka ay ku jiraan qaboojiyeyaalna loo sameeyo, sidoo kale waxaan rajanynaa inaan cajaladaha oo ah kuwo qadiimi ah loo bedelo kuwo casri ah (digital), taasna waxaan la kaashan doonaa hay’adda UNECSO. Waxaana qof kasta oo Soomaali ah oo arrintaa wax nagla qaban kara ka codsanaynaa inuu keydaa qaaliga ah nala badbaadiyo.

Alshahid: Sow ma oran karno howshii Wasaaradda Warfaafinta waa gaabis ama maba jirto marka la eego sida kooxaha idinka soo horjeeda ay idinkaga horeeyaan dhinaca propagandada iyo marka la eego sida ay meesha uga maqan tahay in bulshada la baraarujiyo?

Geelle: Haa iyo maya inaan midna iraahdo ma rabo, balse hadalka si kale ayaan u dhigi lahaa, maalmihii ugu horeeyay ee aan xilka qabtay ayaa bilaabay inaan dhammaan idaacadaha iyo qaybaha kale ee warbaahinta Soomaaliyeed aan kontarool ku saameeyo, waxaa ii muuqday inay jiraan wax badan oo qaldan, waxaan kulan isugu yeeray saxafiyiinka ka howlgasha 12 idaacadood, waxaan weydiiyay waxa u diiday inay wararka dhinacyada isku dheelitiraan, oo cidda qaldan qaladkeeda u sheegtaan si ay isku saxdo, cidda saxanna aad wanaageedaa sheegtaan si loogu daydo iyaduna ay dhiirigelin u noqoto, waxayse ii sheegeen wax caqligal ah oo waxay i yiraahdeen xor ma nihin, dhexdhexaadna ma noqon karno, oo waxaa miiska saaran nafta qofka saxafiga ah.

Dhinaca kale marka aan fiiryo waa sax waxaan oran karaa howsha wasaaraddu waa gaabis, balse saddex usbooc kaddib markii xilka la ii magacaabay ayaan waxaa sameeyay xafiis warqabad oo lagu ururiyo wararka dowladda kaddibna loo xulo afhayeenkii u hadli lahaa dowladda, taas aawadeedna waxaa inoo suurogashay inaan mideeno afhayeennada dowladda, si aysan u dhicin in wararka dowladda oo is burinaya ay soo baxaan, loona helo hal fariin oo ka soo baxda dowladda.

Alshahid: Waxaa jira hay’ado iyo dowlado hanti u diyaariyay Wasaaradda Warfaafinta, balse waxaa jira eedayn idinku foorarta oo ah inaydan u diyaarsanayn sidii aad u raadsan lahaydeen hantidaas, maxaa ka jira eedayntaas?

Geelle: dhamaan meelahaas cagta ayaan soo mariyay, waan is fahanay, waxna waan isla soo dhoweynay, mar dhowna inaan wax helno ayaan rajaynaynaa, isbeddelna aan samayno, basle u fadhin mayno deeqo aanu sugno waan isku tashanaynaa waan wadaynaa howsha aan u xilsaaranahay.

Alshahid: Maadaama aad tahay Wasiirka Warfaafinta ka waran saxafiyiinta Soomaaliyeed, kuwa gudaha ku haray iyo kuwa qurbo joogta ah?

Geelle: Waan dareemayaa in xil ballaaran naga saran yahay saxafiyiinta, maalmihii ugu horeeyay ee xilkaan aan qabtay ayaa gudaha dalka kula kulmay saxafiyiinta, wax badan ayaan isdhaafsanay, dareenkooda iyo waxa ka maqan intaba waan dhuuxay, waxaa kaloo ii suurogashay inaan Nairobi kula kulmo ururka saxafiyiinta qurbojoogta ah, sidoo kale waxaa ila soo xiriiray ururo saxaafadeed, marka hamigayga ugu weyn waxaa weeye inaan qabto shirweyne lagu midaynayo saxafiyiinta xirfadlayda ah, waxaana hadda u hayaa saxafiyiinta tababarro iyo taakulayn. Waxaan doonayaa inaan u sheego bahda saxaafadda midnamadu waa guul iyo horumar, haddii dallad la samaystana roobka iyo quraxda ayaan ka wada dugsanaynaa, waxaana rajaynayaa inay saxafiyiintu warkayga xushmayn doonaan oo ay gacan igu siin doonaan midaynta dhamaan saxafiyiinta Soomaaliyeed si cududdooda loo mideeyo.

Siyaadda dowladda iyo dib u heshiisiinta.

Alshahid: Madaxweyne Sh. Shariif wuxuu dhowaan safaro ku soo kala bixiyay dowlado carbeed oo qaarkood si toos ah iyo si dadbanba Soomaaliya ugu lug leh, safarkaas waxa ka soo baxay si wanaagsan looma faahfaahin, bal isku day inaad wax badan inooga sheegtid?

Geelle: Safarkaasu wuxuu ahaa mid guul ku soo dhamaaday, wuxuuna Madaxweynuhu soo maray wadamada Qadar iyi Imaaraadka, labaduba isfaham fiican ayaan jiray, wax badanna way u ballanqaadeen dowladda.

Alshahid: Ka waran dowladda Qadar wax ma iska baddeleen mowqifkeeda, muxuuna Madaxweynuhu halkaa kala yimid?

Geelle: Runtii mowfiqka Dowladda Qadar waa mid positive ah, waa la wada og yahay gacanta iyo gargaarka ay mar walba la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, waa la wada og yahay taageeradeedii xilligii Maxkamada ilaa iyo haddana ay weli taageeradaa waddo. Waxa ugu weyn ee halkaa Madaxweynuhu kala soo kulmay waxay tahay in Qadar ay u istaagtay inay heshiisiiso dowladda iyo mucaaradka, Madaxweynuhuna wuu ogolaaday gogoshaa ay Qadar fidisay, howshaa dib u heshiisiintana si qabow ayay u socotaa, mana doonayno inaan saxaafadda wax badan ka sheegno.

Alshahid: Madaxweynaha intii uu joogay Qadar ma jirtaa cid mucaaradka ka mida oo uu halkaa kula kulmay? Maxaase hortaagan in gogosha Qadar fidisay la isugu tago?

Geelle: Madaxweynuhu cidna halkaa kula kulmin oo aan ahayn madaxda Qadar, gogosha Qadar iyadaa fidisay, iyadaana waqtiga soo sheegaysa marka ay ogolaansho ka soo hesho qaybaha kale ee mucaaradka, anaga ka dowlad ahaan waan ogolaanay.

Alshahid: Ma waxaa jira shuruudo ay idin soo hor dhigtay ama tanaasulaadyo ay idinka dalbatay dowladda Qadar si gogosha wadahadalka ay u furto?

Geelle: Maya, maya, sideedaba cidda gogosha dhigaysa wax shuruud ah kuma xirto cidda ay heshiisiinayso. Runtiina waxa jira culayso la saarayo kooxaha mucaaradka gaar ahaan xisbul Islaam si ay u qaataan go’aan nabadeed.

Alshahid: Xisbul Islaam iyo Alshabaab maxaad u aqoonsan tihiin?

Geelle: Xisbul Islaam waxaan u aqoonsanahay inuu yahay urur Soomaaliyeed oo mucaarad ah, isla markaana aan isku aragti ka nahay dowladnimada, madaxbannaanida, calanka iyo xudduudaha Soomaaliya, xiriir fiicanna waa inoo socdaa oo aan filayno inuu guul ku soo dhamaado haddii Eebbe idmo.

Laakiin Alshabaab ma aha dad wata fikir Soomaaliyeed, waxay gacanta ugu jiraan kooxo shisheeye, marka ay ka soo laabtaan fikirka xagjirnimada ee Alqaacidda ay wadato, Soomaalinimo waan u aqoonsan karnaa, Alqaacidda waxa ay wadatana fikir iyo mabda’a midna maaha ee waa cudur nolosha wanaagsan lagu baabi’inayo.

Alshahid: Ma dhabbaa inuu wadahadalkaasi jiro, waayo waxaan mar kasta la maqlaa adinkoo leh heshiis baa inoo socdo iyo mucaaradka oo leh waa been?

Geelle: Qof warka u yiraahdo isaga ayaa lagula xisaabtamayaa, balse waxaa anigu doonayaa inaad dadka Soomaaliyeed runta u sheego, oo aan iraahdo HAA wadahadal ayaa inoo socda, basle wixii tafaasiil ah dib ayaan u dhiganaynaa.

Alshahid: Masuuliyiinta Xisbul Islaam qaarkood waxay aaminsan yihiin inay dowladdu ay kala jejebisay Xisbiga, weliba adigu waxaad ka mid tahay ragga eedde ku jeeddo, sidee marka ay idinkaga aqbalayaan wadahadalka aad sheegayso?

Geelle: Arrintaasi kala jejebin iyo burburin toona ma aha ee waxaan oran karaa waa wadahadalladii inoo socday oo miro dhalay, waxaana si xor ah dowladda ugu soo biiray rag waawayn iyo ciidan ka mid ahaa Xisbul Islaam.

Alshahid: Mar kasta waad amaantaan fikiradda Xisbiga, bal ka waran taageeradii Sh. Xasn Daahir Aweys ee ismiidaamintii loo gaystay AMISOM?

Geelle: Runtii fikirka xagjirnimada ma ahayn wax aanu ku naqiinay Sh. Xasan Daahir Aweys, gaalaysiinta iyo isqarxinta labada Sheekhu ma taageeri jirin, fikirka uu ka aaminsanaa xudduudaha Soomaaliyana wuxuu ahaa mid sax ah, ma garanayo meesh uu isbedelkaani ka jiro.

Alshahid: Sh. Xasan kursiga madaxtooyada ma u ogolaanaysaan?

Geelle: Kursiga Soomaali ayaa iska leh, oo cid gaar ah ma laha mana bixiso, cid loo diidi karaana ma jirto, laakiin waa inuu door siyaasadeed yeeshaa oo uu ku raadiyaa kursiga, haddii la doorto cid ka xigtaa ma jirto.

Alshahid: Dhinaca kale ma la oran karaa aad baad u dhayalsateen awoodda mucaaradka?

Geelle: Lama oran karo, waayo dadaal badan ayaan samaynay oo xagga dib u heshiisiinta u qaadnay, magaalada Khartoum ee dalak Sudan waxaan kulan kula yeelanay masuuliyiin ka tirsan mucaaradka, dhinaca kale waxaan u dirnay aqooyanahanno, culimaa’uddiin iyo odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, waxaan la yeelanay shirar qarsoodi ah, waxaa ina soo dhexgalay culimo caalamka islaamka ka socotay, dadaaladdaas oo dhan waxay ku dhamaadeen guuldarro.

Alshahid: Mar haddii uu arrinku sidaa yahay, waxqabad la’antiinuna ay sii socoto, marka la fiiriyo inaydaan isu diyaarinayan inaad xoog isaga muquunisaan mucaaradka ama aad ka miro dhalisaan wadahallada idiin socda, marka sow lama oran karo waxaad ku qanacsan tihiin goobta yarta ah ee aad ku nooshihiin iyo safarrada aad bibadda u aaddaan?

Geelle: Kuma qanacsaanin, waxaan doonaynaa in wiilka yarkaa ee qoriga loo dhiibay laguna soo jiheeyay dowladda inaan qorigiisa baadkiisa aan soo aaddino dhanka dowladda, isagana loo helo daryeel iyo waxbarsho iyo inuu ka mid noqdo ciidamada qaranka, waxaan kaloo kuu sheegayaa in dowladdu ku ekaan doonin goobta aad hadda sheegayso, waan is ballaarin doonaa, taas macnaheedu ma aha waxaan qaadaynaa guluf dagaal, balse waxaan u sheegaynaa dadka Soomaaliyeed ee dowladnimada yaqaan ee na sugaya inaan dhowaan wada kulmi doono oo qayb kastaa aan goobteeda ugu tegi doono.

Alshahid: Xarakada Alshabaab sow ma oran karno waa urur habaysan oo idinkaga horreeyay dhinaca Propagandada, farriinta ay gudbinayaan ay mid tahay, is maqalkoodu fiican yahay?

Geelle: Waa la dhihi karaa, basle ogow in Alshabaab ay tahay koox qalloocan oo farsamo fiican, balse annagu waxaan nahay dad saxan balse farsamadoodu ay ka hoosayso heerkii la rabay.

Waxqabadka Dowladda

Alshahid: Intii ay xukuumaddu dhisnay ee 8-da bilood ah maxaan dadka u sheegi karnaa inay xukuumaddiinu qabatay?

Geelle: Marka ugu horreysa waxaa habboon in hoosta laga xariiqo in xukuumada markii la soo dhisay sidii ay dalka u soo gashay ay ilaa iyo hadda joogto, kana shaqaynayso, midda xigta waxaan isku milanay kooxdii hore ee dowladii hore ka tirsanaa, taas oo muujinaysa dowladnimo iyo Soomaalinimo, inaan hayno muuqaalkii dowladnimada, kana gudubnay muuqaalkii qabiilka, waxaan ka hor tagnay inuu burburo qarankii Soomaaliyeed, waxaana arrintaa u samaynay naf hurid dheeraad ah oo waxaan ku weynay rag badan oo uu ugu horreeyo wasiirkii amniga Col. Cumar Xaashi Allaha u naxariistee.

Dekadda iyo Garoonka Diyaaradaha waxay ilaa iyo iminka yihiin meelaha ugu muhiimsan ee ay dowladdu wax ka soo galaan, iyagana waxaan u samayn guddi la dagaalanka musuqmaasuqa, ciidamadda badda oo la habeeyay lana dhisay, wax kasta oo aan qaban lahaynba waxaa caqabad ku noqday kooxaha mucaaradka oo markiiba xabad nagu bilaabay.

Waxyaabo badan oo gaabis ah way jiraan sida ajandihii aminga oo aan sidii la rabay u hirgelin, waxaa intaa dheer in kaalmadii adduunka aan ka sugaynay ay iyaduna ay gaabis noqotay.

Alshahid: Kulankii Madaxweyne Shariif uu kula yeeshay Nairobi Hillary Clinton bishii August kaddib waxay dowladda Mareykanku sheegtay inay sii laba laabi iyo sadex jibaari doonto taageerada ay siiso Dowladda, maxaa taa ka hirgalay oo idin soo gaaray?

Geelle: runtii wax taageero oo dhinaca Mareykanka ka yimaada way jiraan aad bayna u yar yihiin, mana aha wixii laga filayay.

Alshahid: Safiirka Mareykanka u fadhiya Kenya, ahna u qaybsanaha Soomaaliya, Michael Ranneberger mar uu ka hadlayay shaqsiyadda Sh. Shariif wuxuu ku tilmaay inuu yahay Madaxweynihii ugu wanaagsanaa ee abid soo mara Soomaaliya, bal ka waran hadalkaas?

Geelle: Waan la qabaa, ma qiimaynayo mana raacayo oo keliya erayada Ranneberger, basle shaqsiyan ayaan aaminsahay inuu Sh. Shariif yahay qof maskax furan, wax qabad leh, hadalladiisaa inta badan ficil u bedela, dadka isku keeni kara, marxaladd mar kasta lagu jirana qiimayn kara lana falgeli kara.

Alshahid: Boqolaalkii milyan oo doolar ee Brussels lagu ballanqaaday aaway?

Geelle: Wax naga soo gaaray ma jiraan.

Alshahid: Maxaa mar kasta heshiisyada dowladdu ay gasho ay qaylo uga timaaddaa sida kii badda ee Kenya lala galay, iyo kuwo kale oo badan, waxaa ugu dambeeyay heshiisyadii ay soo kala saxiixeen R/wasaaraha iyo ku xigeenkiisa IBBI oo labaduba lagu sheegay inay is burinayaan?

Geelle: Runtii xukuumadda kuma jirin markii inta badan heshiisyadaasi la saxiixayay, laakiin waxa la ii sheegay inaysan wax cabsi ah jirin, heshiisyadaasina aysan ahayn kuwo dalka iyo dadka wax u dhimaya. Midka uu saxiisay R/wasaaraha ee u la galay maamulka Puntland iyo midka uu saxiixay Prof. C/raxmaan Ibbi, waxaad moodda in ka hadalkooda laga hordhacayo, marka golaha wasiirada la hor keeno ayaan sheegi doonaan inay is burinayaan iyo in kale.

Alshahid: Faragelinta shisheeye shalay waad diidanaydeen, maxaad maata u doonaysaan?

Geelle: Shalay markii ay maxkamaduhu dalka xukumayeen dalku nabad buu ahaa, dadka iyo dalka horumar baa ka socday, markaa ma jirin baahi loo qabay in dalka ay yimaadaan ciidamo shisheeye, balse maanta dalkii waxaa laga wadaa burburin, nidaamkii iyo dowladnimadii baa la diidan yahay, dagaalo aan joogsi lahayn ayaa socda, marka in dalka la badbaadiyo gar bay noqotay, waana midda keentay in ciidamada shisheeye loogu bahday.

Alshahid: Ma dareemaysaa in meesha ay ka baxayso kaalintii siyaasadeed ee ay wadaaddadu lahaayeen mar haddii ay hanan waayeen fursadihii soo maray?

Geelle: Waa sax in maanta inta la siiyay kursigii ugu sarreeyay dalka ay haddana iyagii birta isu qaateen, oo runtii aan oran karo waa nasiib darro, balse ma oranayo kaalintii wadaaddadu waa dhamaatay, waayo dadkii Soomaaliyeed xilligaan aad bay u fahmeen islaamka, haddii aan wadaaddo nahayna ummada ayaa wax la qaysan doonaa.

Alshahid: Dowladda Sh. Shariif intooda badan waa da’ yar, aqoonyahanno ah, u badan dad dhaqan diini ah leh, waxaa la rajaynayay inay la imaan doonaa ruux cusub, maxay tahay sababta keentay in aad la soo baxdaan dhaqamadii raggii idinka horreeyay lagu yaqiinay, sida is eedaynta iwm?

Geelle: Waa runtaa, laakiin meesha ku darsano inaan nahay xukuumaddii ugu khilaafka yarayd, midda ah is saxaafadda laga maqlo hadallo is burinayana waa jirtaayoo waxaa jira waayo aragnimo la’aan dhinaca saxaafadda ah iyadana hadda yaan gacanta ku haynaa oo waan xallin doonaa haddii Eebbe idmo.

Alshahid: Yaa ah afhayeenka Dowladda?

Geelle: Wasiirka Warfaafinta ayaa ah afhayeenka Dowladda.

Alshahid.net

Nairobi, Sept. 2009

Xogta: ALSHAHID

Wareysi xiiso leh oo aan la yeelanay Cabdi Nuur X. Maxamed oo dhowaan loo doortay inuu noqdo safiir la dagaala guddniinka hablaha.
Nairobi (Alshahid) – Cabdi Nuur Xaaji Maxamed  ayaa dhowaan waxaa loo doortay inuu noqdo cod xooggan oo ka soo hor jeesta gudniinka Fircooniga ah “Strong Voice” against Female Genital Mutilation FGM.

Cabdi Nuur oo aan qadka isgaarsiinta ku wareysannay isagoo jooga dalka Sweden ayaan marka hore weydiinay waxa loola jeedo ‘Codka Xooggan’ wuxuuna ku jawaabay “Waa hawl  safiirnimo oo la iga rabo inaan cod dheer ku baahiyo la dagaalanka gudniinka haweenka, sidoo kale waxaa la iga doonayaa inaan la kulmo ururo, dawlado iyo baarlamaano si aan ugu jeediyo khudbado iyo fekrado lagula dirirayo gudniinka gabdhaha. Dadka mashruucan igala qaybqaadanayana waa afar qof oo Soomaali u badan oo dhammaanteen nala wada siiyay halkudhigga ”Strong Voice”

Saddexda qof ee kale ayaa kala ah Ifraax Axmed waa 21 jir, waxay saddexdii sano ee la soo dhaafay ku noolayd dalka Ireland, iyadoo 8 jir ah ayaa la guday, hadda waxay u ololaysaa in gabar dambe oo Soomaaliyeed aysan noqon sideedoo kale oo aan la gudin.

Leyla Xuseen: Waxay ku nooshahay dalka Ingiriiska, waxay la shaqaysaa ururada dhalliyarada, intii ay halkaa ku noolayd waxay baaritaan ku samaysay gudniinka hablaha, waxayna dhallinyarada ku boorisaa sidii ay  codkooda ugu biirin lahaayeen ka hortagga gudniinka dumarka lagu sameeyo.

Khady Koita: Waxay buug ka qortay dhibaatadii ay ka mudatay gudniinkii lagu sameeyay, waxaana buugeeda loo turjumay dhawr luqadood, waxay ku nooshahay dalka Belgium, waxay in muddo ah la shaqaynaysay ururada NGO’ska, waxayna u taagan tahay sidii loo cirib goyn lahaa gudniinka haweenka.

Cabdi Nuur ayaanu waxaan weydiinay sababta isaga loogu doortay inuu noqdo ‘Strong Voice’ wuxuuna yiri “Sababta la iigu doortay waxay tahay anigoo in muddo ahba wax ka qorayay xaaladda murugsan oo ay gabdhaha Soomaaliyeed ku sugan yihiin iyo kuwa caalamkaba oo dadkoodu dhaqan ahaan isticmaala gudniinka gabdhaha.

Waxaa jirta in hay’ado badan ay arrrimahaas igala soo xiriireen kaddib markay akhristeen gabayo iyo suugaan kaloo badan oo aan ka qoray arrimahaas. waxaa kaloo jirtay inaan sameeyay film arrimahaas ku saabsan oo aan u bixiyay DULMAN oo aan ka dhigay shirar caalami ah oo looga hadlayay xuquuqul insaanka, runtiina filimkaa DULMAN aad baa loo jeclaystay, taasina waxay keentay in  saddex jeer oo isku xigta la iga codsado inaan soo bandhigo, waxaana ku soo bandhigay qaar ka mida shirarka human rights-ka ugu waaweyn dalka sweden.

Waxaa jira gabay si aad ah u caan baxay oo dunida oo dhan wada gaaray oo xitaa golayaasha UN-ka ee qaabisan xaaladaha dumarka ay qaateen, waxaana gabaygaas u bixiyay REAL PAIN “Xanuunkii Dhabta ahaa”, wuxuu si dareen leh uga hadlayaa dhibaatada ay gabdhuhu ka mutaan gudniinka.

“Arrimahaas oo dhan markii la tixgeliyay ayaa la ii aqoonsaday inaan noqdo cod xooggan oo u istaagga ka hortagga gudniinka haweenka” ayuu yiri Cabdi Nuur.

“Yaa kuu doortay xilkaan oo kuu magacaabay inaad noqoto ka hortage gudniinka? ayaan weydiiyay saaxiibkay, wuxuuna ii sheegay in hay’adda Amnesty International ay u dooratay inuu noqdo “Strong Voice” ka hortagga gudniinka haweenka, magacaabistiisuna ay qayb ka tahay mashruuca Yurub ee dabargoynta gudniinka (End FGM- European Campaign).

Cabdi Nuur wuxuu ka mid yahay ragga fara ku tiriska ah ee u ololeeya ka hortagga gudniinka haweena, waxaan weydiinay “Inta badan haweenka ayaa ah codka ugu weyn ee ka soo horjeeda gudniinka adiga maadaama aad nin tahay maxay tahay xanuunka ku damqiyay ee aad codkaaga ugu biirisay joojinta gudniinka? Wuxuu ku jawaabay “Waa sax, waxaan ahay nin, waxaadse  illoobin in raggu yihiin kuwa mas’uulka ka ah in gabdhaha la jarjaro oo la qodbo, si iyaga ragga ah loo qanciyo, waayo jaahilnimo jirta aawadeed ayaa ragga intiisa badan u haystaan in qodbidda haweenka lagu sameeyo ay astaan u tahay bikronimada gabadha, tan kale ee muhiimka ahna waxay tahay anagu waxaan nahay dad Islaam ah diinteena muqadaska ahna waa diiday in la jarjaro haweenka, marka inaan u ololeeyo in la joojiyo jaariimadaan waxaan u arkay inay tahay waajib i saaran, ragga asaakayga ahna aan u tilmaamo inay fikirka qaldan ee qaddiimiga ah ka laabtaan dhammaantoodna ay codkooda ku biiriyaan joojinta gudniinka, marka horena naftooda ka bilaabaan yanci inay gabdhahooda middida naxariista daran jirkooda ka ilaaliyaan”

Cabdi Nuur Maxamed: waa macallin, waa qoraa, waa filim sameeye, waa gabyaa leh boqolaa gabay oo dhamaantood luqadda ingiriiska ku qoran, wuxuu leeyahay dhowr buug, waxaan oran karaa wuxuu weligaa ahaa shaqssi u dooda dadka Soomaalidu ay liidaan, wuxuuna ka qaybqaadan jiray barnaaminyo arrintaa looga hadli jiray oo uu soo bandhigi jiray wargayska Ayaamaha oo halkudhigiisu ahaa (Gardarradii Qaawanayd), wuxuu qoray buug lagu magacaabo ‘Cargo of Guilty’ oo luqadda ingiriiska ku qoran, wuxuu buuggasi ifinayaa dhibaatada bulshada Soomaaliyeed ay ku hayaan dadka la hayb sooco.  Cabdi Nuur wuxuu in muddo ahba u taagnaa sidii gudniinka dumarka looga ciribtiri lahaa dalka Soomaaliya, wuxuu rumaysan yahay in raggu qayb ka yihiin sii socoshada gudniinka, sidaas darteed ayuu wuxuu qabaa in ragga laftooda la wacyigeliyo si ay iyaguna u noqdaan Strong Voice ka hortagga gudniinka. Wuxuu hadda ku nool yahay dalka Sweden. waxaad kala xiriiri karataa cinwaankan: nuuru2003@hotmail.com

Cabdi Nuur carruurtiisa waxaa ka mida labo gabdhood oo soo gaaray xilliga ay hooyooyinka Soomaaliyeed sakiinta u qaataan gabdhahooda, wuxuuna ka hortagga inaan gabdhihiisa la gudin ka maray dhibaato xooggan, isagoo arrintaa ka sheekaynayana wuxuu yiri:

“Waxaa jirta in aniga shakhsi ahaan ama ka waalid ahaanba ay ila soo gudboonaatay xaalad adag oo ah in gabdhahayga Maria iyo Xoriya la isku dayay in jirkooda la googooyo oo la gudo iyagoo jooga Addis Ababa, halkaas oo ay ku sugayeen viisihi ay dalkan Sweden ku soo geli lahaayeen.  Waxaan isku dayay inaan badbaadiyo gabdhaheyga waayo suragal ma aha inaan sidii jaahiliyaddii ula daqmo gabdhaheyga oo aan oggolaado in jirkooda la jarjaro.

Waxaan la kaashaday asxaab Sweden ila joogtay iyo kuwo Addis Abba ku sugnaa oo qaarkood caddaan yihiin qaarna Itoobiyaan, dabadeedna reerkeygii ayaa laga soo raray halkii ay Addis ka degganaayeen si looga fogeeyo qaraabo dooneysay inay islaanteyda ku qasbaan gowraca gabdhaheyga, waxaa la soo dejiyay xaafad kale oo oo uu leeyahay nin Itoobiyaan ah halkaas ayayna kaga badbaadeen halista gudniinka.

Waxaa yaab lahayd in qoyskeyga oo ka soo cararay duulaankii ay Itoobiya ku qaadday dalkeena, in haddana maanta guri Itoobiyaan ah kaga badbaadaan dhibaato ay isla Soomaali kale la damacsanaayeen.  Waxaa kaloo jirtay in qoyska Itoobiyaanka ah ay kirishtaan ahaayeen taasna aysan keenin wax dhibaato ah ku keenin reerkayga oo ay u noolaayeen sidoodii hore oo ay awalba u noolaayeen, ma dareemin wax ciriiri ah, cibaadooyinkoodii iyo dhaqamadoodi islaamiga ahaa sidoodii ayay u sii wateen.

Waxaa arrintaa la socday Jaraa’idyo iyo TV-yo Swedish ah iyo weliba xafiisyada immigrationka, kuwa Red Cross iyo weliba safaaradda Sweden ee Addis oo tixgelin siisay dhibaatada gabdhahayga soo foodsaartay.

Waxaan haddaba halkan doonayaa inaan ku sheego in waxa qofku ku hadlo iyo ficilkiisa loo baahan yahay in ay is-yeeshaan haddii kale munaafaqnimo ayuu qofkaasi ku sifoobayaa. Waalidiinta u ololeysa ka hortagga gudniinka oo haddana carruurtooda gudda ama googooya waa munaafiqiin laba wejiileyaal ah, wadaadka sheega in gudniinka fircooniga ah uusan islaamku qabin oo haddana gabadhiisa googooya waa la mid kuwa aan soo sheegay mana aha mid diin laga qaadan karo.

Waxaan rajeynayaa in Ilaah na garansiiyo xaqa iyo in aan joojino gudniinka oo ah caada aan ku saleysneyn diinta islaamka”.

Waxaa Wareystay

Cabdulahi Black

Tifaftiraha Alshahid

abdulahiblack@hotmail.com

wixii faahfaahin dheeraad ah booqo: www.endfgm.eu

Xogta: ALSHAHID

Dhageyso Cabashada Soomaalida Tahriibka ku Jooga Sudan
Waa wareysi gaar ah oo lala yeeshay qaar ka mid ah qaxootida soomaalida ee jooga Suudaan. Qaxootidan waxay iskula jiraan rag iyo dumar, badankoodana waxay rajo ka qabaan inay u baqoolaan dhinaca Libya oo mar dhow aan ku daabacnay halka Alshahid magacyada qaar ka mid ah soomaalida ku rafaadsan Libya.

Dhibaatada Soomaalida Suudaan joogta waa qayb ka mid ah dhibaatooyinka sida guud ah u haysta Soomaalida badankood oo waddankooda uga carara dagaallada ka jira.

Halkan ka dhageyso Wareysiyada:

Download Dhageyso Wareysiga

Xogta: ALSHAHID

Prof. Dhalxa oo ka hadlay xil ka qaadistii uu sameeyay Baaarlamaanka
Guddomiye ku xigeenka Baarlamaanka Prof. Dhalxa oo ka hadlay xilka qaadistii xildhibaanada

Nairobi (Alshahid) Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Mudane Maxmed Cumar Dhalxa ayaa maanta wareysi uu siiyay Alshaahid.net kaga halday kulankii ay shalay Baarlamanku ku yeesheen Muqdisho oo ay xilka kaga qaadeen shan ka mida xildhibaannada.

Guddoomiye ku xigeenku wuxuu sheegay in ragga xilka laga qaaday ay yihiin saaxiibadiis ay soo wada shaqeeyeen, isla markaana ahaa rag sumacad ku lahaa Baarlamaanka, howlihii ay dalka u hayeenna ku firfircoonaa, “Balse haddii uu Baarlamaankii inta fariistay ka dooday arrinta xildhibaannadaas, soona bandhigay qodobo loo cuskaday xil ka qaadistooda, annaga ka guddoon ahaan waxa inoo bannaan oo keliya waa inaan ayidnaa go’aanka Baarlamaanka” ayuu yiri Mudane Dhalxa oo intaa ku daray “Baarlamaanka isgaa iska leh go’aan qaadashada isagoo raacaya xeerka u degsan, waa ku amaan yahay haddii uu xeerkaasi sida uu yahay u fuliyo, waana la dhaliilayaa haddii uu baal maro”.

Maxamed Cumar Dhalxa ayaan weydiinnay sida uu u arko qodoka xildhibaanadaas lagu soo eedeeyay ee Qaran dumiska ah, wuxuuna yiri “Runtii Qaran dumis waa eedeyn aad u culus, balse Guddoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aadan Madoobe wuxuu sheegay inay hayaan warar ay xildhibaannadaas idaacadaha ka sii daayeen oo ka horimaanaya shuruucda dalka, sidoo kalena ay hayaan qoraalo ay u gudbiyeen safaaradaha dalalka aynu saaxiibka nahay, waxaa intaa dheer inuu Guddoomiyuhu sheegay inay ka shaqaynayeen sidii xildhibaannada dalka jooga u soo bixi lahaayeen”

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka oo aan kula kulanay magaalada Nayroobi ayaa Alshahid u sheegay in hadda ay Nayroobi ku sugan yihiin xildhibaano kor u dhaafaya 100 ruux, wuxuuna xusay in dhamaantood ay todobaadkaan dalka ku noqon doonaan, waxaana howsha ambabaxooda gacanta ku haya ayuu yiri safaaradda Soomaaliya ee Nayroobi.

Mudane Dhalxa oo ka jawaabayay su’aal ahayd “Xildhibaannadu waxay ka cabanayaan in mushaaraadkoodii aan la siin oo aysan haysan lacag ay ku safraan, maxaa hor taagan in lacagahoodii la siiyo?” wuxuu yiri “Howlgudasho ayaa mushaar lagu qaataa, waxaana xildhibaannadaan ku jira kuwo kal hore yiri waan soo baxaynaa ee mushaaraadkeena Nayroobi ha naloogu soo diro oo markii ay soo gaatay lacagtii jiifkoodii iska sii watay, marka arrintu lacag la’aan ma aha, waxaana loo baahan yahay in dhammaan xildhibaannadu dalka ku laabtaan si xilkii ay ummadda u hayaan u gutaan”

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka wuxuu kaloo ka hadlay dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan kuna xirxiran wadamada Liibiya, Tanzaniya, Koonfur Afrika iyo welibka koonfurta Suudaan, wuxuuna ka codsaday dalalkaasi inay wax u qabtaan dadkaas Soomaaliyeed, haddii aysan waxna u qabaynay ay xorriyaddooda u soo celiyaan oo xabisiyada ka sii daayan.

Mudane Dhalxa wuxuu sheegay in dalka Liibiya ay Soomaaliya wax badan u qabatay oo ilaa iyo hadda shacabka Liibiya iyo Madaxaweynahooda ay garab taagan yihiin ummadda Soomaalieed, “Waxaase jira inaan marnaba laga aamusi karin dhibaatooyinka dhallinyarada Soomaaliyeed ku haysta xabisiyada Liibiya” ayuu yiri Dhalxa oo intaa raaciyay “Liibiya kama sugaynin in dhallinyaro Soomaaliyeed oo ka soo cararay dhibaatada dalkooda ka jirta, Liibiyana soo maciin biday in xabsiyadooda lagu dhibaateeyo, waxaana Liibiya ka rajaynaynaa in mowqifkaas ay bedesho, waxna u qabato dadka Soomaaliyeed ee qaxootiga ah”.

Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenku wuxuu amaanay daalkal Kenya, Itoobiya, Masar, Yemen iyo Suuriya oo uu sheega in dadka Soomaaliyeed ee tagaa ku haystaan tixgelin iyo fursado kala duwan. Wuxuuna Guddoomiye ku xigeenku dhinaca kalena la hadlay Soomaalida qaxa iyo tahriibka ku jirta ee dunida u kala faaftay, wuxuuna ka codsaday inay ilaaliyaan sharciyada socdaalka iyo deggenaashaha wadamada ay ku nool yihiin, “Wanaag sameeya si wanaag la idiin ku sameeyo” ayuu yiri Dhalxa.

Mar uu ka hadlayay dhaqan xumida Soomaalida ayuu yiri “Waxaan aad uga xumahay in Soomaalidu ay doonayaan in ay nabad iyo nolol wanaagsan ugu noolaadaan dalalka ay u qaxeen, dalkoodana ay ku afduubtaan muwaadiniita dalalkaas” , wuxuuna tusaale u soo qaatay dalka Kanada oo sheegay inay ku nool yihiin boqolaal kun oo Soomali ah oo nabad iyo nolol wanaagsan ku haysta, Muqdishana ay ku dhibtoon tahay gabar Kanada u dhalay oo shaqo u timid dalkeena, “Waa wax laga murugoodo” ayuu yir Guddoomiyuhu, oo tilmaamy in ajaanib badan dalka afduub loogu haysto iyadoo dalalka ay la-haystayaashaasi ka soo jeedaanna ay sharaf ku haystaan dad Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Mudane Maxamed Cumar Dhalxa wuxuu Soomaalida u soo jeediyay inaysan dhibka ay ku jiraan mid kale ku darsan, oo meel kasta oo ay dunida ka joogaan dadka ay la nool yihiin kula dhaqmaan wanaag, kaasoo wada anfacaya dhammaan dadlka Soomaaliyeed.

Waxaa Wareystay: Tifaftiraha

Xogta: ALSHAHID