Nairobi (Alshahid)- Ardayda kasoo jeeda gobolka Waqooyi Bari, Kenya oo ah arday Soomaaali ah ayaa waxaa ay dhawaanahan kusoo badanayeen jaamacadaha ku yaala dalka Kenya kuwaasi oo horay ay ugu yaraayeen tira ahaan.
Hadaba ardeyda ayaa waxa ay leeyihiin urur ugaar ah oo lagu magacaabo; North Eastern Province University Students Association (NEPUSA) waxaana madax ka ah Cabdilatif Macalim oo ah arday dhigta Jaamacada Nairobi baratana saxafinimada qalinjabinayana bisha September ee sanadan.
Cabdilatif ayaa waraysi dhinacyo badan taabanaya waxa uu siiyay shabakada wararka ee Alshahid.net
Alshahid: Mudane Cabdilatif, waxa aad tahay madaxa ururka NEPUSA ee ay leeyihiin ardayda gobolka Waqooyi Bari Kenya, balse taariikh kooban nagasii ururka iyo waxa loo dhisay.
Abdilatif: Aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa websiteka Alshahid.net, fursada ay maanta ii siiyeen in aan uga warbixiyo ururka NEPUSA, waxaana halkan salaam sare ugu jeedinayaa dhamaan shaqaalaha iyo maamulka Alshahid sida wanaagsan ee ay uga waramaan dhacdooyinga gobolka Geeska Afrika gaar ahaan kuwa khuseeya dadka Soomaalida ah.
Hadii aan usoo laabta su’aashaada, ururka NEPUSA waxaa la dhisay sanadii 1985, waqtigaas oo ardaydii kasoo jeeday gobolka Waqooyi Bari, Kenya ay arkeen sida ay ugu baahnaayeen urur mideeya ardayda fara kutirska ah ee gobolka kasoo aada 5ta jaamacadood ee uu lahaa dalka Kenya.
Asaaska waxaa iska lahaa arday isu timid oo ka kala socday labada jaamacadood ee dalka ugu weyn waa; Nairobi University iyo Kenyatta University. Howlaha ugu badan ee uu ururka xiligaas qaban jiray ayaa ahaa; isu keenida iyo xiriirinta dhamaan ardayda gobolkaasi kasoo jeeda, aruurinta dhaqaale lagu garab qabto ardayda dhaqaala ahaan liidata, soo saarida joornaal sanadle ahaa oo ka hadla xaalada waxbarasho ee gobolkeena iyo in la sameeyo hogaan midaysan oo ay leeyihiin ardayda.
Ururka NEPUSA, nasiib daro waxa uu bur buray sanadii 2005, kadib markii lagu kala qayb samay taageerida aftidiid dastuur ee dalka sanadkaasi ka dhacaysay waxaana taasi sababteeda lahaa siyaasiyiin gobolka kasoo jeeda oo isku dayday in ay NEPUSA siyaasad ahaan u isticmaalaan.
Waxa ururka uu dib usoo noolaaday sanadii 2007 tan iyo markaasna waxaan ku tilaabsanay horumar la taaban karo inaga oo qabsanay 3 doorashiiyin guud oo ay ugu dambeysay tan aan gudoomiyaha ku noqday.
Alshahid: Doorashadu ma ka wada qayb qaataan jaamacadaha oo dhan mise waa jaamacada Nairobi oo kaliya?
Abdilatif:Maya, doorashada gudoomiyaha waxa ay ka dhacdaa jaamacada Nairobi balse jaamacadaha kale waxa ay leeyihiin guddiyo hoosaad howsha kawada jaamacadooda wakiilna ka ah NEPUSA marka hadii sida kala loo dhigo gudoomiyaha guud ee NEPUSA waxaa laga doortaa Nairobi Unversity.
Alshahid: Waa imisa tirada ardayda ee hoos yimaada NEPUSA?
Abdilatif: Tira koobkii ugu dambeeyay ee aanu samaynay waxa tirada ardayd ka imaada gobolka Waqooyi Bari, Kenya iyo ardayda Soomaaliyeed gabi ahaan aanu ka dhignay 1,700 oo arday kuwaasi oo ku kala jira 5 jaamacadood ee bulshadu leedahay ee ka jira dalka Kenya. Tirada ugu badan waxa ay dhigtaan jaamacada Nairobi cadadoodana waxaa 750.
Alshahid: NEPUSA ma hoosyimaadaan ardayda gobolka kasoo jeeda ee dhigta jaamacadaha gaarka loo leeyahay (Private Universties.)?
Abdilatif: Waxaa jira wada shaqayn nagala dhexeysa ardayda dhigata jaamacadaha gaarka loo leeyahay balse ma jirto wax xubin ah oo ay NEPUSA ku leeyihiin. Markii aanu kulamo qabno waan casuumnaa kuwa ugu fir fircoon ardayda dhigta jaamacadaha gaarka loo leeyahay, waxaana filaynaa in dhawaan aan kusoo beerino ururka NEPUSA.
Alshahid: Waxaad warbin naga siisaa facultyga ay ugu badan yihiin ardayda Soomaalida ah gaar ahaan kuwa kasoo jeeda gobolka Waqooyi Bari iyo sida ay tahay waxbarashadooda?
Abdilatif: Ardayda Soomaalida ee hada jaamacadaha dalka dhigto waxa ay u badan yihiin kuwo kharashkooda iska bixiyo (Self Sponsored) maadaama aysan fursad u helin in ay gobolkooda kasoo galaan jaamacada marka facultyga ay u badan yihiin waa faculty of arts sababta oo ah waxaa jaban lacagta lagu dhigto. Wey jiraan arday dhigato, dhakhtarnimada, Injineernimada, dhaqaalaha, siyaasada, saxaafada iyo kuwo kalaba waxaana hada la dhihi karaa ummada Soomaaliyeed eek u nool gobolka Waqooyi Bari waxa ay usoo jeesteen waxbarashada meel wanaagsan ayeyna marinayaan.
Alshahid: Maxaa kamid ah waxyaabaha ugu waaweyn ee aad qabatay intii aad hada xilkan haysay?
Abdilatif: Tan iyo markii aan xilkan qabtay waxaan isku dayay inaan horay usii wado waxyaabihii wanaagsanaa ee ay sii bilaabeen raggii iga horeeyay, waxa aan ku guuleystay inaan soo saaro joornaal waxyaabo badan looga hadlayo, waxaan kusoo wareegnay dusiyada sarre ee gobolka inaga oo khudbado usoo jeedinaynay ardayda kuna boorinaynay in ay ku dadaalaan sidii ay jaamacadaha kusoo gaari lahaayeen.
3dii bishii April ee sanadan waxaan qabanay xaflad lagu abaal marinayay arday ku guulaysatay tartan curis (composition) ahaa oo cinwaan aan uga dhigbay :The North Eastern Province we want. Oo mincaheedu yahay Gobolka Waqiiyi Bari ee aanu rabno waxaana xaflada oo ka dhacday magaala madaxda gobolka Waqooyi Bari ee Garissa kasoo qayb galay siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeeda gobolka.
Alshahid: Ugu dambeytii maxay tahay yoolka uu tiigsanayo ururka NEPUSA?
Abdilatif: NEPUSA waxa aanu ka rabnaa in ay na gaarsiiso heer ardayda waxbartay ee gobolka Waqooyi Bari ay horsed u noqon karaan isbadal buuxa oo wax ku ool ah kaasi oo gobolka ka saara mushaakilka baahsan eek u habsaday tan iyo markii uu dalkan qaatay xornimada, waan ku daalnay inaan dhowrno oo wax ka sugno dowladda waxaana u kaba gashanay sidii aan dhibaatada gobolkeena aan inagu xal ugu keeni lahayn inaga oo kaashaneyna cid waliba oo gacan nagu siinaysa arintaasi.
salaan ka dib waxaan ahaay arday somaliyee waxaan jeecelahaay in aan muu shaarakeeyo mowqican
Nepusa hanolato,go ahead be unite&work to unite n.e.p student in al univ in key,mr chairman advise al student to join univ
NEPUSA waa urur aad u fiican,waxan kacodsaneyna ragga ee madaxda ka eh ururkaan,inay ugasheekeeyaan ardayda cusub oo bishaan laguqaabiley oo inta badan aan ka war qabin Ururkaan ,sidi ay kaqeeb gali karaan iyagana.shukran
SAWW. Mahadda Koowaad waa Alle (s.w.), Tan labaad Alshahid tan seddexaad NEPUSA. Waxaan halkaan ka codsnayaa Guddoomiyaha in uu igala soo xiriiro Email-ka ah chairman.scob@gmail.com. Waxaan rajeynayaa in wax badan kala faaideysan doono Insha Allahu. Salaamaat.